Juz'  27

 

(31) (Nabi Ibraahim) wuxuu ku yidhi xaalkiinnu see yahay kuwayohow la soo diray. (32) Waxayna dheheen waxaa lanoo soo diray qoon dambiilayaal ah. (33) Si aan ugu soo dirro korkooda dhagaxyo dhoobo (kulul). (34) Oo Eebe agtiisa loogu calaameeyay kuwa xadgudbay. (35) Markaasaan ka bixinnay kuwii mu'miniinta ahaa oo ku dhexjiray. (36) kamana aannaan helin waxaan halguri oo muslin ah ahayn. (37) Waxaana kaga tagnay dhexdeeda calaamad (ay ku waana qaatan) kuwa ka cabsan caddibaad daran. (38) (Nabi) Muusana calaamo lagu waana qaatu ahaa markaan u dirray Fircoon isagoo wata xujo cad. (39) Wuuna jeedsaday isagoo la jira colkiisii, wuxuuna ku yidhi waa Saaxir ama waa waalanyahay. (40) Markaasaan qabannay (ciqaabnay) isaga iyo Askartiisiiba, waxaana ku tuurray Badda isagoo la dagaalay. (41) Ree Caadna (calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markaan ku dirray dabayl wax halaagta. (42) Wax kasta oy martana ka dhigi wax tirtiran. (43) Ree Thamuudna (Calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markii lagu yidhi taaxaysta ilaa waqti. (44) Waxayna iska kibriyeen amarkii Eebe, waxaana qabtay Qaylo daran iyagoo eegi. (45) Mana ayna karin kicid, isumana ayna gargaarin. (46) (Nabi) Nuux qoomkiisiina waa horreeyeen, waxayna ahaayeen kuwo faasiqiin ah, (47) Samada annagaa u dhisnay si xoog ah, waana waasicinnay. (48) Dhulkana waan gogollay cid wax gogoshana annagaa u fiican (Eebe). (49) Waxwalbana waxaan ka abuurray laba nooc, si aad ugu waana qaadataan. (50) Ee Eebe u carara (toobad keena), waxaana idiin ahay dige cade (muuqda). (51) Hana yeelina Eebe miciisa ilaah kale, waxaan idiin ahay dige cade;. (52) Xaalku waa saas, Gaaladii ReeMakaad ka horreysayna markastoo Rasuul uyimaado waxay dhihi jireen waa Saaxir ama waa waalanyahay. (53) Miyay isu dardaarmeen arrintaas, waase qoom xadgudbay. (54) Ee Nabiyow iskaga jeedsado xaggooda, ma tihid mid la dagaaliye (Eebe agtiisa). (55) Ee wax waani, waanaduna waxay anfici mu'minintee. (56) Jinni iyo Insi waxaan Cibaadadayda ahayn uma abuurin. (57) Kamana doonaayo Risqi, iyo inay i quudiyaan. (58) Illeen Eebe umbaa ah arsuqe xoogbadane. (59) 59 Kuwii dulmiilowga ahaa waxaa u sugnaaday. Qyb (ciqaab ah) oo la mid ah tii saaxiibbadoodii (ka horreeyey) ee ha dadajisanin. (60) Halaag wuxuu usugnaaday kuwii gaaloobay maalintoodii (Qiyaame) ee loogu yaboohay.

 

