Juz'  29

 

Al-Mulk

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Waxaa barako badnaaday (oo weynaaday) Eebaha Xukunku awooddiisa ku jiro ee wax walbana kara. (2) Eebaha abuuray geeri iyo nololba, si uu dadow idiin imtixaamo kiinna Camal fiican, Eebana waa adkaade dambidhaafe ah. (3) Eebe waa midka abuuray Toddobo Samo oo isdul saaran kuna arki maysid abuurka Eebaha Raxmaanka ah kala tagsani, bal daymada celi inaad aragto wax dillaac ah. (4) Haddana celi daymada waxaa kugu soo noqon aragga oo dhiban daallanna. (5) Eebe wuxuu ku quxiyey Samada dhow Nalal (Xiddigaha) wuxuuna ka dhigay Xiddigahaas kuwo lagu gano Shayaadiinta, Wuxuuna Eebe u diyaariyay kuwaas Naarta Saciiro. (6) Kuwa ka gaaloobay Eebahood waxaa u sugnaaday Caddibaadda Jhannamo, meel loo ahaadana iyadaa u xun. (7) Marka Gaalada lagu tuuro Naarta waxay ka maqli Cod xun oo daran iyadoo karaysa. (8) waxay u dhawdahay inay Cadha daraadeed la kala dillaacdo, marka Koox (Gaala ah) lagu ridaba waxaa warsada Malaa'igta Naarta ka shaqeysa iyagoo ku dhihi miyuusan idiin imaanin wax idiin diga. (9) Waxayna ugu jawaabi waa noo yimid wax noo diga waanse beeninay, annagoo leh ma soo dejinin Eebe waxba, idinkuna waxaad ku sugan tihiin baadi weyn. (10) Gaaladii waxay dhaheen haddaan wax maqlaynno ama aan wax kasayno Naarta Saciiro ehelkeeda ma aanaan noqoneen. (11) Waxay kirteen (Gaaladu) dambigoodii waxaana u sugnaatay fogaansho Naarta Saciiro ehelkeeda. (12) Kuwa Eebe ka yaaba iyagoon la arkaynin (Eebe mooyee) waxaa u sugnaaday dambi dhaaf iyo ajri weyn. (13) Ama hadalka hoos dhiga dadow ama kor u qaada Eebe waa ogyahay waxa laabta ku jira. (14) Ma waxaan wax ogeyn Eebaha wax walba abuuray ee wax walba daalacan. (15) Eebe waa kan Dhulka ka dhigay mid laylan ee ku socda Waddooyinkiisa kana Cuna Quudkiisa Eebaana Dadku loo soo kulmin (Qiyaamada). (16) Miyaad ka aamin noqoteen Eebaha Sare inuu Dhulka idin la gooyo, ayna idinla dhaqdhaqaaqdo. (17) Miyaadse ka aamin noqoteen Eebaha Sare inuu Dhagaxyo Naar ah idinku soo daadiyo, waad ogaan doontaan digiinta Eebe Cidhibteeda. (18) Waxaa Eebe beeniyey Gaaladii (reer Makaad) ka horreeyey, sidayse ahayd Ciqaabti Eebe. (19) Miyeyna dadku arkaynin Shimbirka korkooda ah marna baalka fidin marna laabi wax haya oon Eebaha Raxmaan ahayna uusan jirin, Eebana wax walba wuu arkaa. (20) Waa kuma Gargaaraha Eebaha Raxmaan ah ka soo hadhay ee u gaargaari Gaalada, Gaaladu waxay ku sugan yihiin kadsoomid. (21) Waa kuma kan wax quudiya haddii Eebe haysto Risqigiisa, Gaaladu waxay ku Madax adaygeen isla weyni iyo Xaq diidnimo. (22) Midkee wanaagsan Ruux Wajiga k socda iyo mid si toosan oo siman Wadda Toosan ugu socda. (23) Dheh Nabiyow Eebe waa midka Dadkow idin ahaysiiyey, Maqal iyo Arag iyo Caqlina idiin yeelay, wax yar baadse Eebe ku shukridaan. (24) Dheh Eebe waa midka dadkow Dhulka idinku beeray isagaana (Qiyaamada) loo soo kulmin doona Dadka. (25) Waxay dhihi Gaaladu waa goorma Waqtiguu dhici waxa naloogu gooddin haddaad run sheegaysaan. (26) Dheh Eebaa og goortaas, waxaanse ahay Anigu u dige Cad (muuqda). (27) Markaysa Gaaladu Naarta oo u dhow arkaan waxaa xumaan oo doorsoomi Wajiga Gaalada, waxaana lagu dhihi waaka Cadibaaddii aad ddonayseen (dedejisanayseen). (28) Dheh balse ka warrama haddii Eebe aniga (Nabiga) iyo inta ila jirta uu halligo ama u naxariisto yaa Gaalo ka korin Caddibaad daran. (29) Dheh Eebe waa Raxmaan waana rumaynay, waana Tala saaranay, waadse ogaan doontaan (Gaalooy) Cidda Baadi Cad ku sugan. (30) Dheh balse Warrama hadday Biyuhu Dhulka ku gudhaan yaa idin siin Biya durduri (ma jiro Eebe waxaan ahayn).

