Juz'  23

 

(28) Kuma aanaan dajinin qoomkiisii gadaashiis Januud samad ka timid, mana aanaan ku soo dajinin. (29) Waxaan qaylo Kaliya ahayna laguma halaagin oo markaas ay bakhtiyeen (halaagsameen). (30) Nidaamo (Qoomamo) yaa u sugmaatay addomada Rasuulkii u yimaadaba waxay ahaadaan kuwo ku jees jeesa. (31) Miyayna arkeyn intaan halaagnay hortood quruumo, aan xagooda usoo noqonayn. (32) Dhammaanna waxaa lagu soo kulmin agtannada. (33) Waxaa calaamo u ah dhulka dhinta (abaarooba) oo noolayno kana soo bixino midho ay wax ka cunaan. (34) Waxaana yeellay dhexdeeda beero Timir iyo Cinabyo ah, waxaana ka dillaacinay dhexdeeda ilo (Biyo ah). (35) Si ay u cunaan midhihiisa iyo waxay camal faleen gaemahoodu, miyeyna mahdinaynin Eebe. (36) Waxaana nasahana Eebaha abuuray nooeyada dhamaanteed oo ah waxa dhulka soo dhaliyo iyo naftoodaba iyo wax ayna ogayn. (37) Waxaaa dadka calaamo ugu filan habeenkaan Maalinta ka soo siibno, oo markaas ay mugdi galaan Dadkii. (38) Qorraxduna waxay kuorodaa meelay leedahay, taasina waa qadaraadda Eebaha adkaada ee waxwalba og. (39) Dayaxana waxaan uqadaray (uyeelay) meelo uu ku hoydo intuu ka noqdo sida laan gabowday oo kale. (40) Qorraxdana uma suurowdo inay haleesho Dayaxa Habeenkana uma suuroowdo inuu maalinta ka hormaro, mid kastana falagiisuu dhex dabaalan. (41) Waxaa calaamo ugu filan dadka inaan ku xambaaray aabaylkood Doontii buuxday. (42) Waxaana uga abuuraynaa iyada oo kale waxay Koraan. (43) Hadaan doonana waan maansheynaa wax u gargaarana mahelaan lamana koriyo. (44) Naxariis Eebe iyo uraaxayn tan iyo wakhti mooyee. (45) Markaa gaalada lagu dhaho ka dhowrsada waxa hortiina ah iyo waxa gadaashiina ah waxaad udhawdihiin in laydiin naxariistee (ma maqlaan). (46) Aayad kasta oo u timaada oo ka mid ah aayaadka Eebahood way ka jeedsadaan. (47) Marka lagu dhaho bixiya waxa Eebe idinku arzuqay wax ka mid ah waxay ku dhahaan kuwa gaaloobay kuwii rumeeyay ma waxaan quudinaynaa cid hadduu doono Eebe uu quudin lahaa, waxaan baadi cad ahayna kuma sugnidin. (48) Waxay odhan gaaladu waa goorma (waqtiguu dhici) yaboohaas (Qiyaamadu) hadaad run sheegaysaan. (49) Ma sugaayaan (gaaladu) hal qaylo mooyee oo qabanaysa iyagoo doodi. (50) Mana karaan dardaaran ehelkoodiina uma soo noqdaan. (51) Suurkaa la afuufi markaasaa dadku qubuurahooda xagga Eebahood uga soo dagdagi. (52) Iyagooy dhihi gaaladu waan khasaarnaye yaa naga soobixiyey meeshaan jiifnay (qabrigii) taasina waa wixii Eebaha Raxmaan ah yaboohay Rasuulladuna ku run sheegeen. (53) Waxaan qayki kaliyo ahayn ma aha, maarkaasaa dhamaantood agtanada lagu soo kulmin. (54) Maantana (qiyaamada) lagama dulmiyo nafna waxba, laydiin kana abaalmarin maayo waxaad camal falayseen mooyeen. (55) Asaxaabta Jannada (ehelkeeda) Maantaa waxay ku shuqloonyihiin Nicmo iyo farax. (56) Iyaga iyo haweenkooduba waxay ku sugnaan hadh, waxayna ku dangiigsanaan sariiro (sare). (57) Waxayna dhexdeeda ka heli faakihad, waxayna heli waxay dalbaan. (58) salaan Eebaha Naxariista xagiisa ka timidna way heli. (59) Soocma maanta danbiilayaalyahow (gaalada). (60) Miyaanan idinkula ballamin Bani aadamow inaydaan caabudin Dhaydaan, illen col muuqda yuu idiin yahay. (61) Ood ani i caabudaan, taasina waa wadada toosan. (62) Dhab ahaan wuxuu udhumiyay (Shaydaan) xaggiina dad badan, miyaydaan wax kasaynin. (63) Tanina waa jahannamadii laydiinku yaboohay. (64) Ee gala Maanta gaalimadinii darteed. (65) Maanta waxan daboolaynaa afkooda, waxaana nala hadli gacmahooda waxaana ku marag furi lugahooda waxay kasban jireen. (66) Haddaan doono waan indha tiraynaa oo markaas ay udag dagaan wadada, sayse u arki. (67) Hadaan doonana waan doorinaynaa, mana karayaan tagid iyo soo noqosho midna. (68) Ruuxaan cimri siinno waxaannu ku gadin abuuridda (waannu tabar yarayn) ee miyaydaan wax kasayn. (69) Maanaan barin Nabiga shicirka, Kumana haboona, waxaan (barna) un waano iyo Quraan cad. (70) Si uu ugu digo ruuxii nool (xaqa raaci) cadaabna ugu sugnaado Gaalada. (71) Miyeyna arkaynin inaan uga abuuray waxaan sameynay xoolo ay hantaan. (72) OOn u laylinay, ooy