At-Tur

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) (Eebe wuxuu ku dhaartay) Dhuurisiina. (2) Iyo Kitaabka la dhigay, (3) Oo ku qoran warqado la fidiyay. (4) Iyo Gurigii cammirraa (Beytulmacmuur). (5) IYo saanqaafka la koryeelay (cirka). (6) Iyo Baddii la kululeeyay. (7) Ee caddibaadda Eebe waa wax dhici (sugan). (8) wax celinna ma jiro. (9) Waxay dhici caddibaaddaas Maalinta Samadu wareegi. (10) Buuruhuna socon. (11) Halaagna waxaa iska leh maalintaas kuwa xaqa beeniyay. (12) Ee ah kuwa tiimbashada xumaanta ku dhex ciyaari. (13) Maalinta Naarta xoog loogu tuurina (waxa lagu dhihi). (14) Waatan Naartii aad beenin jirteen. (15) Ma sixirbaa, mase waxbaydaan arkayn. (16) Gala, ama samra ama ha samrine, waa isugu kiin mid, waxaa uun laydinka abaalmarin waxaad camal falayseen. (17) Kuwa Eebe ka dhawrsaday waxay gali Jannooyin iyo Nicmo. (18) Iyaga oo ku raaxaysan waxa Eebe siiyay, Eebohoodna wuxuu ka dhawray caddibaadda Jaxiiimo. (19) (Waxaana lagu dhihi) cuna oo cabba idinkoo shifaysan camalkiinnii dartiis. (20) Idinkoo ku dangiiga Sariiro la safay, waxaanna (Eebe) u guurin Haween Janno (Xuuralcayn). (21) Kuwa xaqa rumeeyay ee carurtooduna Iimaanka ka raacday waxaannu haleeshiin carruurtooda (Darajada iyo naxariista), camalkoodana waxba kama nusqaaminayno, Ruuxwalbana wuxuu kasbaday yuu u rahmanaan «u xidhnaani». (22) waxaannu u badinnay faakiho iyo Hilib oo ah waxay jecelyihiin. (23) Waxayna isku siin Jannada dhexdeeda (iyagoo sheekeysan) Weel (Macaan) kabuuxo, oon hadal xun iyo dambi midna lahayn. (24) Waxaana u adeegi wiilal aad moodo Jawhar la dhawray. (25) Qaarkood (ehlu-Jannaha) yaa qaarka kale qaabila iyagoo wax is waydiin. (26) Waxayna isu dheheen waxaan ahayn horay Adduunkii kuwo ehelkoodii dhexdiisa ku cabsada. (27) Eebaase nagu mannaystay (dambi dhaaf), wuxuuna naga dhawray caddibaadda Samuumka (Jahannama). (28) Waxaan ahayn horay kuwo barya Eebe, Ilaahayna waa Baarrii naxariista. (29) Ee waani (Nabiyow dadka), nicmada darteed ma tihid wax sheege iyo waalane midnee. (30) Mise waxay dhihi waa gabayaa ee aan la sugno Geerida. (31) Waxaad dhahdaa suga anna waan idin la sugiye. (32) Mise caqligooda (xun) yaa saas faray, ma aha ee waa Qoom xadgudbay. (33) Mise waxaydhihi isagaa abuurtay (Quraanka) waxba ma ayan rumeynin. (34) Ha la yimaadeen hadal la mid ah hadday Run sheegi. (35) Mise waxaa la abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray (naftooda). (36) Mise iyagaa Samaawaadka iyo Dhulka abuuray, saas ma aha ee wax ma ayan yaqiininin. (37) Mise agtoodaa khayraadka Eebe yaallaa, Mise iyagaa xisaabin dadka. (38) Mise waxay leeyihiin Sallaan ay wax ku Dhageeystaan, ha la yimaado kooda wax dhaagaystay xujo cad. (39) Mise Eebaa Gabdho u sugnaaday idinkana wiilal. (40) Mise waxaad warsan Nabiyow ujuuro, oo markaas ku cuslaatay. (41) Mise waxa maqanbaa agtooda ah oo ay qoraan. (42) Mise Dhagar Bay Rabaan, kuwa gaaloobay iyagaa dhakran. (43) Mise Ilaah Eebe ka soo hadlay leeyhiin, Eebaa ka fog waxay la wadaajiyeen «Ilaah-nimada». (44) Hadday arkaan goosin ka mid ah Samada oo soo dhacaysa waxay odhan waa Daruuro is dulsaaran (madax adayg dartiis). (45) Ee iskaga tag Nabiyow intay kala kulmaan maalinta dhexdeeda lagu halaagi doono. (46) Maalinta ayan dhagartoodu wax u taraynin wax u gargaarana uusan jirin. (47) Kuwa xad gudbay waxaa u sugnaaday caddibaad ka sokaysa (Qiyaamada), laakiin badankoodu ma oga. (48) Ee ku samir xukunka Eebahaa (Nabiyow) annagaa ku ilaalinaynee, kuna; tasbiixso oo ku mahadi Eebahaa markaad kici. (49) Habeenka qaarkiisna tuko, iyo marka xiddiguhu jeedsadaan.

 

