Juz'  19

 

Al-Furqaan

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Waxaa Khayr Batay (oo wayn) Eebaha ku soo Dejiyey Quraanka Addoonkiisii (Nabiga) inuu u ahaado Caalamka u Dige. (2) Eebaha uu u Sugnaaday Xukunka Samooyinka iyo Dhulka, Yeelaninna Ilmo una Sugnaanin Shariig (la Wadaage) Xukunka, Abuurayna wax kasta, oo u ahaysiiyey si Qiyaasan. (3) Waxay ka Yeesheen Eebe ka Sokow Ilaahyo oon Abuurayn waxba Iyagana la Abuuri una hananayn Naftooda Dhib iyo Nacfi (Midna) oonan hananayn Geeri iyo Nolol iyo soo Bixin (midna). (4) Waxay Dheheen Gaaladii kani (quraanku) ma aha waxaan Been Abuur ahayn, uu la Yimid, Uguna Kaalmeeyeen Qoom kale, waxay la Yimaadeen Dulmi iyo Been (Daran). (5) Waxay Dheheen waa Warkii Dadkii Hore oos ka Qoray Iyadaana loo Yeedhiyaa Aroor iyo Galabba. (6) Waxaad Dhahdaa waxaa soo Dejiyey Eebaha Og waxa ku Qarsoon Samooyinka iyo Dhulka Waana Dambi Dhaafe Naxariista. (7) Waxay dheheen Gaaladii Muxuu leeyahay Rasuulkani oos u Cuni Cunto una Socon Suuqa, maa loo Soo Dejiyo Malag oo ahaado mid la Diga. (8) Ama maa loo Tuuro (Dejiyo) Kansi ama u ahaato Beer uu wax ka Cuno Xageeda, waxayna Dheheen Daalimiintu ma Raacaysaan waxaan Nin Sixran ahayn. (9) Bal day siday kuugu Yeeleen Tusaale oy u Dhumeen una Karin (Qaadidda) Jidka (Xaqa). (10) Waxaa Khayr Badan Eebaha Hadduu Doono kuu Yeeli wax ka Khayrroon Taas, Jannooyinna (Kuu yeeli) oy Socolo Dhexdeeda Wabiyaal Kuuna Yeeli Daaro (Janno). (11) Waxayse Beeniyeen Saacadda (Qiyaame) waxaana u Darabnay Ciddii Beenisa Saacadda Naarta Saciira. (12) Markay ka Aragto Meel Fog waxay ka Maqlaan Cadho iyo Guux. (13) Marka lagu Tuuro Dhexdeeda Meel Cidhiidhi ah Iyagoo isku Xidhan waxay u Yeedhaan Halaag, iyo (Khasaare). (14) (Waxaana la Dhihi) Howyeedhanina Maanta Halaag Kaliya ee u Yeedha Halaag Badan. (15) Waxaad Dhahdaa Ma Taasaa Khayrroon mise Jannada Waaridda ee ah Middii loo Yaboohay kuwa Dhawrsada, waxayna u Ahaatay Kuwaas (Dhawrsada) Abaal Marin iyo Noqosho. (16) Waxayna ka Helayaan Dhexdeeda waxay Doonaan wayna ku Waari, Arrintaasuna waa Yabooh Isaaray Eebaha oo Sugan. (17) Xusuusta Maalintaan Kulminayno Gaalada iyo waxay Caabudi oo Eebe ka soo Hadhay oos ku Dhihi Ma idinkaa Dhumiyey Addoomadaydaas, Mise Iyahgaa ka Dhumay Jidka. (18) Waxayna Odhun Waad Nastahantahay Naguma Habboona Inaan Yeelanno Adi ka Sokow Awliyo (Gargaare), waadse u Raaxaysay iyaga iyo Aabayaalkood Intay ka Halmaamaan Waxyiga, waxayna Noqdeen kuwa Halaagsamay. (19) Way Idinku Beeniyeen waxaad Sheegaysaan mana Kartaan Furasho iyo Gargaar midna, Ciddii wax Dulmida oo Idinka midah Waxaannu Dhadhansiin Cadaab Wayn. (20) Manaan Dirin Rasuul kaa Horeeyey oon Cunayn Cunnada Soconaynna Suuqa, waxaana uga Yeellay Qaarkiin Qaarka kale Fidmo (Ibtilo) ee ma Samraysaan, Eebahaana waa Arke. (21) Waxay Dheheen Kuwaan Rajaynayn la kulankanaga naloogu soo Dejinwaayey Malaa'ig, ama maan Aragno Eebahanno, way Iskibriyeen (isula waynaadeen) Naftooda wayna Madax Adaygeen Madax Adayg Wayn. (22) Maalintay Arki Malaa'igta (Geerida) ma Bishaaraystaan Maalintaas Dambiila Yaashu, waxayna Odhan Xijaab oodan iyo Reebnaan yaa ah (Wanaag iyo Isla kulan majiro). (23) Waannu u soo Hormarinay waxay Faleen oo Camal ah Waxaana ka yeelay Dhalanteed la Firdhiyey. (24) Ehelu Jannaha yaa Maalintaas Khayr Roon Sugnaansho iyo Wanaag badan Qayluushi (Hurdo). (25) Xusuuso Maalintay Samadu la Dillaaci Daruuraha, lana soo Dejin Malaa'igta soo Dejin. (26) Xukunka Maalintaas ee Xaqa ah waxaa iska leh Eebaha Raxmaana, Waana Maalin Gaalada ku Daran. (27) Xusuusana Maalintuu Qaniini Daalimku Gacantiisa (Faraha) Isagoo Dhihi Shalleytee maan Yeesho la Jirka Rasuulka Jid (maan Rumeeyo). (28) Halaag iyo Shalleytee Maxaan hebel Saaciib uga Yeeshay. (29) Wuxuu iga Leexiyey Quraanka intuu ii yimid ka Dib, Shaydaanna Dadka Wuxuu u Yahay Dayace (Mee Xun kaga tage). (30) Wuxuu Yidhi Rasuulkuna Eebow Qoomkaygii waxay ka Yeesheen Quraankan mid laga Tagay (Ma Maqlaan). (31) Saasaan ugu Yeellay Nabi kasta Col Dambiilayaal ah, Eebana ku Filan Hanuuniye iyo Gargaare. (32) Waxay Dheheen kuwii gaaloobay maa lagu Soo Dejiyo Nabiga Quraanka Mar kaliya (Isagoo dhan) saasaan Yeellay, inaan ku Sugno Qalbigaaga, waana kugu Akhriyeynaa Akhrin (Fiican). (33) Wixii Tusaale ah oy Kuula Yimaadaanna waxaannu Kuugula imaan Xaq iyo Fasiraadda u Fiican. (34) Kuwa lagu soo Kulmin Wajigooda (Naarta) Jahannamo kuwaasu waa kuwa u Xun meel uguna Dhumid Badan Jid. (35) Waxaana Siinay Nabi Muuse Kitaabkii Waxaana ka Yeellay la Jirkiisa Walaalkiis Haaruun Wasiir. (36) Waxaana Nidhi Aada Qoomkii beeniyey Aayaadkanaga Waana baabi'inay (Halaagnay) baabi'in, (Halaagnay). (37) (Xusuuso) Qoomkii Nabi Nuux, Markay Beeniyeen Rasuulladii Yaan Maan-Sheynay Ugana Yeellay Dadka Calaamad, Waxaana u Darabnay Daalimiinta Cadaab Daran. (38) Caadna waan Halaagnay iyo Thamuud, iyo Rasi (Ceelkii) Ehelkiisii, iyo Quruumo Intaas u Dhaxeeyey oo Badan. (39) Dhammaan waxaan u Yeellay Tusaale Dhammaanna waan Halaagnay Halaag. (40) Way Tageen Gaaladu Magaaladii lagu soo Daadiyey Roob Xun (Dhagax Cadaab) Miyeyna Arkeyn, waxayse Ahaayeen kuwaan Rajaynayn (ka yaabayn) soo kulmin. (41) Hadday ku Arkaan Gaaladu waxay kaa yeeshaan Jees Jees, iyagoo (Dhihi) ma kanaa kan Eebe Soo Bixiyey Isagoo Rasuul ah. (42) Wuxuu U dhawaaday inuu Naga dhumiyo Ilaahyadanada Haddaanaan ku Samrin, (ku adkaysan) waxay Ogaadaan Markay Arkaan Cadaabka Cidda Dhunsan. (43) Ka Warran Ruux ka Yeeshay Ilaahiisa Hawadiisa (Suu Jecelyahay) Ma adaa Wakiil (Ilaaliye) ka Noqon. (44) Mise waxaad u Malayn in Badankood wax Maqli ama wax kasi, ma aha waxaan Xoolo oo kale ahayn, Iyagaabase ka Sii Dhunsan. (45) Miyeydaan Ogayn sida Eebe u Fidiyo hadhka, hadduu Doonana wuxuu ka Yeeli lahaa Mid Xasillan (Taagan) markaasaan ugu Yeellay Qorraxda korkiisa Daliil (Xujo). (46) Markaasaan u Soo qabanaa Xagganaga Qabasho Yar. (47) Eebe waa kan Idinka Yeelay Habeenka Astur, Hurdadana Raaxo, kana yeelay Maalinta soo Kulan (Dhaqdhaqaaq). (48) Eebe (Sareeye) waa kan u Dira Dabaysha Bishaaro Darteed