Juz'  22

 

(31) Tiise adeecda Eebe iyo Rasuulkiisa oo camal fiican fasha waxaan siinaynaa Labo ajir, waxaana u darbaynaa Rizqi wanaagsan. (32) Haweenka Nabigow ma tihidiin sida Haweenka kale haddaadse dhowrsataan hadalka ha nuglaynina oo uu damco midka qalbiga ka buka, hadal wanaagsanna ku hadla. (33) kuna sugnaada Guryihiinna, hana u wareegaysanina (idinko isfaydi) sidii jaahiliyadii horraysay, Salaadana ooga, Sakadana biya, Eebe iyo Rasuulkiisana adeeca, Eebe wuxuu uun dooni inuu xumaanta idinkatagsiiyo (fogeeyo) dambiga, Ehelubaytkow idinna daahiryeelo. (34) xusuustana waxa lagu akhrin Guryihiin oo aayaadka Eebe ah iyo Sunada (Nabiga), Eebana waa wax walba oge Xeeldheer. (35) Raga Muslimiinta ah iyo Haweenka Muslimaadka ah, Ragga Mu'miniinta ah iyo Haweenka Mu'minaadka ah, Ragga Eebe adeeca iyo Haweenka adeeca, Ragga Runlowga ah iyo Haweenka Runlowga ah, Ragga Samra iyo Haweenka Samra, Ragga u khushuuca Eebe iyo Haweenka u kushuuca, Ragga Sadaqaysta iyo Haweenka Sadaqaysta, Ragga Sooma iyo Haweenka Sooma, Ragga isdhawra iyo Haweenka isdhawra, iyo Ragga imbadan Eebe xusa iyo Haweenka inbadan xusa, wuxuu Eebe u darbay Dambi dhaaf iyo ajir weyn. (36) kuma haboona (umana banaana) nin Mu'min ah iyo Haweenay Mu'minad ah Marka Eebe iyo Rasuulkiisu wax xukumayaan Inay khiyaar u yeeshaan amarkooda, ruuxiise caasiya Eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu dhumay dhumid Cad. (37) (xuxuuso) markaad ku lahayd kuu Eebe u Nicmeeyey, adna aad u nicmaysay (Zayd BinuXaarithah) hayso Haweenaydaada Eebana ka yaab, Naftaadana aad ku Qarinaysay wax Eebe Muujin, ood kana cabsanaysid Dadka (xishoonaysid) Eebaana u muta in laga cabsado (lagana xishoodo) markuu Zayd dantiisii ka dhamaaystayna (isfureenna) aan kuu guurinay si ayan wax dhib ah u ahaanin Mu'miniinta (hadday guursadaan) Haweenka ay fureen kuway Wiilal ka dhigteen (iyagoo dhalin) amarka Eebana waa kii la Fuliyo. (38) Nabiga korkiisa dhib ma aha waxa Eebe u Banneeyey, waana Jidkii Eebe ee Dadkii tagay ee hore amarka Eebana waa qadar Xukuman. (39) (waxaa amaan mudan) kuwa gaadhsiiya (Dadka) Fariimaha Eebe kana cabsada Eebe, oon kana cabsan Axad ka soo hadhay, Eebaana ku filan, Xisaabiye (Kaalmayn). (40) ma aha (Nabiga) Muxamad ah aabaha Ruux ragiina ka mid ah, laakiin waa Rasuulkii Eebe iyo Khatimidii Nabiyada, Eebana wax walba waa ogyahay. (41) kuwa xaqa rumeeyow xusa Eebe wax badan. (42) weyneeyana Aroortii iyo Galabtii. (43) Eebana waa kan idiin naxariista Malaa'igtiisuna idiin ducayso, si uu idiin ka bixiyo Nuurka, waana kan u Naxariista Mu'miniinta. (44) Bariidoodu Maalintay Eebe la kulmi waa Salaan wuxuuna u darbay ajir weyn. (45) Nabiyow waxaanu ku dirray adoo marag ah, oo bishaarayn oo digi. (46) oo Dadka Eebe ugu yeedhi Idankiisa, oo siraad ifi ah. (47) ee u bishaaree Mu'miniinta inay xaga Eebe ku leeyihiin fadli (dheeraad) weyn. (48) hana, adeecin Gaalada iyo Munaafiqiinta, dhibkooda iska gudub (hana u aabayeelin) Eebana talo Saaro isagaa ku filan wakiile. (49) Kuwa (xaqa) rumeeyow hadaad guursataan Haween Mu'minaad ah markaas aad furtaan taabasho horteed, wax cidda ah kuma lihidin korkooda oy tirsan, ee gacan mariya una siidaaya si quruxsan. (50) Nabiyow waxaan kuu banaynay Haweenkaaga aad siisay meherkoodii iyo waxaad hanatay (Xagga gaalada) oo Eebe kugu soo celiyey, iyo Gabdhaha Adeerkaa, Gabdhaha Eedadaa, Gabdhaha Abtiyadaa, Gabdhaha Habaryarahaa oo kula soo hijrooday, iyo Haweenay Mu'minaad ah hadday Nafteeda Nabi u hibayso, hadduu doono inuu guursado Nabigu, iyadoo gaar kuga tahay Mu'miniinta ka sokow, waan ognahay waxaan ku faralyeelay Mu'miniinta xagga Haweenkooda, iyo waxa gacantoodu hanato, sii aan korkaaga dhib u