Juz'  2

 

(142) waxay dhihi kuwii xumaa ee Dadka (Gaalada) ka mid ahaa maxaa ka jeediyey Muslimiinta Qiblay Qaabilijireen (Baytul Maqdis) waxaad dhahdaa Nabiyow Qorrax ka soobax iyo u Dhaeba Eebaa iska leh, wuxuuna ku hanuunin Ciduu doono Jidka toosan. (143) saasaan idinka dhignay umad caadil (khayr ah) si aad marag ugu noqotaan Dadka, Rasuulkuna idiinku noqdo markhaati, mana aa naan yeelin Qibladii aad qaablijirtay inay kala muuqato ruuxa Rasuulka raaca iyo kan dib u noqon (Gaaloobi) mooyee waana arrin kuweyn Dadka marka laga reebo kuwa Eebe hanuuniyey, Eebana ma dhumiyo limaankiinna (Salaadiina) Eebana waa u Naxariisbadanyahay Dadka. (144) dhabahaan yaan ugu jeednay gagadookna Wajigaaga ee Samada, waxaana kuu jeedinaynaa Qiblad aad ka raali noqon, ee u jeedi Wajigaaga xagga Masjidka Xurmeysan, meelkastood joogtana u jeediya Wajigiinna xagiisa, kuwa Kitaabka la siiyeyna waa ogyihiin in jeedintaas xaq Eebe tahay, Eebana ma halmaansana waxay Camal fali. (145) hadaad ula timaado kuwa ehelu Kitaabka ah aayad kasta ma raacayaan Qibladaada adiguna ma raacaysid Qibladooda, qarkoodna ma aha kan raaca Qiblada qaarka kale, hadaad raaedowaxay jeceliyihiin Gaalada, inta cilmi kuu yimid (waxyiga Eebe), waxaad ka mid noqon daalimiinta. (146) kuwaan siinay Kitaabka waxay u yaqaanaan Nabiga (iyo xaquu la yimid) siday u yaqaanaan Caruurtooda. koox kamid ahna waxay qarin xaqa iyagoo og. (147) xaqu wuxuu ka yimid xagga Eebahaa ee ha ka mid noqonin kuwa shakiya. (148) cidwalba waxay leedaahay joho ay dhawrto (raaedana) ee u oratama Wanaaga, meelkastood ahaataana Eebe wuu idin keeni (oo idin kulmin) dhammaantiin, Eebana wax walba wuu karaa (haduu doono), (149) meelkastood u baxdo u jeedi Wajigaaga xagga Masjidka Xurmaysan, Xaqu xagga Eebahaa buu ka ahaaday Eebana Ma Mooga Waxaad Falaysaan. (150) meelkastood u baxdana jeedi wajigaada xaggisa Masjidka Xurmaysan, meelkastood joogtaanna u jeediya Wajiyadiinna xagiisa, si ayna xujo ugu ahaan Dadka Korkiinna, kuwa Daalimiinta ah mooeye (ee gardarada ku sooda) hana ka cabsanina ee aniga iga cabsada, waxaana idiin taamyeeli (dhamayn) Nemadayda si aad u hanuuntaan. (151) «waan idiin Niemeynay» sidaan idinku dirnay dhexdiina Rassul idinkamid ah oo idinku akhriya Aayaadkanaga, oo idin daahiriya, oo idin bara Kitaabka (Quraanka) iyo Sunada Nabiga, idinna bara waxaydaan aqoonin. (152) ee I xusa aan idin Xusee (ajir idin siiyee) iguna mahadiya hana iga Gaaloobina. (153) kuwa (Xaga) rumeeyow kaalmaysta Samir iyo Salaad, Eebe wuxuu la jiraa kuwa Samree. (154) hana ku dhihina kuwa lagu Dilo Jidka Eebe (Jahaadka) waa Dhinteen, saas ma aha ee waa noolyihin, mase kaseysaan. (155) , waxaan idin ku Imtixaannaynaa wax Cabsi ah iyo Gaajo, iyo Nusqaamin Xoolaha iyo Nafta iyo midhaha, ee u Bishaaree kuwa Samra. (156) kuwaas markuu dhib ku dhoeo yidhaahda Eebaa na leh isagaana u noqonaynaa. (157) kuwaas waxaa korkooda ahaan Deeq Eebe iyo Naxariistiisa, waana kuwa hanuunsan. (158) Safo iyo Marwo waxay ka midyihiin Calaamooyinka )Wayneynta) Eebe ee ruuxii u Xajiya Baydka ama Cumraysta wax ma saarra hadduu ku Wareego