Juz'  15

 

Al-Israa

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) waxa Nasahan (Ceeb ka fog) Eebaha ka guuriyey Addoonkiisa (Nabiga) Habeen masaajidka Xurmada leh (Maka) xagga Masjidkii Aqsa een barakaynay Gaararkiisa inaan Tusinno Nabiga Aayaadkanaga Eebana waa maqle arka. (2) waxaana siinay Nabi Muuse kitaabkii (Tawreed) waxaana uga yeellay hanuun BaniiIsraa'iil inaydaan ka yeelanin wax iga soo hadhay Wakiil. (3) faricii kuwaan la xambaarnay Nabi Nuux, wuxuuna ahaa Addoon (Eebe) ee Shugri badan. (4) Waxaan ku (Ogaysiinnay) ugu Waxyoonay Banii Isra'iil Kitaabka (Tawreed) inaad fasaadinaysaan Dhulka Labo Jeer, isna kibrinaysaan iskibrin Wayn. (5) Markuu yimaaddo Yabooha (Watiga) midda hore waxaan idinku soo Bixinaa «Dirraa» Addoomadanada oo Xoog daran leh, dhexgalina (Hanan) Gurya dhexdooda waana Yabooh la fali. (6) Markaasaan idinku soo Celinaa Dawladnimada, idinkuna Xoogaynaa Xoolo iyo Caruur idinkana yeellaa kuwa Tiro badan. (7) Haddaad Samo Fashaan waxaad u samo fasheen Naftiinna, haddaad Xumaan fashaanna waa uun Naftiinna, markuu Yimaaddo Yabooha Dambana way Xumeeyaan Wajigiinna iyo inay Galaan Masaajidka (Baytul Maqdis) siday u galeen markii hore iyo inay Damiraan «Tirtiaan» waxay u Adkaadaan Tirtirid. (8) Waxay u dhawdahay in Eebihiin idiin Naxariisto, haddaad ku Noqotaanna waannu ku noqon, waxaana uga yeelnay Jahannamo Gaalada Gogol. (9) Quraankanna wuxuu ku Hanuunin Dadka Arrinta u Toosan ugana Bishaarayn kuwa fala Wanaag inay Mudan Ajir wayn. (10) Kuwaan Rumeynin Aakhirana waxaan y Darabnay Cadaab Daran. (11) Wuxuu u Yeedhaa (Baryaa) Dadku Shar siduu ugu Yeedho «Baryo» Khayrka, Dadkuna waa Deg dege. (12) Waxaan ka Yeellay Habeenka iyo Maalinta Labo Calaamo, waxaana Tirraa Calaamada Habeenka, waxaana ka Yeellaa Calaamada Maalinta mid wax Tusisa (Arag) inaad doontaan Fadliga Eebihiin iyo inaad ku ogaataan Tirada Sanooyinka iyo Xisaabta, wax kastana waxaannu u Caddeynay Caddayn (aada). (13) Ruux kasta waxaan Laasiminay Camalkiisa (loo Qaddaray) Luquntiisa, waxaana u soo bixinnaa Maalinta Qiyaame Kitaab uu la kulmi Isagoo fidsan. (14) Laguna Dhihi akhri Kitaabkaaga isagaa kuugu Filan Maanta Korkaaga Xisaabe. (15) Ruuxii Hanuuna wuxuu uun u Hanuunay Naftiisa kii Dhumana wuxuu uun u Dhumay Naftiisa, mana xambaarto Nafi Dambi Naf kale, mana Cadaabno intaan uga soo Dirro Rasuul. (16) Markaan doono inaan Halaagno Qaryad waxaan farraa kuweeda loo Nicmeeyey «Khayr» markaasay ka Faasiqoobaan waxaana ku sugnaada Ciqaab waana Tirtirraa Tirtirid (Halaag). (17) Imisaau Halaagnay Quruun (Nabi) Nuux ka dib Eebahaabaana ugu filan Dambiyada Addoomadiisa Ogaade Arka. (18) Ruuxi dooni Adduunyo waan ugu soo dedejinaa dhexdeeda waxaan Doonno Ciddaan doonno, markaasaan kayeellaa Jahannamo mid gala isagoo Caayan oo Dullaysan. (19) Ciddiise Doonta Aakhiro oo u fala camalkeedii isagoo Mu'mina kuwaas