An-Najm

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Wuxuu ku dhaartay (Eebe) Xiddiggu markuu hoobto. (2) Ee saaxiibkiin (Nabigu) ma dhumin, xaqana kama leexan. (3) Kumana hadlo hawadiisa. (4) quraankuna waxaan waxyi Eebe ahayn ma aha. (5) Waxaana wax baray (oo xagga Eebe ka soo gaadhsiiyay) ku xoog wayn, (Malaku Jibriil). (6) Ee caafimaad iyo quwaba leh, abuuriddiisuna egtahay. (7) Wuxuu joogay jihadii sare (Jibriil). (8) Kaddibna u soo dhawaaday kuna soo hoobtay (Nabiga). (9) Intuu uga jirsado Qaanso (xadhiggeed) ama ka dhaw. (10) Wuxuuna Eebe waxyooday Addoonkiisa (Nabiga) wuxuu u waxyooday. (11) Qalbiguna Ma beeniyo wuxuu arkay (Nabigu). (12) Ee ma idinkaa ka murmi «kana doodi» wuxuu arkay. (13) Dhabnimuu Nabigu u arkay Jibrill mar kale. (14) Sidratul-Muntaha agteeda. (15) Agteedana waxaa ah Jannatul-ma'waa. (16) (Wuxuu arkay) waqtiguu daboolayay Sidrada wax daboola. (17) Arragguna kama iilan wuxuu arkay (Nabigu) mana xadgudbin. (18) Dhabnimo yuuna u arkay (Nabigu) Aayado Eebe oo waawayn. (19) Ka warrama (Sanamyada) Laata iyo Cuza. (20) Iya Manaatadii saddexaad ee kale. (21) Idinku ma waxaad leedihiin Lab Eebana Dhaddigga. (22) Taasi waa qayb dulan ah. (23) Sanammaduna magacyo aad magacowdeen idinka iyo Aabayawgiin mooyeen wax kale ma aha, wax xuja ahna Eebe uma soo dajinin, waxaan mala ahaynna ma raacayaan iyo waxa naftoodu doonto, xagga Eebana waxaa uga yimid hanuun. (24) Mise dadka waxaa u sugnaaday waxay yididiishaan. (25) Aakhiro iyo Adduunba Eebaa iska leh. (26) Badanaa Malag Samada ku sugan oon shafeecadiisu waxba anfacaynin in Eebe idmo mooyee, Cidduu la doono oo ka raalli noqdo. (27) Kuwa aan rumaynin Aakhiro waxay Malaa'igta ku magacaabi magac dhaddig. (28) Wax cilmi ahna uma laha, ee waxay raaci mala uun, malana xaqa wax kama taro. (29) Ee iskaga jeedso (nabiyow) Ruux ka tagay xukayga (Quraanka) oon doonin waxaan nolosha Adduunka ahayn. (30) Kaasina waa garaadkooda aqooneed intuu gaadhay, Eebana waa ogyahay cidda ka dhuntay jidkiisa, waana ogyahay cidda hanuunsan. (31) Samaawaadka iyo Dhulka waxa ku sugan Eebaa iska leh, si uu uga abaalmariyo kuwa xumaanta falay camalkoodii, ugana abaalmariyo kuwii wanaagga falay wanaag. (32) Waana kuwa ka fogaada dambiga waawayn iyo xumaanta, wax yaryar mooyeen, Eebana waa waasac dambidhaafkiisu, wuuna idin ogyahay markuu idinka abuuray Dhulka iyo markaad ku asturantihiin uurka hooyadiin, ee Naftiinna ha ammaanina Eebaa og cidda dhawrsashada badane. (33) Ka warrama midka xaqa ka jeedsaday. (34) Oo wax ar bixiyay inta kalana reebtay. (35) Ma agtiisaa cilmiga maqan yaallaa oo wuu arkaa. (36) Miyaan looga warramin (dadka) wixii ku yiillay Kitaabkii (Nabi Muuse). (37) Iyo kii (Nabi Ibraahimkii) ee oofiyay (wixii lafaray). (38) Inaan nafna dambi naf kale qaadaynin. (39) Ruuxna wuxuusan camalfalin heleeynin. (40) Camalkiisana la arki doono. (41) Ka dibna looga abaalmarin doono si buuxda. (42) Eebaa xaggiisana loo ahaan. (43) Eebe waakan wax ka qosliya kana oohiya. (44) Isagaana wax dila waxna nooleeya. (45) Isagaana abuuray labada nooc ee ah lab iyo dhaddigba. (46) Kana ahaysiiyay dhibic soo baxday. (47) Isagaana ahaysiin soo celinta kale. (48) Eebe isagaa wax Hodmiya isagaana wax faqiiriya. (49) Waana Eebaha xiddigga Shicra. (50) Eebe isagaa halaagay Caadkii hore. (51) Iyo Thamuudba waxna kama reebin. (52) (Nabi Nuux) Qoomkiisiina horuu (uhalaagay), waxayna ahaayeen kuwa dulmi badan oo xadgudub badan. (53) Qoomkii (Nabi Luudhna) wuu riday (Eebe). (54) Wuxuuna ka daboolay wuxuu ku daboolay (oo caddibaad ah). (55) Teebaadse nicmooyinka Eebe shakinaysaan (kana doodaysaan) dadow. (56) Kan (Nabiga iyo Quraankuba) waa dige ka mid ah digayaashii hore. (57) Wayna dhawaatay Saacaddii Qiyaame. (58) Wax Eebe ka soo hadhay oo ogna ma jiro (markay dhici). (59) Ma quraankanaad la yaabantihiin. (60) Ood qoslaysaan (idinkoo beenin) oydaanna ooyeynin (cabsi darteed). (61) Idinkoo waliba hilmaansan (islana wayn). (62) Ee dadow Eebe u sujuuda caabudana.

 

Al-Qamar

 