 

Al-Qalam

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Eebe wuxuu ku dhaartay Qalinka iyo waxa Malaa'igtu qorayso (Camalka dadka). (2) Ee Nabiyow Nicmada Eebe darteed lama waallid. (3) Waxaana kuu sugnaaday Ajri aan go'ayn. (4) Waxaana kuu sugnaaday dabeeco (fiican) oo weyn. (5) Waad arki doontaa nabiyow Gaaladuna way arki doonaan. (6) kinna waalan (ama la caddibo). (7) Eebe waa ogyahay Cidda ka dhunta Jidkiisa, waana ogyahay Cidda hanuunsan. (8) Ee Nabiyow ha maqlin xaq beeniyayaasha (Warkooda). (9) Waxay jecel yihiin inaad u iilato iyana kuu soo iishaan. (10) Ha maqlin dhaar badane dhammaantiis oo dullaysan. (11) oo Xanlow ah, isku diraa ah. (12) Khayrka iyo Xoolahana reebta, gardarrow iyo dambiile ah. (13) Xumaantana ku madax agad isku dhejisna ah (xumaanlow ah). (14) inuu Xoolo iyo Wiilal uu leeyahay darteed (yuu saas u falay). (15) Marka Quraankannaga lagu akhriyana wuxuu dhahaa waa dadkii hore warkoodii. (16) wuxuuse Eebe ka calaamayn Sanqaroorka. (17) Eebe wuu Imtixaanay Gaaladii (Reer Makaad) sidii loo imtixanay kuwii beerta markay ku dhaarten inay Aroortii goostaan. (18) Iyagoon dhihin haddii Eebe idmo. (19) Waxaase Beertii xagaa Eebe uga yimid Amar iyagoo hurda. (20) Waxayna noqotay wax la shafay oo kale. (21) wayna isu dhawaaqeen Subaxdii. (22) iyagoo leh kallaha oo beerta goosta. (23) wayna tageen iyagoo Codka hoos u dhigi. (24) inaan Beerta maanta Miskiin soo gelin. (25) Wayna kallaheen iyagoo diidan (in Miskiin u soo galo). (26) Markay ay arkeen Beertii siday tahay yey isu dhaheen waan soo dhunnay. (27) haddana way isgarteen waxayna dhaheen ma ehee waa la ina hoojiyey. (28) Markaas kii u fiicnaa yiri: miyaana idin dhihin war Eebe weyneeya. (29) Markaasay dheheen Eebaa weyn, waan xad gudubnay. (30) Markaasaa qaarba qaar ku jeedsaday iyagoo is dagaali. (31) Waxayna dheheen Magacaana ba'ye waan xad gudubnay. (32) Eebe wuxuu u dhow yahay inuu noogu beddelo mid ka fiican isagaan Khayr ka rajaynaynaa eh. (33) Caddibaaddu waa saas Caddibaadda Aakharaase ka weyn haddii ay wax ogyihiin. (34) Kuwa Eebe ka dhowrsada waxay Eeba agtiisa ku leeyihiin «Jannada Naciimada». (35) Ma Muslimiinta yaanu kala mid dhigaynaa Dambiilayaasha. (36) Seed u dhihi kartaan saas. (37) Mise Gaalooy waxaa idiin sugnaaday Kitaab aad akhrisataan. (38) oo Waxaad doontaanba aad ka helaysaan. (39) Mise ballan adag yaad naga qaadeen tan iyo Maalinta Qiyaame oo waxaad rabtaaan aad xukumaysaan. (40) Weydii (Nabiyow) Gaalada Cidda damiinka ugu ah Xaalkaas. (41) mise dad la wadaaga Arrintaas yey leeyihiin, ha keeneen kuwaas hadday run sheegi. (42) Maalinta dhudhunka la faydi doono Gaaladana loogu yeedhi doono inay sujuudaan ma karayaan Sujuud. (43) Indhaha Gaaladu Maalintaas waa dullaysan tahay waxaana ku muuqda Walbahaar iyo qoomamo, waxayna ahaayeen (Adduunka) kuwa loogu yeeray Sujuud iyagoo nabad qaba. (44) Isu kaana daa aniga iyo kuwa beeniyey Quraanka waana sasabi iyagoon ogeyn. (45) Waana sugi tan iyo muddo, Maamulka Eebana waa xoog badan yahay. (46) Nabiyow ma waxaad weydiisatay Gaalada Ujuuro oo markaas Cuslleeyey. (47) Mise waxa maqan yaa aktooda yaal ooy wax ka qori. (48) Ku samir Xukunka Eebe hana noqonin sidii Saaxiibkii Xuudka (Mallayga Yuunus) markuu naadiyey Eebihiis isaga oo walbahaarsan. (49) Haddan naxariista Eebe haleelin waxaa lagu tuuri lahaa Cidlo (bannaan) isagoo la dagaalay. (50) Waxaase doortay Eebihiis wuxuuna ka dhigay kuwa wanaagsan. (51) Waxay u dhow yihiin kuwi gaaloobay inay daymada kugu lagdaan markay maqlaan Qur'aanka waxayna dhihi waa waalan yahay (Nabigu). (52) Quraanka iyo Nabiguna waa uun waanada Caalamka.

