Juz'  30

 

An-Naba

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Maxay iska waydiinayaan (Gaaladu). (2) Warkii waynaa xaggiisa (Qiyayaamada ama Quraanka). (3) Ay isku diiddanaayeen. (4) Saas ma aha ee way ogaan donaan. (5) Haddana way ogaandoonaan (wa xa ka dhaca). (6) Miyaannaan Dhulka gogol ka yeelin. (7) Buurahana Rukummo (ka yeelin). (8) Miyannaan idinka Abuurina Noocyo. (9) Miyannaan Hurdada Raaxo idiinka dhigin. (10) Miyaannaan Habeenka asturaal idiinka dhigin. (11) Miyaannaan Maalinta waqti shaqo idiinka dhigin. (12) Korkiinna miyaannaan ka dhisin Tooddoba xoog leh. (13) Miyaannaan dhexdeeda yeelin Sirraad aad u ifi (Qorraxda). (14) Waxaan idiinka soodajinnay daruuraha biyo badan. (15) Si aan ugu soo bixinno Midho iyo Daaq. (16) Iyo Beero kulansan (badan). (17) Maalinta kalabuxu waxay leedahay waqtu go'an. (18) Waana Maalinta Suurka la afuufi ood u imanaysaan Kooxo. (19) Samadana waa la furi waxayna yeelan Albaabo. (20) Buurahana waa la kaxayn waxayna noqon Dhalanteed. (21) Naarta Jahannamana waxay u darbantahay. (22) (Gaalada) Xadgudbay meelay u noqdaan. (23) Waxayna ku nagaan Dhexdeeda Sanooyin. (24) Mana ku dhadhamiyaan dhexdeeda qabaw (ama Hurdo) ama Cabbid midna. (25) Waxaan ahayn biyo kulul iyo Dhacaanka (ehlu Naarka). (26) Waxaana lagu abaalmariyay si waafaqsan Camalkoodii. (27) Waxayna ahaayeen kuwa aan ka yaabaynin xisaab. (28) Waxayna beeniyeen Aayaadkannaga. (29) Wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab. (30) Ee dhadhamiya Caddibaad Gaalooy waxaan caddibaad ahayn idiin kordhinmaynee. (31) Kuwa Eebe ka dhawrsada waxay leeyihiin liibaan. (32) Beero iyo Cinabyana way heli. (33) Waxayna Guursan Haween da'yar oo isle eg. (34) Waxayna heli Cabbid wanaagsan. (35) Jannada kuma dhexmaqlaan hadal macna la'aan ah iyo is beenin midna. (36) Waa abaalmarin Eebe uu siiyay oo ku filan. (37) Eebaha Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhexeeya waa Allaha Raxmaan ah, Hadal wax ku soocelinna ma jiro (Qiyaamada). (38) Maalinta Jibriil iyo Malaa'igtu Saf istaagi wax hadli ma jiro Ruux Eebe idmo mooyee oo Hadal xaq ah ku hadla. (39) Maalintaasi waa sugantahay ee Ruuxii doona Eebe xaggiisa meeluu ku noqdo ha ka samaysto. (40) Waxaannu idiinka digaynaa Cadibaad dhaw Maalinta uu arki Ruux walba waxay Gacmihiisu hor marsadeen, Gaalkuna uu dhihi Shallaytadaydee maan Carro noqdo.

 

An-Naazi'aat

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Eebe wuxuu ku dhaartay Malaa'igta Nafta si daran uga siibta (gaalada). (2) Iyo tan si fudud uga qaadda (mu'miniinta). (3) Iyo Malaa'igta Hawada Dabbaalata (si amar fulin). (4) Iyo tan u orotanta wanaagga. (5) Iyo kuwa Maamula amarka (Eebe). (6) Maalinta ay gilgilan afuufka (hore). (7) Oyna raaci tii dambe (waa sugantahay). (8) Qalbiyaduna Maalintaa way cabsan. (9) Araggeeduna wuu dullaysnaan. (10) Waxayna dhihi (Gaaladu) Ma raadkiibaa naloo celin (Adduunkii). (11) Markaan noqonno Lafo duugoobay. (12) Waxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah. (13) Waa uun Hal Qaylo kaliya. (14) Dadkuna markaas ay Dhulka kor iman. (15) Ma ku soo gaadhay warkii (Nabi) Muuse. (16) Markii Eebe uga yeedahy Toggii barakaysnaa ee Dhuwa. (17) Kuna yidhi u tag Fircoon wuu xadgudbaye. (18) Oo ku dheh ma rabtaa inaad daahir noqotid. (19) Oon Eebe Jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid. (20) Wuxuuna tusiyay (Nabi-Muuse) Aayad wayn. (21) Wuuse beeniyay oo caasiyay (Fircoon). (22) Wuuna jeedsaday isagoo xumaan la socda. (23) Wuxuuna kulmiyay (Askartii) una Qaylyay. (24) Isagoo dhihi waxaan ahay Eebihiinna sare. (25) Markaasaa Eebe Ciqaabay Aakhiro iyo Adduunba. (26) Arrintaasna waano yaa ugu sugan Ruuxii Eebe ka yaabi. (27) Ma idinkaa daran abuuridda masc Samada Eebaa dhisay. (28) Korna yeelay jurmigeeda ekeeyayna. (29) Habeenkeedana madoobeeyay Maalinteedana soo bixiyay (Ifiyay). (30) Dhulkana markaas ka dib fidiyay. (31) Biyahiisa iyo Daaqiisana soo bixiyay. (32) Buurahana sugay. (33) Si aad idinka iyo Xoolihiinnu ugu nacfidaan. (34) Markay timaaddo Musiibadii waynayd (qiyaamadu). (35) Maalintaas Dadku way xusuusan waxay faleen. (36) Naarta Jaxiimana waxaa loo muujin Ruuxii Arki. (37) Ruuxiise xadgudba. (38) Nolosha Adduunyana doorta. (39) Wuxuu ku dheelman Naarta Jaxiimo. (40) Ruuxiise ka yaaba la kulanka Eebe Naftana ka reeba Hawada (xun). (41) Wuxuu u dheelman Janno. (42) Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamaha) markay sugnaan. (43) Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda. (44) Eebe umbuu ku dhammaan ogaansheheedu. (45) Adugu waxaad tahay uun u digaha Ruuxii ka yaabi. (46) Waxay la mid noqon Malintay arkaan (Qiyaamada) yagon nagaanin Galab iyo Barqin mooyeen (Addunka).