Dehexdooda, ruuxa wax dheeraad ah la yimaadana Eebe wuu ku mahdin wuuna ogyahay. (159) Kuwa qariya waxaan soo dajinay oo aayaad ah iyo hanuun intaan dadka ugu caddaynay Kitaabka kuwaas Waxaa naeladi Eebe iyo Kuwa wax Naealada (malaaigta iyo Mu'miniinta). (160) Marka laga reebo kuwa toobad keena oo Wanaaga fala oo Xaga caddeeya, kuwas waan ka toobad aqbali, waxaana ahay toobad aqbal badane Naxariis badan. (161) Kuwii Gaaloobay oo ku dhintay gaalnimo Kuwaas waxaa korkooda ah nacaladda Eebe iyo Malaa'igta iyo Dadka dhammaan. (162) Waxayna kuwaari dhexdeeda (naarta iyo nacaladda) lagamana fududeeyo xagooda cadaabka Loomana sugo. (163) Eebihiin waa Eebe kaliya isaga mooyee Eebe kalana majiro, Waana naxariis guud iyo mid gaarba naxariiste. (164) Cirka abuurkiisa iyo dhulka iyo kala duwanaanta Habeenka iyo maalinka iyo doonta La socota badda wax anfaca dadka iyo waxa Eebe ka soo Dajiyay samada oo Biyo ah kuna nooleeyay Dhulka intuu dhintay ka dib, kuna fidiyay Dhulka Daabad kasta iyo gadgadoonka dabaysha iyo Daruuraha loo sahlay Samada iyo Dhulka dhexdiisa waxaa ugu sugan calaamo kuwa wax kasi. (165) Dadka waxaa ka mid ah eid ka yeelan Eebe ka sokow wax lala caabudo una jecelyihiin say u jecelyihiin Eebe, kuwa rumeeyey xaqa yaa ka daran jeceelkooda Eebe, hadday arkaan kuwa dulmiga falay Cadaabka (Aakharo) waxay ogaan lahaan lahaayeen in xoog dhamaantiis u sugnaaday Eebe, Eebana cadabkiisu daranyahay. (166) markay iska bariyeelaan juwii la raacay kuwii raacay, oy arkeen Cadaabka kalana go day xidhiidhkoodii. (167) waxayna dhaheen kuwii raacay haddii nala celiyo waan iska bariyeeli lahayn xaggooda say iska kaanna bariyeeleen, saasuuna Eebe u tusiyaa camalkooda (168) Dadoow cuna waxa Dhulka ku sugan kiisa xalaasha fiican ah hana raacina Wadooyinka Sheydaanka illen Cadaw ead buu idiinyahaye, (169) wuxuuna idin fari uun xumaan iyo Macsiyo iyo inaad ku sheegtaan Eebe waxaydaan ogayn. (170) marka lahu dhaho Gaalada raaca wuxuu soo dajiyey Eebe, waxay dhihi saas ma aha ee waxaanu eaaci waxaan ka helley Aabayowganno (oo caabudi) oo hadday yihiin Aabayowgood kuwaan wax kasayn Hanuunsanayna (miyey raaci), (171) waxay la midyihiin kuwii Gaalobay mid u dhawaaqay (Heesi) waxaan wax maqlayn, kasayna Qaylada iyo Dhawaaqa mooyee, wax ma maqlaan mana hadlaan waxna ma arkaan, waxna ma kasaan. (172) kuwa Xaqa rumeeyow wax ka Cuna wanaagaan idinku aezuqnay, kuna mahdiya Eebe hadaad tihiin kuwo isaga Caabudi. (173) wuxuu uun idinka reebay Bakhtiga, Dhiigga, Hilibka Doofaarka iyo wixii Eebbe Magiciisa waxaan ahayn lahu gawraco ruuxiise dhibaatooda (baahan) oon xadgudbin dulmina galin korkiisa dambi masaara (inuu) wax ka cuno Eebana waa dambi dhaafbadane Naxariisbadan. (174) kuwa qariya waxa Eebe soo dajiyey oo Kitaabka ah (Quraanka) kuna gata lacay yar kuwaasi kuma cunayaan (ma galinayaan) Calooshooda waxaan Naar ahayn, lamana hadlo Eebe Maalinta Qiyaame mana daahiriyo waxayna Mudan Cadaab daran. (175) kuwaasi waa kuwa ku gatay baadida Hanuun, Cadaabna dambidhaafid maxaa uga adkaysi badan Naarta. (176) arrintaas waxa ugu wacan in Eebe u soo dejiyey