 

Al-Haaqqa

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Maalinta Xaaqo (Qiyaamadu waa wax sugan). (2) Xaaqo maxay tahay. (3) inaadan aqoon ma laga yaabaa xaaqada. (4) Waxa beeniyeen Reer «Thamuud» iyo «Caadba» Qiyaamada. (5) Thamuudse waxaa lagu halligay Qaylo daran. (6) Caadna waxaa lagu halligay Dabayl daran oo qabow. (7) oo lagu diray korkooda Toddoba habeen iyo Siddeed Maalmood oo iraacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid Timir (dogob dhacay). (8) wax ka hadhay miyaad aragtaa. (9) Fircoon iyo kuwii ka horreeyeyna waa jireen iyo kuwii gafsanaa ee la daba geddiyey (Nabi Luudh Qoomkiisi). (10) Waxay Caasiyeen rusushii Eebahood Markaasuu si daran u qabtay. (11) Markay Biyihii xad dhaafeen (Waqtigii Nabi Nuux) waxaan idinku xambaarnay (Awoow yaalkiin) Doontii. (12) si aan uga yeelno waano ay una xafiddo dhag wax maqasha. (13) Marka Suurka la afuufo hal mar. (14) Dhulka iyo Buurahana la xambaaro oo la burburiyo hal mar. (15) Maalintaasay Qiyaamadu dhacaysaa. (16) Samaduna Maalintaas way dillaaci wayna tabar yaraan. (17) Malaa'igtuna Cirka gaararkiisa yey ahaan Maalintaas, Carshiga Eebana waxaa dadka korkiisa ku xambaari Maalintaas Siddeed Malag. (18) Maalintaasaa dadka loo soo bandhigi Eebe wax xagooda kaga qarsoonna ma jiro. (19) Ruuxiise Kitaabkiisa midigta laga siiyo wuxuu dhihi (farax daraadiis) akhriya Kitaabkayga. (20) Waxaan yaqiinsanaa (Adduunka) inaan la kulmi Xisaabtayda. (21) wuxuu ruuxaasi ku noolaan nolol laga raalli yahay. (22) Wuxuuna geli «Janno» sarreeysa. (23) Midhaheeduna u dhaw yihiin (Ruuxa guran). (24) Waxaana lagu dhihi Cuna oo Caba idinkoo shifaysan Camalkaad hor marsateen ayaamihii tegay daraadiis (Adduunkii). (25) Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo Bidixda wuxuu dhahayaa Magacayba'ee maan la i siinin Kitaabkayga. (26) Xisaabtaydana maanan ogaanin. (27) Magaacayba'ee maxaan u soo noolaaday. (28) Xoolahaygi wax iima tarin. (29) Waxaa lumay awooddaydii (iyo xujadaydii). (30) Waxaa loo odhan qabta oo Gacmihiisa iyo luquntiisa isku xira. (31) Naarta Jahannamada geliya. (32) Markaas geliya Silsilad Todobaatan dhudhun ah. (33) maxaayeelay wuxuu ahaa kaan rumaynin Eebaha weyn. (34) aana fari jirin in Masaakiinta wax la siiyo. (35) Maanta (Qiyaamada) kuma leh Saaxiib. (36) Cuunana kuma leh aan ahayn dhaacaanka «Ehlu Naarka». (37) Cunnadaasna ma cuno kuwa gafay waxaan ahayn (Gaalada). (38) Waxaan ku dhaaran waxaad aragtaan (Makhluuqaad ah). (39) iyo waxaydaan arkayninba. (40) ee Qur'aanku waa hadalkii Eebe uu u soo dhiibay Rasuul Sharaf leh. (41) Hadal gabayaana ma aha, wax yar yaadse rumaynaysaan (Xaqa). (42) Hadal wax sheegana ma aha wax yar yaadse waantoomaysaan. (43) (Qur'aanku) wuxuu ka soo degay Eebaha Caalamka. (44) Hadduu nagu been abuurto (Nabi Muxamed). (45) Waxaanu ku qaban gacan adag. (46) Waxaannu gooynaynaa Xididka Wadnaha. (47) Ruux idinka mid ah oo naga eelinnna ma jiro. (48) Qur'aankuna waa waanada kuwa Eebe ka dhawrsada. (49) Waxaan ognahay inay idin ka mid yihiin kuwa beenin (Qur'aanka). (50) Qur'aanku waa qoomamada Gaalada (Maalinta Qiyaame). (51) Qur'aanka waa run dhab ah. (52) Ee Nabiyow u tasbiixso Magaca Eebe ee weyn.

 