waxna ka Koraan waxna ku cunaan. (73) Waxaana ugu sugan manfacado iyo cabid ee miyayna mahdinaynin Eebe. (74) Waxay ka yeesheen Eebe ka soke ilaahyaal inay u gargaaraan. (75) Mana karaan gargaarkooda waxayna uyihiin Junuud (askar) kulmisan. (76) Ee yeyna ku walbahaar galinin hadalkoodu annagaa og qaxay qarsan iyo waxay muujinbee. (77) Miyuusan arag dadku (oo ogayn) Inaan ka abuuray dhibic, markaas uu noqday dood badane cad. (78) Wuxuuna noo yeelay tusaale wuuna halmaamay abuurkiisa wuxuuna yidhi yaa noolayn lafo baaliyoobay. (79) Waxaad dhahdaa waxaa noolayn Eebihii ahaysiiyay markii horaba, abuur walbana waa ogyahay. (80) Eebaha idiinka yeelay geedka cagaaran dab, oo markaas aad bursataan. (81) Eebaha abuuray Samooyinka iyo dhulka miyuusan karin inuu abuuro isagoo kale, waa karaa, waana abuur badane ogaansho badan. (82) Amarka Eebena markuu wax inuu abuuro doono waa inuu ku yidhaahdo uun ahaw oo uu ahaado. (83) Waxaa nasahan (xumaan ka fog) Eebaha awooddiisu ku jirto xukunka wax kasta, xaggiisana laydiinsoo celin.

 

As-Saaffaat

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) (Waxaan ku dhaartay) malaa'igta safan. (2) Iyo tan kaxaysa daruuraha. (3) Iyo tan akhrida Quraanka. (4) Ee ilaahiin waa mid (qudha). (5) Waa Eebaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa udhaxeeya, iyo Eebaha qorrax ka soo bixidda. (6) Annagaa ku qurxinay Samada dhaw quraxda xidiga ah. (7) Iyo ka dhowrid shaydaan kastoo madax adag. (8) Mana dhagaystaan jameecada sare, (Malaa'igta) waxaana laga soo tuuraa dhan kasta. (9) Iyagoo la cryi oo cadaab joogta ah usugnaaday. (10) Marka laga reebo mid mid dafa hadalka oo uu raaco danab ifi. (11) Waydii gaalada ma iyagaa ku daran abuuridda mise waxaan abuuray, annagaa ka abuurray dhoobo dhagta. (12) Waxaadse la yaabtay (beenintooda) iyaguna way jees jeesi. (13) Marka la waaniyana ma waantooban. (14) Hadday calaamo arkaana way ku jees jeesaan. (15) Waxayna dhahaan kani waxaan sixir cad ahayn ma aha. (16) Waxayna dhahaan ma markaan dhimanno oon carro noqono iyo lafo yaa nala soo bixin. (17) Ama aabayaalkannagii hore (iyagana malasoocelin). (18) Waxaad dhahdaa haa waalaydin soo celin idinkoo waliba dullaysan. (19) Xaaladduna waa uun qaylo kaliya markaas, waxaa soo bixi dadkii oo wax eegi. (20) Waxayna dhihi gaaladii halaagganaggee kan waa maalintii abaalmarinta. (21) Waxaana lagu dhihi kani waa maalintii kala bixinta ee aad beeninjirteen. (22) Kulmiya kuwii daalimiinta ahaa iyo wixii la mid ahaa iyo waxay caabudijireen. (23) Oo Eebe ka soo hadhay, tusiyana jidka Jaxiimo. (24) Joojiyana waxbaa la waydiine. (25) (Waxaana lagu dhihi) Maxaad leedihiin oydaan isugu gargaaraynin. (26) Saas ma aha ee maanta way isdhiibeen. (27) Wuxuu qaabilay qaarkood qaarko kale iyago wax iswarsan. (28) Waxayna dhaheen kuwii waxraacay (raaciyadii) waxaa ahaydeen kuwo nooga yimaadda xaga midig (wanaaga). (29) Waxay dhaheen madaxdii ma aha ee idinkaan mu'miniin ahayn. (30) Wax xoog ah oon idin ku lahayn ma jirin waxaadse ahaydeen qoom xad gudbey. (31) Markaasuu nagu waajibay (nagu rumoobey) hadalkii Eebe (ciqaab) waxaana dhadhaminaynaa (cadaabka). (32) Markaasaan idin dhuminay annaguna waan dhunsanayn. (33) Iyagu maalintaas cadaabkay wadaagi. (34) Annaguna saasaan kufalla dambiilayaasha. (35) Waxayna ahaayeen marka lagu dhaho Eebe mooyee ilaah kale majiro kuwa iskibriya. (36) Oo dhaha ma waxaan uga tagaynaa ilaahyadannada gabayaa waalan. (37) Saas ma ahaa ee wuxuu la yimid (Nabigu) xaq wuuna rumeeyey Rasuulladii (Eebe soodiray). (38) Idinku (gaaloy) waxaaad dhadhamisaan cadaabka daran (wax xanuujiya). (39) Waxaan camalkiina ahayna laydinkama abaalmariyo. (40) Addoomada Eebe ee niyada san (xumaan ma arkaan). (41) Waxayna mudan kuwaasi risqi layaqaanno (Janno). (42) Faakihadna way heli, iyagoo lagu sharti. (43) Jannooyinka Naciima. (44) Waxayna ku sugnaan sariiro iyagoo is qaabili. (45) Waxaana lala kor socon weel laga soo buuxiyay il (Jaano). (46) Taasoo cad oo u macaan kuwa cabi. (47) Mana laha caqli qaadid iyo waalli midna (Khamrada Jannada). (48) Agtoodana