Juz'  7

 

(82) Waxaad Ogaan kuwa Dadka u Daran Colnimada kuwa Rumeeyey (Xaqa) (Muslimiinta) Yuhuud iyo Mushrikiinta (Diin laawayaasha) waxaad Ogaan kuwa ugu soo Dhaw Jacayl kuwa Rumeeyey Xaqa (muslimiinta) inay yihiin kuwa dhihi waxaan nahay Nasaaro, Illeen waxaa ka mid ah qaysas iyo Raahibiin Ismana Kibriyaan. (83) Markay maqlan waxaa lagu soo Dejiyey Rasuulkana waxaad arkaysaa indhahoodoo Ilmo ka Daadan waxay aqoonsadeen oo xaqa ah iagoo dhihi Eebow waan Rumeynay ee nagu dhig (Yeel) kuwa marag furi (Xaqa qiri). (84) Maxaanaan u rumeynaynin Eebe iyo waxa noo yimid oo xaq ah oonaan u Damcaynin inuu na galiyo (naga yeelo) Ilaahanno qoomka Suuban la Jirkooda. (85) wuuna ku Abaal marin Eebe waxay Dhaheen Jannooyin oy Socoto Dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku Waari Dhexdeeda, Taasina waa Abaal marinta Samafalayaasha. (86) kuwa Gaaloobay oo Beeniyey Aayaadkanaga Kuwaasu Waa Jaxiimo Ehelkeeda. (87) Kuwa xaqa Rumeeyow ha Xarrimina Wanaagga (Xalaasha) Eebe Idiin Banneeyey hana Xadgudbina, Eebe ma Jeela kuwa Xad gudbee. (88) Waxna ka Cuna Wuxuu Idinku Arzaaqay Eebe isagoo Xalaal Fiican ah kana Dhawrsada Eebe ee ah kaad Rumeysantihiin. (89) Eebe Idiin ma Qabto Dhaar DanLa'aaneed (Laqwi) Laakin wuxuu idiin qaban Dhartaad u Qasaddaan, Kafaaradeeduna waa Quudin Toban Miskiin (oo siisaan) kan u dhexeeya waxaad ku Quudisaan Ehelkiina ama Arrad Bixintooda ama Xorayn qoor, Ciddaan Helinna waxay Soomi Saddex Maalmood, Taasaana ah Kafaarada Dhaartiina Markaad Dhaarataan, ee dhawra dhaartiinna Saaduuna idiinku Caddayn Eebe Aayadkiisa, waxaadna Mudantihiin inaad ku Mahdisaan. (90) Kuwa Xaqa Rumeeyow Khamrada, qamaarka, Sanamyada «Taagan», iyo Faalku waa uun Xuman (Wasakh) oo Camal Shaydaana ee ka Foogaada inaad Liibaantaan. (91) Wuxuu uun Dooni Shaydaanku inuu Idinku Dhectuuro Colnimo iyo isnac Khamrada iyo Qamaarka idinkana Celiyo Xusidda Eebe iyo salaadda ee ma ka Joogaysaan (ka Jooga). (92) Adeeca Eebe Adeecana Rasuulka Digtoonaadana, Haddaadse Jeedsataan Ogaada waxaa uun Rasuulkanaga Saaran Gaadhsiin Cadi. (93) Dhib (Dhambi) ma Saarra kuwa Xaqa Rumeeyey oo Camal Fiican Falay waxay Quuteen hadday Dhawrsadaan ooy Xaqa Dhab u Rumeeyaan Camal Fiicanna Falaan, oy Xumaanta ka Dhawrsadaan oy Xaqa Rumeeyaan, Haddana Dhawrsadaan samana falaan, Eebana wuxuu Jeelyahay Samo Falayaasha. (94) Kuwa Xaqa Rumeeyow wuxuu idinku Imtixaami Eebe wax Ugaadha ka mid ah (Waqtiga Xajka) oo Gaadhayaan Gacmihiinnu iyo waramihiinnu in Eebe Muujiyo Cidda ka cabsata isagoo kali ah, Ciddiise xad gudubta intaas ka dib wuxuu Mudan Cadaab daran. (95) Kuwa Xaqa Rumeeyow ha Dilina Ugaadha idinkoo Xarman, Ciddiise Disha oo idinka mid ah si kas ah waxaa Saaran wuxuu Dilay wax la mid ah oo Xoolo ah oy Xukumi labo Caadil ah oo idinka mid ah isagoo ah Hadiyad Gaadhi Kacbada, ama Kafaraaro gud Quudin Masaakiin ama wax u Dhigma oo Soon ah inuu Dhadhamiyo Ciqaabta amarkiisa, wuu idinka Saamaxay Eebe wixii horreeyey Ciddiise ku Noqota wuu ka aarsan Eebe, Ilaahayna waa Adkaade Aarsada. (96) Waxaa Laydiin Baneeyey Ugaadhsiga Badda iyo Cunnadeeda idinkoo ku intifaaci iyo Socdaalba, (Idinkoo Xarman) waxaana Laydinka Reebay ka Ugaadshiga Barriga intaad Xarmantihiin, ka Dhawrsada Eebaha Xaggiisa Laydiin soo Kulmin. (97) Wuxuu ka Yeelay ILaahay Kacbada Bayd (Guriga) Xurmada Leh, Dhawridda dadka iyo Bilaha Xurmada leh iyo Hadyada iyo