ahaan, Eebana waa dambi dhaafe Naxariista. (51) Waad dib dhigi taad doonto, waadna soo dhaweyn taad doonto oo ka mid ah kuwaad ka fogaatay dhibna korkaaga ma aha. saasaana u dhaw inay indhahoodu qabowsadaan ooyan murugoon oy raali ku noqdaan waxaad siisay dhamaantood, Eebana waa ogyahay waxa Quluubtiina kuy sugan, Eebana waa oge Dulqaad leh. (52) kuuma banaana Nabiyow Haweenka (kale) mar dambe iyo inaad Haween kale ku badasho si kasta ood ula yaabto Quruxdooda waxaad hanato mooyee (oo Gaalo laga helo) Eebana wax walba waa ilaaliye. (53) kuwa (xaqa) rumeeyow ha galina Guryaha Nabiga in cunno leydiinku Idmo (yeedho) mooyee idinkoon sugayn Bislaadkiisa, hasayeeshee marka laydiin yeedho gala, markaad cuntaanaa socda hanasugina sheeko, Illeen taasi waxay dhibi Nabigee wuuna idinka xishoone Eebese xaqa kama xishoodo, haddaad wax warsataan Haweenka (Nabigana) ka warsada Xijaab gadaashiis. saasaa u daahirnimo badan (ufiican) Quluubtiina iyo Quluubtoodaba, xaqna uma lihidin inaad dhibtaan Rasuulka Eebe ama aad Guursataan Haweenkiisa Gadaashiis waligeed, arrintaasuna way ku wayn tahay Eebe agtiisa. (54) Haddaad muujisaan wax ama qarisaan Eebe waa wax kaste oge. (55) Korkooda (Haweenka) dhib kama Saarra Aabayaalkood, Wiilashooda, Walaalahood, Wiilasha Walaalahood, Wiilasha Walaashood, Haweenkooda (Mu'miniinta ah) iyo waxay hanatay Gacmahoodu, kana dhawrasada Eebe, Eebe wax kaste wuxuu u yahay Marage. (56) Eebe iyo Malaa'igtiisu waxay ku sallin (amaani) Nabiga, ee kuwa (xaqa) rumeeyow ku Salliya korkiisa oo salaama Salaan. (57) kuwa dhiba Eebe iyo Rasuulkiisa wuu lacnaday Eebe Adduun iyo Aakhiroba, wuxuuna u darbay cadaab wax dulleeya. (58) Kuwa ku dhiba Mu'miniita Rag iyo Haweenba waxayan kasbanin waxay xambaarteen Been abuurasho iyo Dambi cad. (59) Nabiyow ku dheh Haweenkaaga iyo Gabdhahaada iyo Haweenka Mu'miniinta isku dada Shukadiinna, taasaa idiinku dhaw in laydin aqoonsado oon laydin dhibine, Eebana waa dambi dhaafe Naxariista ah. (60) haddayna ka joogin Munaafiqiintu iyo kuwa qalbiga ka buka iyo kuwa Gilgili (Beenta ku faafin) madiino waanu kugu diri kulamana Darsayaan wax yar mooyee. (61) Waana la lacnaday meelkastooy joogaanba hana la qabto oo la diloDilmo. (62) waana sunadii Eebe dadkii horee tagay wax badalina uma heshid Sunada Eebe. (63) Dadku waxay warsan Nabiyow Saacadda (Qiyaame) waxaad dhahdaa Cilmigeedu wuxuu jiraa Eebe agtiis, miyaadse ogtahay inay suuroowdo inay Saacaddu dhawdahay. (64) Eebe wuxuu Lacnaday Gaalada wuxuuna u darbay (Naarta) Saciiro. (65) Iyagoo ku waari dhexdeeda waligood oon helaynna Sokeeye iyo gargaare midna, (66) Maalinta lagu gagadin Wajigooda Naarta waxay dhihi waan halaagsanaye haddaan Adeecno Eebe oon Adeecno Rasuulkii. (67) Waxayna dhihi Eebow waxaan Adeecnay Madaxdannadii iyo kuwii noowaaweynaa waxayna naga dhumiyeen Jidkii. (68) Ee Eebow Sii kuwaas Laban laab Cadaab Lacanadwayna Lacnad. (69) Kuwa (xaqa) rumeeyow hanoqonina sidii kuwii dhibay (Nabi) Muuse oo Eebe ka bariyeelay waxay (ku) sheegan, Eebe agtiisana wuxuu ku leeyahay Waji (Sharaf). (70) kuwa (xaqa) rumeeyoow ka dhawrsada Eebe hadal toosanna ku hadla. (71) Haydiin wanaajiyo Camalkiinna hana idiin dhaafo Dambigiinee, Ruuxii Adeeca Eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu u liibaanay dhab ahaan Liibaan weyn. (72) Annagaa u bandhignay Amaanadda (Cibaadada) Samooyinka, Dhulka iyo Buuraha wayna diideen inay Xambaaraan wayna ka Cabsadeen xaggeeda, waxaase xambaaray Dadka wuxuuna noqday Dulmi badane Jahli badan. (73) Si Eebe u cadaabo Munaafiqiinta Rag iyo Haweenba iyo Mushrikiinta (Gaalada) Rag iyo Haweenba, uu kana toobad aqbalo Mu'miniita Rag iyo Haweenba, Eebana waa dambidhaafe Naxariista.

