Juz'  9

 

(88) Waxay dheheen Madaxdii Iskibrisay oo Qoomkiisii ah waxaannu kaa Bixin Shucaybow adiga iyo kuwa ku Rumeeyey Magaaladanada ama waxaad ku soo Noqon Diintanada, wuxuuna yidhi oo haddaan Necebnahayna. (89) Waxaan ku Been abuuranay Eebe hadaan ku noqonno Diintiinna inta Eebe naga Koriyey ka dib, Nagumana habboona inaan ku Noqonno in Eebe Doono Mooyee, Illeen Eebaa Cilmigiisu waasac yahaye, waxaana talo Saarannay Eebe, Eebow Nagu kala Xukun Dhexdanada Xaq adaa Xaakim Khayr Roon ahe. (90) Waxayna Dheheen Madaxdii Gaalowday oo Qoomkiisii ka mida haddaad Raacdaan Shucayb waad Khasaarteen. (91) Waxaase qabtay Gariir waxayna ahaayeen kuwo Guryahoodii ku Dhintay (Iyagoo lagdan). (92) Kuwii Beeniyey Shucayb waxaad Mooddaa inayna ku Nagaanin Magaaladaas Dhexdeeda, kuwii Beeniyey Shucaybna iyaga umbaa Khasaaray. (93) Markaasuu isaga Jeedsaday oo yidhi Qoomkayow waan idin Gaadhsiiyey Fariintii Eebahay waana idiin Naseexeeyey ee sideen ugu walbahaari Qoom Gaala ah. (94) Magaalo Kasta oon Nabi u dirraba waxaan ku Qabanay EhelkeedaCudurro iyo Dhibaato inay Khushuueaan (oo Baryaan Eebe). (95) Markaasaan u Baddallaa meejii Xumaan (Dhibka) Wanaag (Khayr) intay ka Bataan oy Dhahaan waxaa taabtay Aabayaalkaanno Dhibaato iyo Farax, Markaasaan ku Qbannaa kado Iyagoon Ogayn. (96) Hadday Dadka Magaalooyinku Rumeeyaan (Xaqa) oo Dhawrsadaan waxaan ku Furi lahayn korkooda (Sii dayn lahayn) Barakada Samada iyo Dhulka, wayse Beeniyeen (Xaqii) Waana qabanay waxay kasbanayeen Dartiis. (97) Miyey ka aamin Noqdeen Dadka Magaaladu inuu u Yimaaddo Dhibkanaga Habeenkii iyagoo Hurda. (98) Miyeyse ka aamin yihiin Dadka Magaaladu inuu u Yimaaddo Dhibkanagu Barqinkii iyagoo Ciyaari. (99) Ma waxay ka aamin Noqdeen Dhibka Eebe, cid khasaartay yaa ka aamin Noqota Ciqaabta iyo Dhibka Eebe. (100) Miyeyna u Caddaanin kuwa Dhaxlaya Dhulka Ehelkiisa (Halaagiisa) ka dib haddaan doono Waan qaban lahayn Dambigooda Dartiis, oon Dabooli lahayn Quluubtooda oyna wax Maqlin. (101) Taasi waa Magaalooyinkii waxaana kaaga qisoonaynaa warkoodii, waxayna ula timid Rasuuladii Xujooyin mana ayan Rumayn Beenintooda darteed horay, saasuuna u Daabacaa Eebe quluubta Gaalada. (102) Kamaanaan helin badankooda Ballan, waxaanse ka hellay badankood iyagoo Faasiqiina. (103) Markaasaan la Bixinay Nabi Muuse Aayaadkanaga Xagga Fircoon iyo Qoomkiisii wayna Dulmiyeen (Diideen) ee day Siday Noqotay Cidhibtii Mufsidiinta. (104) Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Fircoonow Anagu Rasuul Eebaha Caalamkaan ahay. (105) Waxaana Dhab ah inaan Eebe ka Sheegayn waxaan Xaq ahayn, waxaana idiin la mid Xujo Eebihiin ee u daa Banii Israa'iil la Jirkayga. (106) Wuxuuna yidhi (Fircoon) haddaad la Timid Aayad keen haddaad Run Sheegi. (107) Markaasuu Tuuray Ushiisii markaasay soo Baxday iyadoo Mas Cad ah. (108) Wuxuuna Siibay Gacantiisii markaasay soo Baxday iyadoo u Cad Dadka Eegi. (109) Waxay dheheen Madaxdii qoomkii Fircoon ka mida kani waa sixirroow aad u yaqaanna. (110) wuxuuna Dooni inuu idinka Bixiyo Dhulkiinnaa ee Maxaad Faraysaan. (111) waxayna Dheheen dib u