Camalkoodu wuxuu Noqon mid la Mahdiyo. (20) Dhammaan waxbaan uga Fidinaa kuwaas (Doona Adduun) iyo kuwaas (Doona aakhiro) siismada Eebahaa, mana aha siismada Eebahaa mid Reeban. (21) Day sidaan uga Fadilnay qaarkood qaarka (Kale) (Addunka) Aakharaase wayn darajooyin oo wayn Fadilid. (22) Ila Yeelin Eebe Miciisa Ilaah kale ood noqotid mid Caayan oo la Khasaariyo. (23) Wuxuu Faray Eebahaa inaydaan Caabudin isaga mooyee iyo inaad u samo fashaan Labadii Waalid Samo falid, hadduu ku gaadho Agtaada wayni midkood ama Labaduba ha ku Dhihin uf, hana Canaanan una dheh hadal Fiican. (24) Una Raarici (Jilci) Garab Naxariiseed (u Naxariiso) dhehna Eebow ugu Naxariiso siday ii Koriyeen anoo Yar. (25) Eebihiin wuu ogyahay waxa Natiinna ku Sugan, haddaad Suubantihiin isagu kuwa Toobad keenka badan wuu u Dhaafaa «Dambiga». (26) Sii qaraabada xaqeeda iyo Miskiinka iyo socdaalka hana ku xadgudbin bixin Xadgudub (iyo si xun). (27) illeen kuwa ku xadgudba waa walaalo Shaydaane, shaydaanna Eebihiis wuu ka gaaloobay. (28) haddaad ka jeedsato xaggooda (wax la'aan) adoo rajayn Naxariista Eebhaa ood rajayn waxaad ku dhahdaa hadal fudud (fiican). (29) ha ka yeelin gacantaada mid ku xidhan Luquntaada hana wada fidin dhammaan ood noqoto mid la dagaalo oo tabar gaba. (30) Eebahaa wuu u fidiya Risqiga cidduu doono wuuna u qaddaraa «cidhiidhyaa» (cidduu doono) illeen Eebe Addoomadiisa waa oge arkee. (31) ha Dilina Caruurtiinna ka Cabsi Faqri (Saboolnimo) anagaa Arsaaqayna iyaga iyo idinkaba Dilkooduna waa Gaf wayn. (32) Ha u dhawaanina sino Illeen waa xumaane Waddana u xune. (33) Hana dilina Nafta Eebe xarrimay Xaq Mooyee, Ruuxii lagu dilo Gardarro waxaan u yeellay waligiisa Xujo ee yuusan ku xad gudbin Dilka waa loo Gargaaraye. (34) Hana u dhawaanina Xoolaha agoonta sida U fiican mooyee intay ka gaadhaan xooggooda, Oofiyana ballanka illeen Ballanka waa lays warsane. (35) Oofiyana kaylka «beegidda» markaad beehaysaan kuna miisama Miisaan toosan (caadila) Saasaa khayr roon oo Fiican cidhibe. (36) hana dhihin (Raacraacin) Waxaadan u Cilmi lahayn, Illeen Maqalka, Araga iyo Qalbigaba waa lays warsane. (37) Hana u soconin Dhulka kibir Illeen ma Jeexi Kartid Dhulka kumana gaadhaysid Buuraha dherare. (38) Dhammaan waxaasna Xumaantiisu Eebahaa Agtiisa waa lagu Neceb yahay. (39) Arrintaasu waa waxa Eebahaa kuu waxyooday oo xigmada, hana yeelin Eebe la jirkiisa Ilaah kale oo lagugu tuuro Jahannamo adoo lagu dagaalay oo lagu fogeeyey. (40) ma wuxuu idiin doortay Eebihiin Wiilal oos ka yeeshay Malaa'igta gabdho idinku waxaad ku hadlaysaan hadal wayn. (41) dhab ahaan waan ku Caddaynay (gagadinay) quraankan (wax badan) inay waantoobaan umase kordhin waxaan carar ahayn. (42) waxaad dhahdaa hadduu la jiro Eebe Ilaah kale siday sheegi waxay ka dooni lahaayeen Eebaha Carshiga leh jid (Cibaado ama la mid noqosho). (43) Eebaa ka Nasahan Kana