 

Abasa

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Wajiguu u uruuriyay oo jeedsaday (Nabigu). (2) Inuu u yimid kii Indhaha la'aa. (3) Miyaad ogtahay inay u dhawdahay inuu hanuuno oo Daahir noqdo. (4) Ama uu xusuusto oy xusuustu anfacdo. (5) Ruuxiise is deeqtoonaysiiya (islana waynaada). (6) Ma; Adaa u bambixi. (7) Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin. (8) Ruuxiise kuu yimaadda isagoo dagdagi. (9) Oo Eeba ka yaabi. (10) Miyaad ka shuqloomi. (11) Saas ma; aha ee Aayadahani waa waano. (12) Ruuxii doonana wuu ku waana qaadan. (13) Waxay ku sugantahay (waanadu) Kutub Sharaf leh. (14) Oo la kor yeelay lana Daahiriyay. (15) Oy Gacanta ku hayaan Malaa'ig (wax qorta). (16) Sharafna leh oo baarri ah. (17) Gaalo halla lacnado Gaalnima badanaa. (18) Muxuu Eebe ka abuuray kuwaas. (19) Dhibicbuu ka abuuray wuuna ekeeyay. (20) Jidkana wuu u fudaydiyay. (21) Markaasuu dilaa Qabrina ku Asturaa. (22) Markuu doonana wuu soo bixin. (23) Saas ma; aha (ee Dadku) wixii la faray ma yeelin. (24) Dadku ha fiiriyo Cuntadiisa. (25) Inaan Roob ku soo shubno. (26) Dhulkana markaas aan jeexno. (27) Kana soo bixinno Midho. (28) Iyo cinab iyo Daaqa (Xoolaha) (29) Iyo Zeytuun iyo Timir. (30) Iyo Beerow waawayn. (31) Iyo Faakiho (khudaar) iyo Daaq. (32) Si aad ugu intifaacdaan idinka iyo xoolihiinnu. (33) Markay Qayladii darrayd timaaddo (Suurka). (34) Waa maalinta Ruuxu ka carari Walaalkiis. (35) Iyo Hooyadiis Iyo Aabihiis. (36) Iyo Haweeneydiisii iyo Carruurtiisii. (37) Ruux walbana Maalintaas waxaa shuqlin xaalkiisa. (38) Wajiyaal Maalintaas way Nuuri (Farxi). (39) Wayna Qosli oy bishaaraysan. (40) Wajiyaalna Maalintaas waxaa ka muuqan Dulli. (41) Waxaana dabooli Madow (iyo naxdin). (42) Kuwaasina waa Gaalada Faasiqiinta ah (aadna u xun).

 

At-Takwir

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Marka qorraxda la duubo (Qiyaamada). (2) Xiddiguhuna daataan (iyagoo Madow). (3) Buurahana la kexeeyo (La rujiyo). (4) Geelii rimmanaana la halleeyo. (5) Dugaaggana la kulmiyo (Qisaas darteed). (6) Badahana la kululeeyo. (7) Naf walbana Jidhkeedii lammaaneeyo. (8) Gabdhihii la xabaalnololiyayna la warsado. (9) Maxaa dambi ah oo loo dilay. (10) Kutubta (camalkana) la fidiyo. (11) Samadana la rujiyo. (12) Naarta Jaxiimana la huriyo. (13) Jannadana la dhaweeyo. (14) Waxay ogaan nafu waxay camal fashay. (15) Waxaan ku dhaartay «huu Eebe yidhi» Xiddigaha Qarsooma (Maalintii). (16) Ee socda iftiinka Qorraxdana ku qarsooma. (17) Iyo Habecnku markuu jeedsado. (18) Iyo subaxu markuu soo qaabilo. (19) Ee Quraanku waa hadalka Eebe, Soona raray Malag sharaf lah. (20) Xoogna leh Eeba agtiisana Daraja ku leh. (21) Laguna addeeco halkaas aaminna ah. (22) Saaxiibkiinna (Nabiguna) ma aha ku waalan. (23) Horaybuuna ugn arkay Jibriil Jahadii Caddayd (Bariga Maka). (24) Nabiguna ma aha Ruux lugu shakiyo waxa Maqan. (25) Qaraankuna ma aha hadal shaydaan la fogeeyay. (26) Ee xaggeed Gaalooy aadaysaan. (27) Quraankuna waxaan waanada caalamka ahayn ina aha (waa waano). (28) Ruuxii doona inuu toosnaado (yuuna u yahay). (29) Waxna ma dooni kartaan in Eebaha Caalamku doona mooyec.