Dhig (Xaalkiisa) iyo Walaalkiis una dir Magaalooyinka kuwo soo kulmiya. (112) oo kuu Keena Sixir badane kasta aadna u yaqaanna. (113) Waxayna u Yimaaddeen Sixirlayaashii Fircoon waxayna Dheheen Ujuuro maleenahay haddaan annagu Adkaanno. (114) Wuxuuna yidhi haa, waxaadna noqonaysaan kuwa la soo Dhaweeyo. (115) Waxayna dheheen Muusow, ama Tuur ama aan tuurro. (116) Wuxuuna yidhi Tuura, markay Tuureenna waxay Sixreen Indhaha Dadka wayna Cabsi galiyeen waxayna la yimaadeen Sixir wayn. (117) Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse Tuur Ushaada, waxayna soo Baxday inay Cunto waxay Dhoobdhoobeen. (118) Waxaana Sugnaaday Xaqii waxaana Buray waxay Falayeen. (119) Waxaana lagaga Adkaaday Gaaladii halkaas, waxayna noqdeen iyagoo Dullaysan. (120) Waxaana loo riday Sixirlayaashii Sujuud. (121) Waxayna Dheheen waxaan Rumeynay Eebaha Caalamka. (122) Eebaha Muuse iyo Haaruun. (123) Wuxuuna yidhi Fircoon Miyaad rumeyseen Muuse, Idan ka hor, Arrintani waa Dhagar aad ku Dhagarteen Magaalada si aad uga Bixisaan Xaggeeda Dadkeeda, waad ogaan doontaan. (124) Waxaan u gooyn Gaemihiinna iyo Lugahiinna isdhaaf waana idin Wadhi Dhamaantiin. (125) Waxayna Dheheen Xagga Eebahanaa u Noqonaynaa. (126) Waxaad nagu nacayso oon ahayn inaan Rumaynay Aayaadka Eebahanno ma jiro, markay noo Timid, Eebow samir naga Buuxi na dilna anagoo Muslimiina. (127) Waxay Dheheen Madaxdii oo Qoonkii Fircoona ma ku Dayn Muuse iyo Qoomkiisa inay Fasaadiyaan Dhulka inuu ku daayo adiyo Cibaadadaada (iyo lLaahyadaada). wuxuuna yidhi waxaannu Dili Wiilashooda waxaannu dayn Gabdhahooda anagaana ka sarrayna oo Dullayn. (128) Muusana wuxuu ku yidhi Qoomkiisa Kaalmaysta Eebe, samrana Dhulka Eebaa iska leh wuxuuna dhaxalsiin Cidduu doono oo addoomadiisa ka mida, Cidhibta (Fiicanna) waxaa iska leh kuwa Dhawrsada. (129) Waxayna ku dhaheen waa nala Dhihay ka hor Imaatinkaaga iyo ka dib Imaatinkaaga, wuxuuna (Nabi Muuse) ku Yidhi waxay u Dhawdahay in Eebihiin halaago Cadawgiinna oo Dhulka idinku reebo si uu u Eego waxaad Fashaan. (130) Waxaan ku qabanay Fircoon Ehelkiisii Abaar iyo Nusqaan Midhaha inay wax Xusuustaan. (131) Hadduu Wanaag u Yimaaddo waxay Dhahaan anaa leh tan (Mudan), hadday Dhibaato ku Dhacdana waxay aharaystaan Muuse iyo inta la jirta, Baaskoodu wuxu uun jiraa Eebe Agtiisa, badankooduse ma Oga. (132) Waxayna dheheen wax kasta oo aayad ah ood noola timaaddo inaad nagu Sixirlo anagu kuma rumaynayno. (133) Markaasaan ku Dirray Daad, Ayax, injir iyo: Rah iyo Dhiig aayaad Cad iyagoo ah, wayna. iskibriyeen waxayna ahaayeen Qoom Dambiilayaal ah. (134) Markuu ku Dhacay korkooda Cadaabku waxay dheheen Muusow noo Bari Eebahaa wuxuu kugula Ballamay, haddaad naga fayddo Cadaabka waannu ku Rumayn, waxaana la diri (u dayn) la jirkaaga Banii Israa'iil. (135) Markaan ka faydnay Cadaabkii lan iyo Muddo ay Gaadhayaan yey ahaadeen kuwo Buriya (Ballankii). (136) Waan ka aarsannay Gaaladii waxaana ku Maanshaynay Badda Illeen waxay beeniyeen Aayaadkanaga, wayna Halmaameen. (137) Waxaana Dhaxalsiinnay Qoomkii ahaa kuwa lagu Dullaysto Bariga Dhulka iyo Galbeedkiis (Masar iyo Shaam) een barakaynay Dhexdiisa, wayna u Dhammaatay Kalimada (Yaboohii) Eebahaa ee wanagsanaa Banuu Israa'iil samirkoodii Dartiis. waxaana Baabi'inay wuxuu Samaynayey Fircoon iyo Qoomkiisii iyo waxay Dhisayeeen. (138) Waxaana Tallaabinay Banuu Israa'iil baddii waxayna u Yimaadeen Qoom ku Nagi Sanamyadoodii markaasay dheheen Muusow Nooyeel Ilaah siday iyaba Ilaahyo u yeesheen wuxuuna ku Yidhi idinku waxaad tihiin Qoom Jaahiliina. (139) Kuwaas waa lagu Halaagi waxay ku suganyihiin waana Baadhil waxay fali. (140) Wuxuu yidhi ma wax Eebe ka soo hadhay yaan Ilaahnimo idiinka doonaa isagoo Caalamkan (Jooga) idinka Fadilay. (141) Xusuusta markaan idinka Korinay Fircoon Dadkiisii iyagoo idin dhadhansiiyey Cadaab Xun, oo laynayey Wiilashiinna daynayeyna Gabdhihiinna, Arrintaasna waxaa ku Sugan Ibtilo Eebihiin Xaggiisa ka ahaatay oo wayn. (142) waxaan u yaboohnay Nabi Muuse Soddan habeen waxaana ku dhamaystirray Toban, wuxuuna ku dhamaaday Ballankii Eebihiis Afartan Habeen, wuxuuna ku yidhi Nabi Muuse Walaalkiis Haaruun iiga dambee Qoomkayga Wanaakina hana raacin Jidka Mufsidiinta. (143) Markuu u Yimid Nabi Muuse Ballankanagii oo la hadlay Eebihiis wuxuu yidhi Eebow i tus aan ku arkee, wuxuuna yidhi Eebe ima arkaysid ee day Buurta Hadday Meejeeda ku sugnaato markaasaad i arki, markuu Eebc u Daahiray Buurtii wuxuu ka yeelay Burbur waxaana dhacay Nabi Muuse suuxdin Darteed, markuu miyirsadayna wuxuu Yidhi (Eebow adaa) Nasahan waan kuu Toobad keenay waxaan ahay Mu'minunta kan ugu horreeya (Waqtigan) inaan Adduunka lagugu (arkayn). (144) Wiixuu Yidhi Eebe Muusow waxaan kaa doortay Dadka (Sabankan) Diriddayda iyo lahadalkayga Dartiis ee qaado waxaan ku siiyey ahowoa kuwa Mahdiya. (145) Waxaan ugu qurray alwaaxda wax kastoo wacdi iyo Caddayna, ee ku qaado Niyadadag farna Qoomkaaga may qaalaan, ha qaataan Teeda Fiicane Waxaan idin tusin Guryihii Faasiqiinta. (146) Waxaan ka lilaa Aayaadkayga kuwa isku Kibriya Dhulka Xaq darro, hadday arkaan Aayaad kasta ma Rumeeyaan hadday arkaan Jidka Hanuunka kama Yeeshaan Waddo, hadday Arkaan Waddada Baadidana waxay ka yccshaan Jid, waxaana ugu Waran inay Beeniyeen Aayaadkanaga oy ahaayeeo kuwo Halmaamay. (147) Kuwa Beeniyeen Aayaadkanaga iyo la Kulankanaga Aakhiro waxaa Buray Camalyaalkooda Miyaase laga abaal mariyaa waxay Camal falayeen Mooyee. (148) Waxay ka Yeesheen qoomkii Nabi Muuse Gadaashiis Jawhartoodii Dibi Cod leh, miyeyna arkaynin inuusan lahadlaynin kuna Toosinaynin Jid, way Yeesheen iyagoo Daalimiin ah. (149) Markii Gacmahooda lagu Riday (Nidaamoodeen) oy arkeen inay Dhumeen waxay Dhaheen Hadduusan noo Naxariisan Eebahanno oosan noo Dambi Dhaafin waxaan Noqonaynaa kuwo Khasaara. (150) Markuu ku soo Noqday Nabi Muse qoomkiisii isagoo Cadhaysan oo Walbahaarsan wuxuu yidhi waxaa Xun Waxaad iiga dambeysccn Gadaashay, ma waxaad Dadajisateen Amarkii Eebihiin wuxuuna Tuuray Alwaaxdii wuxuuna Qabtay Madaxa Walaalkiis Isagoo Xaggiisa u Jiidi, wuxuuna Yidhi Ina Hooyoow qoomku way i tabaryaraysteen waxayna u dhawaadeen inay i Dilaan ee ha igaga farxin Colka hana iga