Tan la Calaameeyey (Hadyada Darteed) waana inaad Ogaataan in Eebe Ogyahay waxa ku Sugan Samooyinka iyo Dhulka iyo in Eebe wax kasta Ogyahay. (98) Ogaada in Eebe Ciqaabtiisu Darantahay Eebana yahay Dambi Dhaafe Naxariista. (99) Ma Saarra Rasuulka waxaan Gaadhsiin ahayn, Eebana waa Ogyahy waxaad Muujinaysaan iyo waxaad Qarinaysaan. (100) Waxaad Dhahdaa (Nabiyow) ma eka wax Xun iyo Wax Fiican Aadba la yaabtid Badnida kan Xune, kana dhawrsada Eebe Dadka Caqliga lahow inaad Liibaantaan. (101) Kuwa Xaqa Rumeeyow ha Warsanina waxyaalo Haddii Laydiin Muujiyo idin Murug Galin, Haddaana Warsataan marka Quraanka la soo Dejin waa Laydiin Muujin, wuuna idinka Cafiyey Eebe Xaggeeda ILaahayna waa Dambi Dhaafe Dulbadan (102) Waxaa warsaday Qoom idinka Horreeyey Markaasay Noqdeen Kuwo ka Gaalooba (Markii loo Muujiyey). (103) Ma Yeelin Eebe Xoolo Caanahooda Sanamyada loo Bixiyo (Baxiira) iyo Xoolo Sanamyada loo siidaayo (Saa'ibo) iyo Xoolo Dhadig oo Sanamyada lagu sadaqaysto (Wasiilo) iyo Riti Sanamyada loo Daayo (Xaam) Laakiin kuwii Gaaloobay waxay ku Been abuuraan Eebe Been, Badankoodna wax ma Kasayaan. (104) Marka loo Yidhaahdo u Kaalaya waxa Eebe soo Dejiyey iyo Xagga Rasuulkana waxay dhahaan waxaa nagu Filan waxaan ka Hellay Aabayaalkanno, oo Hadday Aabbayaalkood ayna wax Ogayn Hanuunsanaynna (Ma raacayaan). (105) Kuwa Xaqa Rumeeyow waxaa idin Saaran Naftiinna Idinma Dhibo Ciddii Dhunta Haddaad Hanuunsantaan, Xagga Eebe Umbaana Noqoshadiinnu tahay Dhammaan wuxuuna Idinka Warrami Waxaad Camal falayseen. (106) Kuwa Xaqa Rumeeyow Maragga Dhexdiinna ah markii mid idinka mid ah Geeridu u Timaaddo uu Dardaarmi Waa Labo Caadil oo idinka mid ah, ama Labo Kale oon idinka mid ahayn, markaad Socdaal Tihiin oo Geeeri idin Hesho, idinkoo ku Reebi Salaad Dabadeed iyagoo ku Dhaaran Eebe Haddaad Shakidaan inaanan ku Gadanayn Qiimo yar Qaraababa ha ahaadee qarinna mayno maragga Eebe Markaas aan noqonno kuwa Dambaabay. (107) Haddii la Ogaado inay Muteen Dambi waxaa Meejooda Joogsan (oo la Dhaarin) Labo kale oo ah kuwa ugu Mudnaan Badan Dhaxalkiisa, wayna ku Dhaaran Eebe inuu Maragoodu ka Xaqsanyahay Maragooda, mana xadgudbaynno markaas aan Noqonno Daalimiin. (108) Saasaana u Dhaw inay Maragga ula Yimaadaan Sidiisa Fiican ama ay ka Cabsadaan in la Diido Dhaartooda intay Dhaartaan ka dib, ee ka Dhawrsada Eebe Maqlana Eebana ma hanuuniyo qoom Fasiqiina. (109) (Ka warran) Maalintuu Kulmin Eebe Rasuulada kuna dhihi Maxaa laydiinku Jawaabay oy Dhihi ma Ogin adiga unbaa Ogaal Badan waxa maqan. (110) (Xusuuso) Markuu Eebe dhihi Ciise Binu Maryamow Xusuuso Nicmadaydii korkaaga ahayd iyo hooyadaaba markaan kugu Xoojinay Ruuxii Daahirka ahaa (Jibriil) ood kula Hadlaysay Dadka sariir-ilmood iyo adoo meel dhaxaada, iyo Markaan ku Baray Kitaabka iyo Xigmadda, iyo Tawreed, Injiil, iyo Markaad ka Yeelaysay Dhoobada Sidii Shimbir Idankayga ood Afuufaysay oy Noqonaysay Shimbir Idankayga, ood Bogsiinaysay indhoole Ku dhashe iyo Baras laha Idankayga, ood soo Bixinaysay Maydka Idankayga, Markaan kaa kaafiyey Banii Israa'iil markaad ula timid Xujooyin, oy Dheheen kuwii Gaaloobay oo ka mida kani waxaan Sixir ahayn ma aha. (111) Markaan u Waxyooday (kuILhaameeyey) Saaxiibadii Rumeeya aniga iyo Rasuulkayga oy dhaheen waan Rumaynay ee marag ka Noqo inaan Muslimiin nahay. (112) (Xusuuso) Markay Dheheen Xawaariyiintii Ciise Ibnu Maryamow Makaraa