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Waxaa dhawaatay Saacaddii (Qiyaame), dayixiina wuu dillaacay. (2) Hadday Gaaladu arkaan Aayad way ka jeedsadaan waxayna dhahaan waa Sixir daran. (3) Way beeniyeen (Nabiga iyo xaqa) waxayna raaceen Hawadooda, amar kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado. (4) Waxaana ugu yimid dhab ahaan warar ku dheehan waano. (5) Waana Xigmad xeel dheer, maxaysa tari udigidi. (6) Ee iskaga jeedso (sugna) Maalinta mid dhawaaqaa uu ugu yeedhi wax daran. (7) Aragooduna wuu dullaysnaan waxayna ka soo bixi Qubuurahooda iyagood moodid Ayax faafay. (8) Iyagoo u dagdagi dhawaaqaha xaggiisa, waxayna dhihi Gaaladu kani waa Maalin daran. (9) Waxaa beeniyay (xaqa) iyaga hortood (Nabi) Nuux Qoomkiisii, waxay beeniyeen Addonkanagii, waxayna dheheen wuu waalanyahay, waana la guulguulay, «oo la canaantay». (10) Eebuuna tuugay inuu tabaryaryahay oo u gargaaro. (11) Markaasaan ku furay Albaabbada Samada (Cirka) Biyo badanna ka keenay. (12) Dhulkana Eebaa ka dillaaciyay ilo, wayna kulmeen biyihii amar la qadaray dartiis. (13) Waxaanna ku xambaaray Nabi Nuux (Doon) Looxyo iyo Musbaarro leh. (14) Kuna socota illalintanada si loo abaalmariyo cidda Gaalowday. (15) Waxaan uga tagnay (yuu Eebe yidhi) Calaamad (lagu wantoobo) ee ma jirtaa cid wacdoomi (oo wax xusuusan). (16) Seese yahay Caddib Eebe iyo digiddiisu. (17) Waan fududaynnay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi. (18) Caadna way beenisay (xaqii), seese noqotay caddibaaddii Eebe iyo u digitiisii. (19) Waxaan ku dirray korkooda dabayl qabaw daran Maalin baasaysan dhexdeed oo Joogta ah. (20) Oo dadka siibaysa sida Timir gunteedii la rujiyay. (21) Seese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii. (22) Waxaan ufududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi. (23) Waxaa beenisay (xaqii) loogu digay Thamuud. (24) Waxayna dheheen ma Ruux dad ah oo naga mid ah yaan raacaynaa, markaas waxaan ku sugannahay baadi iyo dhibaato. (25) Ma isagoo na dhexjoogaa waxyi lagu soo dajiyay, saas ma aha ee waa beenbadane kibirlow ah. (26) Way ogaan doonaan barri cidda beenbadane kibirlow ah. (27) Hashii Annagaa soo bixinnay Jirrabkooda dartiis, Ee sug kuna samir. (28) Una warran in biyuhu yihiin qayb (iyaga iyo Hasha), cidbana maalin gaara leedahay. (29) Waxay u dhawaaqeen saaxiibkood hashiina wuu dilay. (30) Seese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii. (31) Dhawaaq kaliyaan ku siidaynay, waxayna la mid noqdeen jabad burburay. (32) Quraankana waan u fududaynay xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi. (33) Way beeniyeen Qoomkii (NabiLuudh) u digiddii. (34) Waxaana ku dirray korkooda Dabayl Dhagaxyo wadaa, waxaanse ka nabadgalinnay (Luudh) ehelkiisii (rumeeyay) goor Aroor ah. (35) Nicmad xaggannaga ka timid darteed saasaana u abaalmarinnaa ciddii mahadisa (Eebe). (36) Nabi-Luudh wuxuu uga digay qoomkiisii qabashadannada (daran), wayse shakiyeen digiddaas. (37) Waxayna dooneen martidiisii (inay xumeeyaan) markaasaan indhaha tirray, waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa. (38) Waxaa ku waabariistay caddibaad sugan. (39) Waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa. (40) Waan fududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi. (41) Fircoon iyo ehelkiisii waxaa uyimid digid. (42) Wayna beeniyeen Aayaadkannagii dhammaanteed, markaasaan u qabannay si xoog iyo awood leh. (43) Ma Gaaladinnan baa ka khayr badan kuwaas mase dambi la'aanbaa idiin ku sugan Kutubta. (44) Mase waxay dhihi koox guulaysan yaanahay. (45) Waa la jabin kooxda, Dabadayna jeedin. (46) Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah, Saacadduna iyadaa daran oo khadhaadh. (47) Kuwa dambiilayaasha ah baadi iyo fogaansho yay ku suganyihiin. (48) (Waxaana lagu dhihi) Maalinta Naarta WajiWaji loogu ridi dhadhamiya taabashada Saqara. (49) Wax kasta waxaan ku abuurray qadar. (50) Amarkannaguna ma aha mid mooyeen sida Ilbidhiqsi. (51) Dhab ahaan baan u halaagnay kuwa idin la mid ah, ee wax waantoobi ma jiraa. (52) Wax kastoo dadku falo wuxuu ku suganyahay Kutubta. (53) Wax kastoo yar ama waynna waa qoranyahay. (54) Kuwa dhawrsadana waxay gali Jannooyin iyo wabiyaal. (55) Meel la fadhiisto oo xaq ah oo Eebaha awoodda leh agtiisa ah (yaa u sugnaatay).