Naxariistiisa (Roobka) Hortiisa, Waxaana ka soo Dejinay Samada Biyo wax Daahiriya. (49) Inaan ku Nooleyno Magaalo Dhimatay oon kuna Waraabino waxaan Abuuray, Xoolo iyo Dad Badan. (50) Waana ku kala Duwnay «Badinay» Dhexdooda, inay Xusuustaan, Wuuna Diiday Dadka Badidiis waxaan Gaalnimo Badan ahayn. (51) Haddaan Doonno waxaan ka Bixin Lahayn Magaalo Kasta Dige (Nabi). (52) ee ha Adeecin Gaalaga kulana Jahaad Quraanka Jahaad Weyn. (53) Eebe wuu isku daraa Labada Badood, Kaasi waa Macaan Daran, kaasna waa Khadhaadh Daran (Afku Diido) yeelayna Dhexdooda Soohdin iyo Xaajis Awdan. (54) Eebana waa kan ka Abuuray Biyaha Dad kana Yeelay Qaraabo iyo Soddognimo, Eebahaana wuu karaa (Wuxuu Doono). (55) Waxayna Caabudi Gaaladu Eebe ka Sokow waxaan Anfacayn Dhibayna Gaalna wuxuu ahaaday mid ka soo hor Jeeda Eebihiis. (56) Maa naan kuu Dirin inaad Bishaareeye Dige ah (Noqoto Mooyee). (57) Waxaad Dhahdaa Idinkama warsado (Xaqa Gaadhsiintiisa) UJuuro Ruuxiise dooni inuu ka Yeesho Eebehiis Xaggiisa Waddo (Khayr ha falo). (58) Talo Saaro Eebaha Nool een Dhimanayn una Tasbiixso adoo Mahdin, Eebaana ku Filaan Dambiga Addomadiisa Ogaanshihiisa. (59) Waana Eebaha ku Abuuray Samooyinka iyo Dhulka iyo Waxa u Dhexeeya Lix Maalmood, kuna Istawooday Carshiga (Si u Cununta), ee Warso Cid wax Og. (60) Marka la Dhaho u Sujuuda (Eebaha) Raxmaan ah waxay Dhahaan Muxuu Yahay Raxmaan, ma waxaan u Sujuudeynaa waxaad na Farayso, wuxuuna u Kordhiyey Carar. (61) Waxaa Khayr Badnaaday Eebaha Yeela Samada Burjiyo Yeelayna Dhexdeeda Siraaj (Qorrax) iyo dayax ifi. (62) Eebana waa Ilaah uga Yeelay Habeenka iyo Maalinta Isbaddel Ciddii Doonta inuu wax Xusuusto ama Doono inuu Mahdiyo. (63) Addoomada Eebaha Raxmaana waa kuwa u Socda Dhulka Xasillooni, markay la Hadlaan (Af Xumeeyaan) Jaahilliinna Yidhaahda Nabadgalyo. (64) ee ah Kuwa ku Barya (Habeenkii) Iyagoo u Sujuudi oo u Istaagi (Cibaado) Eebe. (65) ee Ah kuwa Dhihi Ilaahow naga Iil Cadaabka Jahannamo, Cadaabkeedu waa joogtee. (66) Iyaduna waxay u Xuntahay ku Sugnaansho iyo ku Nagaadi. (67) Ee ah kuwa Markay wax Bixiyaan aan Xad gudbin Cidhiidhyinna, oo intaas Dhexdeeda ku Tolosnaada. (68) Ee ah kuwaan Caabudayn Eebe La Jirkiisa Ilaah kale, oona Dilayn Naftuu Eebe Xarrimay Dilkeeda Xaq Mooyee oon Zinaysanayn, Ciddii Saas fashana waxay la Kulmi Dambi. (69) Waxaana loo Laab laabi Cadaabka Maalinta Qiyaame wuuna ku Waari Dhexdiisa Isagoo Dullaysan. (70) Ciddii Toobad keenta oo Rumaysa oo Fasha Camal Fiican Mooyee, oo kuwaas waxaa loogu Badali Xumaantooda Wanaag, Eebana waa Dambi Dhaafe Naxariista. (71) Ruuxii Toobad keena oo Fala Wanaag wuxuu u Noqon Eebe Noqosho. (72) (Kuwa Fiican) waa kuwaan Furayn Been, Markay Maqlaan Hadal Xunna Mara iyagoo Wanaagsan (Ka Jeedsada). (73) Waana kuwa marka lagu Waaniyo Aayaadka Eebahooda aaan Dhicin Dhago iyo Indho La'aan. (74) waana kuwa Dhihi Eebow nagasii (naga tusi) Haweenkanaga iyo Caruurtanada wax Ishu ku Qabowsato, noogana yeel kuwa Dhawrsada Imaam. (75) Kuwaas waxaa lagu Abaal marin Fooqa (Janno) Samirkooddi Dartiis waxayna kula Kulmi dhexdeeda Salaan iyo soo Dhawayn. (76) Wayna ku waari Dhexdeeda waxaana u Wanaagsan Janada ku Sugnaan iyo Nagaadiba. (77) Waxaadna Dhahdaa Idiinma Aabo Yeeleen Eebahay Haddaydaan Baryeyn (Illeen) waad beeniseen (Xaqee) wuxuuna ahaan mid idin Laasima Beeninta «Ciqaabta».

 