kitaabka xaqa ah kuwii iskudiiday kitaabkana waxay ku suganyihiin khilaaf Fog. (177) Samo falku ma aha inaad wajiga u jeedisaan Qorax ka soo bax iyo Qorax u dhac laakin sama fale waa ruuxii rumeeya Eebe, Qiyaame Malaa'igta. Kitaabka (kutubta Alle), Nabiyada, oo siiya Xoolaha isagoo jeeel Qaraabada, Agoonta, Masaakiinta, Masaafirka, kura baryootama, Fakin qoor, oogana Salaadda, bixiyana Zakada, oofiyana ballankooda, markay ballamaan, Samra (adkaystana) Waqtiga saboolnimada. Kirrada iyo Dagaalka, kuwaasina waa kuwa ky runsheeqay Iimaankooda waana kuwa dhawrsada. (178) kuwa xaqa rumeeyow wxaa laydinku waaJibiyey Qisaasta Dadka la dilo, xurta xurbaa loo qisaasan, Adoonkana addoon, Haweeneydana Haweeney, ruxiise looga cafiyey Walaalkis (xaggiisa) wax waxaa saarun inuu si fiican u raaco isna Si fiican Loogugudo, taasina waa fudayd xagga Eebe iyo naxariis, ruuxiise xadgudba intaas ka dib wuxuu mudan Cadaab daran. (179) waxaa idinku sugan Qisaasta nolol Dadka wax garadka ahow waxaadna mudantihiin inaad dhawrsataan. (180) waxaa laydinku waajibiyey markaad Dhimanavsaan hadaad ka tagav saan Xoolo dardaaranka Waalidaynka iyo Qaraabada si wanaagsan, Xaq vayna ku tahay kuwa dhawrsada. (181) ruuxiise badala dardaaranka intuu maqlay ka dib dambigu wuxuu saaranyahay uun kuwa wax badala, Eebana waa maqle og. (182) ruuxii uga cabsada dardaaran iilasho ama dambi oo hagaajiya dhexdoda, korkiisa danbi masaara, Eebana waa dambi dhaafbadane naxariis badan. (183) kuwa xaqa rumeeyow waxaa Laydinku wajibiyay Soonka sidii loogu waajibiyey kuwii idinka horreeyey si aad u dhawrsataan. (184) waa Maalmo tirsan ee ruuxii idinka mid ah oo buka ama Safar ah waxaa korkiisa ah ayaamp kale (soonkood) kuwa uu dhibina waxay bixin «quudin» Miskiin, ruuxii badsada (Khayrkana) saasaa u fiican, inad Soontaan yaana idiin khayrbadan haddaad tihiin kuwo wax og. (185) waa bisha Soon ee la soo dajiyey dhexdiisa Quraanka, isagoo hanuun Dadka u ah, iyo caddayn hanuun iyo kala bixin (xaqa iyo baadhilka) ee ruuxii jooga (nagi) ha Soomo, ruuxiise buka ama Safar ah waxaa saaran maalmo kale, wuxuu idinla dooni Eebe fudayd ee idin lama doonayo culaysm waana inaad dhamaystirtaan tirada wayneysaanna Eebe wuxuu idinku hanuuniyey, waxaadna u dhawdihin, mudantihiin, inaad mahadisaan Eebe. (186) hadday ku warsadaan Nabiyow addoomadu xagayga anigu waan dhawahay waana ajiibaa (aqbalaa) baryada markay i baryaan, ee ha i maqleen iyaguna hana i rumeeyeen si ay u hanuunaan. (187) waxaa laydiin banneeyey inaad Habeenka Soonka is aragtaan Haweenka, maxaayeelay dhar (asturaad bay) idiinyihiin, idinkuna dhar (asturaad baad) u tihiin, Eebana wuxuu ogaaday inaad Khayaamayseen Naftiinna. wuuna idinka toobad aqbalay idina cafiyey ee haddu u tega Haweenkiina kana doona waxaa Eebe idiinku Qoray, Cuna oo Cabbana intuu ka muuqdo liilanka cadi (waagu) kan madow Aroortii, dhammeeyana Soonka tan iyo Habeenka hana u tagina Haweenka idinkoo ku nagi Masaajidda taasina waa xuduudda (Soohdinta) Eebe ee haw dhawaanina, saasuuna ugu Caddayn Eebe aayaadkiisa Dadka si ay u dhawrsadaan, (188) hana ku Cunina