 

Saba

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) mahad Eebaa iska leh ay awooddiisa kujiraan waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, mahadna isagaa muta aakharo iyo aduunba, waana falsame xeel dheer (waxwalba oge). (2) wuxuuna ogyahay waxa dhulka gali iyo waxa ka soobixi iyo waxa ka soodagi samada iyo waxa u kori, waana naxariiste dambidhaafa ah. (3) kuwii gaaloobay waxay dhaheen nooma imaaneyso saacadda (Qiyaame), waxaad dhahdaa saas ma aha ee Eebahay baan ku dhartey way idiin imaan, Eebahay waa wax maqan oge, wax darro la egna kagama qarsoona samooyinka iyo dhulka dhexdooda iyo wax waxaas ka yar iyo wax la weyn midna, wax walbana kitaab cad bey ku suganyihiin. (4) Si Eebe u abaal mariyo kuwa rumeeyey (xaqa) oo camal fiican Falay kuwaasna waxay mudan dambi dhaaf iyo risqi wanaagsan. (5) Kuwa u socda iney aayaadkanaga (kaleexdaan) iyagoo u maleyn iney daalin (Eebe) kuwaasi waxay mudan cadaab daran oo xun. (6) Waxey arki kuwii cilmiga la siiyeyna (mu'miniinta) in waxa laga soo dajiyey xagga Eebe xaq yahey kuna hanuunin jidka Eebaha adkaada ee la mahdiyo. (7) Waxey dhaheen kuwii gaaloobey maydin tusinaa nin idiin ka warrami in marka laydinkala geeyo (jidkiina) kala gayn dhamaanteed in abuur cusub leydin abuuri. (8) Ma Eebuu ku been abuuran mase wuu waalanyahay, saas ma aha ee kuwaan rumeynin aakhiro waxay ku sugnaan cadaab iyo baadi fog. (9) Miyeyna arkaynin waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah oo samo iyo dhul ah hadaan doono waxaanu la goyn dhulka, mise waxaan ku soo rideynaa goosimo samada kamid ah arintaasna aayadbaa ugu sugan adoonkastoo towbadkeen badan. (10) Dhab ahaanbaan u siinay Nabi Daawuud fadli (dheeraad) xaganaga ah, waxaana nidhi buurahoow ka celceliya tasbiixda, shimbirahoowna (la celceliya tasbiixda,) waxaana u jilcincy birta. (11) Waxaana ku nidhi ka samce dirieyada (dharka dagaalka) sugna tixiddeeda wanaagna fala, waxaad faleeysaana waan arkaa. (12) Nabi suleymaanna waxaan u Sakhirray dabeysha, kallahaadeedu waabil, carraabaheeduna waa bil, waxaan u dureeriney il Nuxaad ah (maar) Jinigana waxaa ka mid ah kuwo ku hor shaqeeya idanka Eebe, ruuxii ka mid ah oo ka iilata amarkanaga waxaan dhadhansiineeynaa cadaabka saciiro. (13) Waxay u sameyn suleymaan wuxuu doono oo mixraabyo (Fooqaq) iyo suurooyin, iyo xeedhooyin dar oo kale ah, iyo dharyo sugan, waxaana ku nidhi fala ehelka Daawuudow mahadnaq, waxaana yar adoomadayda shugriga badan. (14) Markaan geerida ku xukunay Nabi suleymaan wax tusiyey geeridiisa ma jiro oon ahayn aboorka cunay ushiisa, markuu dhacay yaa waxaa u cadaaday jinigii hadey waxa maqan ogyihiin ineyna ku nagaadeen cadaab wax duleeya (shaqadiisa darteed). (15) Guryihii reer sabaad waxaa ku sugnayd calaamo, Beeraana ka xigay xaga midig iyo xagga bidixba, waxaana Eebe ku yidhi cuna risqiga Eebihiin kuna mahadiya, waa balad wanaagsan iyo Eebe dambi dhaafbadane. (16) Wayse jeedsadeen, waxaana ku diray daad daran, waxaana ku badaley labadoodii beerood beero kale oo geedo khadhaadh iyo qoryo iyo sidri yar ah. (17) Sidaasaana