 

Ar-Rahmaan

Madinan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) (Eebaha) Raxmaan ah. (2) Wuxuu baray (Nabiga iyo dadka kalaba) Quraanka. (3) Dadkana wuu abuuray. (4) Wuxuuna baray dadka (Hadalka). (5) Qorraxda iyo dayaxuna waxay ku socdaan xisaab. (6) Xiddigga iyo Geedkuba way Sujuudaan (Eebe Dartiis). (7) Samadana Eebaa koryeelay, Garsoorna wuu dajiyay. (8) Si aydaan uga gudbin Caddaaladda. (9) Miisaanka ku hagaajiya Caddaalad, hana nuqaamininna. (10) Dhulkana Eebe wuxuu u dajiyay khalqiga. (11) Dhexdiisa waxaa ah Faakihad (khudaar) iyo Timir Fiido leh. (12) Xubuubna (midho) ball leh iyo udgoona wuu abuuray. (13) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan (Insi iyo Jinniyow). (14) Dadka Eebaa ka abuuray dhoobo Jilay oo kale ah. (15) Jaankana wuxuu ka abuuray ololka Naarta. (16) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (17) Ilaaheen waa Eebaha Labada Qorrax ka soo bax iyo Labada Qorrax u dhac. (18) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (19) Eebe waan kan Labada Badood dariseeyey iyagoo kulmi. (20) Dhexdoodana yeelay soohdin (kala reebta) iskumana xadgudbaan. (21) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (22) Waxaa lagala baxaa Baddaas Lu'Lu'iyo Murjaan (Jawhar). (23) Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (24) Eebe waxaa u sugnaaday Doomaha socda Badda oo Buuro la mid ah. (25) Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (26) Dhammaan waxa (Dhulka) korkiisa ah wuu tagi. (27) Waxaase hadhi Eebaha wayn ee sharafta leh. (28) Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (29) Waxaa Eebe wax waydiista Samada iyo Dhulka waxa ku sugan, goorwalbana wuxuu maamuli arrin. (30) Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (31) Waana idin xisaabin si dhab ah Insi iyo Jinniyow. (32) Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (33) Jinni iyo Insiyow haddaad kartaan inaad ka baxdaan Samada Hajooyinkooda iyo Dhulka ka baxa, kamana bixikartaan xujo la'aan. (34) Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (35) Eebe (hadduu doono) wuxuu idinku diri Olol Naar ah, iyo Maar (la dhalaaliyay) umana gargaarsanaysaan. (36) Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (37) Markay Samadu dillaacdo oy noqoto ubax guduudan oo subag la mid ah (dhalaasho) markaas dadkaa la abaalmarin). (38) Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (39) Maalintaas Ruux la warsan dambigiisa Insi iyo Jinniba ma jiro. (40) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (41) Dambiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, waxaana la qaban Foodda iyo gommadaha (Naartaana lagu tuuri). (42) Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan, (43) Tani waa Jahannamadii ay beeniyeen Dambiilayaashu (yaa lagu dhihi). (44) Waxay ku meereysan Jahannamo iyo biyo kulayl daran dhexdooda. (45) Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (46) Ruuxii ka yaaba Eebe hor istaaggiisa wuxuu mudan Laba Janno. (47) Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (48) Jannooyinkaas oo midabyo leh (iyo Laamo). (49) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (50) Waxaa laga helaa ilo socda. (51) Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (52) Waxaa laga helaa nooc kasta oo Faakiha ah (Khudaar ah). (53) Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (54) Waxay ku dangiigsan (ehlu Jannuhu) Gogol ay tahay hoosteedo istabraq (xariir) Midhaha Jannooyinku waa u dhawyihiin. (55) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (56) Jannooyinka iyo Firaashka waxaa ku sugan Haween Indha waawayn oo dhawrsoon oosan taabanin horay Insi iyo Jinni midna. (57) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (58) Waxaad moodaa Haweenkaas Yaaquut iyo Murjaan (Jawhar midab leh). (59) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (60) Wanaag abaalkiisu soo wanaag ma aha. (61) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (62) Waxay heli Labadaas Janno ka sokow kuwa kale. (63) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (64) Waana Laba Jannoo madow (cagaaran). (65) Nicmooyinka Eebe teebad beeninaysaan. (66) Waxaa dhexdeeda ah Laba ilood oo burqan. (67) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (68) Dhexdooda waxaa ah Faakihad (khudrad) iyo Timir iyo Rummaan. (69) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (70) Dhexdooda waxaa ah Haween khayr leh oo Quruxsan. (71) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (72) Waa Haween Indhacad oo Gurigooda jooga. (73) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (74) Waa Haween uusan horay u taabanin Insi iyo Jinni midna. (75) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (76) Waxayna ehlu-Jannuhu ku dangiigsan Barkimo cagaaran iyo Gogol Quruxsan, (77) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (78) Waxaa barakadiisu badnaatay Magaca Eebaha wayn ee shrafta leh.