Eebahaa inuu nooga soo Dejiyo Xeedho (Cunno) Samada wuxuuna yidhi ka Dhawrsada Eebe Haddaad Mu'miniintihiin. (113) Oyna Dheheen waxaannu dooni inaan wax ka Cunno oy Xasisho Quluubtanadu oon Ogaanno inaad Run noo sheegi oonu Noqonno Kuwa ka Marag kaca. (114) Uuna Yidhi Ciise Binu Maryama Ilaahayow Eebahanow Nooga soo Deji Xeedho Samada u Noqota Ciid kaanaga hore iyo Kaanaga Dambe iyo Aayad Xaggaaga ka ahaatay nana Arzaaq adaa arzaaqe u Khayr roone. (115) Wuxuuna Yidhi Eebe waan ku soo Dejiin Korkiinna ee Ciddii ka Gaalowda ka dib oo idin ka mid ah waxaan Cadaabi Cadaab Aanan Cadaabayn Ruux Caalamka ka mid ah. (116) (Xusuuso) Markuu Yidhi Eebe, Ciise Binu Maryamow Ma adaa ku Yidhi Dadka ka Yeesha ani iyo Hooyaday Ilaahyo Eebe ka sokow, uuna Yidhi waad Nasahantahay Iguma Haboona inaan Dhaho Waxaanan Xaq u lahayn, Haddaan idhina waad ogtahay, waxaadna Ogtahay waxa Naftayda ku sugan Anuguse kuma Ogi Adiga unbaa ah kan waxa Maqan Og. (117) Kuma Dhihin waxaad i fartay waxaan ahayn, oo ah Caabuda Eeba hay iyo Eebihiin waxaana ku ahay marag intaan ku Noolahay Dhexdooda markaad i oofsatana adaa ILaaliye u ah adi Umbaana wax walba Marag u ah. (118) Haddaad Cadaabto waa uun addoomaadii, Haddaad u Dhaaftana adi umbaa Adkaade falsan ah. (119) Wuxuu Yidhi Eebe Kani (Maanta) waa Maalinta ay Anfici kuwa Runta Sheega Runtoodu, waxaana u Sugnaaday Jannooyin oy Socoto Dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku Waari Dhexdeeda Waligood waxaana ka Raalli Noqday Eebe Iyana way ka Raalli Noqdeen, Taasina waa Liibaanta wayn. (120) Eeba Iska leh Xukunka Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa ku Dhex sugan Eebana wax kasta (uu Doono) wuu Karaa.

 

Al-An'aam

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Mahad Eebaa iska leh ahna kan Abuuray Samooyinka iyo Dhulka, Yeelayna Mugdiya iyo Nuurka, Kuwa Gallobayse Eebahood yey wax la simi (la Caabudi) (2) Eebe waa kan idinka Abuuray Dhoobo Markaas Xukumay Ajal (Muddo) Ajal Magacaaban Yaana Agtiisa ah, idinkuse Gaalooy waad Shakisantihiin. (3) Eebe waa ILaaha Samooyinka waxa ku Sugan iyo waxa Dhulka ku Sugan wuxuuna Ogyahay Qarsoodigiinna iyo Muujiskiinna, wuxuuna Ogyahay, waxaad kasbanaysaan. (4) Aayaddii u Timaadda oo Aayadaha Eebahaa ka mid ah way ka Jeedsadaan. (5) Waxayna Dhab u Beeniyeen Xaqii Markuu u yimid Waxaase u Imaan Doona (Cidhibta) warkay ku Jees jeesayeen. (6) Miyeyna Arkayn intaan Halaagnay Hortood (wax badan) oo Qarniyo ah, oon ku Makaninay (siinay) Dhulka waxaanaan idin Makanin (Siinin) waxaan uga soo deeynay Samada (Roob) Darar ah, Waxaana ka Yeelay Wabiyada kuwo Socda Dhexdooda waanse Halaagnay Dambigooda Dartiis waxaana Ahaysiinay Gadaashood Qarni Kale. (7) Haddaan kugu soo Dejino Nabiyow Kitaab Qoran oo ay ku Taabtaan Gaemahooda waxay odhan kuwii Gaaloobay kani waxaan Sixir Cad aan ahayn ma aha. (8) Waxayna Dhihi maa lagu so Dejiyo Malag, Haddaan soo Dejinno Malagna waxaa la Dhamaynlahaa Amarka (Halaagga) lamana Sugeen. (9) Haddaan ka Yeello Malagna waxaan ka Yeeli lahayn Nin, Markaasaan Iskaga Dari lahaydeen Xaalka siday isaga Dari Jireen. (10) Waxaa Dhab ahaan loogu Jeesjeesay Rasuullo kaa Horreeyey Waxaana kuwii Jees jeesay ku dhacay (Ciqaabti) waxay ku Jees jeeseen. (11) Waxaad Dhahdaa ku Socda Dhulka oo Eega Siday Noqotay Cidhibtii Beeniyeyaasha Xaqa. (12) Waxaad Dhahdaa yaa leh waxa ku Sugan Samooyinka iyo