 

Al-Infitaar

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Markay Samadu Dildillaacdo. (2) Xiddiguhuna daataan. (3) Badahana laysku furo. (4) Xabaalahana la soo bixiyo (Dadkii). (5) Waxay ogaan nafu waxay hor marsatay iyo waxay dibmarisay. (6) Dadow maxaa kugu kadiyay Eebahaaga sharafta leh. (7) Ee kii ku abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay. (8) Siduu doonana kuu sameeyey. (9) Saas ma aha ee waxaad beeninaysaan abaal marinta. (10) Malaa'ig baana idin ilaalinaysa. (11) Oo sharaf leh waxna qori. (12) Ogna waxaad falaysaan. (13) Kuwa wanaagsani waxay gali Naciima. (14) Kuwa xun Xunna waxay gali Jaxiimo. (15) Wayna ku guban Maalinta abaalmarinta. (16) Kamana maqnaadaan Naarta. (17) Maalinta abaalmarinta ma taqaannaa. (18) Haddana ma taqaannaa Maalinta abaalmarinta. (19) Waa Maalinta ayna u hanannin Nafna Naf kale waxba, Amarkana Maalintaas waxaa iska leh Eebe.

 

Al-Mutaffifin

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Wuxuu Halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya. (2) Waa kuwa markay miisina oofsada (dhammaystirta). (3) Markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya. (4) Miyayna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin. (5) Maalin wayn darteed (Qiyaamada). (6) Maalinta Dadku u istaagi Eebaha Caalamka. (7) Saas ma aha ee Camalka kuwa xun wuxuu ku Qoranyahay Sijiin. (8) Ma taqaannaa Sijiin. (9) Waa Kitaab calaamaysan. (10) Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa beeniya (xaqa). (11) Ee ah kuwa beeniya Maalinta abaal marinta. (12) Waxaana beeniya xaqa mid xad gudba oo dambiila ah. (13) Marka Quraanka lagu akhriyana yidhaahda waa warkii Dadkii hore. (14) Saas ma aha ee waxaa fuulay Qalbigooda (mirdhiyay) waxay kasbanjireen oo Dambi ah. (15) Waxaa sugan in Eebohood Maalintaas (Qiyaame) laga xijaabi. (16) Markaasna ay gali Jaxiimo. (17) Waxaana loo odhan tani waa Naartaad ku beeninayseen Adduunka. (18) Saas xaalku ma aha ee Kitaabka iyo Camalka Dadka Wanaagsan wuxuu ku Quranyahay Cilliyiin. (19) Cilliyiin ma taqaannaa. (20) Waa Kitaab la Calaameeyay (oo Dadka fiican magaciisa lagu qoro. (21) Waxaana Gacanta ku haya Malaa'ig Eebe u dhaw. (22) Kuwa wanaagsan waxay gali Naciima (Janno). (23) (Maalinta Qiyaamana) Sariiro yay ku dangiigsanaan oy wax ka daawan. (24) Wajigooda waanad ka garan Nicmada. (25) Waxaana laga waraabin cabbid la dhawray (oo macaan). (26) Waxaana lagu khatimaa Miski iyo udgoon, ee Arrintaas ha u tartameen Tartamayaashu. (27) Waxaana lagu dheehi Cabbitaan. (28) Waa Il ay ka cabbaan kuwa Eebe u dhaw. (29) Kuwii Dambaabay (Gaaloobay) waxay ahaayeen kuwa ku qosla kuwii xaqa rumeeyay. (30) Haday maraanna way xaqirijireen. (31) Markay Guryahoodii u noqdaanna (gaaladu) waxay noqonjireen iyagoo isla Wayn (oo raaxaysan). (32) Markay arkaan Mu'miniintana waxay dhahaan kuwaasi waa dhunsanyihiin. (33) Loomana dirin inay ilaaliyaan Mu'miniinta. (34) Maalinta (qiyaame) kuwa rumeeyay xaqa waxay ku qosli gaalada. (35) Sariiro korkood yayna wax daawan. (36) Miyaan laga abaalmarinnin Gaalada waxay falayeen. (waa laga abaalmariyay).

 

Al-Inshiqaaq

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Marka Samadu jeexjeexanto (qiyaamada). (2) Oy Eebe Addeecdo waana xaq addeeciddiisunee. (3) Marka dhulka la fidiyo (qiyaamada). (4) Oo uu soo tuuro waxa ku hoos jira, kana madhnaado. (5) Oos Eeba Addeeco waana xaq adeeciddaasina. (wuxuu la kulmi Ruuxwalba Camalkiisa). (6) Dadow waxaad u dhibboon ood u camalfali xagga Eebe, waadna la kulmi. (7) Ruusiise Kitaabkiisa (fiican) Midigta laga siiyo (waa mu'minkee). (8) Waxaa la xisaabin xisaab fudud. (9) Wuxuuna ku noqon Ciddiisii (Jannada joogtay) isagoo faraxsan. (10) Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo gadaashiisa (waa Dadka xune). (11) Wuxuu u yeedhan Halaag. (12) Wuxuuna gali Naarta Saciira. (13) Maxaa yeelay Markuu dadkiisii dhexjoogay yuu kabirsanaa (Adduunkii). (14) Wuxuuna malaynhayay inuusan Eebe u soo noqonaynin (qiyaame). (15) Saas ma ahee Eebe waa arkaa. (16) Waxaan ku dhaartay «buu yidhi Eebe» Midabka Qorrax dhaca. (17) Iyo Habeenka iyo wuxuu qariyay. (18) Iyo Dayaxa markuu Nuurku buux Samo. (19) Ee Dadkow waxaad koraysaan xaalado kala duwan/ (20) Dadka maxaa u sugnaaday oy la rumaynwaayeen (xaqa). (21) Marka Quraanka lagu akhriyana ayna u sujuudaynin. (22) Saas ma ahee kuwa Gaaloobay waxay beenin (xaqa). (23) Eebana waa ogyahay waxay qarsan. (24) Ugu bishaaree caddibaad daran. (25) Hase yeeshee kuwa rumeeyay xaqa camalfiicanna falay waxay mudan Ajri aan go'aynin.