Sarreeya waxay sheegi sarrayn wayn. (44) waxaa u tasbiixsada (Qaddariya) Eebe Samooyinka todobada ah iyo Dhulka iyo waxa u dhexecya, waxaan Eebe u Tasbiixsanayn ama ku mah- dinayna ma jiro, waydaanse garanayn tasbiixdooda, Eebana waa dulsame dambi dhaafa. (45) markaad Akhriyi Quraanka waxaan yeellaa dhexdaada iyo dhexda kuwaan rumeynin Aakhiro xijaab (dayr) asturan. (46) waxaana yeellay Quluubtooda dabool inay kasaan Quraanka dhagohoodana culays, markaad ku xusto Eebhaana Quraanka kaligis waxay u jeedsadaan Gadaal iyagoo carari. (47) anagaa og waxay dhagaysan markay ku dhagaysan adiga iyagoo faqi markay dhihi Daalimiintu Waxaan Nin sixran ahayn ma raacaysaan. (48) Day siday kuugu yeelaan tusaalayaal oy U dhumeen oyna u karin jidka Hanuunka. (49) Waxay dhaheen (gaaladii) ma markaan noqonno lafo iyo burbur yaa nalagu soo celin Abuur cusub. (50) waxaad dhahdaa noqda dhagax ama bir. (51) ama khalqi (Abuur) ku wayn laabtiinna, waxayna dhihi yaa na soo eelin ku dheh Eebihiin idin abuuray markii hore, waxayna kuu gilgili madaxooda iyagoo leh waa goorma isagu, waxaad dhahdaa waxaa suurowda inay dhawdahay. (52) waana maalintuu idiin yeedhi Eebe ood maqlaysaan isagoo mudan Mahad una malaynysaan inaydaan nagaanin wax yar mooyee. (53) waxaad ku dhahdaa Addoomadayda ha dheheen sida u fiican, Shaydaanku wuu fasaadin dhexdiinnee, Shaydaanna Dadka col cadbuu u yahay. (54) Eebihiinna idin og (waxaad tihiin) hadduu doono wuu idiin Naxariisan, hadduu doonana wuu idin Cadaabi, kuugumana aanaan dirin inaad wakiil (Ilaaliye u Noqoto). (55) Eebahaana waa ogyahay waxa ku sugan Samooyinka iyo Dhulkam, dhab ahaan baana ugu fadilnay Nabiyada Qaarkood qaarka (kale) waxaana Siinay Nabi Daawuud Zabuur. (56) waxaad dhahdaa u yeedha kuwaad sheeegateen oo Eebe ka soo hadhay ma hantaan inay idinka faydaan dhib ama idinka wareejiyaan. (57) kuwaas ay caabudina iyagaaba ka dooni xagga Eebe u dhawaansho iyo kusii dhawaansho waxayna Rajayn Naxariistiisa, wayna ka cabsan cadaabkiisa, cadaabka Eebana waa wax laga digtoonaado. (58) Qaryo (Magaalo) Aanaan halaagayn ma jirto ka hor Qiyaamada ama aan la cadaabayn (Ciqaabayn) cadaab daran waana arrin ku qoran Kitaabka (Looxul Maxfuudka). (59) Umana aanaan daynin soo diridda Aayado (Mucjiso) inay beeniyeen kuwii hore mooyee, waxaana siinnay Thamuud Hashii oo wax tusisa wayna ku dulmi faleen (ka gaaloobeen) Aayadaha waxaan Cabsi galin ahayn uma soo dirro (Dejinno). (60) (Xusuuso) markaan kugo nidhi Eebahaa wuxuu koobaa Dadka, kamana aanaan yeelin Riyadaan ku tusinay fidmada Dadka mooyee (Imtixaan) iyo Geedka lagu lacnaday Quraanka, waanu ku cabsiin umana siyaadiyo waxaan xadgudub wayn ahayn. (61) (Xusuuso) markaan ku nidhi Malaa'igta u Sujuuda Aadan oy Sujuudeen Ibliis moyee, oo yidhi ma waxaan u sujuudi waxaad Abuurtay isagoo dhooba ah, (62) wuxuuna yidhi ka warran kan aad iga