Juz'  24

 

(32) Yaa ka dulmi badan Ruux ku been abuurtey Eebe korkiisa oo beeniyey runta (Xaqa) markuu uyimid, miyeyna ahayn Jahannamo Guriga Gaalada. (33) Kii la yimid Runta iyo kii rumeeyey waa dhawrsadeen/ (34) Waxayna ku leeyihiin Eebe agtiisa waxay doonaan taasina waa abaalmarinta kuwa wanaagga fala. (35) Si Eebe ugu asturo wixii xumaa oy camal faleen, kuna abaal mariyo ajirkii ufu fiicnaa waxay falayeen. (36) Miyuusan ahayn Eebe kufillaha addoonkiisa waxay kugu cabsi galin waxa Eebe ka soo hadhay (ay caabudi) ruux Eebe dhumiyeyna ma laha cid hanuunin. (37) Cid Eebe hanuuniyeyna ma jiro wax dhumin, Eebana miyuusan ahayn adkaade aarsada. (38) Hadaad warsato Gaalada yaa abuuray Cirka iyo Dhulka waxay odhan Eebe, waxaad dhahdaa bal ka warrama waxaad caabudaysaan Eebe ka sokow hadduu ila doono Eebe dhib miyey yihiin kuwa fayda dhibka ama hadduu ila doono naxariis ma joojin karaan naxariistiisa, waxaad dhahdaa waxaa i kaafiya Eebe ee korkiisa ha tala saarteen kuwa tala saaran. (39) Waxaad dhahdaa qoomkayoow sidaadtihiin u camalfala anna waan camal faliye waadna ogaandoontaan. (40) Ruuxu yimaado cadaab dulleeya oo ku dago korkiisa cadaab joogta ah. (41) Annagaa kugu soodajinay Kitaabka (Quraanka) Dadka dartiis si dhab ah, ruuxii hanuunana wuxuu anfici naftiisa, kii dhumana wuxuu dhibi naftiisa, adiguna Nabiyow kama tihid wakiil. (42) Eebaa oofsada nafta markay dhiman iyo tii aan dhimanin ee hurudday, wuxuna hayn tuu geerida ku xukumay wuxuuna siideyn tii kale tan iyo muddo magacaaban, arrigtaasna aayaad (Calaamooyin) yaa ugu sugan ciddii fikireysa. (43) Mise waxay ka yeesheen Eebe wax ka soohadhay shafeecayaal, waxaad dhahdaa (oo ma kayeelanyesaan) xaataa haddayna wax hananayn waxna kasayn. (44) Waxaad dhahdaa Eebaa iska leh shafeeco oo dhan, waxaana u sugnaaday xukunka Cirka iyo Dhulka xaggiisaana leydiin celin. (45) Marka la xuso Eebe kaliya waxaa diida qalbiyada kuwaan rumeynin aakhiro markii la xuso waxa Eebe ka soo hadhayna markaasay bishaareystaan farxaan. (46) Waxaad dhahdaa Nabiyow Eebow adaa abuuray Cirka iyo dhulka ogna waxa maqan iyo waxa jooga, adaase kala bixin addoomadaada dhexdooda waxay isku Khilaafsanyihiin. (47) Hadday kuwii dulmiga falay waxa dhulka ku sugan shamaantii iyo wax la mid ah leeyihiin way iskaga furan lahaayeen Cadaabka Maalinta Qiyaamaha, waxaana uga muuqday xagga Eebe Waxayn maleeysanaynin. (48) Waxaana u muuqday xumaantay kasbadeen, waxaana ku dhacay waxay ku jees jeesi jireen. (49) Markuu dhibtaabto dadku wuu na baryayaa, markaanse siino Nicmo wuxuu dhahaa waxaa la i siiyey waan mutaa, saas ma aha ee waannu imtixaami mase oga badankood. (50) Waxaa saas yidhi kuwii ka horeeyey waxna uma tarin waxay kasbadeen. (51) Waxaana ku dhacay xumaantay kasbadeen, kuwii dulmifalay oo ka mid ahaa kuwaas waxaa ku dhici xumaantey kasbadeen, namana daaliyaan. (52) Miyeyna ogayn inuu Eebe u waasiciyo Rizqiga cidduu doono kuna cidhiidhyo (cidduu doono) arrintaasna waxaa ugu sugan aayad cidii wax rumeyn. (53) Waxaad dhahdaa Nabiyow addoomadayda ku xad gudbay Naftoodow ha ka quusanina naxariista Eebe, Eeba dhaafa danbiyada dhamaantoode, waana dambi dhaafbadane naxariis badane. (54) U noqda Eebihiin una hogaansama ka hor cadaab idiin ku yimaaddoon