Xoolihiinna dhecdiinna si baadhil (Xaq darri ah) idinkoo u dhiibi (Laaluush) Xukaamta si aad ugu cuntaan qayb ka mid ah Xoolaha Dadka dambi idinkoo og. (189) waxay ku warsan Nabiyow Bisha ee waxaad Dhahdaa waqtigay (mudday) ugu tahay Dadka iyo Xajka, mana aha Samo falku inaad ugaga timaadaan Guryaha xagga dhabarka ee sama fal waa ruuxii dhawrsada, ugagana immadda Guryaha Albaabada, kana dhawrsada Eebe waxaad u dhawdihiin inaad Liibaantaane. (190) kula dagaalama Jidka Eebe kuwa idinla dagaalama, hana xadgubina Eebe ma jeelee kuwa xadgudbee. (191) ku dila meejaad ka heshaanba, kana bixiya meejey idin ka bixiyeen, Gaalnimaa ka daran Dilka, ha kula dagaalamina Masajidka Xurmaysan agtiisa intay idinkula dagaalamaan Dhexdiisa, haddayse idinkula dagaalaan la dagaalama, sasaa abaalka Gaalda ahe. (192) haddayse reebtoomaan Eebe waa dhaafidbadanae naxariis badan. (193) la dagaalama intaan la helin gaalnimo, oo Diintu u ahaan Eebe, hadday reebtoomaan lalama Collaytamo cidaan xadgudbayn. (194) Bisha Xurmaysan (dagaalkeeda) waxaa laga horgayn bisha Xurmaysan, waxyaalaha xurmaysanna Qisaasbaa ah, ee ciddii idinku xadgudubta ku xadgudba «ku abaal mariya» intuu idinku xadgudbay wax la eg, Eebana ka dhawrsada, ogaadana in Eebe la jiro kuwa dhawrsada. (195) ku nafaqeeya (ku bixiya wax) Jidka Eebe, hana ku tuurina Gaemihiina halaag (waxbixin la'aan) wanaagna fala, Eebe wuxuu jecelyahay kuwa wanaaga fala. (196) dhamaystirana Xajka iyo Cumrada, haddii laydin sharana waxaa idiin saaran wixii fuduudaada oo hadya ah (inaad gawraedaan) hana ciirina madaxiina intay ka gaadhi hadyada meejeeda, ruuxi idinka mid ah oo buko ama dhib madaxa kaga yaallo, waxaa saaran Fidyo (Furasho) Soon ah, ama Sadaqo, ama gawrae, markaad aamin noqotaan ruuxii cumro iyo Xajku ku raaxaysta (kulmiya) waxaa saaran wixii Fududaada oo hadya ah (gawrae), ruxaanse helin ku Soon Saddex maalmood Xajka iyo todoba markuu ku noqdo gurigiisii, taasina waa toban buuxda, waase ruuxaan deganayn Masaajidka la xurmeeyey (maka) ka dhawrsada Eebe ogaadana in Eebe yahay kay darantahay Ciqaabtiisu. (197) Xajka waa Bilo la yaqaan, ee ruuxii gudagala bilahaas Xajka, isutagid, fisqu iyo muran ma jiro Xajka dhexdiisa, waxaad fashaan oo khayr ah wuu ogaan Eebe, ee sahay qaara, sahay tan u khayrbadanna waa dhawrsashada, ee iga dhawrsada kuwa caqliga lahow. (198) korkiina wax dhib ah ma aha haddaad dalabtaan fadliga Eebihiin (ganacsi) ee markaad ka soo gadoontaan Carrafo ku xusa Eebe mashearulxaraam agtiisa, una xusa siduu iddin hanuuniyey, waxaadna ahaydeen xaqa hortiis kuwa dhunsan. (199) markaas ka gadooma meesha Dadka ka gaddoomi dambidhaafna waydiista Eebe, ilaahay waa dambi dhaafe naxariistee. (200) markaad gudataa camalkiina xusa Eebe saad u xustaan Aabayowgiin ama si ka daran u xusa, Dadka waxaa ka mid ah kuwo dhihi Eebow na sii adduunka wanaag, aan kuna lahayn Aakhiro qayb. (201) waxaana ka mid ah Daka kuwo dhihi Eebow na sii adduunka wanaag, aakhirana nasii wanaag, nagana dheeree Cadaabka Naarta. (202) kuwaasi waxay mudan qayb waxay kasbadeen, Eebana waa degtaa xisaabtiisu. (203) xusa Eebe