sharriftay, haddaad dib ii dhigto tan iyo Qiyaamada waxaan ka adkaan (Dhumin) Faraciisa wax yar mooyee. (63) Eebe wuxuu ku yidhi: Tag ciddii ku raacda oo ka midana Jahannamaa Jashiisu yahay abaal marin dhamaystiiran. (64) ku duufso ciddaad karto oo ka mida codkaaga kuna soo Jiido fardahaaga iyo lugtaada lana wadaag xoolaha iyo Carruurta una yabooh, mana yabooho shaydaan waxaan dhagar ahayn (iyo Baadi). (65) Addoomadayda kuma lihid xujo, Eebahooda waa ku filan yahay wakiil (Ilaaliye). (66) Eebihiin waa kan idinku wada doonta (Markabka) badda dhexdeeda inaad doonataan Fadligiisa (Risqi) Eebana waa idiin Naxariiste. (67) markuu idinku taabto badda dhibna wuu dhumaa waxaad baryeyseen Eebe mooyee, markuu idiin soo koriyo Barrigana waad jeedsatan Dadkuna waa Gaalnimo badane. (68) Miyaad ka Aamin Noqoteen in Eebe idinla Gooyo dhinac Dhulka ka mida, ama idinku soo diro Dabayl daran markaas aydaan helin Wakiil. (69) Miyaadse ka Aamin Noqoteen inuu idinku eeliyo (Badda) mar kale oos idinku diro Dabayl (wax jajabisa) oos idin Maansheeyo gaalnimadiinna darteed, markaas aydaan u helin wax noo raacda. (70) dhabbaanu u sharrifnay Binii Aadamka waxaana ku xambaarray Barriga iyo Baddaba waxaana ku arsaaqnay wanaag, waxaana ka fadilnay wax badan oo ka mida waxaan Abuurray fadilaad. (71) (xusuuso) Maalintaan cid walba ugu yeedhayno Imaamkeeda «Quraanka ama Nabiga» ciddiise laga siiyo Kitaabkiisa Midigta kuwaasi way akhrin Kitaabkooda lagamana dulmiyo xuub laf timireed. (72) cidiise Addunka ku indho la' (xaqa diida) aakharana wuu indho la'aan oo ka dhumi Jidka. (73) Waxay u dhawaadeen Gaaladii inay kaa Fidmeeyaan waxaan kuu waxyoonay inaad Nagu been abuuratid wax kale, Markaas ay kaa Yeeshaan Saaxiib. (74) Hadaanan ku sugin waxaad u dhawaan lahayd inaad u iilato xagooda wax yar. (75) Markaasaan ku dhadhansiin lahayn (Cadaab) Labanlaaban nolosha Adduun iyo Mid labanlaaban Geerida manahesheen gargaare. (76) Waxayna u dhawaadeen inay kaa argagixiyaan Dhulka inay kaa bixiyaan Markaas oyna nagaadeen Gadaashaada wax yar Mooyee. (77) Waana sunnada Rasuuladaan dirray Hortaa, una heli maysid Sunnadannada Wax dooriya (Leexin). (78) Oog salaadda markay Qorraxdu suusho Ilaa madawga Habeenka iyo Quraanka (Salaada) waabariga (subaxa) Quraanka waabariguna waa mid la Joogee (Malaa'igta). (79) Habeenkana Tahajud (Qaar tuka) isagoo Dheeraad kuu ah, Waxay u dhawdahay In Eebahaa kuu soo bixiyo maqaan la Mahadiyo (Shafeecada). (80) Waxaad dhahdaa Eebow i gali Meel galid run ah, ina bixi bixin runa, iigana Yeel agtaada Xujo gargaara. (81) Waxaad dhahdaa waxaa yimid Xaqii Waxaana tirtirmay Baadhilkii, Baadhilkiina wuxuu noqday mid la tirtiro. (82) Waxaana soo dajinaynaa Quraanka Isagoo caafimaad iyo Naxariis u ah Mu'miniinta, Daalimiintana uma siyaadiyo Waxaan Khasare ahayn. (83) Markaan u nicmaynno dadka wuu Jeedsadaa (xaqa ka fogaadaa) Haduu