yeehn la Jirka Qoomka Daalimiinta ah. (151) Wuxuuna yidhi Nabi Muuse Eebow u Dambi Dhaaf ani iyo Walaalkay nana gali Naxariistaada adaa Naxariis badane ahe. (152) Kuwa Yeeshay Dibi waxaa Gaadhi Cadho Lebahood iyo Dulli Nolosha adduunyo saasaana ku Abaal marinaa Been abuurtayaasha. (153) Kuwa Falay Xumaan Markaas Toobad keenay intaas ka dib oo Rumeeyey Xaqa Eebahaa intaas ka dib waa Dambi Dhaafe Naxariista. (154) Markay Cadhadu ka Xasishay Nabi Muuse wuxuu Qaatay Alwaaxdii waxaana ku qorraa hanuun iyo Naxariis u ah kuwa Eebahood ka Cabsan. (155) Wuxuu ka Doortay Nabi Muuse Qoomkiisa Toddobaatan Nin Ballankanaga Dartiis, markay qabatay Gariirku wuxuu Yidhi Eebow haddaad Doonto waad halaagi lahayd horay iyaga iyo Anigaba, ma waxaad noo halaagi waxay faleen Sufaho naga mida, waa Imtixaankaaga Ciddaad doontana waad Dhumisaa kaad dontana waad hanuunisaa adaa Wali noo ah ee noo Dambi Dhaaf noona Naxariiso adaa Dambi Dhaafe Khayr roon ahe. (156) Noona qor adduunyadan Wanaag iyo Aakhiraba waannu kuu noqonaye, wuxuu Yidhi Cadaabkaygu wuxuu ku dhici Ciddaan Doono, Naxariistayduna waxay u Waasac Noqotay wax kasta, waxaana u qori kuwa Dhawrsada oo Bixiya Zakada iyo Kuwa Aayaadkaygana Rumeeya. (157) ee ah kuwa Raaca Rasuulka Nabiga ah ec Umiga ah ee ah kay ka heleyeen Isagoo ku qoran agtooda Tawreed iyo Injiil Farana wanaagga kana reeba Xumaanta una Baneeya Wanaagga (Xalaasha) kana Xarrima Xumaanta (Xaaraanta) kana dejiya Culayskii iyo Xadhkihii korkooda ahaa, kuwa Rumeeyey Nabigaas oo Qaddariyey oo u Gargaaray oo Raacay Nuurka lagu soo Dejiyey kuwaasu waa uun kuwa Liibaanay. (158) Waxaad Dhahdaa Dadow anugu waxaan ahay Rasuulkii Eebe ee Xaggiinna Dhammaan, waana Eebaha iska leh Xukunka Samooyinka iyo Dhulka, ILaahay mooyee Eebe kalana ma jiro isagaa wax nooleeya, waxna Dila ee Rumeeya Eebe iyo Rasuulkiisa Nabiga ah ee Umiga ah ee Rumeeyey Eebe iyo Malaa'igtiisa Raacana inaad hanuuntaan. (159) Waxaa ka mida Qoomkii Nabi Muuse Umad ku Hanuimsanayd Xaqa kiina Caddaalad falayaay. (160) Waxaana u kala gaynay Laba iyo Toban Farac oo Ummadood, waxaana u Waxyoonay Nabi Muuse markay Waraab warsadeen Qoomkiisu inuu ku garaaco Ushiisa Dhagaxa waxaana ka soo burqatay laba iyo toban ilood cid kastana waxay Ogaatay Meejcy ka Cabbi lahayd, waxaana ku hadhaynay Daruuro, waxaana ku soo Dejinay Manni (Macaan) iyo Cunno, waxaana ku nidhi ka Cuna wanaagaan idinku Arzuqay, mana ayan na dulmiyin waxaysc Dulmiyccn Naftooda. (161) Markii lagu yidhi dega Magaaladaa kana Cuna Meejaad doontaan Dhehana Eebow noo Dambi dhaaf, kana gala Albaabka idinkoo Sujuudsan aan idiin Dhaafno Dambigiince unu siyaadinno samafalayaashee. (162) Waxayse ku badaleen kuwii dulmi falay oo ka mida hadal ka duwan kii loo yidhi (Fala) waxaana ku Dirray Cadaab Samada kaga Yimid dulmigoodii Dartiis. (163) Warso (Yuhuud) Magaaladii Badda ku Dhawayd (Dadkeedii) markay Xadgudbayeen Sabtida, oo Kalluunkoodu u Imanayey Maalinta Sabtida ah isagoo Muuqda, Maalintaan Sabti ahaynna uma Timaaddo, saasaana ugu Imtixaanaa Faasiqni' madooda Darteed. (164) Ka Warran markay Tidhi Umad