laydiinkana gargaarayn. (55) Raaca kan wanaagsan e laydiinka soo dajiyey Eebe xaggiisa, ka hor cadaab idinku yimaadda kado, idinkoon ogayn. (56) Ama odhan nafu shaleyte waxaan ku gaboodfalay cibaadada Eebe waxaana ahaa kuwa jees jeesa. (57) Ama ayan odhan haddii Eebe ihanuuniyo waxaan noqon lahaa kuwa dhawrsada. (58) Ama ayan odhan markay aragto cadaabka hadday noqosho iisugnaan laheyd waxaan ahaan lahaa kuwa samo fala. (59) Saas ma ah ee waxaa kuu yimid aayaadkaygii waadna beenisay waadna iswaynaysay waxaadna ka mid noqotay gaalada. (60) Maalinta qiyaamana waxaad arkeysaa kuwii ku been abuurtay Eebe korkiisa oo wajiyadoodu madowyahay, miyayna Jahannamo dhexdeedu ahayn hoyga kuwa is kibriya. (61) Wuuna koriyaa Eebe kuwa dhawrsaday liibaantooda darteed, mana taabto xumaanu mana murugoodaan. (62) Eebana waa abuuraha wax kaste, waana wax walba wakiilkiisa, «maamulaha». (63) Isagaana iska leh xukunka Samooyinka iyo Dhulkaba, kuwa gaaloobay aayaadka Eebana waa kuwa khasaaray. (64) Waxaad dhahdaa ma waxkasoohadhay Eebaad i faraysaan inaan caabudo jaahiliinyahay. (65) Waxa dhab ahaan loogu waxyoodayadiga iyo kuwii kaa horreeyeyba Nabiyow haddaad wax la wadaajisa (Eebe) waxaa buri camalkaaga, waxaadna ka mid noqon kuwa khasaaray. (66) ee Eebe uun caabud noqona kuwa ku mahdiya. (67) Mayna waynaynin gaaladii Eebe waynaantiisa dhabta ah, isagoo dhulka dhamaantiis kujiro xukunkiisa Maalinta qiyaame Samooyinkuna ku duuban yihiin Yamiintiisa Eebaa ka nasahan kana sarreeya waxay la wadaajiyeen. (68) Waxaa la afuufi suurka (Buunka qiyaame) waxaana suuxi (Dhiman) waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, cidduu Eebe doona mooyee, markaasaa la afuufi mid kale waxaana soo bixi dadkii iyagoo taagan oo sugi (xukunka Eebe). (69) Wuxuuna la ifi dhulku nuurka Eebihiis waxaana la soo dajin (dhawayn) Kitaabkii (Camalka) waxaana la keeni Nabiyadii iyo maraggii (Malaa'igta), waxaana lagu kala xukumi dhexdooda xaq lamana dulmiyo. (70) Waxaana loo oofin (dhameyn) nafkastaa waxay camalfashay, Eebana waa ogyahay waxay camalfalayaan. (71) Waxaana loo kaxeyn gaaloobay xagga jahannamo iyagoo kooco ah markay yimaadaan Naartana waxaa la foraaa Albaabadeeda waxayna udhahaan adeegaheedu miyeyna idiin imaanin Rasuullo idinka mid ah oo idinku akhriya aayaadka Eebihiin idiinkana diga lakulanka Maalintiinan. waxayna dhihi way nooyimaadeen waxaase ku rumoobay Gaalada kalimadii Cadaabka (ee Eebe). (72) Waxaana lagu dhihi gala albaabada Jahannamo idinkoo ku waari dhexdeeda iyadaana u xun meelay ku hoydaan kuwa is kibriya. (73) Waxaana loo wadi kuwii ka dhawrsaday Eebahood xagga jannada iyagoo kooxa ah markay yimaadaan jannadana iyadoo la furay albaabadeeda (marhore) waxay ku dhihi adeegaheedu nabadgalyo korkiina ha ahaato, waad wanaagsanaateen (liibaanteen) ee gala janada idinkoo ku waari. (74) Waxayna dhihi mahad waxaa iska leh Eebaha noo rumeeyey yaboohiisa, nana dhaxalsiiyay dhulka (janada) waxaana ka dagnaa janada meeshaan doonno waxaana wanaag badan ajriga kuwii camal falay. (75) Waxaad arkaysaa malaa'igtoo ku wareegsan gaararka carshiga kuna tasbiixsan mahadda Eebahood, waana la kala xukumi dadkii dhexdooda si xaqw ah, waxaana la dhihi mahad Eebaa iska leh ee ah Eebaha caalamka.