 

Al-Burooj

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Eebe wuxuu ku dhaartay Samada Xiddigaha leh (iyo Jidadkooda). (2) Iyo Maalinta laysu yaboohay (qiyaamada). (3) Iyo Dadka joogsan Maalintaas iyo waxayaalaha iman Maalintaas. (4) Ee Lacnadi ha ku dhacdo kuwii Godka lahaa (Mu'miniinta lagu cadibo). (5) Ee ahaa Naar olal (iyo shidaal) leh. (6) Gaaladiina ay korfadiyeen Godka. (7) iyagoo daawan waxa lagu fali Mu'miniinta «oo Jirrabaad ah». (8) Waxay ku neceen Dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo. (9) Ee leh Samada iyo Dhulka xukunkooda, Eebana wax walba wuu u jeedaa. (10) Kuwa Mu'miniinta Rag iyo Haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan Caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubi. (11) Kuwa xaqa rumeeyey Camalfiicana falay waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, taasina waa liibaan wayn. (12) Qabashada Eebana (Ciqaabtiisu) way darantahay. (13) Eebe isagaa khalqiga ahaysiiyay soona celin. (14) Waana dambidhaaf badane jecel (kuwa addeeca). (15) Carshiga sharafta lahna isagaa iska leh. (16) Wuuna falaa wuxuu doono. (17) Ma ku soo gaadhay warkii Junuuddii (Gaaladii). (18) Fircoon iyo Thamuud. (19) Hase yeeshee kuwii Gaaloobay waxay ku suganyihiin beenin (xaqa). (20) Eebana waa koobay (kamana baxsadaan). (21) Waase Quraan sharaf leh. (22) Oo ku Qoran Ioox la dhawray (looxulmaxfuudka).

 

At-Taariq

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Eebe wuxuu ku dhaartay Samada iyo Xiddigga guura. (2) Ma taqaan Xiddigga guura. (3) Waa Xiddig ifa. (4) Ee Nafwalba waxaa kor jooga ilaaliye (Malag). (5) Ee Dadku ha dayo waxa laga abuuray. (6) Waxaa laga abuuray Biyo booda. (7) Kana soobaxa Dhabar iyo laab dhexdood. (8) Eebana waa karaa soo celinta Dadka (qiyaamada). (9) Maalinta la imtixaani waxa (Laabta) ku qarsoon. (10) Dadkuna Xoog ma leh (Maalintaas) iyo wax u gargaaara midna. (11) Eebana wuxuu ku dhaartay Samada Roobka leh. (12) Iyo Dhulka jeexma (waxna ka soo baxo). (13) Ee Quraanku waa hadal wax kala bixiya (wanaagga iyo Xumaanta). (14) Ciyaarra ma aha (ee waa dhab). (15) Gaaladu waxbay dhakri. (16) Annaguna waanu kaydi (Abaalmarin). (17) Ee u sug Gaalada wax yar.

 

Al-A'laa

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Waynee Magaca Eebe ee Sarreeya. (2) Eebaha abuuray khalqiga ekeeyayna. (3) Eebaha wax walba qaddaray Jidkana tusiyey. (4) Eebaha soo bixiya Daaqa. (5) Kana dhiga markaas ka dib caws ingagagan oo Madow. (6) Waxaan kuu akhriyaynaa Quraanka halmaaminamaysid. (7) Wuxuu Eebe doono mooyee, Eebana waa ogyahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba. (8) Waxaana kuu fududaynhaynaa Waddo fiican. (9) Ee wax waani (Nabiyow) markay wax tari waanadu. (10) Waxaa waantoobi Ruuxa Eebe ka yaabee. (11) Waxaana ka fogaan waanada Ruuxa xune. (12) Ee ah mid gali Naar wayn. (13) Oon kuna dhimanayn dhexdeeda kuna noolanayn. (14) Waxaana liibaanay Ruuxii Daahir noqda. (15) magaca Eebana Xusa, Salaaddana tukada. (16) Saas ma'aha ee Dadku wuxuu doortay nolosha Adduunyo ee dhaw. (17) Aakhiraase khayr badan baaqina ah (hadhi). (18) Arrintaasuna waxay ku sugantahay Kutubtii hore. (19) Kutubtii (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Muuse.