ku abaalmarinay gaalnimadoodii darteed, abaalmarin xunna waxaan abaal marinaa kuwa gaalnimada badan. (18) Waxaana yeeley dhexdooda iyo magaalooyinkii barakeysnaa (Yaman iyo Qudus) magaalooyin muuqdo waxaana qadaray socodkooda, waxaana ku nidhi ku socda dhexdeeda habeen iyo maalinba idinkoo aamin ah. (19) Waxayse dhaheen Eebow noo kala fogee socodka, wayna dulmiyeen naftooda, waxaana ka yeelay wax lagu sheekeysto. waana kala goyney, sidaasna waxaa ugu sugan calaamo ruux kastoo Samirbadanoo Mahadin badan. (20) Dhab ahaan waxaa ku rumoobey gaalada korkooda Ibliis Malihiisii, wayna raaceen wax yar oo ka mid ah oo mu'min ah mooyee. (21) Mu'miniinta awood kuma laha ibliis wax kalana uma aanaan yeelin inay kala muuqato ruuxa rumeeyey Aakhiro iyo kan ka shakisan xaggeeda. Eebahaana wax walba waa ilaaliye. (22) Waxaad dhahdaa u yeedha kuwaad sheegateen Eebe ka sokow (iney ilaahyihiin) kuma hantaan darro wax la eb samooyinka iyo dhulka midna, wax wadaag ahna «shirkadna» kumalch dhexdooda Eebe wax u kaalmeeyana kuma laha khaliqiga. (23) Kumana anfacdo shafeeco Eebe agtiisa, ruuxuusan idmin. Markase laga faydo argagaxa quluubtooda waxay dhihi muxuuyidhi Eebihiin, markaasay dhihi kuwa shafeeci wuxuu yidhi xaq waana Eebaha sarreeya. ee weyn. (24) Waxaad dhahdaa yaa idinka arsaaqa samooyinka iyo dhulka, waxaad dhahdaa Eebe, anaga iyo idinka mid unbaa hanuunsan ama baadicad ku sugan. (25) Waxaad dhahdaa laydin warsan mahayo waxaan dambaabney anagana nalama warsado waxaad camalfaleysaan. (26) Waxaad dhahdaa waxaa ina kulmin Eebaheen, markaasuu ina kala xukumin si xaqa ah. waana caadil wax walba og. (27) waxaad dhahdaa i tusiya kuwaas Eebe haleeshiiseen oo shurako ah (wax la wadaago) saas ma aha ee Eebe waa adkaade falsan. (28) Kuu maanaan dirin waxaan dadkoo dhan ahayn, adoo u bishaaraynaya Mu'miniinta, una digi gaalada, laakiin dadka badidiisu ma oga. (29) Waxayna dhihi waa goorma yaboohaasi (soobixinta) hadaad run sheegaysaan. (30) Waxuud dhahdaa waxaa idiin sugnaaday Waqti aydaan saacad ka dib dhacaynin kana hor dhacaynin. (31) Waxay dheheenna kuwii galoobay rumeynmayno quraankan iyo kuwii ka horreeyey midna, hadaad arki labayd daalimiinta oo taagan Eebe agtiisa (qiyaamada) oo qaarkood qaarka kale hadal u celin ooy ku dhihi kuwii raaciyadda ahaa kuwii madaxda ahaa ee isla wayna, hadaydaan jirin waxaan ahaan laheyn Mu'miniin. (waxaad arki laheyd arin weyn oo lala yaabo). (32) Kuwii iskibriyey (Madaxdii) waxay ku dhaheen kuwii tabarta yaraa (Raaciyaddii) ma anagaa idinka celinay hanuunka markuu idiinyimid saas ma ah ee idinkaa danbiilayaal ahaa. (33) Kuwii tabarta yaraa (raaciyaddii) waxay ku dhaheen kuwii iskibriyay (Madaxdii) saas ma aha ee waxaa hanuunka naga celiyay dhagartii Habeen iyo Maalinba markaad nafarayseen inaan Eebe ka gaalowno una yeelo shariigyo, Waxay qarsadeen qoomarno markay arkeen cadaabka, Waxaana yeelay kuwii gaaloobay luquntooda Biro Naar ah. Miyaa laga abaalmarinin gaaladu waxay camal faleen mooyee. (34) Magaalo kasta oo aan dige (Nabi) u dirro waxay dhahaan kuwoodii loo nicmeeyay