Dhulka, Dheh Eebe, wuxuuna Isasaaray Naxariis, wuxuuna idin kulmin Maalinta Qiyaame Shakina ma lch, kuwa Khasaariyey Naftoodase ma Rumaynayaan. (13) Eebe waxaa u Sugnaaday waxa Xasila Habeenkii iyo Maalintiiba waana Maqle Oge ah. (14) Waxaad Dhahdaa ma wax Eebe ka soo Hadhay yaan ka yeelan wali (la Caabudo) Eebaana ah kan Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Isagaana wax Quudiya Lamase quudiyo, waxaad Dhahdaa waxaa lay Faray inaan Noqdo kan ugu Horreeya Cid Islaanta (Hogaansanta Ummaddan) oonan ka Midnoqoninna Mushrikiinta. (15) Waxaad dhahdaa anigu waxaan ka Cabsan Haddaan Caasiyo Eebehay Cadaab Maalin wayn. (16) Ciuddii laga lilo Cadaabka Maalintaas wuu u Naxariistay Eebe Taasina waa Liibaanta Cad. (17) Hadduu ku Taabsiiyo Eebe Dhib wax Faydi ma jiro Isaga mooyee Hadduu ku Taabsiiyo Khayrna Isagaa wax Walba kara. (18) Waana ka Adkaadaha Addoomadiisa Korkooda waana Falsame Xeel Dheer. (19) Waxaad Dhahdaa yaa ugu Wayn Marag waxaad Dhahdaa Eebaa Maragga Dhexdeena ah, waxaana lay waxyooday Quraankan inaan idiinku Digo Idinka iyo cidduu Gaadho, Idinku ma waxaad Marag Furaysaan Inay Eebe la Jiraan ILaahyo kale, waxaad Dhahdaa ma Marag Furayo (Saas) Waxaad Dhahdaa Eebe waa uun ILaah kaliya Anuguna waxaan ka Bari ahay waxaad la Wadaajinaysaan. (20) Kuwaan Siinnay Kitaabka Waxay u Yaqaannaan Nabiga (Xaqnimadiisa) Siday u Yaqaanaan Caruurtooda kuwa Khasaariyey Naftoodana ma Rumeeyaan (Xaqa). (21) Wax ka Dulmi Badanna ma jirto cid ku Abuuray Eebe Been ama beeniyey Aayaadkiisa mana Liibaanto Daalimiintu. (22) Ka Warran Maalintaan Kulmineyno (Dadka) Dhammaan Markaas aan ku Dhahayno Kuwii la Wadaajiyey Aaway kuwaad la Wadaajiseen (Eebe Cibaadada) aadna ahaydeen kuwo Sheegan (Inay wax tari). (23) Markaas Xujadoodii ma ahayn inay Dhahaan Eebaan ku Dhaarannaye Maanaan ahayn Mushrikiin (Wax la wadaajiya). (24) Bal day say ugu beensheegeen Naftooda ugana Dhumay waxay Been Abuuran jireen. (25) Waxaa ka mida kuwo ku Dhagaysan waxaana yeellay Quluublooda Dabool inay kasaan (Quraanka) Dhagahoodana waxaan Yeellay Culays, Hadday Arkaan Aayaad kasta ma Rumaynayaan, Markay kuu Yimaaddaanna way kula Murmaan iyagoo dhihi kuwii Gaaloobay kani (Quraanku) ma aha waxaan warkii Kuwii Hore ahayn. (26) Waxayna ka Reebi Dadka rumaynta Nabiga iyaguna way ka Fogaan mana halaagayaan waxaan Naftooda ahayn, mase Oga. (27) Haddaad aragto Marka la Joojin Gaalada Naarta Korkeeda oy Dhihi Shallaytee Maa nala Celiyo oo aanaan Beenin Aayaadka Eebahanno oo Noqonno Kuwa Rumeeyey (waxaad arki lahayd arrin Wayn). (28) Waxaase U Muuqday waxay Qarinayeen horay haddii la Celiyana waxay ku Noqon lahaayeen wixii laga Reebay waana Beenaalayaal. (29) Waxay dhihi wax kale ma jiro ee waannu ku Noolaan Adduunyada Nalamana soo Bixinaayo. (30) Haddaad Aragto Marka la hor Joojiyo Eebahood oo ku Dhaho Miyuuna kan Xaq ahayn, oy Dhahaan waa Xaq Eebaan ku Dhaaranaye oo uu ku dhaho Dhadhamiya Cadaabka Gaalnimadiinna Darteed (Waxaad arki arrin wayn). (31) Waxaa Dhab u Khasaaray Kuwa Beeniyey la Kulanka Eebe markay ugu Timaaddo Saacadda (Qiyaame) si kada ahna waxay Dhahaan Shallaytadanno waxaan ku Gabood fallay Dhexdeeda, waxayna ku Xambaari Dambigooda Dhabarkooda waxaana Xumaanbadan waxay Xambaari. (32) Nolosha Adduunyana ma aha waxaan Ciyaar iyo Madadaalo ahayn Guriga Aakharaana u Khayr roon kuwa Dhawrsan ee Miyeyydaan wax kasayn. (33) Waxaan