 

Al-Ghaashiya

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Ma ku soo gadhay Qiyaamada warkeedii. (2) Wajiyaal Maalintaas way dullaysnaan. (3) Waxayna qaban Shaqo dhib ah. (4) Waxayna gali Naar kulul. (5) Waxaana laga waraabin il kulayl daran. (6) Wax cunto ahna kama helaan oon ahayn cunno xun (oo wax dhibta). (7) Taasoon waxna cayilinhaynin Gaajana wax ka taraynin. (8) Wajiyaalna maalintaas way Nicmaysnaan (Waa mu'miniinta). (9) Waxayna ka raalli noqotay camalkeedii. (10) Janno sarana way gali. (11) Kumana maqasho Jannada hadal macna darro. (12) Waxaana ah dhexdeed il socota. (13) iyo Sariiro la koryeelay. (14) Iyo koobab la hor dhigay (ehlu Jannaha). (15) Iyo Barkimooyin la safay. (16) Iyo gogol la fidiyay. (17) Miyayna fiirinaynin sida Deela loo abuuray. (18) Iyo sida Samada loo koryeelay. (19) Iyo sida Ruuraha loo taagay, (20) Iyo sida dhulka loo fidiyay. (21) Ee Waani dadka waxaad tahay waaniyee (Nabiyow). (22) Mana tihid mid xoog ku leh (qasab). (23) Hase yeeshee Ruuxii xaqa ka jeedsada oo Gaalooba (ku soo celi xaqa). (24) Eebana wuu caddibi Caddibaadda u wayn. (25) Xagganagayna u soo noqon (khalqigu). (26) Annagaana xisaabin.

 

Al-Fajr

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Eebe wuxuu ku dhaartay Waabariga. (2) Iyo Habenanada Tobanka ah (Arrafo). (3) Iyo Tirada siman iyo tan is dheer. (4) Iyo Habeenku markuu tagayu. (5) Miyayna arrintaasu ahayn wax loogu dhaarto Qof caqli leh. (6) Ma ku soo Gaadhay sida Eebahaa ku falay Caad. (7) Ee ahaa Irama xooggana lahaa. (8) Wax la mid ahna aan iugu abuurin dhulka. (9) Iyo Thamuud-kii ahaa dhagaxa kuwa ku jarjara Waadiga. (10) lyo Fircoonkii dhakawyada lahaa. (11) kuwiina ahaa ku xadgudbay dhulka. (12) 12 Kuna badiyay dhexdiisa fassaadka. (13) Markaasaana Eeba ku shubay Caddibaad daran. (14) Maxaayeelay Eebe waa u darbanyahay (abaalmarinta). (15) Marks Eebe Dadka imtixaano xoolana ugu nicmeeyo wuxuu dhihi (kan xun) waa lai sharrifay (isagoo faani). (16) Haddiise Eebe imtixaano oo Xoolaha ku yareeyo wuxuu dhihi Eebaa i dulleeyay. (17) Saas ma aha ee waxaydaan dhaqaalaynayn Agoonka. (18) Mana fartaan in masaakiinta wax la siiyo. (19) Waxaadna aad u cuntaan dhaxal xaq darro. (20) Xoolahana waxaad u jeceshihiin si daran. (21) Saas ma aha ee marka dhulka la burburiyo. (22) Eebe iyo Malaguna la yimaaddo amarkiisa Malaa'igtoo safan. (23) Naarta Jahannamana Maalintaas la keeno, Dadku waxay xusuusan waxay faleen, Maxayse xusuusi tari. (24) Waxay dhihi shallaytee maan wanaag hormarsado. (25) Malintaas sida Eebe wax ruux u Cadaabi ma jiro. (26) Wax sida Eebe wax u xidhina ma jiro. (27) Naftase xaqa rumaysay ee Xasillooneey. (28) U noqo Eebaha adoo raalli ah lagana raalli noqday. (29) dhexgalna Addoomadayda (wanaagsan). (30) Galna Jannadayda.

 

Al-Balad

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Eebe wuxuu ka dhaaran Magaalada «Makaad ee Sharrifan». (2) Ood Nabiyow daggantahay dhexdeeda. (3) Iyo Nabi Aadam iyo carruurtiisa «Dadka». (4) Ee Eebe Dadka wuu Abuuray iyagoo dhib iyo shaqo (Adduunka kala kulmi). (5) Ma waxayse u maleeyeen inaan cidna awood ku lahayn (dadku). (6) Dadka (Gaalada) waxay odhan waxaan bixiyey xoolo badan (si xaqa loo horjoogsado). (7) Ma wuxuu u maleeyay (xaq diiduhu) inaan cidna arkaynin. (8) Miyaannaan u yeelin Laba indhood. (9) Iyo Carrab iyo Laba bishimood. (10) Oo miyaannaan u caddaynin Labada Jid (khayrka iyo sharka). (11) Ee Dadku muu jiidho Jiirta. (12) Ma taqaannaa Jiirta. (13) Waa qoor la xoreeyo. (14) Iyo cunno la siiyo maalin gaajo. (15) Agoon kuu dhaw. (16) Ama Miskiin Dhulka ku dhagay (dhibaato darteed). (17) Markaas la noqdo kuwa Rumeeyay xaqa, isuna dardaarma Samirka, isuna dardaarma naxariista. (18) Kuwaasina waa kuwa Midigta mari. (19) Kuwaka Gaaloobayse Aayaadkannaga waa kuwa jidka xun mari. (20) Waxaana lagu dabooli Naar.