Ash-Shu'araa

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Waxay ku Tusin Mucjisada Quraanka sida soo Hor martay. (2) Taasi waa Aayadihii Kitaabka Cad. (3) Waxaadna u Dhawdahay Nabiyow inaad Halaagto Naftaada Haddayna Rumayn Xaqa. (4) Haddaan Doono Waxaan kaga soo Dejinaynaa Korkooda Samada Aayad oy Noqoto Luquntoodu Miday u Khushuucdo. (5) Waxkasta oo Quraana oo Uga Yimaadda Xagga Eebaha Raxmaana oo soo Darriyo (Cusboonaada) waxay ahaan kuwo ka Jeedsada. (6) Waxayna Beeniyeen (Xaqa) waxaase u Imaan Warka waxay ku Jees Jeesayeen. (7) Miyeyna Arkayn Dhulka Inaan ka soo Bixinno Nooc kasta oo Fiican. (8) Taasna waxaa ku sugan Aayad Badankooduna ma aha Mid Rumeyn (Xaqa). (9) Eebahaana Waa Adkaade Naxariista. (10) (Xusuuso) markuu ugu Yeedhay Eebahaa (Nabi) Muuse inuu Aado Qoomka Daalimiinta ah. (11) Qoomka Fircoon, Maydhawrsadaan. (12) Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse Eebow waxaan ka Cabsan inay I beeniyaan. (13) Ooy Cidhiidhyanto Laabtaydu Siina Daysmin Carrabkaygu ee Dir la Jirkayga Haaruun. (14) Waxayna igu Leeyihiin Dambi (Godob) waxaana ka Cabsan inay I dilaan. (15) Wuxuu Yidhi Ilaahay saas ma aha ee La aada Aayaadkanaga, Anagaa Idinla Jirra Maqlina. (16) ee u Taga Firecoon una Dhaha Annagu waxaan Nahay Rasuulka Eebaha Caalamka. (17) Ee Dir «u Ogolow» Banii Israa'iil la jirkannaga. (18) Wuxuu Yidhi (Firecoon) Miyaanaan kugu Barbaarinin Dhexdanada Adoo Yar oodan ku Nagaanin Dhexdanada Cimrigaaga Sanooyin. (19) Ood Fashay Arrintaad Fashay Adoo Diidan (Sama Falkii). (20) Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waan Falay Anoon Wax kasayn. (21) Waana Idinka Cararay Markaan Idinka Cabsaday Markaasuu Eebe I siiyey Nabinimo, Igana Yeelay kuwa La Diray (Rasuul). (22) Taasise ma Nicma aad igu Mannaysanbaa Haddaad Addoonsatay Banii Israa'iil. (23) Fircoon wuxuun Yidhi waa maxay Eebaha Caalamka. (24) Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waa Eebaha Samooyinka iyo Waxa u Dhaxeeya haddaad wax Yaqiinsanaysaan (Rumaynaysaan). (25) Wuxuu ku Yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa War ma Maqlaysaan. (26) Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebihiin iyo Eebaha Aabayaalkiinii Hore. (27) Wuxuu Yidhi Fircoon Rasuulkiinna laydiin soo diray waa Waalanyahay. (28) Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebaha Bari iyo Galbeed iyo Waxa u Dhaxeeya Haddaad wax kasaysaan. (29) Wuxuu Yidhi Fircoon haddaad Yeelato Ilaah iga soo Hadhay waxaan kaa Yeeli kuwa Xabbisan. (30) Wuxuu Yidhi Nabi Muuse Haddaan kuula Imaaddo wax Cadna. (31) Wuxuu Yidhi Fircoon la Imow Haddaad Run Sheegi. (32) Markaasuu Tuuray Nabi Muuse Ushiishii waxayna Noqotay Mas