Al-Ma'aarij

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Midbaa wuxuu Eebe warsaday in Caddibaad ku dhacda Gaalada (loo soo dedejiyo). (2) Caddibaadaasna wax Gaalada ka Celin ma jiro. (3) Waxayna ka imaan Caddibaaddaasu Eebaha sarraynta iyo Sharafta u Saaxiiba. (4) Ee Malaa'igta kale iyo Jibriilba u koraan Maalin qaddarkeedu dhan yahay Konton Kun oo Sano. (5) Ee Nabiyow Samir Samir wanaagsan. (6) Gaaladu waxay Caddibaadda u arkaan inay fogtahay. (7) Annaguna waxaan u aragnaa inay dhawrdahay. (8) Caddibaaddaasu waxay dhici Maalinta Cirku noqon bir la dhalaaliyey oo kale. (9) Buuruhuna ay noqon Suuf la tifay oo kale. (10) Sokeeyana uusan sokeeye wax warsanaynin. (11) Wayna is arkayaan, dambiiluhuna wuxuu jeelaan inuu iskaga furto Maalintaas Caddibaadeeda Caruurtiisa. (12) Haweenaydiisa, Walaalkiis. (13) iyo qaraabadiisii soo dhawaynayey. (14) iyo waxa Dhulka ku sugan dhammaan markaa uu nabad galo. (15) Saas ma aha ee waxaa jirta Naar kulul (oo ay geli). (16) Waxayna siibi Galka (Madaxa iyo Jirka). (17) Waxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday xaqana diiday. (18) Xoolahana kulmiyey oo hayey (oon xaqa ku bixinin). (19) Dadka waa la abuuray iyaga oo Naf jaclaysi badan. (20) Haddii dhib taabto wuu argagaxaa. (21) Hadduu khayr helana wuu reebaa. (22) Marka laga reebo Muslimiinta tukata. (23) Ee ah kuwa Salaaddooda daa'ima. (24) Kuwa Xoolahoodana xaq la ogyahay ka bixiya. (25) Siiyana kuwa baryootama iyo kuwaan wax haysan. (26) Kuwa rumeeya Maalinta Qiyaame (ee Abaal marinta). (27) Kuwa ka Cabsaday, Caddibaadda Eebahood. (28) Maxaa yeelay Caddibaadda Eebe wax ka Aamin ah ma jiro. (29) Kuwa ka ilaaliya Xubinta (dhalmaha) sino. (30) 30 Waxa ka soo haray Xaaskooda ama ay hanteen, taasna laguma dagaalo. (31) Ruuxiise doona wax gudubsan kuwaa waa mid xad gudbay. (32) Kuwa waxa lagu aaminay iyo Ballankaba ilaaliya. (33) Kuwa maraggooda si fiican u furay. (34) Kuwa Salaaddooda xafida (dhawra). (35) Kuwaasi waxay geli Jannooyin lagu Sharrifo. (36) Maxaa u sugnaaday Gaalada oo ay xagga Nabiga u deg degi (iagoo beenin). (37) Iyagoo midigta Nabiga iyo Bidixdiisaba Koox Koox u jooga. (38) Ma wuxuu damci Ruux kasta oo ka mid ah in geliyo Jannatu Naciima. (39) Saas ma aha ee waxaan ka abuuray waxay ogyihiin. (40) Waxaan ku dhaaran Qorrax ka soo baxyada iyo Qorrax u dhacyada ee waan karraa. (41) Inaan ku baddallo kuwa ka khayr badan, nagamana dheerayn karaan. (42) Ee iska dhaaf ha dhumbadeen eh (xumaanta) hana Ciyaareen intay kala kulmaan Maalintoodii Qiyame ee loogu gooddiyey. (43) Maalinta ay ka soo bixi Qubuuraha iyagoo deg degi ood mooddo inay u laxaadsan Calaamo loo taagay (xaggooda). (44) Aragooduna waa dullaysan yahay Maalintaas, waxaana ka muuqda oo dabooli dulli, Maalintaasuna waa Maalintii loogu yaboohay (Abaal marinteeda).

 

Nooh

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Annagaa Nabi Nuux u dirray Qoomkiisii si uu ugu digo Caddibaadda horteed. (2) Wuxuuna ku yidhi Qoomkayow waxaan idiin ahay dige Cad «oo muuqda» (3) ee Eebe Caabuda kana dhawrsada'anigana i adeeca. (4) Wuu idiin dambi dhaafi wuuna idin dib dhigi ilaa muddo Magacaaban, marka Eebe la yimaaddo ajasha wax dib u dhigi ma jiro haddaad wax ogtihiin. (5) Nabi Nuux wuxuu yiri Eebbow waan u yeeray Qoomkaygii Habeen iyo dharaar. (6) Yeedhiddayduna uma siyaadinin waxaan caraar ahayn. (7) Markasta oo aan u yeedhana si aad ugu dambi dhaafto waxay farahooda yeelaan dhagahooda, maryahoodana way isku dadaan, wayna ku Madax adaygaan xumaanta wayna is weyneeyaan. (8) si kor ah yaan ugu yeedhay, «dadka dhexdiisa» (9) Waana u qaylyey, hoosna waan ugu yeeray. (10) Waxaana ku idhi Eebihiin dambi dhaaf weydiista waa dambi dhaaf badance. (11) Cirkana Roob badan ha idinka keenee. (12) Hana idiin kordhiyo Xoolo iyo Wiilal iyo Beero hana idiin yeelo Wabi yaal. (13) Maxaad leedihiin ood weynida Eebe uga cabsoon weydeen. (14) Isagoo idin abuuray idinkoo soo maray Xaalado kala duwan. (15) Miyaydaan arkaynin sida Eebe u Abuuray toddoba Samo oo isdulsaaran. (16) Dayaxana uga yeelay Dhexdooda Nuur, qorraxdana ka yeelay siraad. (17) Eebe waa Kan idinka soo Bixiyay Dhulka. (18) Haddana idinku Celin doona Dhexdiisa idinkana soo bixindoona. (19) Eebe waa kan Idiinka yeelay Dhulka gogol. (20) Si aad ugu socotaan Dhexdiisa waddooyin waawayn. (21) (Nabi) Nuux wuxuu yidhi Eebow way I caasiyeen waxayna Raaceen kuwo aan xoolohoodu iyo Carrurtoodu waxaan khasaara ahayn u kordhinaynin. (22) Dhagar waynna way Dhakreen. (23) Waxay isu Dheheen ha ka tagina Ilaahyaalkiinna, hana ka Tagina wuddi iyo suwaax iyo yaguuth, iyo Yacuuq iyo Nasri. (24) Waxayna Dhumiyeen dad Badan ee Eebow ha kordhinnin Daalimiinta waxaan baadi ahayn. (25) Gafkoodi Dartiis yaa loo Maansheeyay Naarna Loo Galiyey, mana helayaan Eebe ka soke gargaare, (26) Nuux wuxuu yidhi Eebow ha kaga tagin Dhulka korkiisa Gaalada Ruxna. (27) Maxaayeelay Hadaad kaga tagto waxay Dhumin Addomahaaga, mana dhalayaan waxaan gaal xun ahayn. (28) Eeboow u dambi Dhaaf Aniga iyo waalidiintay iyo ruuxii gala gurigeyga isagoo Mu'min ah Raf iyo haweenba, hana u kordhinnin Daalimiinta waxaan halaag ahayn.