 

Ash-Shams

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Eebe wuxuu ku dhaartay Qorraxda iyo Barqinkeeda. (2) Iyo Dayuxu markuu Qorraxda raaco. (3) Iyo Maalintu markay ifiso. (4) Iyo Habeenku markuu daboolo (madoobaado). (5) Iyo Samada iyo say u dhisantahay. (6) Iyo Dhulka iyo suu u fidsanyahay. (7) Iyo Nafta iyo sida Eebe u ekeeyay. (8) Una tusiyay Jidka xun iyo ka Eebe kayaabiddaba. (9) Ee waxaa liibaanay Ruxii Naftiisa Daarhiriya. (10) Waxaana khasaaray Ruuxii Naftiisa xumaan dhex galiya. (11) Thamuud waxay beeniyeen (xaqii) kibir dartiis. (12) Marku tagay koodi xumaa (si uu hasha u dilo). (13) Oo Rasuulkii Eebana ku yidhi, iska daaya Hasha Eebe iyo Cabbideeda. (14) Wayna beeniyeen Rasuulkii Hashiina way Dileen markaasaa Eebe si daran u caddibay Dambigooda dartiis. (15) Isagoon Eebe ka yaabaynin cidhib (iyo wax yeello)

 

Al-Lail

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Eebe wuxuu ku dhaartay Habeenku markuu wax qariyo. (2) Iyo markay Maalintu Muuqato (ifto). (3) Iyo Abuuridda Dadka Lab iyo dhaddigba. (4) In Camalkiinnu (dadow) kala duwanyahay. (5) Ruuxiise bixiya (xuquuqda) Eebana ka dhawrsada. (6) Rumeeyana tii wanaaga badnayd (ciwal). (7) Waxaanni u fududaynaa wanaagga (iyo Jidka fiican). (8) Ruuxiise ku bakhayla Xoolaha isna deeqtoonaysiiya «iskibriya». (9) Reeniyana Tii wanaaga badnayd (ciwal). (10) Waxaan u fududaynaa Jidka xun. (11) Xoolihiisuna wax uma taraan markuu halaagsamo. (12) Annagaa wax hanuuninna. (13) Aakhariyo Addunbana Annagaa iska leh. (14) Waxana idiinka digaynaa Naar kulayl daran. (15) Oosan galaynin Ruux xun mooyeen. (16) Oo xaqa beeniyay jeedsadayna. (17) Waxaana ka fogaada (galidda naarta) Ruuxii Eeba ka dhawrsada. (18) Ee bixiya Xoolihiisa si uu u daahirnoqdo. (19) Ruux wax ugu nicmeeyayna oo abaalmarinna ma uusanjirin. (20) Ee Wuxuu u bixin dar Eebaha sareeya. (21) Wuuna raalli noqondoonaa Ruuxaasi.

 

Ad-Dhuhaa

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Eebe wuxuu ku dhaartay Barqinka. (2) Iyo Habeenku markuu xasilo (Madoobaado). (3) Inaan Eebe ka tagin Nabiyow kuuna cadhoonin. (4) Aakharana kaaga khayr badan Aduunka. (5) Eebaana ku siindoona (wanaag) waadna raalli noqon. (6) Miyuusan ku helin Eebahaa Adigoo Agoon ah oosan ku dhawaynin. (7) Miyuunase ku helin Adigoo baadi ah oosan ku hanuuninin. (8) Miyuunase ku helin Adigoo caydhi ah oosna ku hodminin (kuu waxyoonin). (9) Ee Agoonta ha xoogin (hana dhihin). (10) Ka wax su'aalina ha canaanan. (11) Nicmada Eebahaana ka sheekee (ku mahadi).

 

Ash-Sharh

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Miyannaan kuu waasicinin Laabta (ku nuurinin). (2) Oonaan ka dajinin culayskii. (3) dhabarka kaa cusleeyay. (4) Miyaannaan kor yeelin magacaaga (xusiddaada). (5) Cidhiidhina waxaa ku dhaw fudayd (faraj). (6) Cidhiidhina waxaa ku dhaw fudayd. (7) Ee markaad Salaadda dhammayso isku dhib (Samo fal). (8) Eebana (Khayr) ka rajee.

 

At-Tin

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Eebe wuxuu ka dhaartay Tiinka iyo Zeytuunka. (2) Iyo Dhuuri Siina. (3) Iyo Magaaladan Aaminka ah (Maka). (4) Ee waxaana ku abuurray Dadka Muuqal toosan. (5) Kaddibna waxaan u celinaynaa hoos (gabow dartiis). (6) Hase yeeshee kuwa rumeeyey xaqa camalwanaagsanna falay, waxay mudan Ajri aan go'aynin. (7) Ee Maxaa Gaalada u sababay beeninta Qiyaamada intaas ka dib. (8) Miyuusan Eebe ahayn kan ugu xukun wanaagsan. (Eebaa xukun wanagsan).

 

At-Tin

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Eebe wuxuu ka dhaartay Tiinka iyo Zeytuunka. (2) Iyo Dhuuri Siina. (3) Iyo Magaaladan Aaminka ah (Maka). (4) Ee waxaana ku abuurray Dadka Muuqal toosan. (5) Kaddibna waxaan u celinaynaa hoos (gabow dartiis). (6) Hase yeeshee kuwa rumeeyey xaqa camalwanaagsanna falay, waxay mudan Ajri aan go'aynin. (7) Ee Maxaa Gaalada u sababay beeninta Qiyaamada intaas ka dib. (8) Miyuusan Eebe ahayn kan ugu xukun wanaagsan. (Eebaa xukun wanagsan).