waxaa ahaan haween dhoowsoon oo indha waaweyn. (49) Ood moodo ukun la dhowray. (50) Wuxuuna qaabilay qaarkood qaarka kale (ehelo Jannaha) iyagoo wax iswaydiin. (51) Wuxuuna dhihi mid hadlay oo ka mid ah waxaan kulahaa (adduunkii) saaxiih. (52) Dhihi jiray adigu mawaxaad ka mid tahay kuwa rumeeyay (soobixinta). (53) Ma markaan dhimana oon carro noqono iyo lafo yaa nala abaalmarin. (54) Wuxuuna dhihi mayla dayeeysaan. (55) Markaasu dayaa kuna arkaa jaxiima dhexdeeda. (56) Wuxuuna dhahaa Eebaan kudhaartayee waxaad udhaweyd inaad ihalaagto (idhumiso). (57) Haddayna Nicmada Eebe jirinna waxaan ahaan lahaa kuwa lagu soo kulmiyay (naarta). (58) (Waxayna dhahaan ehelu jannuhu) miyeynaandhimaneynin. (59) Geerideenii hore mooyee laynama cadaabayn. (60) Taasina waa uun liibaanta wayn. (61) Ee taasoo kale ha faleen kuwa camal fali. (62) Mataasaa marti qaad u fiican (Jannada) mise geedii zaquum (xumeyd). (63) Annagaa uga yeelay fitno (imtixaan) daalimiinta. (64) Waana geed kasoobaxda gunta jaxiimo. (65) Midhaheeduna waxaad moodaa madaxyo shaydaan. (66) Iyaguna (ehelu naarku) waxbay ka cunaan, waxayne ka buuxiyaan caloosha. (67) Waxayna kalooy mudan dheehid biyo kulayl daran. (68) Markaas waxay ku noqon jaxiimo. (69) Waxay heleen aabayaalkood oo baadi ah. (70) Iyaguna raadkoodii bay ku dag dagi. (71) Waxaa dhab ahaan u dhumay hortood badi kuwii hore. (72) Waxaana udiraydhexdooda udigayaal. (73) Ee eeg siday noqotay cidhibtii kuwii loo digay. (74) Hasa yeeshee addoomadii Eebe ee niyada samaa (cadaab ma arkaan). (75) Waxaa dhabahaan noogudhawaaqay (beryey) Nabi nuux, Cid wax ajiibana (maqlana) annagaa u fiican. (76) Waxaana Ka korinay isaga iyo ehelkiisiiba shidadii waynayd (maanshayntii). (77) Waxaana ka yeelay faraciisii kuwa soo hadhay uun. (78) Waxaana ugu reebnay kuwo dambeeya (amaan ah). (79) NabadGalyo Nuux korkiisa adduunyada ha udhex ahaato. (80) Saasaana ku abaal marinaa samafalayaalka. (81) Wuxuuna ka midyahay addomadannada rumeeyay (xaqa). (82) Markaasaan maanshaynay kuwii kale, (83) Waxaa kamid ah gargaarayaashiisa (Jidkiisaqaaday) Nabi Ibrahim. (84) Markuu ula yimid Eebihiis qalbi fayow (xaq rumeeyey). (85) Markuu ku yidhi Aabihiis iyo qoomkiisii maxaad caabudaysaan. (86) Ma been abuurasho yaad ilaahyo Eebe ka soo hadhay u dooranaysaan. (87) Maxaadse ka maleysaneysaan Eebaha Calaamka. (88) Markaasuu eegay Nabi Ibraahim xiddigaha. (89) Wuxuuna yidhi waan bukaa. (90) Markaasay katageen kana jeedsadeen. (91) Markaasuu aaday Ilaahyaalkoodii (sanamyadii) wuxuuna ku yidhi miyeydaan (wax) cunayn. (92) Maxaad leedihiin oydaan la hadlaynin. (93) Markaasuu foorariyay midigta oo ku garaacay (94) Wayna soo qaabileeen gaaladii xaggiisa iyagoo dag dagi. (markuu jajabiyay). (95) Wuxuuna ka yidhi ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (sameyseen). (96) Eebaana idin abuuray idinka iyo waxaad camalfalaysaan. (97) Waxayna dhaheen u dhisa meel (dab lagushido) kuna tuura Jaxiimo (dabka). (98) Waxay la dooneen dhagar iyagaana ka yeellay kuwo hooseeya (laga adkaaday). (99) Wuxuu yidhi anigu waxaan aadi Eebahay (hijro) wuuna i toosin. (100) Eebow wax iga sii kuwa suuban (ilmo). (101) Waxaana ugu bishaaraynay wiil dabeeco. (102) Markuu ku gaadhay agtiisa socod wuxuu ku yidhi Nabi Ibraahim wiilayow waxaan ku arkay hurdada anoo ku gawrici ee eeg waxaad fali, wuxuuna yidhi aabow samee waxa lagu faray waxaad heli hadduu Eebe doono inaan kamidnoqdo kuwa samree. (103) Markay hogaansameen oos u lagday wajiga. (104) Yaan udhawaaqnay Ibraahimow. (105) Dhab ahaan baad ugu rumeysay riyadii, sasaana ku abaalmarinaa samafalayaasha. (106) Taasina waa imtixaan muuqda (oo weyn). (107) Waxaana ku furanay loog weyn (wan). (108) Waxaana ugaga tagnay (ugureebnay) kuwa dame. (109) Nabadgalyo (salaan) Nabi Ibraahim korkiisa ha ahaato. (110) Saasaana ku abaal marinaa samofalayaasha. (111) Wuxuu ka mid ahaa addoomadanada mu'miniinta ah. (112) Waxaan ugu bishaaraynay Isxaaq oo Nabi suuban ah. (113) Waana barakaynay Ibraahim iyo Isxaaqba, waxaana ka mid ah faracooda mid samagala iyo mid naftiisa si cad u