maalmo la yaqaano «Iidda carafo dabadeed», ciddiise dag dagta laba maalmood dhexdood ma saarra dambi korkiisa ciddii dhawrsata, ka dhawrsada Eebe, ogaadana in xagiisa laydiin soo kulmin. (204) Dadka waxaa ka mid ah mid ku yaab galin hadalkiisu noloshan adduun, maragna gashay Eebe waxa qalbigiisa ku sugan, isagoo dood badan. (205) markuu jeedsadana, soeda dhulka fasaad darteed iyo inuu halligo beeraha iyo faracaba, Eebana ma jeela fasaadka. (206) marka loo dhoho ka dhawrso Eebana waxa qabata isla weyni dambi dartiis, waxaa ku filan jahannamo iyadaana u xun gogol. (207) dadkana waxaa ka mid ah mid ku gadi naftiisa dalab raali ahaanshah Eebe, Eebana waa u naxariistaha addoomada. (208) kuwa xqqa rumeeyow u gala Islaamka dhammaan (kuna camal fala) hana raacina Waddooyinka Shaydaanka, wuxuu idiin yahay col Cade. (209) haddaad simbiriiraxataan intuu idiin yimid xujooyin ogaada in Eebe yahay adkaade falsan. (210) miyey sugi inuu Eebe u yimaaddo ciqaabtiisa Hoos Daruura ah mooyee, iyo Malaa'igtu lana xukumo amarka, xagga Eebaana loo celin umuuraha. (211) waydii Banii Israa'iil imisaan siinay Aayad Cad, ciddii badasha Nicmada Eebe intay u timid, Eebe Ciqaabtiisu waa ku darantahay. (212) waxaa loo qurxiyey kuwa Gaaloobay Nolosha dhaw ee adduun, waxayna ku jees jeesaan kuwa rumeeyey xaqa, kuwa dhawrsada iyagaana ka sarrayn Maalinta Qiyaame, Eebana wuu Arzaaqaa cidduu doono Xisaab la'aan. (213) dadky wuxuu ahaa ummad kaloya, wuxuuna Eebe u bixiyey Nabiyo u bishaareeya una diga, wuxuuna la soo dajiyey Kitaab Xaq ah, si ay ugu xukumaan Dadka dhexdiisa waxay isku khilaafaan, iskumana khilaafin dhexdiisa kuwii la siiyey mooyee intay u yimaadaan xujooyin, Xasad dhexdooda ah dartiis, wuxuuna ku hanuuniyey Eebe waxay isku kihlafeen oo Xaq ah idankiisa kuwii rumeeyey, Eebana wa ku hanuuniyaa Ciddu doono Jidkiisa toosan. (214) ma waxaad u maleyseen inaad galaysaan Jannada isagoon idiin imaanin wixii u yimid kuwii tegay ee hore oo kale, waxaa taabtay Baahi iyo Cudur, waana la gilgilay intuu ka dhaho Rassulku iyo kuwa rumeeyey lana jira, waa goorma gargaarka Eebe, gargaarka Eebana waa dhawyahay. (215) waxay ku warsan maxay bixiyaan, waxaad dhahdaa waxaad bixisaan oo khayr ah waxaa mudan Labada waalid qaraabada, Agoonta, Masaakiinta iyo Soodaha Waxaad fashaana oo kahr ah Eebe waa ogyahay. (216) waxaa laydinku waajibiyey Dagaal idinkoo neceb, waxaa laga yaabaa inaad nacdaan wax, isgoo khayr idiin ah, waxaana laga yaabaa inaad jeelaataan wax isagoo shar idiin ah, Eeba wax og idinkuse ma ogdin. (217) waxay ku warsan Dagaalka Bisha xurmaysan (Rajab iyo wax la mid ah) waxaad dhahdaa dagaalku dhexdiisa waa waynyahay, ka celinta Jidka Eebe iyo ka Gaalowgiisa iyo Masaajidka xurmeysan iyo ka bixinta ehelkiisa yaase kaga wayn Eebe agtiisa. Gaalaynta Dadka yaana ka wayn Dilka, kama tagaan gaalada inay idinla dagaalamaan intay idinka eeliyaan Diintiinna hadday karaan, ruuxii ka ridooba Diintiisa oo dhinta isagoo Gaal ah kuwaasi waa kuwa buray camalkoodu adduun iyo aakhiraba kuwaasina waa Naarta Ehelkeeda, wayna kuwaari dhedeeda. (218) kuwa rumeeyey Xaqa