Ognahay inuu ku Walbahaarin waxay Sheegi Dhab ahaan kuuma Beeninayaan Laakiin Daalimiintu Aayaadka Eebe yey Diidi. (34) Waxaa Dhab loo Beeniyey Rasuullo kaa Horreeyey waana ku Samreen wixii lagu Beeniyey waana la Dhibay intuu uga Yimaaddo Gargaarkannagu wax bedeli Hadalka Eebana ma jiro, waxaana ku soo Gaadhay Warkii Rasuuladii. (35) Hadday kugu Wanaatay (Cuslaatay) Jeedsigoodu haddaad karto inaad god ka Teelato Dhulka ama Sallaan Samada ood Aayad u keentid (Samee) Hadduu Doono Eebana wuxuu ku kulmin lahaa hanuunka ee ha ka mid noqonin Jaashiliinta. (36) Waxaa uun Ajiibi Ogolaan Xaqa kuwa Maqli, kuwa Dhintayse waxaa soo Bixin Eebe Xaggiisaana loo Celin. (37) Waxay Dhaheen maxaa loogu soo Dejin waayey «Mucjisad» Aayad Xagga Eebihiis, waxaad Dhahdaa Eebe waa karaa inuu soo Dejiyo Aayad Badankoodse ma Oga. (38) Wax ka Socda Dhulka ama Shimbir ku Duuli Garbihiisa oo Dhan waa umado Idinla mid ah, waxba kagama aanan tagin Kitaabka, waxaana loo soo Kulmin Dadka Xagga Eebahood. (39) Kuwa Beeniyey Aayadkanaga waa DhagaLa'yihiin oo Af la`yihiin Mugdibayna ku Suganyihiin, cidduu Doono wuu Dhumiyaa Eebe Tuu Doonana wuxuu Yeela Jid Toosan. (40) Waxaad Dhahdaa Bal ka warrama hadduu idiin Yimaaddo Cadaabka Eebe ama idiinTimaadda Saacaddu (Qiyaame) wax Eebe kasoo hadhay Miyaad Baryeysaan haddaad Runsheegaysaan. (41) Isaga Unbaana Baryeysaan oo Faydi waxaad ka baryeysaan hadduu Doono waadna Halmaamaysaan waxaad la Wadaajinaysaan. (42) Waxaan u Dirray (Rasuul) Ummado idinka Horreeyey waxaana ku gabanay Dhibaato iyo Cudur intay Baryaan (Eebe). (43) Maa Markuu u Yimaaddo Dhibku ay baryaan (Eebe) Waxaase ingagtay Quluubtoodii wuxuuna u Qurxiyey Shaydaan waxay Falayeen. (44) Markay Halmaameen (Ka Jeedsadeen) wixii lagu Waaniyey Yaan u Furray Korkooda irridaha wax Kasta Markay ku Farxaan waxaa la Siiyey yaan ku qabannaa kado, Markaasay ahaadaan kuwo Quusta. (45) Waxaana la Gooyey Cidhibta Qoomkii Dulmiga Falay Mahadna Eebaa iska leh ah Eebaha Caalamka. (46) Waxaad Dhahdaa Bal Warrama Hadduu Eebe qabto Maqalkiinna iyo Araggiinna oo Daboolo Quluubtiinna waa ILaahee ka soo Hadhay Eebe ee idiin keeni, Day Sedan u Cel-Celinno Aayaadka Markay say u Jeedsan. (47) Waxaad Dhahdaa Bal Warrama hadduu Idiinku Yimaaddo Cadaabka Eebe Kado ama Caddaan miyaa la Halaagaa waxaan Qoomka Daalimiinta Ahayn. (48) Rasuulada waxaan u Dirraa inay Bishaareeyaan oo Digaan, Ciddii Rumaysa Xaqa oo Wanaajiya (Camalka) Cabsi iyo Murug midna ma Saarro. (49) Kuwa Beeniyey Aayaadkanaga waxaa Taaban Cadaab Faasiq Nimadooda Darteed. (50) Waxaad Dhahdaa Ma Dhahayo waxaa Agtayda ah Khasnadaha Eebe, waxy Maqanna ma Ogi, mana Dhahayo waxaan ahay Malag, waxaan uun Raaci wixii lay waxyoodo wwaxaad dhahdaa ma egyihiin Indhoole iyo Arke Miyeydaan Fikirayn. (51) Ugu dig Quraanka kuwa ka Cabsan in Ioo soo kulmiyo Eebahood iyagoon lahayn Sokaydiis Qaraabo iyo Shafeece Midna inay Dhawrsadaan Darteed. (52) Hana Eryin kuwa Baryi Eebahood aroor iyo Galabba iyagoo dooni Wajigiisa waxba kaama saarra Xisaabtooda iyana Xisaabtaada Waxba kama Saarra ood eridid ood ka mid noqotid daalimiinta. (53) Saasaaan isugu Imtixaanay (Dadka) Qaarkood Qaarka kale inay Dhahaan ma kuwanaa Eebe ku Manaystay (Islaamka) Dhexdannada, Miyuusan Eebe ahayn kan og kuwa ku Mahdiya. (54) Markay kuu Yimaadaan kuwa Rumeeyey Aayaadkanaga waxaad Dhahdaa Nabadgalyo Korkiinna ha ahaato, wuxuu Eebe