 

Al-Ghaafir

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) (waxay ku tusin mucjisada quraanka sidii soo hor martay). (2) Soo dajinta Kitaabka (quraanka) waxay ka ahaatay Eebaha adkaada ee wax walba og. (3) Ee dhaafa danbiga aqbalana toobadda, ayna darantahay ciqaabtiisu, ee nicmada badanleh, Eebe aan ilaahay ahayna ma jiro, xaggiisaana loo noqon. (4) Kuma doodo aayaadka Eebe kuwa gaaloobey mooyee, ee yeyna kugu dhagrin gagadoonkooda adduunka. (5) waxaa beeniyay hortood qoomkii (Nabi) Nuux iyo xisbiyadii ka dambeeyey, waxayna doontay ummad kastaa rasuulkoodii inay qabato (oy dilaan) waxayna ku doodeen baadil (xumaan) inay xaqa ku tirtiraan, markaasaan qabtay ee waa sidee ciqaabteydii. (6) Saasayna ugu sugnaatay kalimadii Eebe «ciqaabtiisu» kuwii gaaloobay, waana inay yihiin naarta ehelkeeda. (7) Kuwa (Malaa'igta) xambaarsan carshiga iyo kuwa gaararkiisa ah waxay ku tasbiixsan kuna Mahadin Eebehood wayna rumeysanyihiin, waxayna u dambi dhaaf warsan kuwa rumeeyey iyagoo dhihi Eebahanow waxaad ugu waasac noqon wax kasta naxariis iyo ogaanshee u dambidhaaf kuwa toobadkeena ee raaca jidkaaga kana dhawr cadaabka jaxiimo. (8) Eebow gali kuwaas jannada cadni ee ah taad u yaboohday iyaga iyo ruuxii suubanaada oo ah Aabayaalkood, Haweenkooda iyo Caruurtooda, adigaa ah adkaade falsane. (9) Kana dhawr xumaanta (Ciqaabta) ruuxaad ka dhawrto xumaanta maalintaas waad u naxariisatay taasina waa liibaanta wayn. (10) Kuwa gaaloobay waxaa loogu dhawaaqaa (qiyaamada) cadhada Eebaa ka wayn cadhadaad naftiina ucadhootaan, maxaayeelay waxaa laydiinku yeedhi Jiray Iimaanka markaasaad gaaloobayseen. (11) Waxay dhihi Eebow waxaad na dishay laba jeer waxaadna na noolaysay laba jeer waana qiranay dambiganagii ee ma suuroowdaa jid naarta looga baxo. (12) Arrintaas waxaa ugu wacan in marka loo yeedho Eebe kaliya aad gaaloowdaan, haddii wax lala wadaajiyana aad rumeysaan xukunka dhamantiisna Eebaa iska leh ee sarreeya waynna. (13) Eebe waa kan idin tusiya aayaadkiisa idiinkana soodajiya Samada Rizqi (Roob) mana xusuusto ruux Eebe unoqon mooyee. (14) Ee bari (Caabud) Eebe adoo ukali yeeli cibaadada haba naceen gaaladuye. (15) Eebe waa kan ay sarrayso darajadiisu (waxna koryeela) carshigana iska leh, kuna soo dajiya waxyigiisa (iyo jibriil) oo ah amarkiisa cidduu doono oo adoomadiisa ah, si uu uga digo maalinta kulanka (Qiyaamada). (16) Maalintay usoo muuqan (usoo bixi) Eebe waxba karna qarsoona korkiisa, wuxuuna dhihi Eebe yaa xukunka iska leh maanta, markaasuu dhihi Eebaha kalida ah ee awooda badan. (17) Maanta (Qiyaamada) waxaa laga abaalmarin nafkastaa waxay kasbatay, dulmina majiro Maanta, Eebana wey dag dag badantahay xisaabtiisu. (18) Uga dig Nabiyow dadka Maalinta dhaw (Qiyaamada) markuu wadnuhu imaan dhuunta (Cabsi darteed) iyagoo naxsan daalimiinna uma sugnaan sokeeye iyo mid u shafeecoo la maqlo. (19) Eebe waa ogyahay khayaanada indhaha iyo waxay qarin laabtu. (20) Eebe wuxuu xukumaa xaqa, waxay caabudina oo Eeba ka sokeeya waxba ma xukumaan, Eebana waa maqle arka ah. (21) Miyayna ku soconin Dhulka ooyan fiirin siday noqotay cidhibtii