Muuqda. (33) Wuxuuna Siibay Gacantiisa waxayna ahaatay mid u Cad Dadka Dayi. (34) Wuxuu ku yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa kani waa Sixirre Xeel Dheer. (35) Doonina Inuu Idinkaga Bixiyo Dhulkiinna Sixirkiisa ee Maxaad Faraysaan. (36) Waxay Dheheen Dib u Dhig Isaga iyo Walaalkiis (Xaalkooda) una Dir Magaalooyinka kuwo soo Kulmiya. (37) Ha kuu Keeneen Sixirre kasta oo Xeel Dheer. (38) Waxaana Loo kulmiyey Saaxiriintii Imaatin Maalin la Yaqaan. (39) Waxaana Loo Yidhi Dadkii ma Kulmaysaan. (40) Inaan Raacno Saaxiriinta Hadday Adkaadaan. (41) Markay Yimaaddeen Saaxiriintii waxay ku Dheheen Fircoon Ujuuro ma Leenahay haddaan Adkaanno. (42) Wuxuuna Yidhi haa Waxaadna Noqonaysaan kuwa ii dhow. (43) Wuxuu ku Yidhi (Nabi) Muuse Tuura waxaad Tuuraysaan. (44) Waxayna Tuureen Xadhkahoodii iyo Ulahoodii waxayna Dheheen Sharafta Fircoon yaan ku dhaarannaye Anagaa adkaan. (45) Markaasuu Tuuray (Nabi) Muuse Ushiisii waxayna Ahaatay mid Gurata waxay Dhoodhoobeen. (46) waxaana la Riday Saaxiriintii Sujuud Darteed. (47) Waxayna Dheheen waxaan Rumaynay Eebaha Caalamka. (48) Eebaha (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun. (49) Wuxuu yidhi Fircoon Miyaad Rumeyseen Muuse ka Hor Idankayga, Isagu waa kan idiinku wayn ee idin Baray Sixirka waadse Ogaan doontaan, waxaana u Goyn Gacmahiinna iyo Lugahiinna Isdhaaf, waana idin Wadhi Dhammaantiin. (50) Waxayna dhaheen Dhib ma leh annagu Xagga Eebahannaan u Noqonaynaa. (51) waxaana Dalbaynaa (Damcaynaa) inuu noo Dhaafo Eebahanno Gafafkanaga Inaan Noqonay kuwii ugu Hor Rumeeyey (Xaqa). (52) Waxaan u waxyoonay Nabi Muuse Guuri Addoomadayda waa Laydin Raaciye. (53) Markaasuu u Diray Fircoon magaalooyinka kuwo Soo kulmiya. (54) Isagoo dhihi Kuwaasu «Banii Israa'iil» waa Koox Yar. (55) Wayna Na cadho Galiyeen. (56) Waxaana nahay kuwo Had iyo Jeer Digtoon. (57) Waxaana ka Bixinnay Beero iyo (Biyo) ilo. (58) Iyo Kanziyo iyo Nagaadi Fiican. (59) Waxaana Dhaxalsiinay Banii Israa'iil. (60) Markaasay Raacen (ka daba Duulcen) Qorrax soo Bixii. (61) Markay isu Muuqdeen Labadii Kooxood waxay Dheheen Asaxaabtii Nabi Muuse Inaga waa Layna Haleelay. (62) Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Saas ma aha ee Eebahaybaa Ila jira wuuna i Toosin. (63) Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse ku Garaac Ushaada Badda wayna kala Jeexantay Baddii wuxuuna Noqday Jeex kasta Buur wayn oo kale. (64) Waana ku soo Dhawayanay Halkaas kuwii kale (Colkii Fircoon). (65) Waxaana Korinay (Nabi) Muuse iyo Intii la Jirtay Dhammaan. (66) Ka dibna waxaan Maanshaynay Kuwii kale. (67) Arrintaasna waxaa ku Sugan Aayad Mana aha Badankood kuwo Rumeeyn. (68) Eebahaana waa Adkaade Naxariista, (69) Ku Akhri Korkooda Warkii Nabi Ibraahim. (70) Markuu ku Yidhi Aabihiis iyo Qoomkiisii maxaad Caabudaysaan. (71) Waxay Dheheen waxaannu Caabudi Sanamyo oonu ahaan kuwo ku Nagaada. (72) Wuxuu Yidhi (Nabi Ibraahim) Maydin Maqlayaan markaad Baryeysaan. (73) Mase idin Anfaci ama idin Dhibi. (74) Waxay Dheheen waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Sidaas Fali. (75) Wuxuu Yidhi Bal Warrama waxaad Caabudaysaan. (76) Idinka iyo Aabayaalkiinii Horeeyey. (77) Hadday Iyagu Col ii Yihiin Eebaha Caalamka Mooyee. (78) Ee Eebaha I Abuuray ee ah kan I Hanuunin. (79) Kan I Quudin ee I Waraabin. (80) Markaan Bukoodana Isagaa I Caafiya. (81) Waana kan I dili Ina Noolayn. (82) Ee ah kaan Damci inuu Ii Dhaafo Gafafkayga Maalinta Abaal marinta. (83) Eebow i Sii Xikmo (Nabinimo) Ina Haleeshii kuwa Suuban. (84) Iina Yeel Sheegid Run ah (Fiican) kuwa Dambe. (85) Igana yeel kuwa Dhaxli Janada Naciimo. (86) Una Dambi Dhaaf Aabahay wuxuu ka Mid ahaa kuwa Dhumaye. (87) Hana i Dullayn Maalinta la Soo Bixin (Dadka). (88) Maalintayna wax Anfacayn Xoolo iyo Ilmo midna. (89) Ruux ula Yimaadda Eebe Qalbi Fayow Mooyee (Iimaan). (90) Waana loo Dhawayn Jannada kuwa Dhawrsada (Mu'miniinta Dhabta ah). (91) Waana Loo Muujin Jaxiimo kuwa Baadiyoobay. (92) Waxaana Lagu Dhihi Aaway waxaad Caabudayseen. (93) Oo Eebe ka soo Hadhay Maydiin Gargaarayaan ama Gargaarsanayaan. (94) Waana lagu Hambooriyey (Tuuri) Dhexdeeda iyaga iyo kuwa Baadiyoobay. (95) Iyo Junuudda (Askarta) Ibliis Dhamaan. (96) Waxayna obhan iyagoo Dhexdeeda ku doodi. (97) Eebaan ku Dhaaranaye waxaan ku Sugnayn Baadi Cad. (98) Markaan Idilla Sinay Eebaha Caalamka. (99) Wax na Dhumiyey oon Dambiila Yaasha ahayn ma Jiro. (100) Mana Lihin wax Noo Shafeeca. (101) Iyo Saaxiib Dhaw. (102) Ee hadaan Noqonno oon Ahaanno Mu'miniin. (103) Taas waxaa ku Sugan Calaamad Badankoodna ma Rumeeyo (Xaqa). (104) Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (105) Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Nuux Rasuulladii. (106) Markuu ku Yiidhi Walaalkood Nuux Miyeydaan Dhawrsanayn. (107) Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah. (108) Ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca. (109) Idinkana Warsanmaayo (Xaqa) Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (110) Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca. (111) Waxay Dheheen ma waxaanu ku Rumayn adooy ku Raaceen kuwa Dullaysan (Xun Xun). (112) Wuxuu Yidhi Maxaan ka Ogahay Waxay Fali. (113) Xisaabtooda Eebe unbaa leh haddaad wax Garanaysaan. (114) Anuguna ma Eryayo Mu'miniinta. (115) Waxaan u Dige Cad ahayna ma ihi. (116) Waxay Dheheen Haddaadan Joogin Nuuxow Waxaad Noqon kuwa la Dhagaxyeeyo. (117) Wuxuuna yidhi Eebow Qoomkaygii waa I beeniyeen. (118) Ee Nakala Xukun Dhexdanada, ina kori Ani iyo Inta ila jirta ee Mu'miniinta ah. (119) Waxaannu ku Korinay Isaga iyo intii la Jirtay Doontii Buuxday. (120) Ka Dibna waxaan Maanshaynay kuwii Hadhay (Gaaladii). (121) Taasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu kuwo Rumayn. (122) Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (123) Waxay Beeniyeen Caad Rasuulladii. (124) Markuu ku Yidhi Walaalkood Huud Miyeydaan Dhawrsanayn. (125) Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah. (126) Ee ka Dhawrsada Eebe Ina