 

Al-Waaqia

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Markay Qiyaamadu dhacdo. (2) Dhiciddaas wax beenin ma jiro (markay arkaan). (3) Waana (mid) hoos u dhiga kor u dhiga ah. (4) Marka la gilgilo Dhulka gilgilid. (5) Buurahana la riqdo. (6) Oy noqoto boodh Firdhisan. (7) Ood ahaataan Saddex nooc, (markaasaa dadka la soo bixin). (8) Kuwa midigta mari (waa Ehlu-Jannehee), ma taqaan kuwa midigta mari. (9) Iyo kuwa bidixda mari (waa ehluNaarkee) ma taqaan kuwa Bidixda mari. (10) Iyo kuwii aad u hormaray. (11) Waa kuwa Eebe dhaweeyay. (12) Waxayna gali Jannooyin Nicma leh. (13) Waana Koox ka mid ah kuwii hore. (14) Iyo wax yar oo ka mid ah kuwii dambeeyay. (15) Sariiro Dahab laga sameeyay yayna ku sugnaan. (16) Oy kuna dangiigsan korkeeda iyagoo is qaabili. (17) Waxaa la dhex wareegi wiilal waari. (18) Koobab iyo kildhiyo iyo weel uu ka buuxo macaan socda. (19) Madax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh. (20) Faakihaday «khudaartay» doonaanna way heli. (21) Iyo Hilib Shimbir oo kay rabaan ah. (22) Iyo Haween Janno oo Indha cadcad. (23) Ood mooddo Jawhar la ilaaliyay. (24) Waana abaalmarin waxay Camalfali jireen (oo wanaag ahaa). (25) Kumana maqlaan Jannada hadal micno darra iyo dambi midna. (26) Waxayse ku Maqli Salaan (dhexdooda ah). (27) Kuwa Midigta mari, Ma taqaan kuwa midigta. (28) Waxay heli Geedka Sidriga ah oon Qodax lahayn. (29) Iyo Geedka Dhalxiga ah oo buuxa. (30) Iyo Hoos joogta ah. (31) Iyo Biyo socda (goor walba). (32) Iyo Faakiha badan. (33) Oon la goynaynin lana reebaynin. (34) Iyo Gogol la koryeelay. (35) Annagaa ahaysiin (Da'yarayn Haweenka Jannada). (36) Kana dhigi kuwa aan la taaban. (37) Oy is jecelyihiin (Raggooda) simanna. (38) Liwa Midigta yaa muta (arrintaas). (39) Waana Koox kuwii hore ka mid ah. (40) Iyo Koox kuwa dambe ka mid ah. (41) Kuwa Bidixda mari, ma taqaan kuwa Bidixda. (42) Waxay ku sugnaan Naar daran iyo Biyo kulayl badan. (43) Iyo hoos madow oo wax guba. (44) Aan qaboobayn aragna fiicnayn. (45) Waxay ahaayeen arrintaas ka hor kuwo ku raaxaysta (Xumaanta). (46) Waxayna Daa'imi jireen dambi wayn. (47) Waxayna dhihi jireen ma markaan dhimanno oon Lafo iyo Carro noqonnaa lana soo bixin. (48) Ama Aabayaalkannagii horeeyay. (49) Waxaad dhahdaa kuwii horeeyay iyo kuwii dambeeyayba. (50) Waxaa loo soo kulmin Maalin la yaqaan (Qiyaamo). (51) Markaas Baadiyaalyahow Beeniyayaasha ah. (52) Waxaad wax ka cunaysaan Geed xun. (53) Aad kana buuxinaysaan Caloosha. (54) Waxaadna ku cabbaysaan Biyo kulayl badan. (55) Waxaadna u cabbaysaan sida Geel aad u ooman. (56) Kaasina waa waxa lagu soori (Gaalada) Maalinta abaalmarinta (Qiyamada). (57) (Eebe wuxuu yidhi) Annagaa idin abuurraye maxaad la rumaynwaydeen (soo bixinta). (58) Ka warrama Dhibicda aad tuuraysan «Manida». (59) Ma idinkaa abuura mase Annagaa abuurra, (60) Annaaa idinku eheynay Geerida, Ruux naga fakanna ma jiro. (61) Inaan idinku baddallo kuwo idin la mid ah oon idinka ahaysiinno waxaydaan aqoon. (62) Dhabahaanbaad u ogtihiin abuuriddii hore, maad wax xusuusataan. (63) Ka warrama waxaad beereysaan. (64) Ma idinkaa soo dhaliya mase Annagaa soo dhalinna. (65) Haddaan doonno waxaan ka dhigaynaa burbur (aan wax tarin) markaasaad yaabaysaan (murugoonaysaan). (66) (Idinkoo dhihi) Waa nala khasaariyay. (67) Mase waa nala hoojiyay. (68) Ka warrama Biyahaad cabbaysaan. (69) Ma idinkaa ka soo dajiyay Daruurta mase annakaa soo dajinnay. (70) Haddaan doonno waxaan ka yeelaynaa khadhaadh (aan la hollin karin) ee maad ku mahadisaan (Eebe). (71) Ka warrama Dabkaad Madagta ka shiddaan. (72) Ma idinkaa ahaysiiyay Geedkeeda mase annagaa ahaysiinnay. (73) Annagaa ka dhignay Dabka waano iyo nacfiga kuwa Safarka ah (iyo cidlada). (74) Ee waynee oo u Tasbiixso Magaca Eebaha wayn. (75) (Eebe wuxuu yidhi) Waxaan ku dhaartay halkay Xiddiguhu ku dhacaan (ku qarsoomaan). (76) Waana dhaar wayn haddaad ogtihiine. (77) Quraanku waa shay sharaf leh. (78) Wuxuuna ku suganyahay Kitaab la dhawray. (79) Mana taabto Ruuxan Daahir ahayn. (80) Waxaana soo dajiyay Eebaha Caalamka. (81) Ee ma Quraankan yaad beeninaysaan. (82) Ood ka yeeleysaan (mahaddii) Riqigiinna beenin (Xaqa). (83) Maxaydaan markay Naftu dhuunta gaadho. (84) Idinkuna aad fiirinaysaan (Ruuxa dhiman). (85) Annaguna aan idiinka dhawnahay, Laakiinse aydaan arkaynin. (86) Haddaad tihiin kuwa aan la soo bixinaynin. (87) Maad Nafta ku celisaan, haddaad Run sheegaysaan. (88) Hadduu ka mid yahay (Ruuxa dhiman) kuwa Eebe dhaweeyay. (89) Wuxuu heli naxariis iyo farax iyoJannada Naciima. (90) Hadduu yahay kuwa Midigta marina. (91) Nabadgalyaa u sugnaatay (iyo wanaag). (92) Hadduu yahay kuwa xaqa beeniyay ee dhumayna. (93) Wuxuu heli martiqaad iyo kulaylbadan. (94) Iyo galidda Naarta Jaxiimo. (95) Waxaad (la soo sheegay) waa run dhab ah. (96) Ee tasbiixso Magaca Eebaha wayn.