kuwii ka horreeyey (Gaaladan) waxay ahaayeen kuwa ka xoogbadan kana camiraadbadan dhulka, markaasuu qabtay Eebe danbigooda dartiis umana sugnaan waxa Eebe ka soo hadhay wax daafaca. (22) Waxaana saas ugu wacan inay ahayd xujooyin, oy ka gaaloobeen markaas Eebe qabtay maxaa yeelay waa xoogbadane ay darantahay ciqaabtiisu. (23) Dhab ahaan yaan (Nabi) Muuse ugu dirray isagoo wata aayaadkanaga iyo xujo cad. (24) Xagga Fircoon, Haamaan iyo Qaaruun waxayna dheheen waa sixirroow beenaala ah. (25) Markuu ugala yimid xaqa agtanada waxay dheheen dila Wiilasha kuwa rumeeyey, daayana Haweenka (Gabdhaha) dhagarta gaaladuna ma aha waxaan khasaare ahayn. (26) Wuxuu yidhi Fircoon, i daaya aan silo Muusee hana uyeedho Eebihiisa, waxaan ka cabsan inuu idinka badalo Diinta ama uu ka muujiyo dhulka fasaad. (27) Wuxuuna yidhi (Nabi) Muuse waxaan ka magangalay Eebahay iyo Eebihiin mid kasta oo is kibriya (isla wayn) oon rumayn Maalinta xisaabta qiyaamada. (28) Wuxuu yidhi nin Mu'min ah oo ka mid ah dadka Fircoon oo qarinaayay limaankiisa, ma waxaad udilaysaan in uu yidhi Eebahay waa Alle, isagoo idiinkala yimid xijooyin xagga Eebihiin hadduu beenaale yahayna isagay dhibi beentiisu, hadduu runle yahayna waxaa idin ku dhici wuxuu idiin ku yaboohay qaarkiis, Eebana ma hanuuniyo danbi badane been badan. (29) Qoomkayoow idinkaa iska leh xukunka maanta una adag dhulka, yaase nooga gargaari caddabka Eebe hadduu inoo yimaado, fircoon wuxuu yidhi idin kula talin maayo waxaan ahayn ra'yigayga (waxa ii muuqda) idinkumana hanuuniyo waxaan ahayn waddada xaqa ah. (30) Wuxuu yidhi kii rumeeyey (Xaqa) qoomkayoow waxaan idiin ka cabsan sidii maalintii xisbiyadii. (31) Sidii Qoomkii Nabi Nuux iyo reecaad iyo thamuud iyo kuwii ka dambeeyey, Eebana ma aha mid la doonadulmi addoomada. (32) Qoomkayow wxaan idinka cabsan maalinta isu yeedhidda (Qiyaamada). (33) Maalintaad jeedsandoontaan idinkoo carari, idiinna sugnayn wax Eebe idinka ilaaliya, ruux Eebe dhumiyeyna malaha «ma jiro» wax hanuunin. (34) Waxaa dhab ahaan idiin kula mid xujooyin marhore (Nabi) Yuusuf, kamana aydaan tagin shaki wuxuu idiin la yimid, markuu dhintayna waxaad dhahdeen ma soobixinaayo Eebe gadaashiis Rasuul, saasuuna udhumiyaa Eebe Ruux xad gudba oo shaki badan. (35) Kuwa kudoodaya aayaadkanaga xujo utimid la'aanteed waxaa ku waynaatay cadho Eebe agtiisa iyo kuwa rumeeyay, saasuuna u daabacaa Eebe qalbi kastoo is kibriya oo daalim ah. (36) Wuxuu yidhi fircoon Haamaanoow ii dhis Daar (sare) si aan ugu gaadho wadooyinka. (37) Wadooyinka Samooyinka markaas aandaalacdo Ilaaha Muuse anigu waxaan u malayn beenaalee, saasaana loogu qurxiyay fircoon camalkiisa xun loogana leexiyay jidka, dhagarta fircoonna, ma aha waxaan khasaare ahayn. (38) Wuxuu yidhi kii rumeeyay (Xaqa) qoomkayoow i raaca waxaan idinku hanuunin jidka fiicane. (39) Qoomkayoow nolashan adduunyo ee dhaw waa uun raaxo (yar) aakharaase guri nagaadi ah. (40) Ruuxii camal xun sameeya laguma abaalmariyo wax lamid ah mooyee, Ruuxiise camal fiican fala Lab iyo Dhaddiigba isagoo rumaysan kuwaasi waxay gali Jannada, waana lagu arzuqi dhexdeeda