taabto dhibna wuu quustaa. (84) Waxaad dhahdaa cid kasta ha ku camal fasho jidkkeda (Diinteeda) Eebihiinbaa og Cidda jidkeedu hanuun badan yahaye. (85) Waxay ku warsan Ruuxda, dheh ruuxdu waa Amarka Eebahay Cilmina wax yarbaa la idin siiyay. (86) Haddaan doonno waanu la tagi kaan kuu Waxyoonay (Quraanka) Markaasna uma helaysid Korkannaga wakiil (gargaare). (87) Naxariista Eebahaa Mooyee illeen fadligiisu Korkaaga waa ku wayn yahaye. (88) Waxaad dhahdaa hadday u kulmaan Insi iyo Jinni inay la yimaadaan Quraankan oo Kale lama imaan karaan wax lamida Qaarkood qaar haba caawiyee. (89) Dhabaan ugu Cadaynay dadka Quraanka Tusaale kasta dadka badankiise wuu diiday Gaalnimo mooyee. (90) waxay dheheen Gaaladii )Makaad) ku rumayn mayno intaad nooga jeexdo Dhulka Ilo (Burqan). (91) ama kuu ahaan Beer Timir iyo Cinaba ood ku sii dayso dhexdeeda Wabiyo socda. (92) ama nagaga soo riddid Samada saad sheegatay, Goosimo iyadoo ah, ama u keentid Eebe iyo Malaa'igta si caddaana. (93) ama ku ahaado Guri dahaba ama ka kortid samada, kuna rumayn mayno koriddaada intaad noogaga soo dejisid kitaab aan Akhrino, waxaad dhahdaa Eebahaybaa nasahane ma waxaan bashar (Dad) Rasuula ahayn baan ahay. (94) Dadka uma diidin inay Rumeeyaan markuu xaqu u yimid oon ahayn inay dhahaan ma wuxuu soo bixiyaa Eebe Bashar (Dad) ah Rasuullo. (95) waxaad dhadaa hadday Dhulka yihiin Malaa'ig ku xasilloon (Degan) waxaan uga soo Dejin lahayn Samada Malag Rasuula. (96) waxaad dhahdaa Eebaa ugu filan Marag dhedeenna, isaguna waa ogaha arka Addoomadiisa. (97) Cidduu Eebe Hanuuniyo umbaa hanuunsan, cidduu Dhumiyana uma helaysid ugargaare Eebe ka soo hadhay, waxaana ku soo kulminaynaa Qiyaamada Wajigooda iyagoo Indho la' oo hadal la' oo Dhaga la', Hooygooduna waa Jahannamo, markastooy Dantana waxaan u siyaadinaa Shidi (Hurin). (98) taasina waa Abaalkooda ah inay ka gaaloobeen Aayaadkanaga, oy dheheen markaan lafo noqonno iyo burbur miyaa nala soo bixin Abuur Cusub. (99) miyeyna ogayn Eebaha Abuuray Samooyinka iyo Dhulka inuu karo inuu Abuuro wax la mida una yeelo muddo aan shaki lahayn, wayse diideen Daalimiintii Gaalimo mooyee (wax kale). (100) waxaad dhadaa idinku haddaad hanataan khasnadaha Naxariista Eebahay waad xajisan lahaydeen ka cabsi faqri, Dadku waa Bakhayl. (101) waxaan dhab u siinay (Nabi) Muuse sagaal Aayadood (Mucjiso) oo cad cad ee warso Binii Israa'iil markuu u yimid oo ku yidhi Fircoon waxaan kuu malayn Muusow mid la sixray. (102) wuxuuna yidhi (Nabi Muuse) waad ogtahay inuusan soo dejinin kuwaan waxaan Eebaha Samooyinka iyo Dhulka ahayn iyagoo xujooyin ah, anna waxaan kuu malayn Fircoonow mid la halaagi. (103) markaasuu doonay fircoon inuu ka kaxeeyo Dhulka markaasaan Maansheynay isagii iyo intii la jirtay dhammaan. (104) waxaana ku nidhi gadaashiis Banii Isra'iil dambane waanu idin keeni dhamaan. (105) xaqbaana ku soo dejinay