Adeeca. (127) Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigaygana Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (128) Miyaad ka Dhisaysaan Meel Sare oo Dhan Calaamad (Daar) Idinkoo Ciyaari. (129) Ood Yeelanaysaan Masaanic (Dhismo) inaad Waartaan Darteed. (130) Haddaad wax Qabataan Ciqaabtaan una Ciqaabaysaan si Daran. (131) ee Eebe ka Dhawrsada Ina Adeeca. (132) Kana Dhawrsada Eebaha idin Siiyey waxaad Ogtihiin. (133) Wuxuu idin Siiyey Xoolo iyo Caruur. (134) Iyo Beero iyo Ilo. (135) Waxaana Idiinka Digi Cadab Maalin Wayn. (136) Waxay Dheheen waxaa Isu kaanna Mid ah Waanisayaa ama Maadan Waanininaa. (137) Kanna ma aha waxaan Dabeecaddii «Diintii» Dadkii hore ahayn. (138) Nalamana Cadaabayo. (139) Wayna Beeniyeen, markasaan Halaagnay. Taasina waxaa ku Sugan Calaamad, mana aha Badankoodu kuwo Rumayn. (140) Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (141) Waxay Beenisay Thamuud suulladii. (142) Markuu ku Yidhi Walaalkood (Nabi) Saalax Miyaydaan Dhawrsanayan. (143) Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah. (144) ee ka Dhawrsadda Eebe ina Adeeca. (145) Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (146) Ma waxaa Laydinkaga Tagi Halkan idinkoo Aamina. (147) Oo ku Sugan Basaatiin iyo Ilo (Socda). (148) Iyo Beero iyo Timir Fiideedu Bisayl Tahay. (149) Ood ka Qoranaysaan Buuraha Guryo idinkoo Kibirsan. (150) Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca. (151) Hana Adeecina «Maqlina» Amarka Xadgudbayaasha. (152) ah kuwa Fasaadiya Dhulka oon Hagaajinayn. (153) Waxay Dheheen waxaad uun ka mid Tahay kuwa la Sixray. (154) Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn ee noo keen Aayad Haddaad run Sheegi. (155) Wuxuu Yidhi Tani waa Hal, Maalinbay Cabbi idinkuna Maalinhaad Cabbaysaan la Yaqaan. (156) Ee ha ku Taabanina Xumaan, oos idin qabto Cadaab Maalin wayn. (157) Wayse Dileen waxayna ahaadeen kuwo Qoomameeya. (158) Waxaana Qabtay Cadaab Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn (Xaqa). (159) Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (160) Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Luudh Rasuuladii. (161) Markuu ku Yidhi Walaalkood Luudh Miyeydaan Dhawrsanayn. (162) Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee. (163) ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca. (164) Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (165) Ma waxaad u Tagaysaan Ragga Caalamka. (166) Ood ka Tagaysaan waxa Eebe idiin Abuuray oo Haweenkiina ah, waxaadse Tihiin Kuwo Xadgudba. (167) Waxay Dheheen haddaadan Joogin Luudhow Waxaad Noqon kuwa la Bixiyo. (168) Wuxuu Yidhi (Luudh) Anigu Camalkiinna waan la Cadhaysnahay. (169) Eebow iga Kori iyo Ehelkaygaba waxay Falayaan. (170) Waana korinay Isaga iyo Ehelkiisiiba Dhammaan. (171) Habar ku hadhay Mooyee (Haweeneydiisii). (172) Markaasaan Halaagnay Intii kale. (173) Waxaa ku soo Daynay (Roob Dhagax Naara) waxaana u Xun Roobka kuwa Loo digay. (174) Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn. (175) Eebhaana waa Adkaade Naxariista. (176) Waxay