xisaab la'aan. (41) Qoomkayoow maxaa ugu wacan inaan idiinku yeedho korid idinna iigu yeedhaan Naar. (42) liguna yeedhaan inaan ka gaaloobo Eebe lana wadaajiyo (Cibaadada) waxaanan oqoon ulahayn, aniguna waxaan idiin ku yeedhi xagga Eebaha adkaada ee dambidhaafa. (43) Waxaan shaki lahayn in waxaad iigu yeedhaysaan xaggiisa uusan lahayn Nacfi (iyo wax ajiiba) adduun iyo aakhiraba, waxaana laynoo celin xagga Eebe kuwa xadgudbana iyaga uunbaa ah asaxaabta (Ehelka) naarta. (44) Waadna xusuusan doontaan waxaan idin kuleeyahay, waxaana u bandhigay amarkayga xagga Eebe,illeen Eebaa arka addoomadee. (45) Markaasaa Eebe ka dhawray Mu'minkaas xumaantay ku dhagreen, waxaana ku dhacay (ku dagay) Fircoon iyo ehelkiisii cadaab xun. (46) Naarbaana loo bandhigaa aroortii iyo galabtiiba, Maalintay kacayso Saacaduna (Qiyaamada waxaa ladhihi) galiya fircoon iyo ehelkiisa kan ugu daran cadaab. (47) Xusuuso waqtigay ku doodi ehelu Naarku Naarta dhexdeeda ooy ku odhan kuwii (raaciyada ahaa) kuwii (madaxda ahaa) ee isla weynaa idinkaan idin raacaynay ee wax manooga taraysaan qayb naarta ka mid ah. (48) waxay dheheen kuwii iskibriyey dhamaanteen waxaan ahaanaynaa naarta dhexdeeda, Eebana waa kala xukumay addoomadiisa dhexdooda. (49) Waxayna ku dhaheen kuwa naarta kusugan adeegaha jahannamo noo barya Eebihiin inuu naga fududeeyo maalin cadaabka. (50) Waxay dheheen adeegayaashii miyeyna ahayn inay idiinla timid Rasuuladii xujooyin, waxay dhaheen way noola timid, waxayna dhaheen harya idinkii marka Eebe, baryada gaaladana ma aha waxaan baadi iyo khasaare ahayn. (51) Annagaa u gargaari Rasuuladanada iyo kuwa rumeeyey xaqa nolosha adduun iyo maalinta ay kici maragyadu. (52) Maalintayna antacayn daalimiinta cudur daarkoodu, ayna u sugnaan Naclad iyo Guri xun (Naar). (53) Dhab ahaan yaan u siinay Nabi Muuse hanuun (Nabinimo) una dhaxalsiinayna Bani Israa'iil Kitaabka (Tawreed). (54) Hunuun iyo waano isagoo u ah kuwa caqliga leh. (55) Ee samir Nabiyow yabooha Eebe wan dhabe, dambi dhaafna waydiiso kuna tasbiixso adoo ku dheehan mahadda Eebahaa Galab iyo Aroorba. (56) Kuwu ku murmi aayaadka Eebe xujo la'aan u timid laabtooda ma aha waxaan kibir ayna gaadhayn ahayn, ee ka magan gala Eebe isagaa wax muqla waxna arkee. (57) Abuuriddu cirka iyo Dhulka yaa kawayn abuuridda Dadka (sida u muuqata) laakiin Dadka badidiis ma oga. (58) Ma eka indhoole iyo arkc iyo kuwa rumeeyey (Xaqa) camalfiicanna falay iyo xumuunloow, wax yar baadse xusuusanaysaan. (59) Saacadda (Qiyaame) way iman shaki la'aan laakiin Dadka badidiis ma rumeynayaan. (60) Wuxuu yidhi Eebehiin i barya aan idiin ajiibee, (aqbalee) kuwa iska weyneeya cibaadadayda waxay gali doonaan naarta jahannamo, iyagoo dulleysan. (61) Eebe waa kan idiin yeelay habeenka inaad xasiLoonaataan dhexdiisa, maalintana (Ifid) arag, Eebana waa kan wax ku galladaysta dadka, laakiin dadka badankiisu kuma mahdiyaan. (62) Kaasi waa allihiin, Eebana idiin ah wax walbana abuuro, Eebe mooyee mid kale ma jiro ee xagee xaqa laydiinka iili. (63) Saas ookale yaa loo iilay kuwii aayaadka Eebe diidi jiray. (64) Eebe waa kan idiinka yeelay