ka mida maxaad u Wacdiyeysaan qoom Eebe halaagi ama u Cadaabi si daran, waxayna dhaheen waa Eebe u Cudur daarasho, iyo inay Dhawrsadaan inay u Dhawyihiin. (165) Markay Halmaameen wixii lagu waaniyey waxaan korinay kuwii Xumaanta Reebayey waxaana ku qabanay kuwii Dulmiga falay Cadaab Xun Faasiqnimadooda Darteed. (166) Markay ku Madax adaygeen wixii laga reebay yaan ku nidhi Noqda Daanyeer Dullaysan. (167) Xusuusta markuu Eebe Ogeysiiyey inuu u soo Bixiyaa Yuhuud tan iyo Qiyaamaha cid Dhadhansiisa Cadaab Xun, Eebahaana Ciqaabtiisu way Deg degtaa, waana Dambi Dhaafe Naxariista. (168) Waxaana ku kala gaynay Dhulka iyagoo Umada ah, kuwo suuban iyo kuwo kalaba waxaana ku imtixaannay wanaag iyo Dhibba inay Noqdaan. (169) Waxaana Baddelay kuwo Xun oo Dhaxlay Kitaabkii qaadanina Muuqa Adduunyadan Dhaw, iyagoo Dhihi waa naloo dhaafi hadduu u Yimaaddo muuqaal la midana way qaataan, miyaan laga qaadin Ballankii Kitaabka inayan Eebe waxaan Xaq ahayn ku sheegin oyna Akhriyin waxa Dhaxdiisa ah, Daarta Aakhiro yaana u Khayr roon kuwa dhawrsada ee miyeeydan wax kasayn. (170) Kuwa Qabsada Kitaabka oo Ooga Salaadda annagu ma dayacno ajriga kuwa wax Suubiya (Samo fala). (171) (Ka warran) markaan ku koryeelay Buurtii, sidii isagoo hadhayn, una maleeyeen inuu ku Dhici, kuna nidhi ku qaata waxaan idin siinay Niyad Adag, kuna waana qaata waxa ku sugan si aad u dhawrsataan. (172) (Xusuuso) markuu Eebahaa ka qabtay Dadka Dhabarkooda Faracoodii uuna marag uga Yeelay Naftooda, kuna Yidhi Miyaanaan Eebihiin ahayn, oy dhaheenna inaad Eebahanno tahay yaan Marag Kacnay, inaydaan dhihin Maalinta Qiyaame annagu Waan halmaansanayn kan. (173) Ama aydaan Dhihin waxaa wax la wadaajiyey (Edbe) Aabbayaalkanagii mar hore annaguna waxaan nahay farac ka Dambeeyey ee miyaad noo halaagi waxay faleen Xumo falayaal. (174) Saasaanu Caddaynaa Aayaadka iyo inay u Noqdaan Xaqa. (175) Ku Akhri korkooda kii warkiisii aan Siinay Aayaadkanaga oo ka Siibtay Shaydaanna uu Raacay (Isaga) Noqdayna kuwa Baadida ah. (176) Haddan Doonno waannu koryeeli lahayn, hasayeeshee wuxuu u iishay Dhulka (Adduunyo Jacayl) wuxuuna Raacay Hawadiisa, wuxuuna la mid yahay Eey haddaad Erido wuu lalmin Carrabka, haddaad Deysana wuu lalmin, saasna waa Masalka Qoomka Beeniyey Aayaadkanaga ee uga warran Qisooyin inay Waantoomaan. (177) Waxaa Tusaale u Xun Qoomkii Beeniyey Aayaadkanaga, Naftoodana waxay ahaayeen kuwo Dulmiya. (178) Ciddii Eebe hanuuniya umbaa hanuuni, Cidduu Dhumiyana waa uun kuwa Khasaaray. (179) Waxaan u Abuuray Jahannamo wax badan oo Jinni iyo Insiba leh, waxayna Leeyihiin Quluub ayna wax ku Kasayn, waxayna Leeyihiin Indho ayna wax ku Arkayn, waxayna Leeyihiin Dhago ayna wax ku Maqlayn, Kuwaasina waa Xoolo oo kale, waana ka sii Dhunsanyihiin, kuwaasina waa uun kuwa Halmaansan. (180) Eebe waxaa u Sugnaaday Magacyo Wanaag badan, ee ku Barya, Iskagana taga kuwa leexin Magacyadiisa, waxaannu ka abaal marin waxay Camal falayeen. (181) Waxaa ka mida waxaan Abuuray Ummad ku Hanuunsan Xaqa, Kuna socon. (182) Kuwa Beeniyey Aayaadkanaga waxaannu ka qaban meel ayna