Isasaaray Naxariis, oo ah Ciddii idinka mid ah oo Fasha Xumaan isagoo ka Jaahil ah oo Toobad keena nn wanaajiya Eebaa Dhaafi una Naxariisan. (55) Saasaanu u Kala Bixinaa Aayaadka si ay u Caddaato Jidka Dambiilayaasha. (56) Waxaad Dhahdaa waxaa layga Reebay inaan Caabudo waxaad Caabudaysaan oo Eebe ka soo Hadhay, waxaad Dhahdaa Raaci maayo hawadiinna oon Dhumo markaas Nogoninna kuwaan Hanuunsanayn. (57) Waxaad Dhahdaa waxaan ku Sugnahay Xujo Eebahay waadna Beeniseen Xaqaas, agtayda ma aha waxaad Dadajisanaysaan, Xukunkana Eebaa iska leh, Xaquuna Xukumi, waana kuu Xukunkiisu Khayr Leeyahay. (58) Waxaad Dhahdaa hadduu Yahay agtayda waxaad Dedejisanaysaan (Cigabta) waxaa Ia kala Xukumi Lahaa Dhexdeenna Eebana waa Ogyahay Daalimiinta. (59) Eebe Agtiisa waxaa ah Furaha waxa maqan wax og oon isaga ahayna ma jiro, wuxuuna Ogyahay waxa Barriga iyo Badda ku Sugan, wixii Caleena oo Dhacdana wuu Ogyahay, Xabbad Masaga ah oo Mugdiga Dhulka ku Sugan iyo wixii Qoyan ama Ingagan waxay ku Suganyihiin Kitaab Cad. (60) Eebe waa kan idin Oofsada Habeenkii ogna waxaad Fashaan Maalintii Markaasna idin soo Bixiya in la Xukumo Ajal Magacaaban Xaggiisaana laydiin Celin, markaasuu idiinka warami waxaad Falaysaan. (61) Eebe waa kan ka Sarreeya Addoomadiisa, wuxuuna idiin soo Diraa ILaaliye markuu u Yimaaddo Midkiin Mawdku waxaa Oofsata «Disha» Malaa'igtanada mana Gabood Falaan. (62) Markaasa loo Celin Dadka Xagga Sayidkooda Xaqa ah isagaana leh Xukunka Dedejiyana Xisaabta. (63) Waxaad Dhahdaa Yaa idinka koriya Mugdiga Barriga iyo Badda ood u Baridaan Isdullayn iyo Qarsoodi, Idinkoo dhihi Hadduu naga koriyo Tan waxaan ka mid Noqonaynaa kuwa Mahadiya. (64) Waxaad Dhahdaa Eebaa idinka Koriya Taas iyo Shiddo Kasta, Markaasaad u Shariigyeeshaan. (65) Waxaad Dhahdaa Eebe waa kan kara inuu idinku soo Daayo Cadaab Korkiinna ama Lugihiinna Hoostooda ama idin qaso (idinka yeelo) Kooxo uu Dhadhansiiyo Qaarkood qaarka kale Dhibkiisa, bal day Sidaan ugu Caddaynaynno Aayaadka inay Kasaan. (66) Waxaa Beeniyey (Quraanka) Qoomkaagii Isagoo Xaq ah, waxaad Dhahdaa kama ahi Korkiinna Wakiil (ILaaliye). (67) War kasta Meel uu ku Sugnaado yuu leeyahay Waadna Ogaandoontaan. (68) Markaad Aragtaan kuwa dhumban Aayaadkanaga, isaga Jeedso intay ka Dhumbadaan Sheeko kale, haddduu ku Halmaansiiyo Shaydaanna ha Fadhiyin Xusuusta ka Dib Daalimiinta Agtooda. (69) Kuwa Dhawrsoonna Xisaabtooda waxba kaama Saarra Laakiin waa Waano inay Dhawrsadaan. (70) Iskaga tag Kuwa ka Yeeshay Diintooda Ciyaar iyo Madaddaalo kuna Kadsoomay Nolosha Dhaw Xusuusina intaan laga Abaalmarinin (Loa Xabisin) Nafi waxay kasbatay lyadoon Lahayn Eebe ka sokow Wali «Sokeeye» iyo Shafeece midna. Hadday isku Furato Furasho oo Dhanna lagama Qaado, Kuwaasu waa kuwa loo Dhiibay (Ilaag) waxay kasbadeen Dartiis, waxayna Mudan Cabbid KuluI iyo Cadaab daran, Gaalnimadooda Darteed. (71) Waxaad Dhahdaa ma Caabudaynaa Eebe ka sokow waxaan na Anfacayn nana Dhibayn oo Dib naloo Celin (Gaalnimo) inta Eebe Hanuuniyey ka Dib, Sida kan ay ku Wareerisay (Dhumisay) Shayaadiintu Dhulka Isagoo Saaxiibbo ugu Yeedhi Hanuunka leh oo ku Leh noo Kaalay, waxaad Dhahdaa Hanuunka Eebe unbaa Hanuun ah, waxaana Nala Faray inaan u Hogaansanno Eebaha Caalamka (72) Oogana Salaadda kana Dhawrsada Eebe waa kan Xaggiisa laydiin soo Kulmine. (73) Waana kan Eebe u Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Xaq