anagu waxa laydiinku soo diray waan ka gaalownay. (35) Waxayna dhaheen anagaa xoolo iyo Caruurba idinka badan, nalamana cadaabayo. (36) Waxaad dhahdaa Eebehay wuxuu u fidiyaa rizqiga ruxuu doono, wuuna ku cidhidhhiyaa ruxuu doono, laakiin dadka badankiisu ma oga. (37) Ma aha xoolahiinnu iyo caruurtiinnu kuwii noo kiin dhaweeya, hase yeeshee ruuxii rumeeya (xaqa) oo camal fiican cala, kuwaas waxaa u sugnaaday abaalmarin labalaab ah camalkooda dartiis, waxayna ku aamin noqdaan qawlado janno. (38) Kuwa u socda ka (reebidda) aayaadkanaga iyagoo isleh Eebe daaliya, kuwaas waxaa lagu kulmin cadaab. (39) Waxaad dhahdaa Eebehay wuxuu risqiga u fidiyaa cidduu doono oo addoomadiisa ka mid ah, kuu doonana wuu ku cidhiidhyaa, waxaad bixisaan oo kastana Eebaa idiin bedeli, Eebena isagaa u khayroon wax wax arsaaqa. (40) Xusuuso maalinta uu Eebe kulmin dhamaan gaalada, markaas uu ku odhan malaa'igtiisa kuwani ma idinkay idin caabudi jireen. (41) Markaas ay dhihi adaa ceeb ka fog Eebow, adaa gargaarahanaga ah iyaga ka sokay, waxayse caabudi jireen Jinni badidoodna isagay rumaysnaayeen. (42) Maantase «Qiyaamada» uma hanato qaarkiin qaarkakale naefi iyo dhib midna. waxaana ku dhahaynaa kuwii dulmi falay dhadhamiya cadaabka naartaad beeninayseen. (43) Marka lagu akhriyo korkooda aayaadkanaga waxay dhahayaan kani ma aha mid dooni inuu idinka iilo waxay Aabbayowgiin caabudijireen mooyee, waxayna dheheen kan (quraanku) ma aha waxaan beenabuurasho ahayn, waxayna dhaheen kuwii Gaaloobay Xaqu markuu u yimid kani waxaan sixir muuqda ahayn ma aha. (44) Ma aanaan siinin Kutubo ay akhriyaan, umana aanaan dirin xagooda dige kaa horreeyay (Carabta). (45) Waxay beeniyeen (xaqa) kuwii ka horreeeyayna, mana gaadhin (kuwii Nabiga beeniyay) Toban meelood meel waxaan siinay kuwaas, waxayna beeniyeen Rasuuladaydii, Sayse noqotay ciqaabtaydii (aan ciqaabay kuwaas xaqa beeniyay). (46) Waxaad dhahdaa Nabiyow mid kaliya yaan idinku waanin inaad u jahaysataan Eebe laba labo iyo mid mid markaasna aad fikirtaan inaan saaxiibkiin «Nabiga Muxamed ah» uusan waallayn, uu digihiinna cadaab daran hortiisna uu yahay, (47) Waxaad dhahdaa Nabiyow idiinma warsanin ujuuro idinkaase iskalch (haii laydin warsado), Ujuuradayda Eebe unbaa isiin, wax walbana Eebe wuu daalacan. (48) Waxaad dhahdaa Eebehay xaquu soo dajiyaan (Xumaanta ku baaabi'iyaa) waana wax maqan oge badane. (49) Waxaad dhahdaa xaqii waa yimid, baadhilna wa tirtirmay, (50) Waxaad dhahdaa haddaandhumo waxaad uun u dhumay naftayda, hadaan hanuunana waa wixii Eebe ii waxyooday, sababtiisa Eebe waa maqli dhawe. (51) Hadaad arki lahayd Nabiyow markay argagaxaan gaaladu oo meeley u cararaan jirin oo meel dhaw laga qabto, (waxaad arki lahayd arrin wayn). (52) Waxay dhihi markaas waxaan rumaynay (xaqa) xagay uga ahaan inay meel fog wax ku qaataan (rumayn). (53) Dhab ahaanna waa iyagii uga gaaloobay xaqa, horray ay ka tuurayeen waxayan ogayn meel fog. (54) Waana la kala ooday iyaga iyo waxay doonayeen sidii lagu falay kuwii la midka ahaa ee ka horeeyay, waxayna ahaayeen kuwo shaki daran ku sugan.