 

Al-Alaq

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Wax ku akhri Nabiyow Magaca Eebe ee abuuray (khaliqiga). (2) Dadkana ka abuuray Calaq. (3) Akhri Eebana waa kan Sharafta lehe. (4) Ee Dadka baray sida Qalinka wax loogu qoro. (5) Dadkana baray waxayna aqoonin. (6) Saas ma aha ee Dadku (Gaaladu) waa gudbeen. (7) Markuu isku ogaaday Hodontinnimo. (8) Eebaha xaggiisaase loo noqon. (9) Ka warrama midka ka reebaya. (10) Addoon (Eebe) oo tukan Salaadda. (11) Bal ka warrama hadduu ka laga reebi hanuunsanyahay (waa Nabiga). (12) Ama uu fari Eeba ka yaabid. (13) Balse ka warrama hadduu midka wax ka reebi uu beeniyay (xaqa) kana jeedsaday (waa AbuuJahal iyo wixii la mid ahe). (14) Miyuusan ogayn in Eebe arko. (15) Saas ma aha ee hadduusan joogin waxaannu qaban Foodda. (16) Food beenaleey ah ghafna badan. (17) Ha u yeedho gargaarihiisa. (18) Waxaanu u yeedhi Malaa'ig darane. (19) Saas ma aha ee warkiisa ha maqlin Sujuudna una dhawow (Eebe).

 

Al-Qadr

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Annagaa soo dajinnay Quraanka Habeenka LaylatulQadarka ah (sharafta leh). (2) Ma taqaanna LaylatulQadarka. (3) Waa Habeen ka khayr badan Kun Bilood (oo kale). (4) Waxaana soo daga Malaa'igta (kale) iyo Malaku Jibriil habecnkaas idanka Eebe dartiis iyo amarkiisa. (5) Waana Habeen nabadgalyo inta waagu ka haryi.

 

Al-Bayyina

Madinan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Ma aha Kuwii Gaaloobay ee ahaa ehlu kitaabka (Yahuud iyo Nasaara) iyo Gaaladii kuwo ka taga (xumaanta) intuu uga yimaaddo wax cad (xuja ah). (2) Oo ah Rasuul Eebc oo akhriyi Kutub daahir ah. (3) Oo xukun fiicani ku yaal. (4) Mona kala tagin Gaalada ehlu Kitaabka ah intuu uga yimaaddo xaq cad (xasad dartiis). (5) Dadkana waxaan Eebe caabudiddiisa ahayn lama farin iyagoo u kali yeeli Eebe Diinte, toosanna, Salaaddana oogi Zakadana bixin, Saasina waadiinta toosan. (6) Kuwa Gaaloobay oo ehlu Kitaabka ah iyo Gaaladii waxay gali Naarta Jahannama ayna Ini waari dhexdeeda, kuwaasina waa kuwa ugli sharbadan khalqiga. (7) Kuwa rumeeyayse xaqa Camalfiicanna falay kuwaasi waa kuwa ugu khayr badan khalqiga. (8) Abaalkooda ay Eebe agtiisa kii leeyihiin waa Jannooyin Nagaadi, dhexdeedana ay dureeri Wabiyaal ay kuna waari dhexdeeda waligood, Eebaa ka raalli noqday iyana way ka raali noqdeen, arrintaasna waxay u sugnaatay Ruusii Eeba ka yaaba.

 

Az-Zalzala

Madinan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Marka DHulka la gilgilo. (2) Dhulkuna soo bixiyo culaykiisii (wixii ku aasnaa). (3) Dadkuna (Gaaladuna) dhahaan maxay leedahay. (4) Maalintaas waxay ka sheekayn warkeeda. (5) Maxaayeelay Eebaa u waxyooday. (6) Maalintaas Dadku way soo bixi iyagoo kala tagsan (xagga Diinta iyo Camalkaba) si ay u arkaaan camalkooda. (7) Ruuxiise wax yaroo khayra fala wuu arki. (8) Kiise wax yar oo shar fala wuu arki.

 

Al-Aadiyaat

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Eebe wuxuu ku dhaartay Fardaha Jahaadka u orda iyagoo qaylyi. (2) iyo kuwa dabka Qoobkooda ku ifiya (guuraha). (3) Iyo kuwa Cadawga weerara Subaxdii. (4) Ee Boodhka kiciya. (5) Cadawgana dhexgala. (6) Ee Dadku Eebohood waa diideen. (7) Arrintaasna Dadku wuu ogyahay. (8) Dadkuna Xoola jacaylka waa ku daranyahay. (9) Miyuuna ogayn Marka Xabaalaha waxa ku jira la soo bixiyo. (10) Laabaha waxa ku qarsoonna la muujiyo. (11) In Eebohood Maalintaas ogyahay.

 

Al-Qaari'a

 

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Qaaricada (qalbiga garaacda). (2) Qaarica maxay tahay. (3) Mase taqaannaa Qaarico. (4) Waa Maalinta Dadku noqon sida Baalallay. (5) Buuruhuna ay noqon sida Suuf kala firdhay. (6) Ruuxiise miisaankiisa (fiican) cuslaado. (7) Wuxuu ku noolaan nolol raalli ah. (8) Ruuxiise uu fududaado Miisaankiisa (fiican). (9) Wuxuu u hoydaa (Naarta) Haawiya. (10) Ma taqaannaa Haawiya. (11) Waa Naar kulayl daran.