Beeniyeen Kayntii Ehelkeedii Rasuulladii. (177) Markuu ku Yidhi Nabi Shucayb Miyeydaan Dhawrsanayn. (178) Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee. (179) ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca. (180) Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (181) Oofiya (Dhammaystira) Beegidda hana ka mid Noqonina kuwa Nusqaamiya. (182) Una Miisama Cadaalad Toosan. (183) Hana ka Nusqaaminina Dadka waxooda hana Xumaynina Dhulka Idinkoo Fasaadin. (184) Kana Dhawrsada Eebaha idin Abuuray iyo Khalqigii Horreeyey. (185) Waxay Dheheen waxaad uun Tahay kuwa la Sixray. (186) Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn, waxaana kuu Malaynaynaa kuwa Beenaalayaasha ah. (187) ee Nagu soo Rid Goosimo Samada ka mid ah haddaad Run sheegi. (188) Wuxuu Yidhi Eebahay baa og waxaad Falaysaan. (189) Wayna Beeniyeen waxaana Qabtay Cadaab Maalintii Hadhka, waana Cadaab Maalin Wayn. (190) Arrintaasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu mid Rumayn. (191) Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (192) Quraankuna waa soo Dejin Ebaha Caalamka. (193) Waxaa kula soo degan Ruux Aamin ah (Jibriil). (194) Qalbigaaga inaad ahaato kuwa ku Diga. (195) Af Carabi ahoo Cad. (196) Quraankuna wuxuu ku Sugnaa Kutubtii hore. (197) Miyeyna Calaamad ugu Fillayn inuu Yaqaanno Culimadii Banii Israa'iil/ (198) Haddan ku soo Dejino Quraankan Cajamiga Qaarkiis. (199) oo uu ku Akhriyo Korkooda mayna Rumeeyeen. (200) Saasaan u Galinay Diidada Quluubta Dambiilayaasha. (201) Mana Rumaynayaan Xaqa Intay ka Arkaan Cadaab Daran. (202) Oos ugu Yimaaddo Cadaabku Kado Iyagoon Ogayn. (203) Oy Dhahaan ma nala Sugi. (204) Ma Cadaabkanagay Dadajisan. (205) Ka Warraan Haddaan u Raaxayno Sanooyin. (206) Markaas uu u Yimaaddo wixii loogu Goodinaayey. (207) Muxuu uga Tari Xaggooda wixii loogu Raaxeeyey. (208) Magaalo aan Halaagno oon loo Diginna ma Jirto. (209) Waano Darteed, mana nihin Daalimiin. (210) Kumana soo Degto Quraanka Shayaadiintu. (211) Kumana Habboona mana Karaan. (212) Shayaadiintu Maqalka waa ka Fogyihiin. (213) Ee ha Caabudin (Baryin) Eebe Miciisa Ilaah kale ood Noqoto kuwa la Cadaabo. (214) Una Dig Qaraabadaada Kuu sii Dhaw. (215) Una Raarici Garabkaaga (U Naxariiso) Ciddii ku Raacda oo Mu'miniinta ah. (216) Hadday ku Cassiyaanna waxaad Dhahdaa anigu Bari baan ka ahay waxaad Falaysaan. (217) Talo Saaro Eebaha Adkaada ee Naxariista. (218) Ee ku Arka Markaad Kici. (219) Iyo Lagagadoonkaaga kuwa Tukan. (220) Eebana waa Maqle Og. (221) Ma idiinka Warramaa Ruuxay ku soo Degi Shayaadiintu. (222) Waxay ku soo Degi Beenaale Dambi Badan oo Dhan. (223) Waxayna Xadi Maqalka Badankoodna waa Beenaalayaal. (224) Gabayaana waxaa Raaca kuwa Baadida ah. (225) Miyaadan Arkin in Iyagu Tog kasta (Xumaan) ay ku Dhex Wareersanyihiin. (226) Oyna Sheegi waxayna Falayn. (227) Kuwa Xaqa Rumeeyey Mooyee oo Camal Fiican Fala oo Xusa Eebe wax Badan, oo Gargaarta Dulmi ka Dib, waxayna Ogaan doonaan kuwii Dulmi Falay soo Noqoshaday soo Noqdaan (Qiyaamada).