Quraanka xaqbuuna ku soo degay, waxaana ku dirray adoo Bishaareeye u diga ah,. (106) waana Quraan oon u kala bixinnay (soo dejintiisa) inaad ku akhrido dadka kaadsiinyo, waana soo dejinay soo dejin Qaar Qaar ah. (107) waxaad dhahdaa rumeeya Quraanka ama ha rumeynina kuwa la siiyey cilmiga (kuwa fiican) marka lagu akhriyo korkooda waxay u dhacaan wajiga iyagoo Sujuudi, (108) waxayna dhihi waxaa Nasahan Eebahanno ee yabooha Eebahanno waa la fali (Imaan). (109) waxayna u dhacaan wajiga iyagoo ooyi wuxuuna u kordhiyaa «Quraanku» Khushuuc. (110) waxaad dhahdaa ama ku barya Ilaah, ama ku barya Raxmaan wax kasta ood ku baridaan wuxuu leeyahay magacyo fiican, ee ha la qaylyina Akhriskaaga (salaadda) hana qarsan ee doon jid u dhexeeya Arrintaas «dhexdehexaad». (111) waxaadna dhahdaa mahad Eebaa iska leh een Yeelanin Ilmo, una signayn shariig xukunkiisu (lawadaage) una sugnayn gargaare dulli dartiis (uga gargaare) ee waynee waynayn (Sharrif).

 

Al-Kahf

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Mahad Eebaa iska leh Eebaha ku soo Dejiyey Addoonkiisa (Nabi Muxamad ah) Kitaabka (Quraanka) oon yeelinna Dhexdiisa Qallooc. (2) Waana Toosanyahay si uu ugaga Digo Ciqaab daran oo Eebe Xaggiisa ka ahaatay, uguna Bishaareeyo Mu'miniinta fala Wanaagga inay Muteen Ajir Fiican. (3) Kuna Nagaanayaan (janada) Waligood. (4) Ugana Digo kuwa Yidhi wuxuu yeeshey Eebe Ilmo. (5) Uma laha wax Cilmi ah iyaga iyo Aabayaalkood midna, waxaana waynaatay Kalimad ka soo Baxday Afafkooda, mana dhahayaan waxaan Been ahayn. (6) Waxaad u Dhawdahay inaad ku (Halaagto) Naftaada Nabiyow Raadkooda (gadaashooda) haddayna rumeyn Quraankan, walbahaar dartiis. (7) Waxaan ka yeellay waxa Dhulka Korkiisa ah Quruxdiisa, si aan u Imtixaanno Midkooda Fiican-Camal. (8) Waxaana ka yeelaynaa waxa korkeeda ah Bannaan aan wax ka soo Bixin. (9) Ma waxaad u malaysay Nabiyow Godkii Asaxaabtiisii (Dadkiisii) iyo Kitaabkii (iyo Looxii) inay ugu yaab badantahay Aayaadkanaga. (10) Waa markay u Dummeen Dhallinyaradu Godka oy dhaheen Eebow naga sii Agtaada Naxariis noona Darab Amarkanaga Hanuun. (11) Markaasaan ku Siidaynay Hurdo Godka dhexdiisa Sanooyin Badan. (12) Markaasaan soo Bixinnay si aan u Muujinno Labada Xizbi midkooda Kobid Badan intay Nagaadeen Muddo. (13) Anagaa kaaga Qisoon warkooda si Xaq ah, waxay ahaayeen Dhallinyaro rumeeyey Eebehood, waxaana u siyaadinay hanuun. (14) waxaan xoojinay (oon adkayna) quluubtooda, oyna dhaheen Eebehanno waa Eebeha Samaawaadka iyo Dhulka, baryinamayno (Caabudimayno) Ilaah ka soo hadhay, waxaan ku hadalay markaas hadal Xun (oo baadil ah). (15) Kuwaasu waa qoomkanagii waxay yeesheen Eebe ka sokow ilaahyo, mey u keenaan korkooda wax xujo cad ah, yaase ka dulmi badan ruux ku abuurtay Eebe dushiisa been. (16) markaad ka fogaataan gaalada iyo waxay caabudi oo Eebe ka soo hadhay u dunma godka wuxuu idiin