 

Al-Jinn

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Waxaad Dhahdaa (Nabiyow) waxaa lay waxyooday inay Dhagaysteen Koox Jinni ah (Quraanka) Dheheen waxaan maqallay quraan layaab leh. (2) Oo ku hanuunin xaqa waana Rumaynay waxaan Eebe cibaada la wadaajinhaynana ma jiro. (3) Waxaana Sarreeya sharafta Eebeheen, mana yeelan haweenay iyo ilmo midna. (4) Waxay Ahaayeen kuwannagii xumaa inay ku dhaheen hadallo xadgudug ah Eebe. (5) Waxaana u Malaynaynay inuusan insi iyo Jini Midna Eebe ku beensheegaynin. (6) Waxayna ahaayeen kuwo insiga ka mid ah inay Magangalaan kuwo Jinniga ka mida markaasna u kordhiyeen kibir (iyo xad Gudub). (7) Waxayna jinnigu u maleeyeen sidaad u malayseen inaan Eebe soo Bixinhaynin Ruuxna. (8) Waxaan Doonnay samada waxaana hellay iyadoo ka buuxda Ilaalin daran iyo danabyo. (9) Waxaana ahayn kuwo Fadhiista xageeda meelo si aan wax uga dhagaysanno Ruuxiise Dhagaysta hadda wuxuu heli danabyo darban «la kulmi». (10) Mana ogin inay tahay shar lala Doonay dadka Dhulka ku nool ama Eebohood la Doonay hanuun (iyo khayr). (11) Waxaa naga mid ah kuwo suuban iyo kuwo kaleba, waxaan nahay kooxa kala duwan. (12) Waxaanna Ognahay Inaannaan Eebe ku daalinkarin Dhulka Dhexdiisa, kuna Daalinhaynin Cararid. (13) Markaan Maqallay hanuunkana waan Rumaynay, Ruuxii rumeeya Eebihiisana kama yaabo Nusqaan iyo Dulmi Midna. (14) Waxaa naga mida Muslimiin iyo Kuwo xadgudbay, Ruusiise islaama waa mid ku dadaalay hanuun. (15) Kuwiise xadgudbay waxay ahaan Qoryaha Jahannamo. (16) Hadday ku toosaan Dadku jidka (wanaagsan) waxaaan ka waraabinlahayn biyo badan. (17) Imtixaan Dartiis, Ruuxii ka Jeedsada Xusidda Eebihiis wuxuu galin cadaab daran. (18) Masaajidda Eebaa iska leh ee ha kula baryina «caabudina» Eeb Cid kale. (19) Markuu istaagay Addoonkii Eebe (Nabigu) isagoo Caabudi Eebe waxay Jinnigu u dhawaadeen inay korkiisa is dulfuulan. (20) Waxaad Dhahdaa Nabiyow waxaan uun Caabudi Eebahay lana wadaajinmahayo cidna. (21) Waxaad dhahdaa idiin ma hanto shar iyo khayr midna. (22) Waxaad Dhahdaa cidna igama korinayso Eebe, mana helayo isaga ka sakow Magangalyo. (23) Hase yeeshee waxaan hantaa Gaadhsiinta xaqa Eebe iyo Farriimihiisa, Ruuxiise Eebe Caasiya iyo Rasuulkiisa waxaa u sugnaaday Naarta Jahannama isagoo ku waari Dhexdeeda. (24) Markay Gaaladu Arkaan waxa loo yaboohi waxay ogaan cidda Gargaarihiisu tabaryaryahay tirana yaryahay. (25) Waxaad Dhahdaa ma ogi inuu Dhawyahay waxa la idiinku Gooddin ama Eebahay waqti u yeeli. (26) Eebaa og waxa Maqan, umana muujiyo waxaa maqan Ruuxna. (27) Marka laga Reebo ciduu ka raalli Noqday oo Rasuulah, Isagoo hor iyo gadaalba ka ilaalin. (28) Si Eebe u muujiyo inay Gaadhsiiyeen Farriimihii Eebohood, Eebana waa koobay waxa Agtooda ah wayna u tirakoobanyihiin wax walba.

 