 

Faatir

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Mahad Eebaha billaabay «abuuray» samooyinka iyo dhulka yaaleh kana yeelay Malaa'igta farriinwade, oo garbolabo labo ahiyo saddex saddex iyo afar afar ah leh, wuuna siyaadiyaa Eebe abuuriduu doono, Eebana wax walba uu doono wuu karaa. (2) Wixii Eebe dadka ugu nicmeeyo oo naxariis ah wax celin karaa majiro, wuxuu celiyaana wax soodayn kara ma jiro dabadiis, waana adkaade falsan. (3) Dadow xusuusnaada nicmada Eebe korkiina ah, abuure kale ma jiraa oo Eebe ka soo haday oo idinka arsuqi samada iyo dhulka, Eebe mooyee ilaah kale majiro ee xaggee laydiin ka iilii xaqa. (4) Hadday ku beeniyaan waxaa dhab ahaan loo beeniyay rasuulladii kaa horeeyay, Eeba xagiisaana loo celin umuuraha. (5) Dadaw yabooha Eebe waa xaq ee yayna idindhagrin nolasha aduunyo, yuuna idinkudhagrin Eebe ku dhagris badane (shaydaan). (6) Shaydaanku waa colkiin ee idinna col ka yeesha, wuxuuna idiin ku yeedhi uun xisbigiisa si ay asaxaabta Naaarta saciiro u noqdaan. (7) Kuwii gaaloobay waxay mudan cadaab darab, kuwii xaqa rumeeyay oo camal fiican falayna waxay mudan dambi dhaag iyo ajri wayn. (8) Ruuxse loo qurxiyay camalkiisa xun oo u arkay inuu fiicanyahay (ma lamid baa kaan saas falin), Eebe cidduu doono yuu dhumiyaa Ruuxuu doonana wuu Hanuuniyaa ee yeyna Naftaadu ku tagan walbahaarkooda, Eebe waa ogyahay waxay samayne. (9) Eebe waa kan diray dabaysha oy kiciso daruuro markaasaan u kaxayn magaalo dhimatay (abaarowday) markaasaan ku noolaynay roobkaas dhulka intu dhintay ka dib, saas weeye soo bixintiina. (10) Ruuxii dooni sharaf Eebe iska lehsharaf dhammaanteed, xagiisayna u koraan kalimooyinka fiican, camalka suubanna wuu kor yeelaa, kuwa xumaanta ku dhagra (maamula) waxay mudan cadaab daran, dhagarta kuwaasna way uun halaagi. (11) Eebe waa kan idinka abuuray Carro, hadana dhibic, markaas Lab iyo dhadig, haweenayna wax uurka kuma qaado mana dajiso ogaansho Eebe mooyee, ruuxii cimri dhe iyo ruuxii cimri gaabanba waxay ku sugan yihiin kitaabka Eebe, waana u fudud yahay. (12) Ma eke labada badood taasi waa macaantahay si daran, taasina waa dhanaan daran mid kastana waxaad ka cunaysaan hilib cusub, waxaadna kala baxdaan Macdan aad xidhataan, waxaadna arkaysaan doonta oo jiidhi si aad u dalabtaan fadliga Eebe iyo inaad ku mahadisaan. (13) Habeenka yuu Eebe dhexgaliyaa maalinta Maalintana wuxuu dhexgaliyaa Habeenka, Qoraxda iyo dayaxana wuu sakhiray mid kastana wuxuu ku socda muddo magacaaban, saas waxa falana waa Eebihiin, isagaana xu- kunka iska leh, waxaadse baryeysaan (caabudaysaan) oo Eebe ka soo hadhay ma hantaan xuub laf timireed. (14) Hadaad u yeedhataana idin ma maqlaan, haday idinbase maqlaan wax idiima taraan, Qiyaamadana way diidigaalnimadooda, cid wax og, sidaana wax kuugu warrama ma jiro. (15) Dadow idinka unbaa fuqara ah (u baahan) Eebe, Eebena waa hodan amaanan. (16) Hadduu doono wuu idin dhamayn wuxuuna keeni kuwo cusub. (17) Arrintaasna wax Eebe ku culus ma aha. (18) Nafna naf kale dambigeed ma qaado, haddii looguyeedho Naf culusoo dambaabday inay xambaarto (danbi naf kale) lagama xambaaro waxba haba noqoto qaraabanee, waxaad uun digi kuwa ka yaabi Eebe iyagoo maqan, oo ooga salaadda, ruuxii isdaahiriyana wuxuu uun isudaahiriyay naftiisa, xaga Eebe unbaana loo ahaan (geeri dabadeed). (19) Ma Eka indhoole iyo wax arke. (20) Mana eka mugdiyo iyo iftiin. (21) Mana eka hoos iyo kulayl. (22) Mana eka kuwa nool iyo kuwo dhintay, Eebana wuxuu wax maqashiiyaa cidduu doono, mase maqashiin kartid cid qubuur ku sugan (gaaladuna) waa wax dhintay oo kale). (23) Waxaan u dige ahayn ma tihid. (24) Annagaa kugu dirray xaq adoo bishaarayn oo digi, umadaan udige loo dirinna ma jirto. (25) Haday gaaladu ku beeniyaan waxaa wax beeniyay kuwii ka horreeyay, waxay ula timid rasuuladoodii