fidin Eebihiin naxariise idinkanadarbi amarkiinna waxaad ku istareexdaan kuna kala saartaan xumaanta iyo wanaagga. (17) waxaad arkaysaa Qorraxda oo markay Dhalato uga iilan Godkooda xagga Midig, markay dhicina ka Gooyn xagga bidix iyagoo ku sugan Meel Waasac ah oo Godka, taasina waxay ka mid tahay Aayaadka Eebe, Ruuxuu hanuuniyo Eebe unbaa hanuunsan, Ruuxuu Dhumiyana u helimaysid Gargaare hanuuniya. (18) Waxaad u malayn inay soo jeedaan iyagoo Jiifa, waxaana u gagadin Midig iyo Bidix, Eygoodiina wuxuu ku fidin Dhudhumadiisa Albaabka, haddaad aragto waad ka jeedsanlahayd, adoocarari waxaana lagaa buuxinlahaa Xagooda Argagax. (19) Saasaana u soo bixinay inay is warsadaan dhexdooda, wuxuu yidhi mid ka mid ah imisaad nagaateen, waxay dhaheen waxaan nagaannay Maalin ama maalin qaarkeed, waxay dhaheen Eebeheenbaa og waxaad nagaateen ee ladira midkiin lacagtan xagga Magaalada, hana soo fiiriyo Cid Cunno xalaalaysan * hana idiinka Keeno Rizqi hana isqariyo (oo istartiibiyo) yuuna idin ogeeysiin xaggooda ruuxna. (20) iyagu hadday idin arkaan way idin dhagaxyeyn, ama idinku Celin diintooda mana Liibaanaysaan markaas waligiin. (21) Saasaan u daalacsiinay (u tusinay) Dadka si ay u ogaadaan in yabooha Eebe Xaq yahay, saacadda (qiyaamana) aan shaki ku jirin (waxaan tusinay) markay ku murmeen dhexdooda amarkooda, oy (isku) dhaheen ka dhisa korkooda dhismo, Eebahood baa og iyagee, waxay dhaheen kuwii ku reeyey amarkooda aan ka yeelano korkooda Masaajid. (22) waxay dhihi waxay ahaayeen saddex waxaana afreeyey Eygoodii, waxay dhihi waxay ahaayeen shan waxaana lixeeyey eygoodii iyagoo iska gani wax maqan (iska dhihi cilmi la'aan) waxay dhihi waxay ahaayeen todobo waxaana siddeedeeyey eygoodii, waxaad dhahdaa Eebahay baa og tiradooda, mana oga wax yar mooyee, ee ha kula murmin xaalkooda muran muuqda oo fudud mooyee, hana waydiin xaggooda Ruuxna. (23) ha ku dhihin shaygaasaan fali barii. (24) (adoon dhihin) hadduu doono Eebe, xusna Eebahaa haddaad halmaanto, waxaadna dhahdaa wuxuu u dhawyahay inuu igu hanuuniyo Eebahay wax ka dhaw kaas oo toosni ah. (25) waxay ku nagaadeen godkoodii seddex boqol oo sano waxayna siyaadsadeen sagaal. (26) waxaad dhahdaa Eebaa og waxay nagaadeen waxaa u sugnaaday waxa ku maqan samooyinka iyo dhulka, arki ogaa oo maqli ogaa Eebe, umana sugnaanin Dadka isaga ka sokow gargaare lamana wadaajiyo xukunkiisa Cidna. (27) akhri (oo raac) waxa laguu waxyooday oo kitaabka Eebahaa ah, wax baddali kalimooyinkiisana ma jiro, mana helaysid wax ka sokeeya ood magangashid. (28) ee ku samirsii naftaada la jirka kuwa baryaya Eebahood aroor iyo galabba, iyagoo dooni wajigiisa, yeyna ka iilanin Indhahaagu xagooda adoo dooni quruxda nolosah dhaw (ee aduun) hana adeeein ruuxaan halmaansiinnay qalbigiisa Xusiddanada oo raacay hawadiisa uuna ahaaday amarkiisu xadgudub (iyo Xumaan). (29) waxaad dhahdaa xaqu