Al-Muzzammil

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) (Nabiga) Isduuduubayow. (2) Istaag habeenka (Tuko) wax yar Mooyee. (3) Nuskiisa tuko ama ka nusqaami wax yar. (4) Ama ka badi, Quraanku u akhri si fiican. (5) Annagaa Kugu Dakin Hadal Culus (wayne). (6) Habeenka Saacadihiisa (oo la tukado) yaa ku daran khushuucda Aadna u toosan. (7) Maalintii waxaa kuu sugnaaday shaqa Dheer. (8) Magaca Eebana xus cibaadadiisana u go'. (9) Qorrax ka soobax iyo u Dhaeba Eebaa iska leh, isaga Mooyee ilaah kalena ma jiro ee ka yeelo wakiil (la cuskado). (10) kuna Samir waxay sheegi gaaladu, si Quruxsanna uga hijroo (iskaga tag). (11) Isu kaanna daa aniga iyo kuwa Beeniyay xaqa ee Nicmaysan wax yarna Sug. (12) Agtannada waxaa ah caddibaad iyo Naarta Jaxiimo. (13) Iyo cunno lagu Margado iyo Cadaab daran. (14) (waxay ku dhiei Arrintaasu) Maalinta Dhulka iyo Buuruhu Gilgilan, Buuruhuna ay noqon Tamuux socda. (15) Annagaa idiin dirray Rasuul markhaati ah, sidaan ugu dirray fircoonba Rasuul. (16) Fircoonna wuu Caasiyay Rasuulkii (Nabi Muuse). Firconna waxaan ku Qabannay qabasha Daran. (17) Ee seebaad Gaalloy uga dhawrsanaysaan Caddibaadda Maalinta qiyaame ee carruurta Cirroole ka Yeeli Hadaad Gaalawdaan. (18) Samaduna Maalintaas Darteed ay la Dildillaaci Balaanqaadka Eebana waa wax Dhici. (19) Aayadahani Waa waano Ee Ruuxii Doona Eeba xaggiisa jid ha uga yeesho. (20) Eebahaa wuxuu ogyahay Nabiyow inaad tukatid wax ka yar habeenka saddex Meelood laba iyo Badhkiis iyo saddex meelood meel, iyo in koox ka mida kuwa kula jira ay tukato, Eebana waa u qadaranyahay Habeenka iyo Maalintuba, wuxuuna Ogyahay inaydaan Koobi karin, wuuna Idinka toobad aqbalay ee Akhriya wixii idiin Fududaada oo quraan ah, wuxuu Eebe ogyahay inay idin ka mid Noqon kuwa Buka iyo kuwo safri iyagoo dooni Khayrka Eebe iyo kuwo u dagaallami Jidka Eebe ee akhriya wixii idiin Fududaada oo Quraan ah, Salaaddana ooga Zakadana Bixiya Eebana wax wanaagsan daynsada Waxaad naftiinna u hormarsataan oo khayr ahna waxaad ka ogaandoontaan kana Heleysaan Eeba Agtiisa Isagoo khayr ah iyo Ajri wayn, ee Eebe Dambi dhaaf waydiista waa Dambi Dhaafe Naxariiste.

 

Al-Muddaththir

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) (Nabiga) Isadadayow. (2) Istaag oo dig. (3) Eebahaana waynee. (4) Dharkaagana daahiri. (5) Xumuuntana ka hijroo (iyo Sanamyada). (6) Hana ku mannaysan Adoo Badsan (waxaad Bixisay). (7) Eebahaa Dartiisna u Samir. (8) Marka Suurka (yiaame) la Afuufo. (9) Maalintaasu waa maalin ku Daran. (10) Gaalada oon u Fududayn. (11) Isukaanna daa Aniga iyo kaan Abuuray isaga oo kaligiisa. (12) Una yeelay Xoolo Badan. (13) Iyo Wilaal Jooga oo «Darban». (14) Aan una waasiciyay Risqiga. (15) Oo haddana sii damci inaan u Badiyo. (16) Saas ma aha, ee kaas wuxuu diiday Aayaadkannaga. (17) Waxaana ku kalligi (Ku Dhibi) Cadaab daran. (18) Gaalkaasu wuu Fikiray waxbuuna Goostay. (19) Waxaana loo Lacnaday Siduu wax u goostay. (20) Haddana waxaa loo Lacnaday siduu wax u goostay. (21) Kadib wuxuu eebay (si uu Quraanka u wax yeeleeyo). (22) Wuuna Waji Macbuusay oo Uruuriyay. (23) Markaasuu jeedsaday oo is Kibriyay. (24) Isagoo Dhihi quraankani ma aha waxaan sixir la soo Guuriyay ahayn. (25) quraankani ma aha waxaan hadal Bashar ahayn. (26) waxaannu galin kaas (Naarta) saqara. (27) Ma taqaannaa Naarta Saqara. (28) Hilib iyo laf midna ma Reebto. (29) waxayna Doorisaa jidhka (oy Gubtaa). (30) waxaana kor jooga (ka shaqeeya) sagaal iyo toban malag (ama saf). (31) Ugama Aannaan yeelin naarta kuwa ka shaqeeya malaa'ig, tirana uma aannaan yeelin inay Gaaladu ku fidnoobaan Mooyeen, iyo inay yaqiin sadaan kuwa Kitaabka la siiyay, iyo inay kordhistaan kuwii xaqa Rumeeyay Iimaan, ayna shakiyiinna kuwii Kitaab- ka la siiyay iyo Mu'miniintu, iyo inay Dhahaan kuwa Qalbiga ka buka iyo Gaaladu Eebe muxuu uga Jeedaa Tusaalahan, saasaa Eebe u dhumiyaa Ruuxuu Doono, una Hanuuniyaa Ruuxuu Doono, wax og junuuda Eebe oon isaga Ahaynna ma jiro, waxaan la soo Sheegayna ma aha waano Dadka Mooyee. (32) Waxaa sugan dayaxa ku Dhaartaye. (33) Iyo Habeenku Markuu Jeedsado. (34) Iyo Subaxu markuu iftiimo. (35) Ee Naarta Saqara waa waxyaalaha waawayn Midkood (Balaayooyinka). (36) Waana Digniinta Dadka. (37) Ruuxii Doona inuu Hormaro, iyo Ruuxii Doona inuu dib dhaco, (waa Loodigay). (38) Naf walba waxay u xidhantahay waxay Camal fashay. (39) Hase yeeshee kuwa Midigta mari (Ehlu khayrka). (40) Waxay gali Jannooyin, waxayna iswaydiin. (41) Dambiilayaasha. (42) Iyagoo ku dhihi Maxaa idin Galiyay Naarta saqara. (43) Waxayna ugu Jawabi ka mid ma'aannaan ahayn kuwa Tukada. (44) Mana aannaan ahayn kuwa Quudiya Miskiinka. (45) Waxaana ahayn kuwa la dhumbada kuwa xumaanta Dumban. (46) Waxaana ahayn kuwa beeniya Maalinta Abaalmarinta (Qiyaamada). (47) Ilaa ay Dhabtu Nooga Timaado (Geeridu). (48) Ma anfacayso kuwaas Shafeecada kuwa Shafeeca. (49) Maxaase u sugnaaday iy waanada uga Jeedsadaan. (50) ood u moodaa Dameero Diday. (51) oo ka Cararay libaax. (52) Haddana wuxuu dooni midkasta oo ka mida warqado Qoran (kitaab). (53) Saas ma aha Ee kama yaabayaan Aakhiro. (54) Waxaa sugan in Quraanku waana yahay. (55) Ruuxii Doona yaana waantoobi. (56) Mana Waantoobayaan in Eebe Doona Mooyee, Eebana wuxuu mutaa in laga Dhawrsado, wuxuuna Ehel u yahay inii Dambi Dhaafo.