Dhulka meel sugnaansho, Cirkana dhismo oo idin sawiray wanaajiyayna Suuraddiina oo idinku Arzaaqay wax wanaagsan kaasi waa Eebihiin waxaana sarreeya oo nasahan Eebaha Caalamka Eebihiisa ah, (65) Eebaha nool, Eebe aan isaga ahaynna ma jiro ee barya (caabudana) idinkoo u kaliyeeli Diinta, mahadna waxaa iska leh Eebaha Caalamka. (66) Waxaad dhahdaa Nabiyow waxaa layga reebay inaan caabudo waxaad baryeysaan Eebe ka sokow markay iigayimaadeen xujooyin xagga Eebahay, waxaana lay faray inaan uhogaansamo Eebaha Caalamka. (67) Eebe waa kan idinka abuuray CarRada Hadana Dhibic, haddana Calaqo markaas idin soo bixiyey idinkoo ilma ah, hadana aad gaadhaan xoogiina, haddana aad noqotaan Odayo waxaase idinka mid ah cid la oofsado (Dhimata) intaas ka hor, iyo inaad gaadhaan waqti magacaaban waxaad udhawdihiin inaad wax kastaan. (68) Eebe waa kan wax nooleeya waxna dila markuu doono inuu xukumo amarna wuxuu uun dhahaa ahaw wuuna ahaadaa. (69) Ka warran kuwa ku murmi aayaadku Eebe xaggee looga iili xaqa. (70) Kuwa beeniyay Kitaabka «Quraanka» iyo waxaan la soo dirray Rasuulladanada way ogaandoonaan, cidhibtooda. (71) Marka Katiinado layeelo Luquntooda Silsiladdana lagu jiido. (72) Kulayl haddana «Naar» lagu jiido. (73) Markaas lagu dhaho aaway waxaad la wadaajiseen cibaadada. (74) Eebe ka sokoow, waxayna odhan waa naga Dhumeen (waynay), mase aanaan ahayn kuwo Wax ucaabuday horay, saasuuna Eebe udhumiyaa Gaalada. (75) Taasina waa waxaad ugu farxi jirteen Xumaanta dhulka dhexdiisa xaq daro iyo Waxaad la kibri jirteen. (76) Eegala irdaha jahannamo idinkoo ku Waari waxaana u xun meeluu ku hoydo isla wayne Naarta Jahanamo. (77) Samir (adkayso) nabiyow yabooha Eebe waa xaqe, haddaanu kutusinno waxa (guusha) aannu Kuu yaboohi qaarkeed (intaad nooshahay waa Wanaagayamaan ku oofsanno (intaas Ka hor) Xaganagaa loo soo celin (gaaladaas). (78) Waxan dirray rasuullo adiga hortaa Waxaa ka mid ah kuwo aan kaaga qisoonay iyo kuwo aanaan kaaga qisoonin, rasuulna aayad (mucjisad) ah idiin Lama imaan karo Eebe la'aantiis hadduuse yimaado amarka Eebe (cadaabkiisu) waxaa la Xukumi xaq waxaana ku khasaaray halkaas kuwa Xumaanlowga ah. (79) Eebe waa kan idiin yeelay Nicmoolayda (xoolaha) inaad waxna ka fuushaan waxna ka cuntaan. (80) Waxaana idinka sugnaaday dhexdeeda Nacfi iyo inaad ku gaadhaan danihiina Laabta idinkaga jira, korkeeda iyo doonta Ayaana la idinku xambaaraa. (81) Wuxuuna idin tusiyaa aayaadkiisa ee teed aayaadka Eebe diidaysaan. (82) miyayna ku soconin dhulka oo ay fiiriyaan Siday noqotay cidhibtii kuwii ka horreeyay, waxay ahaayeen kuwo ka badan kana xoog badan iyo camiridda dhulka, waxna uma tarin waxay kasbadeen. (83) markay ula yimaadeen rasuuladoodii xujooyin waxay ku farxeen gaaladii waxa agtooda ah oo cilmi ah, waxaana ku dagay waxay ku jees-jeesi jireen (abaalkiisii). (84) markay arkaan cadaabkanaga waxay dhahaan waxaan rumaynay Eebe kaliya waana diidnay waxaan Eebe la wadaajin jirray. (85) Mana aha kuu anfici iimaankoodu markay Arkaan cadaabkanaga, waa sunnada (dariqada) Eebe ee u horaysay adoomadiisa, waxaana ku khasaaray halkaas gaalada.