 

Al-Hadid

Madinan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Waxaa Eebe sharrifa (oo wayneeya) waxa ku sugan Samawaadka iyo Dhulka, Eebana waa adkaade falsan. (2) Waxaa Eebe u sugnaaday xukunka samaawaadka iyo Dhulka, isagaa waxa nooleeya waxna dila, waxwalbana wuu karaa. (3) Eebe waa kan horreeyay, waana kan dambayn, waana kan muuqda (khalqigiisa) awgiis waana kan (Indhaha) ka qarsoon waxwalbana og. (4) Eebe waa kan ku abuuray Samaawaadka iyo Dhulka Lix Maalmood qaddarkood, markaasna Carshiga ku ekaaday (si u cunnanta) wuxuuna ogyahay waxa Dhulka gali iyo waxa ka soo bixi, waxa Samada ka soo dagi iyo waxa u kori, Eebana waa idinla joogaa meelkastood ku sugantihiinba, waxaad camal falaysaanna Eebe waa arkaa. (5) Eebaa iska leh xukunka Samada iyo dhulka, xaggiisaana loo celin ummuuraha. (6) Eebe waa kan habeenka iyo dhaarta is dhex galiya (kala badiya) waxa laabta ku jirana waa ogyahay. (7) Rumeeya Eebe iyo Rasuulkiisa, bixiyana waxa ka mid ah wuxuu idiinka dhigay wakiillo (maamulkiisa) kuwa rumeeyay Eebe oo idinka mid ah waxna bixiyay waxay Mudan ajir wayn. (8) Maxaad leedihiin ood la rumayn waydeen Eebe, isagoo Rasuulkuna idiinku yeedhi inaad rumaysaan Eebihiin, isagoo Eeba ballan idinka qaaday haddaad mu'miniin tihiin. (9) Eebe waa ka soo dajiyay Aayaad cadcad si uu idiinka bixiyo mugdiga, Nuurna idiinku bixiyo, Eebana waa idiin naxariis badanyahay. (10) Maxaad leedihiin ood wax ugu bixinwaydeen Jidka Eebe isagoo Samaawaadka iyo Dhulka dhaxalkooda iska leeyahay, masinna Ruux wax bixiyay Maka furashadeedii ka hor oo Jahaaday, kuwaasaa ka Ajri wayn kuwii bixiyay oo dagaalamay ka dib, dhammaantoodna Eebe wuxuu u yaboohay wanaag, Eebana waa ogyahay waxaad camal falaysaan. (11) Waa kuma kan Eebe amaah wanaagsan amaahin (wax bixin) oo markaas uu u laablaabo, Ajri wanaagsanna hela. (12) (Xusuusta) Maalinta aad arki Mu'miniinta Rag iyo Haweenba iyagoo nuurkoodu socda hortooda iyo Midigtooda, waxaana lagu dhihi bishaaraysta Maanta, waa Jannooyin Ay dureeri dhexdooda Wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, taasina waa liibaan wayn. (13) waa Maalinta Munaafiqiintu Rag iyo Haweenba ay ku dhihi kuwa xaqa rumeeyay na suga aan ka Dhuxul qaadanno Nuurkiinnee, waxaana lagu dhihi ku noqda gadaashiinna, waydiistana Nuur, markaasaa layeelaa dhexdooda Darbi xaggiisa gudahana Naxariis tahay, xaggiisa dibaddana Caddibaad tahay. (14) Way u dhawaaqi Mu'miiniinta iyagoo leh miyannaan idinla jirin, Mu'miniintuna waxa ku dhihi haa (waad nala jirteen) laakiin waxaad balayseen Naftiinna, xumaanna waad la sugteen (Nabiga Iyo Mu'miniinta), waadna shakideen waxaana idinku kadisay yididiilo (been ah) Inta amarka Eebe ka yimaaddo (Geerida) waxaana Eebe idinku kadsiiyay Kadiye (Shaydaan). (15) Maanta (Qiyaamada) laydin kama aqbalo is furasho idinka iyo kuwa Gaaloobay midna, Hoygiinnuna waa Nar waadna mudataan, meel loo hoydana iyadaa u xun. (16) Miyayan u dhawaanin kuwa xaqa rumeeyay inay u khushuucdo quluubtoodu xusidda Eebe (Quraanka) iyo waxa xaqa ah ee