dulmiya. (114) Dhab ahaan yaan ugu mannaysanay (ugunicmeeynay) Nabi Muuse iyo NabiHaruun (Nabinimo). (115) Waana ka korinay iyaga iyo Qoomkooda dhibaatadii waynayd. (116) Waana u gargaaray, waxayna noqdeen kuwo adkaaday (sareeyey). (117) waxaana siinay Kitaabkii caddaa. (118) Waxaana ku hanuuninay Jidka toosan. (119) Waxaana ugu dhaafnay dadka dambe, (amaan ah). (120) Nabadgalyo ha ahaato Nabi Muuse iyo Nabi Haaruun korkooda. (121) Saasaan ku abaalmarinaa kuwa wanaagga fala, (122) Waxayna ka midyihiin addoomadanada mu'miniinta ah. (123) Ilyaasna Wuxuu ka mid ahaa Rasuullada. (124) Markuu ku yidhi qoomkiisii miyeydaan dhawsaneyn (Eebe kayaabayn). (125) Mawaxaad baryeysaan Bacli (Sanam) ood ka tagaysaan Eebaha abuurka wanaajiya. (126) Ee ah Eebihiina iyo Eebaha aabayaalkiinii hore. (127) Markaasay beeniyeen, waxaana loo soo kulmin (Cadaab). (128) Laakiin adoomada Eebe ee niyada san (waxay lakulmi khayr). (129) Waxaana ugu reebnay dadka danbe (amaan ah). (130) Nabadgalyo ha ahaato Ilyaas korkiisa. (131) Saasaana ku abaalmarinaa kuwa sama fala. (132) Wuxuuna ka midyahay adoomadanada mu'miniinta ah. (133) Nabi luudhna wuxuu ka mid ahaa rasuulada (la diray). (134) Xus markaan korinay isaga iyo ehelkiisaba dhamaan. (135) marka laga reebo Cajuuso (haweeneydiisii) oo ku hadhay halaaga. (136) Ka dibna waxaan halaagnay intii kale. (137) Idinkuna (reer makaad) waxaad martaan dhulkoodii waabariga. (138) Iyo Habeenkaba ee miyeydaan wax kasaynin. (139) Nabi Yuunusna wuxuu ka mid ahaa Rasuulladii (ladiray). (140) Xus markuu kudhuuntay (kucaray) Doontii buuxday. (141) Oo uu qoriritay nodayna mid laga reeyey. (Baddana lagu tuuray). (142) Kalluunna liqay isagoo ladagaalay. (143) Hadduusan noqonin kuwa Eebe u tasbiixsada (xusa). (144) Wuxuu kanagaan lahaa calooshiisa tan iyo maalinta lasoo bixin dadka. (145) Waxaana kutuuray banaan cidla ah isagoo buka. (146) Waxaana ka soo bixinay korkiisa Geedka yaqdhiinka ah (hadhayn darteed). (147) Waxaana u diray Boqolkun oo dad ah ama ka badan. (148) Wayna rumeeyeen, waxaana uraaxaynay (sugnay) tan iyo mudo. (149) Waydii gaalada, in Eebahaa gabdho yeeshay iyaguna Wiilal. (150) Mise waxaan abuuray malaa'igta oo dhadig iyaguna ay Joogeen. (151) Taasi waa been abuurshadoodii ay dhahayeen. (152) Eeba waa dhalay waana beenaalayaal. (153) Ma wuxuu ka doortay gabdho wilasha. (154) Maxaa idiinku wacan ood sidaas u xukumaysaan. (155) Miyeeydaan wax xusuusaneyn. (156) Mise waxaa idiin sugnaatay xujo cad. (157) Keena Kitaabkiina (cadayn) hadaad runlayaaltihiin. (158) Waxay yeeleen gaaladu Eebe iyo Jinniga dhexdooda (qaraabo) nasab, Jinniguna dhabahaanbuu u ogyahay in gaalada lakeeni (qiyaamada). (159) Eebaa kanasahan (kadheer) waxay ku tilmaamayaan. (160) Laakin adoomada Eebe ee niyada suubiyey (Waa ka fogyihiin xumaan). (161) Idinka iyo waxaad caabudaysaan (gaalooy). (162) Waxaa ka fidmaysaan (dhumisaan) Eebe. (163) Marka laga reebo kuwagali jaxiimo. (164) Ruuxkastoo nagamid ah (malaa'igta) wuxuuleeyahay meel lagu yaqaan. (165) Waana safannahay (cibaado darteed). (166) Waana tasbiixsanaa (qadarinEebe). (167) Waxayna ahaayeen gaaladu kuwii dhaha. (168) Hadduu yahay agtanada xuskii (warkii) kuwii hore (Kitaab). (169) Waxaan noqonlahayn addoomaha Eebe ee suuban. (170) Wayse ka gaaloobeen Kitaabkii (quraanka) wayna ogaandoonaan (waxa ku dhaca). (171) Dhab ahaanbuu ugu hormaray yaboohannagii adoomahan nagii aan diray (Rasuuladii). (172) In iyaga uun loo gargaari. (173) Iyo in junuudanada (xaqa raacay) ay adkaan (Guuleysan), (174) Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo. (175) Fiirina iyaguna wayfiirin doonaane (waxa kudhaca). (176) Macadaabkanagay (Gaaladu) dadajisan. (177) Markuu ku dago cadaabku ardaagooda waxaa xumaan subaxa kuwa loodigay. (178) Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo. (179) Fiirina iyaguna wayfiirindoonaane (waxa kudhaca). (180) Waxaana kanasahan Eebahaaga sharafta leh waxay kutilmaarnaan gaaladu (oo xun). (181) Nabadgalyana ha ahaato Rasuuladii korkooda. (182) Mahadna waxaa iskaleh Eebaha (Barbaariyaha) Caalamka ah.