 

Fussilat

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Waxay ku tusin mucjisada Quraanka sida soo hormartay. (2) Quraanka waa soo dajinta Eebe naxariista guud iyo mid gaaraba naxariista, (3) Waana Kitaab loo caddeeyey aayaadkiisa isagoo Quraan carabi ku qoran ah ciddii wax garan. (4) Waana bishaareeye u dige ah, waase ka jeedsadeen badankoodu waxna ma maqlayaan. (5) Waxayna dheheen quluubtanadu waxay kaga sugantahay dabool waxaad noogu yeedhi, dhagahanagana waxaa kaga jira culeys, dhexdanada iyo adigana waxaa ah xijaab, ee camal fal anana waancamalfaleynaaye. (6) Waxaad dhahdaa Nabiyow anigu waxaan uun ahay bashar (Dad) idinkookale ah, waxaana la iiwaxyooday in Eebehenno yahay Eebe kaliya, ee u toosnaada xaggiisa, kana dambidhaaf waydiista, halaagna wuxuu u sugnaaday mushrikiinta. (7) Kuwaan bixinin zakada ahna aakhiro kuwa ka gaaloobey. (8) Kuwa xaqa rumeeyeyse oo camalfiican falay waxaa usugnaaday ajri aan guraynin. (9) Waxaad dhahdaa Nabiyow idinku ma waxaad ka gaaloobaysaan kan (Eebaha) ku abuuray Dhulka laba maalmood, ood uyeelaysaan kuwo la mid ah, kaasi waa Eebaha Caalamka. (10) Wuxuuna yeelay Dhulka dhexdiisa Buuro wuuna barakeeyey dhexdiisa una qadaray (u qiyaasay) Cunnadiisa afar maalmood iyadooy usimantahay dadka weydiin. (11) Markaasuu Eebe u istawooday (qasday) Cirka oo qiiq ah kuna yidhi Cirka iyo Dhulka ahaada idinkoo adeecsan ama la ikraahi (laqasbi) waxayna dheheen waan nimid anagoo addeecsan. (12) Wuxuuna Eebe ka abuuray Cirka Todobo Samo laba maalmood wuxuuna faray Samo kasta amarkeedii, waxaana ku qurxinay Cirka dhaw Misbaaxyo, waana ilaalinay, taasina waa qadaridda (maamulka) Eebaha adkaada ee wax og. (13) Hadday ka jeedsadeen Gaaladu (xaqa) waxaad ku dhahdaa Nabiyow waxaan idiinka digi cadaab daran oo lamid ah kii Reer Caad iyo Thamuud. (14) Markay ugaga timid Rasuuladii hor iyo gadaalba, iyagoo ku leh ha caabudina waxaan Eebe ahyn, ayna ku dhaheen hadduu doono Eebeheen wuxuu soo dajinlahaa Malaa'ig, anaguna waxa laydiin soo diray waan ka gaaloownay. (15) Ree Caad iyagu way isku kibriyeen Dhulka xaq darro, waxayna dheheen yaa naga xoog badan miyeyna arag Eebaha abuuray inuu ka xoogbadanyahay waxayna ahaayeen kuwo aayaadkanaga diidan. (16) Waxaana ku dirray korkooda Dabayl qaylo daran Todobo Maalmood oo uxun (iyaga) si aan u dhandhansiino cadaabka dulliga Nolosha adduun, cadaabka aakhiraana ka sii dulli badan loomana gargaaro. (17) Ree thamuud waxaantusinay xaqa, waxayna ka jeeclaadeen indho la'aan (baadi) hanuunkii, waxaana qabtay qaylo cadaab wax dulleeya, waxay kasbanayeen darteed. (18) Waxaana korinay kuwii rumeeyey (xaqa) oo dhawrsan jiray. (19) (u sheeg gaalada) Maalinta lagu kulmin colka Eebe naarta iyagoo is cidhiidhyi. (20) Markay yimaaddaana uu ku maragfuro korkooda, maqalkooda, aragoodu, iyo haragoodu (jidhkoodu) waxay falijireen. (21) ayna ku dhahaan korkooda (Jidhkooda) maxaad noogu marag kacdeen, ayna ku dhahaan waxaa naga hadliyey Eebaha ka hadliya wax kasta, isagaana idin abuuray markii hore xagiisana laydiin celin. (22) Mana aydaan ahayn kuwa iska astura inay ku maragkacaan jidhkiinu, araggiinu iyo haraggiinu, inuusan Eebe ogayn wax badan ood falaysaan. (23) kaasina waa malihiinii aad u malayseen Eebihiin isagaana idin halaagay, waxaadna ahateen kuwo khasaaray. (24) haday samraanna naarbay ku hoyan hadday cudur daar dalbaana lagama aqbalo. (25) Waxaan