Ogayn. (183) Waana Sugi Kaydkaygu «Awooddayduna» waa darantahay. (184) Miyeyna Fikirin inaan Saaxiibkooda (Nabiga) Waalli hayn, waxaan dige Cad ahayna uuna ahayn. (185) Miyeyna Dayin Xukunka Samooyinka iyo Dhulka, iyo waxa Eebe abuuray oo wax ah, iyo inay Mudantahay inay Dhawdahay Ajashoodu, Hadalkayse Quraanka ka dib Rumayn. (186) Cidduu Dhumiyo Eebe wax Hanuunin ma lch, wuxuuna kaga tegi Xad gudubkooda iyagoo ku Wareersan. (187) Waxay ku Warsan Saacadda (Qiyaame) markay Sugnaan, waxaad Dhahdaa Ogaanshaheedu waa Eebahay Agtiisa, waqtigeeda wax Muujin kara oon Eebe ahayn ma jiro, waxay ku Cuslaatay Samooyinka iyo Dhulka, waxaan kado ahaynna idiinkuma Timaaddo, waxay ku warsan Saacadda sidii adoo og, waxaad dhahdaa Ogaanshaheedu waa uun Eebe Agtiisa Dadka Badankiisase ma oga (Xaalkaas). (188) Waxaad Dhahdaa uma hanto Naftayda Nacfi iyo Dhib midna, wuxuu Eebe doono mooyee, haddaan ahay mid og waxa maqan waxaan badsan lahaa Khayrka imana taabteen Xumaani, anigu waxaan uun ahay u dige una Bishaareeye Qoomkii Rumayn (Xaqa). (189) Eebe waa kan idinka abuuray Naf kaliya, kana yeelay Xaggeeda Haweenaydiisii inuu Weheshado markay Kulmeenna waxay qaadday uur Fudud Saasayna ahayd Markay Cuslaatayna waxay Baryeen Eebahood haddaad Na siiso (Ilmo) Suubban waxaan noqonaynaa kuwa Shugriya. (190) Markuu siiyey mid Suubban waxay u Yeeleen wax la wadaaga wuxuu Eebe siiyey, Eebaa ka sarreeya waxay la Waddajiyeen. (191) Ma waxay la wadaajin waxaan wax Abuuran iyagana la Abuuro. (192) OOn Karaynna gargaar naftoodana aan u gargaarayn. (193) Haddaad ugu Yeedho Hanuunkana idima raacaan waana isku mid haddaad u Yeedhaan iyo haddaad ka Aamustaanba. (194) Kuwaad caabudaysan (U yeedheysaan) Eebe ka Sokow waa Addoomo idinkoo kala ah, bal u Yeedha oo haydin Yeeleen (Aqbaleen) haddaad Run sheegaysaan. (195) Ma waxay Leeyihiin lugo ay ku Socdaan, mise waxay Leeyihiin Gacmo ay wax ku qabtaan mise waxay Leeyihiin indho ay wax ku arkaan, mise waxay leeyihiin Dhago ay wax ku Maqlaan, waxaad Dahdaa u Yeedha Shurakadiinna ina Dhagra hana i sugina. (196) Waligaygu waa Ilaaha soo Dejiyey Kitaabka isagaana u Gargaara kuwa Suuban. (197) Waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow ma karaan Gargaarkiinna Naftoodana uma Gargaarayaan. (198) Hadday ugu Yeedhaan Hanuunkana ma Maqlaan waxaadna aragtaa iyagoo ku soo Eegi oon waxba Arkayn. (199) Qaado waxa Fudud Farna Wanaagga kana Jeedso Jaahiliinta. (200) Hadduu ku Waswaasiyo Shaydaan waswaasiye ka Magangal Eebe isagaa Maqle oge ahe. (201) Kuwa Dhawrsaday hadduu Taabto Shar Shaydaan way Xusuustaan (Waantoomaan) wayna Arkaan Xaqa (Toonsaadaan). (202) Walaalaha Shaydaankuse waxay ku Kaalmeeyan Baadida kamana Daalaan. (203) Haddaydaan ula Imaanin Aayad waxay Dhahaan Maxaad u soo dooran wayday, waxaad dhahdaa waxaan uun Raaci wixii layga waxyooday Xagga Eebahay Kaasina waa Xujooyin Xagga Eebihiin ka ahaatay iyo Hanuunka iyo Naxariista Ciddii Rumayn (Xaqa). (204) Markii la Akhriyo Quraanka Dhagaysta una Dhag raariciyana in laydiin Naxariisto. (205) U Xus Eebaha Naftahaa Naftaada Khushuuc (Baryo) iyo Cabsi, iyo Qaylo la'aan hadal, Aroor iyo Galabba, hana Noqon kuwa Halmaama (Xuska Eebe). (206) Kuwa Eebe agtiisa ah iskama Kibriyaan Cibaadadiisa wayna u Tasbiixsadaan (Nasahaan) Isagayna u Sujuudaan

 