xujooyin iyo kutub (waano) oo xukun leh. (26) Markaasaan qabtay kuwii gaaloobay, sayse noqotay ciqaabtaydii (aan ciqaabay kuwaas)/ (27) Miyaadan arkayn in Eebe ka soo dajiyay Samada biyo markaasna aan ku soo bixinaa Midho ay kala duwanyihiin midabkoodu, Buurahana waxaa ka mid ah wadooyin cad cad, iyo kuwo gaduud ah oo midabo kala duwan leh iyo kuwo madow daran ah. (28) Dadka iyo dhulsocotada iyo xoolahaba waxaa ka mid ah midabo kala duwan saas oo kale. (29) Kuwa akhriya kitaabka Eebe oo salaadda ooga wax ka nafaqeeya (ka bixiya) waxaan ku arsaaqnay qarsoodi iyo caddaanba waxay rajayn tijaaro (ganacsi) aan baaraynin. (30) Si Eebe ugu oofiyo ajrigooda uguna siyaadiyo fadligiisa, illeen Eebe waa dambi dhaafe mahad badane. (31) Kaan kuu waxyoonay ee Quraanka ah unbaa xaq ah wixii ka horreeyayna u rumayn Eebana addoomadiisa waa ogyahay, arkaana. (32) Markaasaan dhaxalsiinay kitaabka kuwaan dooranay oo addoomadanada ka mid ah, waxaase ka mid ah mid dulmiyay naftiisa, iyo mid dhexdhexaystay, iyo mid ku hanuunay khayrka idanka Eebe, arrintaasna waa fadli weyn. (33) Jannada cadnin yeyna gali iyagoo loogu xidhi dhexdeed asaawir (wax loogu xarragoodo) oo dahab iyo Jawharba leh, dhar kooduna dhexdeeda waa xariir. (34) Waxayna dhihi waxaa mahad leh Eebaha naga tagsiiyay walbahaarka, illeen Eebeheen waa danbi dhaaf badane mahad badane. (35) Eebihii nadagjiyay guri nagaadi fadligiisa dartiis (janno) nagumana taabto dhexdeeda dhib, nagumana taabto daal. (36) Kuwii gaaloobay waxay mudan naarta Jahannamo, laguma xukumo geeri oy dhintaan, lagamana fududeeyo Cadaabkeeda, saasaana ku abaal marinaa mid kastoo gaalimo badan. (37) Waxay ku qaylyi dhexdeeda Eeboownaga bixi aan camal fiican ookaan sameynjirray ka duwan fallee, miyaanaan idin cimri siin muddo uu wax ku xusuusto ruuxii wax xusuusan oosan idiin imaanin dige (Nabiga) ee dhadhamiya gaaloy (ciqaabta) uma sugnaanin daalimiin gargaaree. (38) Eebe wuxuu ogyahay waxa ku maqan samooyinka iyo dhulka, wuxuuna ogyahay waxa laabta (Qalbiga) ku sugan. (39) Eebe waa kan idinka dhigay kuwo dhulka iska badala, ruuxii gaaloobase gaalnimadiisu isagaydhibh, Gaaladana uma kordhiso gaalimadoodu Eebahood agtiisa cadho mooyee, umana kordhiso gaalada gaalnimaadu khasaaro mooyee. (40) Ka warrama shariigyada aad baryeysaan ood (caabudaysaan) Eebe ka sokor, i tusiya waxay abuureendhulka, ama wadaag ah oy ku leeyihiin samooyinka, mise waxaan siinay Kitaab oo ay xujeesan, saas ma aha ee gaalada qaarkood qaar uma yabooho waaxaan Dhagar ahayn. (41) Eebaa ka haya Samooyinka iyo dhulka inay gilgishaan (oo tagaan), haday gilgishaana waxaan Eebe ahayn oo qaban ma jiro, Eebena waa dulbadane dhaafid badan. (42) Waxay ugu dhaarteen Eebe dhaar adag hadduu uyimaado udige inay noqdaan kuwa ka hanuunsan (ka toosan) umadaha kale, markuu uyimid digihiina uma siyaadinin waxaan carar ahayn. (43) isku kibrin dhulka iyo dhagar xun darteed, dhagarna xumaan waxaan ahayn ehelkiisa kuma dhaco ee miyaad sugaysaan waxaan wadadii kuwii hore ahayn, mana helaysid sunnada Eebe wax badala, ma helaysid sunnada Eebe wax wareejiya. Miyeyna ku soconin dhulka ooyna dayeeynin siday noqotay cidhibtii kuwii ka horreeyey gaaladii Makaad, waxay ahaayseen kuwo ka xoogbadan, Ebana wax ku cajisiya (daaliya) ma jiro Samooyinka iyo dhulka dhexdooda midna, waana oge wax walba kara. (44) Miyeyna ka soconin dhulka ooyna dayeeynin siday noqotay cidhibtii kuwii ka horreeyey gaaladii Makaad, waxay ahaayeen kuwo ka xoogbadan, Eebana wax ku cajisiya (daaliya) ma jiro Samooyinka iyo dhulka dhexdooda midna, waana oge wax walba kara. (45) Haddu Eebe u qaban dadka waxay kasbadeen (oo xumaan ah) kagama tageen dhulka korkiisa waxsocda, laakin wuxuu dib ugu dhigi tan iyo muddo magabaaban, marka ajashoodu (Geeridoodu) timaadana Eebe addoomadiisa wuu arkaa.