 

Al-Qiyaama

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Waxaan ku dharaan maalinta qiyaame. (2) Waxaan ku dhaaran (oo kale) nafta Dagaasha (Saaxiibkeed) (Ee waa la idin soo bixin). (3) Ma wuxuu u maleeyay Dadku inaanaan kulminhaynin lafihiisa. (4) Saas ma aha ee waan karraa inaan sinno (soona Celinno) Farihiisa. (5) Wuxuuse Dooni Dadku inay ka Gaaloobaan waxa ka horreeya. (6) Wuxuu waydiin waa Goorma Maalinta Qiyaame. (7) Markase Araggu Wareero (Taagmo). (8) Dayuxuna Madoobaado. (9) Lana Kulmiyo Qorraxd iyo Dayaxa. (10) Wuxuu Dhihi Dadku Maalintaas xagee loo cararaa. (11) Saas ma aha ee ma jiro wax la magan Galo (Eebe Mooyee). (12) Xagga Eebahaa yaana Maalintaas loo ahaan. (13) Waxaa looga warrami dadka Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu Dibmarsaday. (14) Ruux walbana Naftiisa isagaa ku maragfuri. (15) Si kasta Hadduu u cudurdaartana (wax uma tarto). (16) Ha Dhaqaajinin Nabiyow Carrabka inaad Quraanka ku Dagdagto (Akhriskiisa). (17) Annagaa Laabtaada ku kulmin kuuna Akhriyi. (18) Ee Markaan akhrino Raac Akhriskiisa. (19) Annagaana isasaarray Cadaayntiisa. (20) saas ma aha Ee waxaad Jeceshihiin Dadow tan soo Dagdagaysa (Adduunyada). (21) Waxaadna ka tagaysaan aakhiro. (22) Wajiyaal Maalintaas way ifi. (23) Eebeheedna way Eegi. (24) Wajiyaalna Maalintaas way kaduudsami. (25) Waxayna hubtaa in lugu fali Balaayo. (26) Saas ma aha ee markay naftu gaadho Duunta (Waqtiga Geerida). (27) Oo la Dhoho uaa ku tufi. (28) Oo uu Yaqiinsado inuu Dhiman. (29) Oo labada Dhudhun isku marmaan (sakaraad Dartiis). (30) Eebahaa Xaggiisaa la aadi. (31) Mase Rumaynin Gaalku Xaqa mana tukannin. (32) Laakiin wuu Beeniyay wuuna Jeedsaday. (33) Wuxuuna aaday Ehelkiisii isagoo kibirsan. (34) Halaag Buuse Mutaa. (35) Haddana Halaagbuu Mutaa. (36) Ma wuxuu u maleeyay Dadku in looga tagi Bilaash (Dan la'aan). (37) Miyuusan ahayn Dhibic mani ah oo la Dhibciyo. (38) Markaas Noqoto xinjir oo Eebe Abuuro Ekeeyana. (39) Kana yeelo Labadii Nooc lab iyo Dhaddig. (40) Eebaha Saas kara miyuusan Awoodin inuu soo Nooleeyo wixii Dhintay.

 