Al-Anfaal

Madinan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Waxay ku warsan Dadku (Xukunka) Qaniimada, waxaad dhahdaa Qanimada waxaa iska leh Eebe iyo Rasuulka ee ka Dhawrsada Eebe Wanaajiyana Xaalka Dhexdiinna ah Eebana Adeeca iyo Rasuulkiisa haddaad kuwo Rumeeyey tihiin. (2) Mu'miniinta dhabta ah waa uun kuwa marka Eebe la Xuso ay Cabsato Quluubtoodu, marka lagu Akhriyo korkooda Aayaadka Eebana ay Iimaan u kordhiso, Eebahood uun tala saarta, (3) Ee ah kuwa ooga Salaadda waxaannu ku Arzaaqnayna wax ka Bixiya. (4) Kuwaasaana ah Mu'miniinta Xaqa ah, waxayna Mudan Jannooyin Eebahood agtiisa ah, iyo Dambi Dhaaf iyo Rizqi Sharaf leh. (5) Siduu Kaaga Bixiyey Eebaha Gurigaaga si Xaq ah (Jahaad) Koox Mu'miniinta ka mida way Nacayeen. (6) Waxayna kugula Murmi Xaqa intuu u Cadaaday sidii iyagoo loo wado Geeri iyagoo Eegi. (7) Xusuuso markuu idiin Yaboohay Eebe Labadii Kooxood midkood (Colkii iyo Safarkii) idiin Subnaatay idinkoo Jeeel in Midda Tabarta Yar idiin ahaato, Eebana wuxuu dooni inuu Xaqa ky sugo Kalimadiisa, Gooyana Cidhibta Gaalada. (8) Si uu Xaqa u sugo, una Buriyo Baadhilka (Xumaanta) haban Naceen Dambiilayaashuye. (9) Xusuusta markaad ka Gargaar warsanayseen Eebe oo uu idinku Ajiibay waxaan idinku Xoojin Kun Malaa'igta ka mida oo Israacraacsan. (10) Wuxuu Eebe u Yeelay Bishaaro iyo inuu Xasilo Qalbigiinnu, Gargaarra waxaan Eebe Agtiisa ahayn ma aha, Eebana waa Adkaade Fal San. (11) Xusuustana markuu idinku Daboolay Hurdo aaminnimo Darteed idinkagana soo Dejiyey Samada Biyo inuu idinku Daahiriyo idinkagana Tegsiiyo Waswaaska Shaydaanka iyo innu ku Adkeeyo Quluubtiinna kuna Sugo Gommadihiinna. (12) Markuu u waxyoon Eebahaa Malaa'igta anaa idinla jira ee suga kuwa Xaqa Rumeeyey (Xoojiya) waxaan ku Tuuri Quluubta kuwa Gaaloobay Argagax ee ka Garaaca Luqunta korkeeda kana Garaaca Xubnaha faraha. (13) Maxaayeelay waxay Khilaafeen Eebe iyo Rasuulkiisa, Ciddii Khilaafta Eebe iyo Rasuulkiisana Eebe waa u Ciqaab daranyahay. (14) ee Arrintaas Dhadhamiya, Gaalana waxaa u Sugnaaday Cadaabka Naarta. (15) Kuwa Xaqa Rumeeyow hadaad la Kulantaan Kuwa Gaaloobay idinkoo isusoo Dhawaan ha u jeedinina dabada (ha cararina). (16) Ruuxi u Jeediya Maalintaas Dabadiisa (Carara) isagoo u Xeelaysanayn Dagaal ama u Dumayn Koox wuxuu la Noqdaa Cadho Eebe Hooygiisuna waa Jahannamo iyadaana u Xun meel loo ahaado. (17) Idinku maydaan ku layn Gaalada (Xooggiinna) Eebaase laayey, mana Aadan Ganayn markaad ganaysay Eebaase Ganay (ku Hagaajiyey) inuu u Niemeeyo Mu'miniita Niemo Wanaagsan, Eebana waa Maqle Og. (18) Arrintaasna waxaa ugu waean in Eebe uu Tabaryarayn Dhagrate Gaalada. (19) Haddaad kala Xukumid Dalabteen Gaaloy waxaa idiin Yimid Gargaarkii (Nabiga) inaadse Reebtoontaan yaa idiin Khayr roon, haddaad ku noqotaan Xumaantana waxaannu ku Noqon Gargaarka (Nabiga) waxna idiinma tarayso Kooxdiinnu haba badnadeene Eebana