iyo kuwii Hijrooday ee ku jahaaday Jidka Eebe kuwaasi waxay rajayn naxariista Eebe, Eebana waa dambidhaafe naxariista. (219) waxay ku waydiin Khamrada iyo Qamaarka waxaad dhahdaa waxaa ku sugan dhexdooda Dambi weyn, iyo wax Naefi ah dambigooda yaana ka weyn naefigooda, waxayna kuwaydiin maxay bixiyaan, waxaad dhahdaa (bixiya) saa'idka, saasuuna Eebe idinku caddayn aayadihiisa waxaadna mudantihiin inaad fikirtaan. (220) adduun iyo aakhiraba (inaad ka fikirtaan) waxayna ku waydiin agoonta, waxaad dhahdaa wanaajintooda yaa kahyrbadan, haddaad dheehdaana waa Walaalihin, Eebana waa ogyahay cidda waz fasaadin iyo kan hagaajin, haduu doono Eebana wuu idin dhibi lahaa, Eebana waa adkaade falsan. (221) ha guursanina Haweenka mushrikaadka ah, intay ka rumeeyaan, addoon rumaysan xaqa yaa ka khayr roon mid mushrikad ah (Eebe la wadaasjisay cibaada) haba idiin yaabgaliso, hana u guurinina ragga mushrikiinta ah intay ka rumeyn, addoon rumeeyey xaqa yaa ka khayr badan mid mushrik ah haba idin yaab galiyee, kuwaasu waxay idiin ku yeedhi Naarta, Eebana wuxuu idiin ku yeedhi Janno iyo Dambidhaaf idinkiisa, wuxuuna u caddayn aayaadkiisa Dadka si ay u xusuustaan. (222) waxay ku waydiin Caadada (Ilaweenka) dheh waa dhib (wasakh) ee ka fogaada meeja Caadada, hana u dhawaanina intay ka daahir noqon, markay daahir noqdaan uga taga meejuu idinfaray Eebe, Ilaahaynna wuxuu jecelyahay kuwa toobadda badan, wuxuuna jecelyahay kuwa isdaahiriya. (223) Ilaweenkiinnu beerbay iddinyihiin ee ugutaga beertiinna saad doontaan «oo bannaan» una hormarsada naftiinna «wanaag» Eebana ka dhawrsada ogaadana inaad la kulmaysaan Eebe una bishaaree Muminiinta. (224) ha uga yeelina Eebe kabdhood dhaartiinna adinkoon samo falayn oo dhawrsanayn, oo hagaajineyn Dadka dhexdiisa, Eebana waa maqle wax og. (225) iddin ma qabanayo Eebe dhaar qasad la 'aaneed, wuxuuse idiin qaban waxay kasbatay quluubtiinnu, Eebana waa dambi dhaafe dul badan. (226) kuwa ka dhaarta Haweenkooda (tan iyo muddo) waxaa la sugi afar bilood, hadday ka noqdanna Eebe waa dambi dhaafe naxariista. (227) hadday goostaan furidna Eebe waa maqle oge ah. (228) Haweenka la furayna waxay sugi naftoodu saddex daahir, mana u banaana inay qariyaan waxa Eebe ku abuuray Makaankooda haddy yihiin kuwo rumeeyey Eebe iyo Maalinta dambe. Ragoodaana ku xaq badan soo celintooda arrintaas (cidadaas dhexdeeda) hadday doonaan wannag, Haweenkuna waxaay leeyihiin wax la mid ah waxa korkooda ah si fiican, Raggase waxaa ugu sugnaa korkooda Darajo (Dheeraad) Eebana waa adkaade falsan. (229) furiddu waa labo jeer, intaas ka dib ama waa hayshaho fiican, ama sii dayn fiican, mana bannaana inaad ka qaadataan waxaad siiseen wax, inay ka cabsadaan inayn oogin xuduudda Eebe Mooyee, haddaad ka cabsataan inayan oogin xuduudda Eebe wax dhib ah ma saarro korkooda waxay isku furato, tassi waa xuduudda Eebe ee ha tallaabina ruxii tallaaba xuduudda Eebe kuwaasi waa daalimiinta. (230) hadduu furo uma banaana kadib intay ka guursato Nin kale, hadduu (kaasi) furana dhib ma saarra hadday is Ceshadaan (Isguursadaan) hadday u malayn inayoogixuduudda