u darabnay Gaalada saaxiibo u qurxiya waxa ka horeeya, iyo waxa ka dambeeya, waxaana ku xukunaatay hadalkii Eebe isagoo umada kale ku dhex sugan (oo la cadaabi) oo ka horeeyey Jinni iyo Insina leh waxayna ahaayeen kuwo khasaaray. (26) Waxay dhaheen kuwii Gaaloobay ha maqlina Quraanka kuna qaylya (marka la akhrin) waxaad u dhawdihiin inaad adkaataane. (27) Waxaan dhadhansiinaynaa kuwii Gaaloobay Cadaab daran, waxaana ka abaalmarinaynaa kii ugu xumaa waxay camal falayeen. (28) Kaasi waa abaalmarinta colka Eebe, waxayna gali Naar iyadoo u noqon Curi waarid, iyagoo laga abaal marin aayaadkanaga aydiideen. (29) Waxay dheheen kuwii Gaaloobay Eebow na tusi labadaas nadhumiyey oo Jinni iyo Insi ah aan yeelo Gomadahanaga hoostoodee si ay u noqdaan kuwo ku hooseeya (Naarta). (30) kuwa yidhi Eebahanno waa Alle hadana toosnaaday waxaa ku soo dagta Malaa'igta (markey dhiman iyadoo ku dhihi) ha cabsanina hana murugoonina, kuna bishaareysta Jannadii laydiin yaboohay. (31) anagaa sokeeye idiin ah nolosha addunyo iyo aakhiraba, waxaana idiinsugnaaday dhexdeeda waxay doonto Naftiinnu waxaadna ka helaysaan waxaad dalabtaan. (32) Waana martiqaadka Eebaha dambi dhaafa ee Naxariista. (33) yaa ka fiican hadal ruux ugu yeedhay (Dadka) Eebe xagiisa, oo camalfiican sameeyey, oo dhaha anigu waxaan ka mid ahay Muslimiinta. (34) Mana eka Wanaag iyo Xumaan, reebna oo (bixi) arrinta fiican markaas waxaa soobixi in midkii col idin dhexyiil uu noqon sokeeye iyo saaxiib. (35) Lalamana kulmiyo arrintaas kuwii samrey mooyee, lalamana kulmiyo mid nasiib weyn leh mooyee. (36) Hadduu ku waswaasiyo shaydaan xaggiisa waswaasiye ka magangal Eebe isagaa wax maqla waxna oge. (37) Aayaadka Eebe (jiridiisa iyo qudradiisa) waxaa ka mid ah Habeenka, Maalinta, Qorraxda iyo Dayaxa, ha u sujuudina Qorraxda iyo Dayaxa ee u sujuuda Eebaha abuuray haddaad tihiin kuwo (dhab) u caabudi. (38) Haday iska kibriyaan (cibaadada) kuwa Eebahaa agtiisa ah way u tasbiixsadaan Habeen iyo Dharaarba kana noogin. (39) Aayaadka Eebe waxaa ka mid ah inaad aragtidDhulkoo dulleysan (abaar ah) markaan ku soo dajinno Biyaha uu gilgisho soona kor noqdo, midka nooleeyey wuxuu nooleyn wixii dhintay wax walbana wuu karaa. (40) Kuwa iilaya aayaadkanaga nagama qarsoona, ruux lagu tuuray Naarta miyaa khayrroon mise mid isagoo aamin ah imaan Qiyaamada, fala waxaad doontaan, Eebe waxaad faleysaan waa arkaa. (41) Kuwa ka gaaloobay Quraanka markuu u yimid (waa la abaal marin) waana Kitaab qaali ah. (42) Mana timaado xumaan hortiisa iyo gadaashiisa, (waa dhawran yahay) waana soo dajinta Eebaha falka san ee lamahdiyo. (43) Lagumana dhaho waxaan ahayn waxii lagu yidhi Rasuuladii ka horreeyey, Eebahaana waadambi dhaafe ciqaab daran. (44) Hadaan kayeelo «Kitaabka» Quraanka Cajami ah waxay dhihi lahaayeen maxaa loo caddayn waayey Aayaadkiisa, ma (quraan) Cajami ah iyo Nabi (Carabi ah) waxaad dhahdaa isagu kuwa rumeeyey wuxuu u yahay Haanuun iyo Caafimaad, kuwa aan rumeynina dhagahooda waxaa ah culays, waana ka indha la' yihiin kuwaasna waxaa looga yeedhi meel fog. (45) Dhab ahaanbaan u siinay Nabi Muuse Kitaabka waana laysku khilaafay, haddayan jirin kalimo ka hormartay Eebahaa waa lakala xukminlahaa dhexdooda waxayna ku suganyihiin gaaladu shaki daran. (46) Ruuxi camalfiican fala wuxuu u falay Naftiisa, Ruuxii xumaan fala wuxuu dhibay Naftiisa, Eebaheena ma aha dulmiyaha Addoomada.