 

Saad

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Xarafka hore wuxuu kutusin mucjisada (Quraanka), Quraanka sharafta leh yaan kudhaaranay (waalaydin soo bixin). (2) Kuwii gaaloobay waxay kusuganyihiin isla wayni iyo khilaaf (xaqdiido). (3) Imisaan halaagnay hortood qarni ay markaas dhawaaqeen waqti aan dhawaaq waxba tareynin. (4) Waxayna layaabeen gaaladii inuu uyimaado dige ka mid ah waxayna dhaheen gaaladii kani waa sixirroow beenaale ah. (5) Ma wuxuu ka dhigay ilaahyadii ilaah kaliya, arrintaasi waa wax lala yaabo. (6) Wuu kala tagay shirkii (madaxdii) kamidka ahayd, waxayna isu dhahen war socda oo ku samra (kusugnaada) Ilaahyaalkiina, arrintani waa wax laynala dooni. (7) Manaan kumaqlin tanoo kale diintii kale (Nasraaniyada) arintan Eebe kaliya waa wax la been abuurtay. (8) Ma quraankaa lagudajiyey isagoo na dhexjooga (anagaa ka mudan) waxayse kaga sugan yihiin Quraankayga shaki walina mayan dhahdhamin Cadaabkayga. (9) Ma agtaadaa khasnadaha naxariista Eebehaaga adkaada ee bixinta badan (khayrka) yahay. (10) Mise waxaa u sugnaaday xukunka Samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya, ha uu koreen sallaanno xagga (samada). (11) Junuuda (Colka) halkaas joogaana (Gaalada) waa xisbiyo la jabin (laga adkaan). (12) Waxaa beeniyey xaqan iyaga ka hor qoomkii (Nabi) Nuux iyo (reer) caad iyo Fircoonkii tiirarka lahaa. (13) Iyo Reer Thamuud iyo qoomkii (Nabi) Luudh iyo Asaxaabtii kaynta (Qoomkii) Nabi Shucayb, kuwaas waa xisbiyadii (Xaqa beeniyey). (14) Midaan Rasuullada beenin majiro, markaasay ciqaabtaydii ku dhacday. (15) Kuwaasuna (Gaaladii Makaad) ma sugayaan waxaan hal qaylo ahayn, mana laha cilmi iyo sugid midna. (16) Waxayna dhaheen Gaaladii Eebow noo dadaji qaybtanada (Ciqaabtanada) Maalinta xisaabta ka hor, (Qiyaamada). (17) Ku samir (u adkayso) waxay sheegi xusuusana addoonkaygii Daa'uud ahaa ee xoogga lahaa, wuxuuna ahaa noqosho (Toobad keen) badane. (18) Annagaa u sakhirray (u fudaynay) Buuraha, wayna la tasbiixsadaan Galab iyo Subaxba. (19) Shimbirahana waa loo kulmiyey, dhammaantoodna waxay u noqdaan (Adeecaan) Eebe. (20) Waana adkaynay xukunkiisa (Daa'uud) waxaana siiney xigmad (Nabinimo) iyo fahmo iyo hadal cadday (iyo garsoorid). (21) Ma ku soo gaadhay warkii kuwii doodayey, markey Mixraabka ugu soo dheceen. (22) una soo galeen Daa'uud markaas uu ka argagaxay, ayna ku dhaheen ha cabsan, waxaan nahay doodayaal qaarkanno qaarkakale dulmiyey, ee si ah noo kala xukun, hana joowrfalin, naguna hanuuni jidka toosan (xaqa). (23) (Waxayna dheheen) kani waa walaalkay wuxuuna leeyahay sagaal iyo sagaashan Ido ah, anna waxaan leeyahay mid kaliya, wuxuuna sheegtay inaan siiyo hadalkiina wuu igaga adkaaday. (24) Wuxuuna yidhi «Daa'uud» wuu kugu dulmiyey warsashada Laxdaada (inuu ku biiriyo) Idihiisa, in badan oo ka mid ah kuwa wax isku darsadana qaarkood waxay ku xadgudbaan (dulmiyaan) qaarka kale, marka laga reebo kuwa xaqa rumeeyey ee camalka wanaagsan falay, wayna yaryihiin kuwaasi, Daa'uudna wuxuu umaleeyey inaan ibtileynay wuyxuuna ka dambidhaaf dalbay Eebihiis, rukuuc (sujuudbuuna) la dhacay wuuna noday. (25) Markaasaan u dambi dhaafnay, agtanada wuxuu ku leeyahay dhawaansho iyo noqosho fiican (darajo sare). (26) (Eebe wuxuu yidhi): Daa'uudow annagaa kaa yeeley khaliifka dhulka ee dadka kukala xikun xaqa hana raacin hawada (xun) oo kolkaas uu kaa dhumiyo jidka Eebe kuwa ka dhuma jidka Eebe waxaa u sugnaaday cadaabdaran halmaankoodii Maalinta xisaabta (Qiyaamada) darteed. (27) Maanaan u abuurin Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya dana laan (Ciyaar). taasina waa siday maleeyeen kuwii Gaaloobay halaaguna wuxuu ugu sugnaaday kuwii Gaaloobey Naar. (28) Miyaan ka yeeleynaa kuwii xaqa rumeeyey oo camal fiican falay sida kuwa hallayn dhulka, mise waxaan kala mid dhigaynaa kuwa dhowrsada kuwa xun oo kale (Gaalada). (29) (Quraanku) waa kitaab aan kugu soo dajinay oo barakeysan, si ay u fiiriyaan dadku aayaadkiisa iyo inay waantoobaan kuwa caqliga leh, (30) Waxaan siinnay Nabi Daa'uud (wiikiisii) Suleymaan ahaaa wuxuuna ahaa adeec (Eebe) oo fiican toobad keen badan. (31) Xusuuso marka loo bandhigay Casarkii Fardo oradbadan oo fiiefiican. (32) Oo markaas uu yidhi ma waxaan ka jeclaan xusidda Eebe xoolo, inta Qorraxdu ka dhacdo. (33) ii soo celiya wuxuuna bilaabay inuu ka taabto Dhudhumade iyo Luqunta (uu gawraco sadaqo darteed). (34) Dhabahaan yaan u fidmeynay (imtixaanay) Nabi Suleymaan, waxaana ku tuuray kursigiisii jasad markaasuu toobad keeney. (35) Wuxuuna yidhi Eebow ii dambi dhaaf ina sii xukun aan ku habooneyn cid igadambeeysa adaa bixin badane ahe. (36) Waxaana u sakhirrey daheysha iyadoo ku socota amarkiisa iyadoo jilicsan meeshuu doono. (37) Shayaadiinta (Waxaan usakhirey) mid wax dhisid iyo mid dhunbasho badanba. (38) Iyo kuwo kale oo ku xidhxidhan silsilado., (39) (Waxaan ku nidhi) tan waa siismada ee bixi ama hayso xisaab la'aan. (40) Wuxuuna ku leeyahay agtanada dhawaansho iyo noqosho fiican. (41) Xusuuso addoonkeygii Ayuub ahaa markuu u dhawaaqay (baryey) Eebihiis isagoo dhihi wuxuu itaabsiiyey shaydaan dhib iyo Cadaab. (42) Waxaana ku nidhi ku garaac Lugtaada (dhulka) waxaana ku nidhi kani waa Biyo meydhi ah qabowna lana cabdo. (43) Waxaana siinnay Caruurtiisii iyo kuwo kale oo lamid ah naxariis xagganaga ka ahaatay iyo xusuus kuwa caqliga lch. (44) Kuna qabo gacantaada xidhmo laamo ah kuna garaac hana jabinin dhaarta waxaana ku ognahay inuu yahay samre addoon fiican ah toobadkeenna badan. (45) Xusuuso addoomadannadii (Nabi) Ibraahim iyo Nabi Isxaaq iyo Nabi Yacquub ee ku xoog badnaa cibaadada kuna aragdheeraa (xaqa). (46) Anagaa u dooranay xusidda aakhiro. (47) Waxayna ka yihiin agtanada kuwo la doortay oo wanaagsan. (48) 48, Xusuusana Nabi Ismaaciil, Alyasac iyo Dul kifli dhamaanna waxay ahaayeen kuwo wanaagsan. (49) Waxaas la soo sheegay waa xusuus, kuwa dhowrsadana waxaa u sugnaaday noqosho fiican. (50) Janada cadnimo loo furay albaabada yey mudan. (51) Waxayna ku dangiigsan dhexdeeda (sariiro) waxayna u yeedhaan faakhihad badan iyo Cabbid. (52) Waxaana agtooda ahaan Haween indhahoodu ku koobanyahay Ragooda (dhowrsoon) oo Isla eg. (53) Kaas waxa leydiin yaboohay Maalinta Xisaabta (qiyaamada). (54) Kaasuna waa Rizqigannaga mana dhamaado. (55) Xaalku waa sidaas, Gaalana waxaa u sugnaadey noqosho xun. (56) Jahannamo yeyna gali iyadaana u xun Gogol. (57) Kaas waa Cadaab, ee dhadhamiya, isagoo ah Biyo kulul iyo Dhaacaanka ehelu Naarka. (58) Iyo mid kale oo Cadaab ah oo mooeya ah. (59) Malaa'igtuna waxay dhihi kani waa koox idinla gali Cadaabka waxayna ku dhihi ha soo dhawaanina, waxayna galaan Naarta. (60) Waxay ku dhaheen kuwii raacay kuwii madaxda ahaa ha soo dhawaanina (wanaag halla kulmina) idinkaa na soo galiyey Cadaabkan isagaana uxun meel lagu nagaado. (61) Waxayna dheheen kuwii wax raacay Eebow ruuxii nasoo galiyey Cadaabkan u siyaadi laban laab Naarta. (62) Waxayna dhaheen (Madaxdii) Gaalada maxaan la arkiweyney rag aan ku tirinay kuwo xun xun, (63) Ma waxaan ka yeelanay (adduunkuu) Jees jees mise waxaa ka iishey xaggooda Araggii. (64) Kaasina (doodaas) waa xaq sugan oo ah dooda ehelu