wuxuu la Jiraa Mu'miniinta. (20) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow Adeeca Eebe iyo Rasuulkiisa hana ka Jeedsanina idinkoo Maqli. (21) Hana Noqonina kuwii Yidhi Maqallay iyagoon wax Maqlayn. (22) Dhul Socod waxaa ugu Shar badan (Uxun) Eebe agtiisa ma Maqle (Xaqa) ma hadle oon kasayn (Wanaagga). (23) hadduu ku Ogyahay Eebe Khayr wuu maqashiin lahaa (Garansiin lahaa) hadduuse Maqashiiyo way Jeedsanlahaayeen (Kibirdartiis) iyagoo is dadbi. (24) Kuwa Xaqa Rumeeyow Maqla Eebe iyo Rasuulka Markuu idiinku Yeedho wax idin nooleeya (XAQA) Ogaadana in Eebe (Karo) inuu kala Dhexmaro Ruuxa iyo Qalbigiisa, oo Xaggiisa laydin soo Kulmin. (25) Ka Dhawrsada Fidmo oon ugu Dhacayn kuwii Dulmiga falay Gaar ahaan oo idinka mida, Ogaadana in Eebe Ciqaabtiisu Darantahay. (26) Xusuustana markaad ahaydeen kuwo yaroo lagu Tabar darraysto Dhulka (Makaad) idinkoo ka Cabsan in Dadku idin dafo oo markaas uu idin Dhaweeyey (Dumay) idinkuna Xoojiyey Gargaarkiisa, idinkuna Arzaaqay Wanaag (Xalaal) inaad ky Mahdisaan. (27) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Khayaamina Eebe iyo Rasuulka iyo Ammaanadiinna idinkoo Og. (28) Odaadana in Xoolihiinnu iyo Caruurtiinnu Fidno uun yihiin oo Eebe Agtiisa Ajir wayn yahay. (29) Kuwa (XAQA) Rumeeyow haddaad ka Dhawrsataan Eebe wuxuu idiin yeeli Faraj (iyo Nabadgalyo) wuxuuna Asturi Xumaantiinna «Dambigiinna», Wuuna idiin Dhaafi Eebana waa Fadli Wayne. (30) Xusuuso (Nabiyow) markay ku dhakrayeen Kuwii Gaaloobay inay ku Xidhaan, ama ku Dilaan ama ku Bixiyaan, way ku Dhakrayeen Eebaase ka abaal marin isagaana Abaal mariye Khayr roona ah. (31) Marka lagu Akhriyo Aayaadkanaga waxay Dhahaan waan maqallay haddaan doonana waan Dhahaynaa kanoo kale (Quraanka) kanu waxaan warkii kuwii hore ahayn ma aha. (32) Xusuuso markay Dheheen Eebow hadduu kanu Xaqa Agtaada ah yahay Nagaga soo daadi Dhagaxyo (Naara) Samada, ama noo keen Cadaab daran. (33) Eebase ma aha kii Cadaaba Adoo Dhexjooga, mana aha mid Cadaaba iyagoo Dambi dhaaf warsan. (34) Muxuusanse Eebe u Cadaabayn iyagoo ka Celin Dadka Masjidka Xurmada leh, mana aha Ehelkiisa, Ehelkiisu waxaan kuwa dhawrsada ahayn ma aha, Badan koodse ma Oga. (35) Salaaddooda Kacbada agteeda ahna ma aha waxaan Foodhi iyo Sacabbo Tumid ahayn, ee Dhadhamiya Cadaabka Gaalnimadiinna Darteed. (36) Kuwii Gaaloobay waxay ku Bixin Xoolahooda inay ka Celiyaan Dadka Jidka Eebe way Bixin doonaan waxayna ku noqon Qoomamo markaasaa laga Adkaan, kuwa Gaaloobayna Xaga Jahannamaa Loo kulmin. (37) in Eebe kala Bixiyo Xumaanta iyo Wanaagga, Yeelana Xumaanta Qaarkeed tan Kale Korkeeda uuna Kulmin Dhammaan uuna Yeeli Jahannamo kuwaasuna waa uun kuwa Khasaaray. (38) Ku Dheh kuwii Gaaloobay hadday ka Reebtoomaan (Gaalnimada) waxaa loo Dhaafi wixii hor maray, haddayse Daa'imaan (Gaalnimada) waxaa tagtay «horraysay» jidkii kuwii hore. (39) la Dagaallama Galada intaan Gaalnimo iyo «Xumaan» laga helin una ahaato Diintu Dhammaan Eebe, hadday Reebtoomaan Eebe waxay Fali wuu Arkayaa. (40) Hadday Jeedsadaanna ogaada in Eebe yahay Gargaarihiinna isagaana u Fiican Gargaare.