 

Yaseen

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) (Waxay ku tusin mucjisada Quraanka). (2) Quraanka xigmada leh yaan ku dhaartaye. (3) Nabiyoow waxaad ka mid tahay kuwa la diray (Rasuulada). (4) Jid toosanna waad ku sugan tahay. (5) Quraankuna waa soo dajinta Eebaha adkaada ee naxariista, (6) inaad ugu digto qoom aan loo digin Aabayaalkood oo halmaansan. (7) Dhab ahaanna waxaa ugu waajibay badankoodo (ciqaab) mana rumeeyaan xaqa. (8) Annagaa yeelay cunahooda Bir waxayna qaban tan iyo gadhka Madaxayna kor u taagi (dhibaato darteed). (9) Waxaana yeelay hortooda jidaar gadaashoodana jidaar waana indha tiray waxna ma arkaan. (10) waxaa isku mid ah hadaad u digto iyo hadaadan udigin (marna) ma rumeeyaan. (11) Waxaad un u digi (ooy anfici digidu) Ruxii raaca Quraanka oo Eebe ka yaaba isagoon arkayn, uguna bishaaree dambi dhaaf iyo ajiir wanaagsan. (12) Annaagaa nooleyna wixii dhintay, waana qornaa waxay hor marsadeen iyo raaadkoodiiba, wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab muuqda. (13) Uga yeel tusaale asaxaabtii magaaladii markay uyimaadeen Rasuulladii (loo soo diray). (14) Markaan u diray xagooda labo, ooy beeniyeen, markaas aan ku xoojinay mid saddexaad, oy dhaheen idinkaa naloo kiin soo diray. (15) Waxayna dhaheen (gaaladii) idinku ma tihidiin waxaan bashar (dad) nala mid ah ahayn, Eebaha Raxamaan ahna waxba ma soo dajinin, idinkuna waxaan been ahayn masheegaysaan. (16) waxay dhaheen (Rasuuladii) Eebahannaa og in naloo kiin soodiray. (17) Korkannagana ma aha waxaan gaadhsiin cad ahayn. (18) Waxay dhaheen (gaaladii) waan idin baasaysannay, haddaydaan joogin waan idin dhagaxyeynaynaa, waxaana xagganaga idinka taahan cadaab daran. (19) Waxay dhaheen Rasuulladii baaskiinu wuu idinla joogi, haddii laydin waaniyo (Miyubaasku idinlajiri) waxaadse tihiin qoon xadgudbay, (20) Waxaa ka yimid Magaalada dhankeeda fog nin dagdagi (ordi) wuxuuna ku yidhi qoomkayow raaca rasuullada. (21) Raaca cid aan idin warsanayn ujuuro, oo hanuunsan. (22) Maxaana u caabudaynin Eebihii i abuuray xagiisana laydiin celin. (23) Miyaan ka yeelan wax ka soo hadhay ilaahyo hadduu Eebaha Raxmaan ah dhib ila doono ayan wax iitareyn shafeecadoodu waxba, ayana i korinayn. (24) Markaas waxaan ku sugnaan baadi muuqata (cad). (25) Anigu waxaan rumeyay Eebehiin ee maqla. (26) Waxaa lagu yidhi gal jannada wuxuuna yidhi shallaytadaydee qoomkaygii muu ogaado. (27) Waxa Eebe iigu dambi dhaafay iigana yeelay kuwo la karaameeyey.