Eebe, taasi waa xuduudda Eebe wuxuuna u caddayn ciddi wax og. (231) haddaad furtaan Haweenka oy gaadhaan mudadooda u haysta si fiican ama u siidaaya si fiican, hana u haysanina inaad dhibtaan si aad u xadgudubtaan. ruuxii fala sidaas wuxuu dulmiyey naftiisa, ee ha ka yeelina aayaadka Eebe jees jees, xusuustana Nicmada Eebe ee korkiina, iyo wuxuu ku dejiyey korkinna oo Kitaab iyo xigmad ah (Sunnada) wuu idinku wacdoon Eebe Quraanka, ee ka dhawrsada Eebe, ogaadana in Eebe wax kasta ogyahay. (232) haddaad furtaan Haweenka oo ay gaadhaan mudadooda ha u diidina inay guursadaan nimankooda hadday raalli isu noqdaan si fiican, arrintaasu waa mid la idinku waanin ciddi idinka mid ah oo rumayn Eebe iyo Maalinta dambe, saasaana idiin waanaagsan oo idiin nadiifsan, Eebana waa ogyahay idinkuna ma ogidin. (233) waalidaadka (Hooyooyinku) waxay nunjin Caruurtooda Labo Sano oo dhamaystiran Cidii doonta inay taamyeesho nuugidda, kan wax loo dhalayna waxaa saaran Cunadooda iyo arradbaxooda si fiican lagumo dhibo naf waxayna awoodin laguma dhibo Hooyo Ilmaheeda dartiis (lamana dhibo) aabo ilmihiisa dartiis, kan wax dhaxlaya waxaa saaran taaso kale, hadday doonaan gudhin iyagoo raali ah iyo wadatashi dhib ma saarra korkooda, haddaad doontaan inaad ka nuujin dalabtaan Caruurtiina (Haweenay Kale) dhib korkiinna ma saarra haddaad udhiibtaan waxaad bixinaysaan si fiican, ka dhawrsada Eebe, ogaadana in waxaad camalfalaysaan Eebe arko. (234) kuwa la oofsado (Dhinto) oo idinka mid ah oo ka taga Haween waxay sugi (Ciddo) naftoodu afar bilood iyo toban bari, markay gaadhaan mudadoodana wax dhib ah idinkama saarra waxay ku falaan naftooda si fiican, Eebana waxaad falaysaan waa ogyahay. (235) dhib (dambi) korkiinna ma aha waxaad sarbeebtaan oo hadal Haween ah (doonid) ama aad ku qarisaan naftiina, Eebe waa ogyahay inaad sheegaysaan Haweenkaas, laakiin hawgu yaboohina qarsoodi inaad dhahaysaan hadal fiican mooyee, ha goynin (ha u qasdina) xidhidda guurka intuu ka gaadho Kitaabku «ciddu» Watigooda ogaadana in Eebe ogyahay waxa naftii na ku sugan ee ku digtoonaada, ogaadana in Eebe dambi dhaafe dulsan yahay. (236) dhib ma saaro korkiina hadaad Haweenka furtaan idinkoon taaban ama u qardarin meher, ugu deeqa kii hodona qaddarkiisa kan cidhiidhyanna qaddarkiisa, waa raaxayn wanaag ah oo xaq ku ah kuwa dhawrsada. (237) haddaad furtaan Haweennka taabasho ka hor idinkoo wax (Merher ah) u qaddaray waxay mudan kala badhka waxaad qaddarteen, inay bafiyaan mooyee ama uu cafiyo midka gacantiisu xidhidda nikaaxu ku jiro, (waa ninka ama waliga) haddaad iska cafisaan yaa u dhowse dhawrsa shada, hana halmaamina fadliga (dheeraadka) dhexdiina ah, Eebana waxaad camalfalaysaan wuu arkaa. (238) xifdiya (ilaaliya) Salaadaha iyo Salaadda dhexe (sharafta badan) (Carsaka) una istaaga dar Eebe idinkoo adeeci, (khushuuci). (239) haddaad cabsataan Tukada idinkoo lug ah ama saaran gaadiid. markaad aamin noqotaan xusa Eebe siduu idiin baray waxaydaan aqoonin, (caadi u tukada). (240) kuwa la oofsado (dhinto) idinka mid ah kana taga Haween dardaaranka Haweenkoodu waa u raaxayn tan