naarka. (65) Waxaad dhahdaa Nabiyow waxaan uun ahay dige, Eebe aan Eebe ahayna ma jiro ee kaliga ah awoodana badnaa. (66) Ee ah Eebaha samooyinja iyo dhulka iyo waxa udhaxeeyaba, ahna adkaade dambidhaaf badan. (67) Waxaad dhahdaa Nabiyow Quraanku waa war weyn. (68) Ood idinku ka jeedsaneysaan. (69) mana ogayn shirka sare (malaa'igtu) markey doodayaan (Haddaan waxyi jirin). (70) waxaa uun leywaxyoodey inaan ahaydige muuqda. (71) Xusuuso markuu Eebe ku yidhi malaa'igta anigu waxaan ka abuuri dadka (Aadam) Dhoobo. (72) Ee markaan ejeeyo oon ku afuufo Ruuxdeyda ugu dhaca sujuud (salaan). (73) Wayna sujuudey malaa'igtii dhamaantood oo idil. (74) Ibliss mooyee oo is kibriyey kana mid noqday gaalada. (75) Eebe wuxuu yidhi Ibliisow maxaa kaa reebay inaad u sujuuddo kaan ku abuuray yaddayda ma iskibrisey mise waxaad ka mid noqotay kuwa islasareeya. (76) Wuxuuna yidhi anaa ka kheyroon isaga (aadam), waxaad iga abuurtey naar isagana waxaad ka abuurtey dhoobo. (77) Eebe wuxuu ku yidhi iiga bax samadeyda, waxaad tahay mid la dheereeyeye. (78) Korkaagana ha ahaato lacanade tan iyo maalinta abaalmarinta. (79) Wuxuu yidhi (ibliis) Eebow i sugtan iyo maalinta la soo bixin dadka. (80) Eebe wuxuu yidhi waxaad ka midtahay kuwa la sugi. (81) Tan iyo maalinta waqtiga layqaan ah. (82) Wuxuuna yidhi waxaan ku dhaartey sharaftaadee waan baadiyeyn dhamaantood. (83) marka laga reebo addomadaada suuban. (84) Eebe wuxuu yidhi dhabtaan kusifoobaa, dhabtaana uhadlaa. (85) Waxaana ku dhaaran inaan kabuuxiyo Jahannamo adiga iyo inta kuraacda oo ka midah dadka dhamaan. (86) Waxaad dhahdaa Nabiyow idin kama warsanaayo xaqa ujuuro, mana ibi kuwa is dhiba (isku dhibawaxaan la firin). (87) Waxyiguna waxaan waanada caalamka ahayn ma aha. (88) Dhab ahaanna waxaad u ogaan doontaan warkiisa muddo ka dib.

 

Az-Zumar

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Soo dajinta Kitaabka (Quraanka) wuxuu ka ahaaday xagga Eebaha adkaada ee falka san. (2) Annagaana kuugu soo dajinay Nabiyow Kitaabka si xaq ah, ee caabud Eebe adoo kali yeeli Diinta. (3) Diinta khaaliska ahna waxay u sugnaatey Eebe, kuwa ka yeesha Eebe ka sokow awliyo waxay odhan uma caabudno inay Eebe noo dhaweeyaan mooyee dhawaansho, Eebaana kala xukumi dadka dhexdooda waxay isku diidaan, Eebana ma hanuuniyo Been badane gaalnimobadan. (4) Hadduu doono Eebe inuu yeesho ilmo wuxuu ka dooran lahaa wuxuu abuuro wuxuu doono, waa naxahanyahey, waana Eebaha kalida ah ee awoodda badan. (5) Isagaa abuuray samooyinka iyo dhulkaba si dhab ah, wuxuuna Habeenka ku daboolaa Maalinta, Maalintana ku daboolaa Habeenka, wuxuuuna sakhiray Qorraxda iyo Dayaxa, mid walbana wuxuu ku socdaa muddo magacaaban, Eebana waa adkaade dambi dhaafbadan. (6) Wuxuu idinka abuurey naf kaliya (Nabi aadam) markaasuu Eebe ka yeeley (ka abuurey) xagga aadam haweeneydiisi (Xaawo) wuxuuna Eebe idiin soo dajiyey xoolaha siddeed nooc oo ka mid ah, wuxuuna idinku abuurey uurka hooyadin abuurid ka dambeyso abuurid saddex mugdi dhexdooda saasna waxaa yeela Eebaha idin barbaariya, isagaana iska leh xukunka, Eebe mooyee ilaah kale majiro, ee xaggee laydiinka iili (Xaqa). (7) Haddaad gaalowdaan dadow Eebe waa idinka kaaftoomey, ugamana raalli aha addoomadiisa gaalnimo, hadaad ku mahdisaanna wuu idin ka raalli noqon, nafna naf kale danbigeeda ma qaaddo, waxaana leydiin celin Eebihiin xaggiisa, wuxuuna idiin ka warrami waxaad camal fasheen, wuuna ogyahey wax laabta (qalbiga) ku sugan. (8) Markuu dadka taabto dhib wuxuu baryaa Eebihiis isagoo u noqon, markuuse Nicmo siiyo wuu illoobaa wuxuu baryey