 

At-Takaathur

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Waxaa idin shuqliyay Dadow wax badsasho (iyo isu faanid), (2) Intaad Xabaalaha ka tagtaan (dhimataan). (3) Saas ma aha ee waad ogaandoontaan. (4) Haddana saas ma ehee waad ogaandoontaan (Faanka cidhibtiisa). (5) Haddaad dhab ahaan wax u ogtihiin (Waad dayn lahaydeen xumaanta). (6) Dhab ahaan baad u arkaysaan (Naarta) Jaxiima, (7) Ka dibna waxaad u arkaysaan Nartaas si yaqiin ah. (8) Waxaana laydin warsan Maalintaas Nicmadii.

 

Al-Asr

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Eebe wuxuu ku dhartay Waqtiga Casarka ah. (2) In Dadku khasaaro ku sugunyahay. (3) Marka laga reebo kuwa rumeeyay xaqa ee Camal fiican fala, isuna dardaarma xaqa, isuna dardaarma Samirka.

 

Al-Humaza

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Halaag Wuxuu u Sugnaaday xanle wax ceebeya oo Dhan, (2) Oo Xoolaha kulmiya (xaqana ku bixinin). (3) Ma wuxuu malayn in xoolihiisu waarin. (4) Saas ma aha ee waxaa lagu tuuri (Naarta) Xudhama. (5) Ma taqaannaa Xudhama. (6) Waa Naarta Eebe ee la huriyay. (7) Gubaysana Quluubta (Kulayl dartiis). (8) Waana lagu dabooli Naartaas Gaalada. (9) Tiraar la fidiyay yayna ahaan dhexdeeda.

 

Al-Fil

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Ma Ogtahay sida Eeba ku falay asaxaabtii Maroodiga «Colkii». (2) Miyaan Eebe ka yeelin dhagartoodii wax dhumay. (3) Oosan ku dirin korkooda Shimbiro kooxa ah. (4) Kuna tuuraysa Dhagaxyo la kululeeyay. (5) Markaas Eebe ka yeelay Bal la daaqay sidiis.

 

Quraish

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Caadaysigii Qureesheed. (2) Ay ka caadayeesheen Safarka Xagaaga iyo Jilaalka darteed. (3) Ha u caabudeen Eebeha Beydkan (Kacbada). (4) Eebahi ka quudiyay gaajo, kana aamingaliyay cabsi.

 

Al-Maa'un

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Ka warrama kan beenin Abaalmarinta (Qiyaamada). (2) Kaas xooga Agoonta (xageeda). (3) Aan kuna boorrinaynin quudinta miskiinka. (4) Waxaa halaag u sugnaaday kuwa tukan (waa Munaafiqiinta). (5) Ee haddana halmaansan Salaaddooda. (6) Dadkana is tusiya. (7) Una diida alaabta (Laysugu kaalmeeyo).

 

Al-Kawthar

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Annagaa ku Sinnay Nabiyow Waadi Janno (iyo khary badan). (2) Ee tuko Eebaha dartiis, waxna u gawrac. (3) Ruuxii ku necebna waa mid cidhib beelay.

 

Al-Kaafiroon

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Waxaad dhahdaa, Gaalooy. (2) Ma caabudayo waxaad caabudaysaan. (3) Idinna ma caabudaysaan Eebahaan caabudi. (4) Mana caabudin waxaad caabuddeen, (5) Idinkuna (hadda) ma caabudaysaan Eebahaan caabudi. (6) Idinkana Diintiina yaad leedihiin, Anna Diintaydaan leeyahay.

 

An-Nasr

Madinan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Markuu yimaaddo gargaarkii Eebe iyo Fatxiga (Furashada maka). (2) Ood aragtid Dadkoo Diinta Eebe u soo gali Kooxo. (3) U tasbiixso Eebe adoo ku mahadin Dambidhaafna waydiiso illen waa dambidhaaf badanee.

 

Al-Masad

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Waxaa khasaaray Gacmihii Abuulahab, halaagmayna. (2) Waxna uma tarin Xoolihiisii iyo wuxuu kasbadayna. (3) Wuxuuna gali Naar Olal leh. (4) Haweenaydiisii Qoryaha xambaari jirtayna (waxay gali Naar). (5) Luqunteedana waxaa la yeeli Xadhig Liif ah.

 

Al-Ikhlaas

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Waxaad dhahdaa (Nabiyow) Eebe waa Kali (wehelna ma leh). (2) Waana Sayid (deeqtoon). (3) Eebe wax ma dhalin, isna lama dhalin. (4) Wax la mid ahna ma jiro.

 

Al-Falaq

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Waxaad dhahdaa (Nabiyow) waxaan ka magangalay Eebeha Subaxa (abuuray). (2) Wixii shar leh sharkiisa. (3) Iyo Habeenka sharkiisa markuu madoobaado. (4) Iyo sharka Sixirrowga wax ku tufa guntimaha. (5) Iyo sharka Xaasidka wax Xasda.

 

An-Naas

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Waxaad dhahdaa «Nabiyow» waxaan ka magangeley Eebaha dadka barbaariya. (2) Ee dadka xukuma. (3) Ee ah Ilaaha dadka. (4) Sharka «iyo xumaanta» waswaasiyaha qarsoon. (5) Ee waswaasiya laabta «Qalbiga» dadka. (6) «Kuwaas wax waswaasinayna» oo ah jinni iyo insiba.