iyo Sano iyagoon la bixinayn, haddayse baxaan dhib (Dambi) ma saarra korkiinna waxay ku falaan naftooda oo wanaag ah, Eebana waa adkaade falsan. (241) kuwa la furo waxaa u sugnaaday gacan maris (Mataac) si fiican, waxayna ku tahay Xaq kuwa dhawrsada. (242) saasuuna Eebe idiinku caddayn aayaadkiisa inaad kastaan darteed. (243) ka warran (warkoodu ma ku soo gaadhay) kuwii ka baxay guryahooda iyagoo kuman ah digtooni geeri darteed, markaas ku yidhi Eebe dhinta, soona nooleeyey, Eebana waa saaxibul fadli (dheeraad) Dadka korkiisa, Dadka badankiisuse kuma mahdiyaan. (244) ku dirira Jidka Eebe, ogaadana in Eebe maqli oo ogyahay. (245) waa kuma kan amaah fiican gashan Eebe, oo uu u laban laabo, Laban laab badan, Eebana wuu ku cidhiidhiyaa Rizqiga oo u waasiciyaa (Cidduu doono) xaggiisaana loo celiyaa Dadka. (246) ka warran (warkoodu ma ku soo gaadhay) Madaxdii Bani Israa'iil Muuse ka dib markay ku dheheen Nabigoodii Noo soo bixi Malig (xaakim) oon ku dagaallanno Jidka Eebe, wuxuuna yidhi armaad mudantihiin haddii laydinku faralyeelo Dagaalka inaydaan dagaallamin, waxayna dhaheen maxaanaan ugu dagaalamayn Jidka Eebe isagoo nalaga bixiyey guryahannagii iyo Caruurtannadii (Wiilashannadii) markii lagu faralyeelay korkooda Dagaalkii wey jeedsadeen, in yar oo kamid ah mooyee, Eebana waa ogyahay daalimiinta. (247) wuxuuna ku yidhi Nabigoodii Eebe wuxuu idiinky bixiyey Dhaaluut Malig (Xaakim), waxayna dheheen sidee ngu ahaan xukun korkannaga annago ka mudan Xukunka aan lana siinin Xoolo Waasac ah (Badan) wuxuuna yidhi (Nabigii) Eebe wuu u doortay Korkiina wuxuuna u siyaadiyey Waasacnimo Cilmi iyo Jidh (Xoog) Eebana wuxuu siiyaa Xukunkiisa Cidduu doono, Eebana waa Deeqbadane og. (248) Nabigoodii wuxuu ku yidhi calaamadda Xukunkiisu waa inay u timaado taabuud (sanduuq) oy ku jirto xasiloonida Eebihiin iyo wax ka soo hadhay waxay ka tageen ehelkii Muuse iyo ehelkii Haaruun oo Mala'igtu xambaari arrintaasna calaamaa idiinku sugan haddaad tihiin Mu'miniin. (249) markuu la baxay Dhaluut Askartii wuxuu yidhi Eebe wuxuu idinku imtixaami Wabi ee eidii ka cabta igamid ma aha, ruuxaan wax ka dhadhaminna waa iga mid ruux ku qaata gacanta qaadasho mooyee, waxayna ka cabbeen xaggiisa wax yar mooyee markuu tallaabay isaga colkii rumeeyay la jiray, waxay dhaheen awood uma lihin Maanta Jaaluud iyo colkiisa, waxayna dhaheen kuwii yaqiinsanaa inay la kulmi Eebe badanaa intay koox yari ka adkaatay koox badan idinka Eebe, ilaahayna wuxuu la jiraa kuwa Samra. (250) markay u soo muuqdeen Jaaluud iyo Colkiisii waxay dhaheen Mu'miniintii Eebbow ku shub korkannaga Samir, sugna Gomadahanaga noogana gargaar Qoomka Gaalada ah. (251) markaasay (Mu'miniintii) jabiyeen Gaaladii idinka Eebe, wuuna dilay Daawuud Jaaluud, wuxuuna siiyey Eebe Daawuud Xukun iyo xigmo (Nabinimo iyo Cilmi) wuxuuna baray wuxuu doono, hadayan jirin ku reebidda eebe dadka qaarkood qaarka (kale) waxaa fasaadi lahaa dhulka hasayeeshee Eebe waa fadli u saaxiib «u deeqe» caalamka. (252) taasi waa aayadka Eebe waana kugu akhriyaynaa si xaq ah, adiguna Waxaad kamidtahay kuwa la soo diray «Rasuulada»;