Maalinta uu Dhihi Ahow wuu ahaan (waxaasu) Hadalkiisu waa Xaq, wuxuuna Leeyahay Xukunka Maalinta la Afuufi Suurka, waana Ogyahay wax Maqan (la arkayn) iyo waxa Joogaba, waana Falsame Xeel Dheer. (74) Ka Warran markuu ku Yidhi (Nabi) Ibraahim Aabihiis Aazara ma waxaad ka Yeelan Sanamyo ILaahyo, waxaan kugu Arkaa adiga iyo Qoomkaagaba Baadi Cad. (75) Saasaan u Tusinnay Ibraahim Xukunka Samooyinka iyo Dhulka inuu ka Mid Noqdo kuwa Yaqiiniya (Xaqa). (76) Markuu ku Maddobaaday Habeenku wuxuu Arkay Xiddig Wuxuuna Yidhi kani ma Eebahaybaa, markuu Dhacay wuxuu Yidhi ma Jedi kuwa Dhaca. (77) Markuu Arkay Dayaxa oo soo Muuqda wuxuu yidhi kani ma Eebahaybaa markuu Dhacay wuxuu Yidhi Hadduusan I hanuunin Eebahay waxaan ka mid Noqon kuwa Dhuma. (78) Markuu Arkay Qorraxda oo soo Muuqata wuxuu Yidhi kani ma Eebahaybaa kanaa wayne, Markay Dhaeday wuxuu Yidhi Qoomkayow Bari baan ka ahay waxaad la wadaajinaysaan (Eebe). (79) Anugu waxaan u Jeediyey Wajigayga Eebaha Abuuray Samooyinka iyo Dhulka anoo Toosan oon ka mid ahayn Gaalada. (80) Way Ladoodeen Nabi Ibraahim Qoomkiisii, wuxuuna yidhi ma waxaad igula Doodaysaan Eebe, Isagoo I hanuuniyey, oonan ka Cabsanayn waxaad la Wadaajinaysaan, in Eebahay wax doono Mooyee, Eebahay waa u Waasac (Awoodleeyahay) wax kasto Ogaansho, niyeydaan Xusuusanayn (wax). (81) Sideen uga Cabsan waxaad la Wadaajiseen, idinkuna aydaan ka Cabsanayn inaad la Wadaajiseen Eebe wuxuusan u soo Dejinen Xujo, ee Labada Kooxood (Muslimka iyo Gaalada) koodee mudan Nabdagalyo Haddaad wax Ogtihiin. (82) Kuwa Xaqa Rumeeyey oon ku Dheehin Iimaankooda Dulmi (Gaalimo) kuwaasaa Nabadgalto u Sugnaatay Hanuunsanna. (83) Taasina waa Xujadanadii aa u siinnay Ibraahim Qoomkiisa waxaan koryeelaa Darajaadka Ciddaan Doonno Eebahaana waa Falsame Oge ah. (84) Waxaan siinay Isxaaq iyo Yacquub Dhammaana waan Hanuuninay, Nabi Nuuxna waan Hanuuninay waqti Hore, waxaana ka mid ah Faraciisii Nabi Daawuud, Sulaymaan, Ayuub, Yuusuf, Muuse iyo Haaruun, Saasaana ku Abaal marinaa Samofalayaasha. (85) Iyo Zakariye, Yaxye, Ciise ILYaas, Dhammaana waxay ahaayeen kuwo Suubban, (86) Iyo Ismaaeiil Alyasac, Yuunus, iyo Luudh, Dhammaana waxaad ka Fadilnay Caalamka. (87) Iyo Aabayaalkaod iyo Faracoodii iyo Walaalahood waana Dooranny waana ku Hanuuninay Jidka Toosan. (88) Kaasi waa Hanuunki Eebc wuxuulla ku Hanuuniyai Cidduu Doono oo ka mid ah Addoomadiisa hadday wax La wadaajiyaari Eebana waxaa ka Bun waxay Fali Jireati. (89) Kuwaasu ‘awn kuwaan siinay Kitaabka, Xukunkniiyo Nabixinuada, fladday ka Gaaloabaanna Kuwaasu aCjaalada Makaads waxaan a a’akaalanayQoom ann ka (Jaaloobayn, (Muslimiinta). (90) Kuwuas (Nabiyada) waeye kuwu Eebe hasiuusniyey ee Hanuunkouda kit dayo. waxaadssa Dhahdaa ldirna warsananyc LJjuuro, eewaauunwaanada caalsmka (91) Mayna Waynaynin kebe Waynaantiiia Xaqa ah, Mackay Dhw been Kuma son Dejin hebe Dad waxba, waxtad t}hahdaa yaa 500 Dejiyey Kitaahkii uu Iayimid Nahi M anne Isagoo ftiin Hanuunna u ab Dadka ood YeeIaysecn wurqado and Muujisaan. nodsin qurisuan wan Budun, waxawna laydin Baray waxaydaan Aqoonin idinku iya Aubaynnlkiin, waxaud Dhuhdau Eebaa (sun Dejiyey) markaus saga tag Dhumbaahudusnda lyagon Ciyaari (92) Kanna wan Kitaub aan soo Dejinay oo Barakaysan, oo Runiayn wixii ka Horreeyey iyo inaad ugu Digtid Maka ye Dhinaeyadeeda. kuwa Rumayn Aakhira waxay Rumeyn Quraanka salaaddana way