horey, wuxuuna u yeelaa Eebe shariigyo si uu uga baadiyeeyo (kaasi) jidka Eebe, waxaad dhahdaa ku raaxaysogaalnimadaada wax yar waxaad ka mid tahay chelu naarke. (9) Ruux tukan oo Eebe adeece saacadaha habeenka isagoo sujuudsan oo taagan kana digtoon aakhiro quudarreynayana naxariista Eebihiis (Ma la midbaa cidaan saas faleynin). waxaad dhahdaa Nabiyow ma egyihiin kuwa wax yaqaanna iyo kuwaan wax aqoonin, waxaa uun waantoomi kuwa caqliga leh. (10) Waxaad dhahdaa Nabiyow addoomadeyda xaqa rumeeyow ka dhowrsada Eebihiin, ciddii wanaag fashana addooomadeyda waxaa usugnaadey wanaag, dhulka Eebena waa waasac (ee ku caabuda) waxaa uun loo oofiyaa (dhameyaa) kuwa samra ajrigooda xisaab la'aan. (11) Waxaad dhahdaa Nabiyow waxaa lay faray inaan caabudo Eebe anoo u kali yeeli diinta. (12) Waxaana ley faray inaan noqdo kan ugu horreeya muslimiinta. (13) waxaad dhahdaa Nabiyoow anigu waxaan ka cabsan hadaan caasiyo Eebahay cadaab maalin weyn. (14) Waxaad dhahdaa Eebe uun baan caabudi anoo ukaliyeeli Diintayda. (15) Ee caabuda Gaaloy waxaad doontaan Eebe ka sokow, waxaadna dhahdaa kuwa khasaaray waa kuwa khasaariyey Naftooda iyo Ehelkoodii Maalinta Qiyaame, taasina waa khasaaraha cad. (16) Korkooda waxaa ah lakabyo Naar ah, hoostoodana waxaa ah lakabyo Naar ah, kaasina waa waxa Eebe ku cabsi galiyo (ugu digo) addoomadiisa ee addoomadeydoow iga dhawrsada. (17) Kuwa ka fogaaday inay caabudaan shaydaan (iyo xima fare) oo Eebe u noqday waxaa usugnaaday Bishaaro ee u bishaaree addoomadayda. (18) Ee ah kuwa dhageysta hadalka oo raaca kiisa fiican, kuwaasna waa kuwa Eebe hanuuniyey, kuwaasna iyaga uunbaa ah kuwa caqliga leh. (19) Ruuxay u waajibtay ereyga cadaab ma adaa Nabiyoow ka korin cid Naar gali. (20) kuwa ka dhawrsaday Eebahoodse waxay mudan Qawlado (Janno) oo qawlada kale ka korreeyaan sifiicanna (udhisan), waxaana dhexsocda Wabiyaalkii, waana yabooh Eebe, mana baajiyo Eebe yaboohissa. (21) Miyaadan arkeyn in Eebe ka soodajiyey samada biyo oo markaas uu galin dhulka iyagoo ka soo burqan dhulka, markaasna Eebe ku soo bixin Beer midabkeedu kala duwanyahay markaas ka dibna uu ingagi ood arki isagoo cawlan, kadibna kayeeli bur bur, arrintaasna waxay xusuus u tahay kuw caqliga leh. (22) Ruux Eebe uwaasiciyey Laabtiisa Islaamka oo nuurka Eebe ku sugan ma lamidbaa (mid la daboolay) halaag wuxuu u sugnaaday kuwey ka ingagtay quluubtoodu xuska Eebe (Quraanka) kuwaasina waa kuwa baadi cad kusugan. (23) Eebaa soo dejiyey kan ugu fiican hadal, kitaabuu soo dajiyey isu eg, oo soo noqnoqda, ay lana qamandhacyooto Jidhka kuwa ka yaaba Eebahood, markaasay la jilci jidhkoodu iyo quluubtoodu xusuusta Eebe, arrintaasuna waa hanuunka Eebe uu ku hanuuniyo cidduu doono, ruuxuu Eebe dhumiyana ma jiro cid hanuunin. (24) Ma ruux wajigiis kaga gabada cadaab xun maalinta qiyaame mala midbaa mid aan saas ahayn, waxaana loo yidhaa daalimiinta dhadhamiya waxaad kasban Jirteen, (abaalkiisii). (25) Waxaa beeniyey (xaqa) kuwii ka horreeyey (gaaladan) wuxuuna uga yimid cadaabku meelayn kasayn. (26) Markaasuu Eebe dhadhansiiyay dulli nolasha adduunyo, cadaabka aakhiraana weyn hadday wax garan. (27) Dhabbaan ugu caddayney dadka Quraanka tusaale kasta inay waantoobaan, (28) Waana Quraan carabi ku (qoran) oon qalloclahayn may dhawrsadaan. (29) Eebe wuxuu qadaray tusaale nin dad wadaagaan iskuna khilaafsan iyo mid usugnaada ruux si gaar ah ma egyihiin tusaale ahaan. mahad Eebaa iska lch dadka badidiisna ma oga. (30) Adigu waad dhiman iyaguna (Gaaladu) way dhiman. (31) Markaas maalinta qiyaame waxaad ku doodaysaan Eebihiin agtiisa.