Al-Insaan

Madinan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Dhab ahaan waxaa dadka soo maray waqti wax la sheego uusan ahayn (uusan jirin). (2) Annagaa ka abuuray dadka dhibic isku Dheehan, Imtixaan Dartiis, waxaana ka yeellay wax maqle wax arka ah. (3) Annagaa Dadka tusinnay Jidka, waxayna Noqdeen mid Shukriya (mahadiya) iyo mid Gaalnimo Badan. (4) Annagaa u darabnay Gaalada silsilado iyo katinado iyo naarta Saciira. (5) kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi weel Buuxa oo lagu Dheehay kaafuur. (6) Waa il ay ka Cabbaan Addoomada Eebe, ayna ujiidaan say Doonaan, (7) Wayna oofiyaan Nadarka, waxayna ka yaabi maalin sharkeedu fidi (qiyaamada). (8) Waxayna Quudiyaan iyagoo jecel miskiinka Agoonka iyo kan xabbisan (Dhibban). (9) Iyagoo Dhihi waxaan idiin quudinnay dar Eebe, mana idinka doonaynno Ahaalmarin iyo Mahadnaq Midna. (10) Waxaan ka Yabaynaa Eebahanno Maalin (wajigu) doorsoomi oo Daran. (11) Eebana waa ka Dhawray sharka Maalintaas, wuxuuna siiyay nuur iyo Farax. (12) Wuxuuna ku abaal Mariyay Samirkooda Dartiis jano iyo Xariir. (13) Waxayna ku Dangiigsan Sariiro Sare, iyagoon ku arkayn qorrax iyo Dhaxan midna. (14) Waxaana u dhaw hooska jannada, waxaana loo soo Raariciyay Midheheeda. (15) Waxaa lala kor socon weelal Fidla ah iyo Koobab Quruurado ah. (16) Quruuradahaas oo fidla ah si fiicanna u Qiyaasan. (17) Waxaana laga Waraabiyaa Ehlu jannaha Sharaab macaan oo lugu Dheehay sinjibiil. (18) Waana il lugu Magacaabo Salsabiil (ay ka cabbi). (19) Waxaana u ageegi wiilal waari, Haddaad Aragtana aad u malayn Jawhar la saydhay. (20) Haddaad Aragto halkaas waxaad arki nicmo iyo sharaf wayn. (21) Dharkooduna (Ehlu Jannaha) waa xariir Jilicsan oo cagaaran iyo Xariir adagba, waxaana loo xidhi fidlo Gacmaha la Gashado, Eebana wuxuu ka waraabiyaa sharaab nadiifah. (22) Kaasi waa Abaalmarintiinii Falkiiniina wuxuu Noqday mid la Mahadiyay. (23) Annagaa Quraanka Nabiyow kugu soo Dajinnay. (24) Ee ku Samir Xukunka Eebe, hana Maqlin Dambiile iyo Gaalnima Badane (warkiis). (25) Xus magaca Eebe subax iyo Galabba. (26) Habeenkana Eebe u sujuud, una tasbiixso Habeenkii (u tuko) waqti Dheer. (27) Kuwaasi waxay Jecelyihiin tan soo Dagdagaysa (Adduunyada) waxay kaga Tagayaan Gadaashoodana Maalin Culus (Qiaamada). (28) Annagaa Abuurray Dadka, Adkaynayna xubnohooda, Haddaan Doonnana waxaan ku Baddalaynaa kuwa la mid ah. (29) Suuraddani waa waano, Ee Ruuxii Doona ha ka yeesho Eebe Xaggiisa waddo. (30) Waxna ma dooni kartaan in Eebe doona mooyee, Eebana waa wax walba oge falsan. (31) Wuxuu galiyaa naxariistiisa ruuxuu doono, daalimiintana wuxuu u darbay cadaab daran.

 

Al-Mursalaat

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Waxaan ku dhaartay Dabaysha wanaaga lala Diro. (2) iyo Dabaysha sida daran u dhabata. (3) Iyo Dabaysha roobka kicisa. (4) Iyo malaa'igta Xaqa iyo Baadilka kala Bixisa. (5) iyo malaa'igta waxyiga soo Dajisa. (6) Si Dadka loo waaniyo looguna digo. (7) Ee waxa dadow Eebe ku Yaboohay wuu dhici. (8) Markase xiddiguhu Nuurku ka tago. (9) Oo samadu Dildillaacdo. (10) Oo Buuraha la Rujiyo. (11) Oo Rasuulladii la kulmiyo (iyo Dadkoodii). (12) Maalion wayn oo loo Qabtay Darteed. (13) In dadka la kala Bixiyo Dartiis. (14) Maalinta kala Bixinta ma Taqaannaa. (15) Halaag wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (16) Miyaannaan Halaagin Ummadihii hore. (17) Haddana Aannaan Raccinhaynin kuwii Dambe. (18) Saasaana ku Falaynaa Dambiilayaasha. (19) Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya. (20) Miyaannaan Idinka Abuurin biyo tabar yar. (21) Markaasna yeellay meel ilaashan. (22) Tan iyo Muddo la yaqaanno. (23) Annagaa wax Qaddarray, wax Qaddarana u Fiican. (24) Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya. (25) Miyaanaan ka yeelin Dhulka kafaalaqaade. (26) Nolol iyo Geeriba. (27) Waxaana yeellay Dhulka Dhexdiisa buuro sugan oo waawayn, waxaana idinka Waraabinnay biyo macaan. (28) Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (29) Aada gaalooy cadaabkii xaggiisa aad Beenin Jirteen. (30) Aada hoos (Qiiba naarta) oo saddex madax ah. (31) Oon hoosinayn, ololla (Kulaylna) wax ka tarayn. (32) Waxayna Naartu tuuri Dhimbilo daran ood Mooddo daar. (33) Ama aad Mooddo geel madaw ah. (34) Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (35) Taasina waa maalin aynan hadlaynin Dadku. (36) Lamana idmo si Ay u cudurdaartaan. (37) Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (38) Maalintan waa maalintii kala Bixinta, Waana idin kulminnay idinka iyo kuwii Horreeyayba. (39) Ee Haddaad wax Dhagrikartaan i Dhagra. (40) Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (41) Kuwa Eebe ka Dhawrsada waxay ku sugnaan hoos iyo ilo; (42) (Waxayna Cuni) khudaartay Doonaan. (43) Waxaana Lagu dhihi Cuna oo cabba Idinkoo shifaysan Camalkiinnii Dartiis. (44) Sasaana ku abaalMarinaynaa kuwa wanaagga fala. (45) Halaagna wuxuu u Sugnaaday kuwa xaqa Beeniya. (46) (Gaalada waxaa lagu Dhihi) Cuna oo Raaxaysta wax yar, waxaad tihiin Dambiilayaale; (47) Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (48) Markii la yidhaahdo Gaalada tukada ma tukadaan. (49) Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya. (50) Hadalkeebay Quraanka Dabadiis Rumaynhayaan.