dagi, oyna la mid noqonin kuwii Kitaabka la siiyay horay (Yahuud iyo Nasaaro) oo muddadu ku dheeraatay, markaas ay ingagtay Quluubtoodu, wax badan oo ka mid ahna waa Faasiqiin (ka baxay Xerada). (17) Ogaada in Eebe nooleeyo Dhulka dhimasho ka dib, wuuna idiin caddeeyay Aayaadka si aad wax u kastaan. (18) Ragga wax Sadaqaysta iyo Haweenka wax Sadaqaysta oo Eebana Amaah wanaagsan Amaaahiya (waa Sadaqada) waa loo laablaabi, waxayna leeyihiin Ajri sharaf leh. (19) Kuwa rumeeyay Eebe iyo Rasuulkiisa kuwaasu waa Runbadanayaal, Shuhadaduna Eebe agtiisa ajri iyo Nuur bay ku mudan kuwase Gaaloobay beeniyayna Aayaadkanaga kuwaasi waa ehelka Naarta Jaxiimo. (20) Ogaada in nolosha Adduunyadu yahay ciyaar iyo dheeldheel iyo isqurxin iyo isufaan dhexdiinna ah iyo badsi Xoolo iyo Carruur, sida Roobi isjeclayssiyey beertah, wuxuu soo bixiyo, markaasna ingaga ood arki isaga oo doorsoomay noqonna burbur, Aakhirana waxaa jira caddibaad daran iyo dambidhaaf xagga Eebe ka iman iyo raalli ahaansho, nolosha Adduunyana waa raaxo lugu kadsoomi. (21) U orotama Dambidhaafka Eebe iyo Janno balladhkeedu yahay balladhka Samada iyo dhulka oo kale, loona darbay kuwa rumeeyay Eebe iyo Rasuulkiisa, Arrintaasuna waa samafal Eebana wuxuu siin Ruuxuu doono, Eebana Fadligiisu waa wayn yahay. (22) Wixii dhib ah oo Dhulka ka dhaca ama naftiinna ku dhaca wuxuu ku sugnaaday Kitaab Abuuriddiisa ka hor, arrintaasuna waa u fududdahay Eebe. (23) Si aydaan ugu murugoonin wixii idinka taga aydaan uguna farxin wuxuu idin siiyo, Eebe ma jecla Ruux kasta oo isla wayn oo faanbadan. (24) Oo ah kuwa bakhayli dadkana fari bakhaylnimo, Ruuxii jeedsadana Eebe waa ka hodon mahadsan. (25) Dhab ahaan baan ula dirray Rasuulladannadii xujooyin, waxaana u soo dajinnay Kutub iyo Caddaalad, si dadku ugu tooso Caddaalad, waxaana soo dajinnay birta iyadoo Shiddo ku dheehantahay iyo nacfi dadka iyo in Eebe muujiyo Cidda u gargaari isaga (Diinta) iyo Rasuulladiisa iyagoon arkaynin, Eebana waa Xoog badane Adkaade ah. (26) Dhab ahaan baan u dirray (nabi) Nuux iyo (nabi) Ibraahim, waxaana yeellay faracooda Nabinnimo iyo Kitaabbo loo soo dajiyay, waxaana ka mid ah kuwa hanuunay, waxbadan oo ka mid ahna waa Faasiqiin. (27) Markaasaan raacinnay Raadkoodii Rasuulladanadii, waxaana raacinnay Ciise Binu maryama, waxaana siinay Injiil, waxaana yeellay Quluubta kuwii raacay isudanqasho iyo naxariis iyo Ruhbaaniyad (Adduun ka jeedsi) ay iyagu billawdeen oonaan ku faral yeelin, doonidda raalli ahaanshaha Eebe dartiis yayna u faleen, mase ayna ilaalinin ilaalin xaq ah, waxaana siinnay kuwii rumeeyay oo ka mid ah ajrigoodii, wax badan oo ka mid ahna waa faasiqiin. (28) Kuwa xaqa rumeeyow Eebaa ka dhawrsada, rumeeyana Rasuulkiisa haydin siiyo laab laab naxariiseede, hana idiin yeelo Nuur aad ku socotaane, hana idiin dambidhaafee, Eebana waa dambidhaafe naxariista ah. (29) Inay ogaadan ehlukitaabku inayan karin inay hantaan Fadliga Eebe, fadliga Eebana awooddiisu uu ku jiraa, wuxuuna siin Ruuxuu doono, Eebana waa kan Fadliga wayn leh.