ILaalin. (93) Yaa ka Dambi Radon Cid ku Been Abuuratay Eaba ama Yidhi waa Lay Wanyaoday Isagoon Ion Waxyoonin Waxba. iyo Ckldii Dhahda waxaan son Dejin waxa Eebe soo Dejiyey no kale. Haddaad Araglo markay Daalmiintu Sakaraadka Geerida ko Suganyihiin Malaa'igtuna ku E)hihi Iyagoo ku Taogi Gacmaha Bixiya Naftiina Maanta waxaa laydinku Ahaal maria Cadaab Dulli ah waxaad ku Dhahayseen Eebe Xaqdarro ood Ahaydeen kuwu Iska Wayneeya Aayadkiisa (Waxaad as-ki lahayd wax Wayn). (94) Waxaad Noogu Timaaddeen Kali Kali Sidaon idiinku Abuuray Marka hoc waxaadna kaga Timaaddeen waxaan idinku Nicmaynay Gadaashiina mana ku Aragno Agtiina Shafeecayaalkiinnii and Sheegayseen slay Shuruko Yihiia. waxaana Go'ay Xidhiidhkiinnii waxaana Dhumay waxuad Sheeganeyseen. (95) Eebaa Jeexa Xabbadda Midhaha ah, iyo Timirta, wuxuuna ka soo Bixiyaa wax Nool wax dhimaad ah, kana soo Bixiyaa wax Dhimaad ah wax Nool, Kaasi waa Eebe ee Xaggee laydiinka lili (Xaqa). (96) Eebe waa kan Abuuray Iftiinka kana Yeelay Habeenka Xasil, Qorraxda iyo Dayaxana Xisaab, Taasina waa Maamulka Eebe Adkaada ee og. (97) Eebe waa kati idiin Yeelay Xiddigo inaad ku Toostaan Mugdiga Barriga iyo Badda, waxaan u Caddaynay Aayaadka Ciddii Garan. (98) Eebe waa kan Idinka Abuuray Naf kaliya (Nabi Aadam) ldiinna Yeelay Sugnaansho iyo Hoyosho, waan u Caddaynay Aayaadka Ciddi wax kasi. (99) Eebe waa kan ka soo Dejiya Samada Biyo kuna soo Bixinno Doog Cagaaran oon ka soo Saarro Midho kala Koreeya, Timirtana Fiiddeeda ah Laamo Dhow, Beerana (waan ku so Bixinaa) oo ah Cinab, Zaytuun, Rummaan (qaar) Isu eg, iyo Qaar aan Isu Ekayn, Daya Midhihiisa markuu Midho Dhalo iyo Bisaylkiisa Taasina Calaamaa ugu Sugan Ciddii wax Rumayn. (100) Waxay u Yeeleen Gaalado Eebe Shurako Jinni ah Isagoo Abuuray waxay ku Sheegeen(Been) Eebe Wiilal iyo Gabdho Iyagoon wax Ogayn, waa ka Nasahanyahay Eebe waana ka Sarreeyaa waxay ku Sheegi. (101) Eebe waa Kan Abuuray Samooyinka iyo Dhulka sideese Ilmo ugu ahaan Isagoon Haweenay lahayn wax walbana Abuuray wax kastana Og. (102) Kaasi waa Eebihiin isaga mooyee ILaah kale ma jiro wax kastana isagaa Abuuray ee Caabuda wax walbana isagaa u Wakiil ah (ILaaliya). (103) Ma haleesho Aragti Isagaase Haleela Aragtida (Wuu arkaa Eebe lamase Arko adduunka) Waana wax Oge Xeeldheer. (104) Waxaa idiin Yimid (Idin soo Gaadhay) Xujooyin Eebihiin ka yimid Ciddii Aragta (ku Hanuunta) Naftiisa umbuu wax u taray Cidii ka Indho Beeshana Naftiisuu Dhibay, anna ma ihi mid idin ILaalin. (105) Saasaannu u gagadinnaa (Caddaynaa) Aayaadka inay Dhahaan waad Akhrisatay iyo Inaan u Caddayno Ciddii wax Garan. (106) Raac nabiyow waxa lagaaga Waxyooday Xagga Eebahaa ILaahay mooyee Eebe kalana ma jiro kana Jeedso Mushrikiinta. (107) Hadduu doono Eebe mayna la Wadaajiyeen kaagamana aanaan Yeelin Ilaaliye Wakiilnakama tihid. (108) Ha Caayin waxay Caabudi oo Eebe ka soo Hadhay oo Markaas iyana Caayaan Eebe Colnimo iyo Cilmi la'aan, saasaan ugu Qurxinay ummad kasto Camalkeeda Xagga Eebe Umbayna Noqoshadoodu tahay wuxuuna uga Warrami waxay Fali Jireen. (109) Waxay ku Dhaarteen Gaaladii Dhaar Adag, Hadday soo Gaadho Aayadi inay Rumaynayaan, waxaad Dhahdaa Aayaadku waxay Jiraan Eebe Agtiisa, Miyeyse Ogyihiin Hadday Aayaddu soo Gaadho inayna Rumaynayn. (110) Waxaannu Gaddin Quluubtooda iyo Araggooda Sidayna u rumayn, Markii horaba waxaana ku Daynanaa Iyagoo ku Wareersan Xadguddybkooda.