Eebihiin buu ka ahaaday ee ciddii doonta ha gaalowdo, anagu waxaan u darabnay daalimiinta naar oy koobtay iyaga (barxadeedu) iyo darbigeedu, hadday kaalmo warsadaanna waxaa, loogu kaalmeeya biyo daamuur oo kale ah oo duba wajiyada iyagaa u xun cabbid iyadaana u xun dangiigsi. (30) Kuwa rumeeyey (Xaqa) oo camal fiican falay annagu ma hallayno Ciddii Wanaajisa Camalka. (31) Kuwaas waxay mudan janada Cadnin oo dureeri Dhexdeeda Wabiyaal, looguna Labisi Dhexdeeda Jijimo Dahab ah, una xidhay Maryo Caggaaran oo Xariir Jilicsan iyo mid adagba, waxayna ku Dangiigsan dhexdeeda Sariiro korkood, waa abaal marin Fiican una Wanaagsan meel lagu (istareexo) laguna nasto. (32) Uga yeel tusaalc Labo Nin oon u yeellay Midkood Laba Beerood oo Cinab ah, kuna koobnay Timir yeellayna Dhexdeeda Tallaal (beer). (33) Labada Beeroodba oy keentay Cunnadeedii, oyna waxba Nusqaamina, oon kana Dhambalay dhexdeeda Wabiyo. (34) Midhana uu leeyahay oo markaas ku yidhi Saaxiibkiis asagoo hadalka ku celcelin anaa kaa Xoolo badan Kaana Tol badan. (35) Wuxuu galay Beertiisii isagoo dulmiyey Naftiisa, wuxuu yidhi uma malaynayo inay Halaagsami Waligeed. (36) Umana Malaynayo in Saacadda (Qiyaame) kici, haddii lay celiyo Xagga Eebahayna waxaan ka heli mid ka khayrroon Noqoshada. (37) Wuxuu yidhi saaxiibkiisii isagoo la hadli ma waxaad ka gaaloowday Eebaha kaa Abuuray Carro, hadana dhibic markaas ku ekeeyey adoo nin ah. (38) hasa yeeshee ilaahay waa Eebahay lana wadaajiin maayo Eebahay (cibaadada) cidna. (39) maxaadan markaad gasho beertaada u dhihin wuxuu doone Eebe*, xoog ma jiro Eebe mooyee, haddaad aragtay anoo kaa yar adiga xoolo iyo Caruurba. (40) wuxuu u dhawyahay Eebehay inuu i siiyo wax ka khayr badan Beertaada, kuna diro korkeeda aafo samo, oy markaas ahaato bannaan lagu simbiririxoodo. (41) ama ahadaan biyaheedu kuwa gudha oodan karin doonid (soo celin). (42) waa la koobay midhihiisii (la halaagay) oo ahaaday kii gaddin gaemihiisa wuxuu ku bixiyey iyadoo ku dhacday darbiyadeeda, isagoo leh shalleytee maanan la wadaajin Eebahay Cidna. (43) uma ahaanin koox u gargaarta oo ka soo hadhay Eebe mana aha mid gargaarta. (44) halkaas (qiyaamada) yey awoodu u ahaan Eebaha xaqa ah, isagaana khayrroon abaal marin khayrroonna cidhib. (45) uga yeel Nabiyow tusaale nolosha Adduunyo Biyo oo kale oon ka soo dejinay samada oo isku darsamay waxa ka soo baxay dhulka oo markaas noqday ingayg kala firdhiso dabayluhu, wuxuuna ahaaday Eebe kii wax kasta kara. (46) xoolaha iyo wiilashu (caruurtu) waa quruxda nolosha adduunyo, kuwa hadha ee wanaagsan yaa ku khayrroon Eebahaa agtiisa abaalmarin una khayrroon yididiilo (camalka fiican). (47) xus maalinta aannu kaxayn buuraha ood arkayso dhulka oo muuqda, oon soo kulminay dadkii oonan ka tagin cidna. (48) waxaana loo banbhigi dadkii Eebahaa iyagoo saf ah, dhab ahaan yaad noogu timaadaan saan idiin abuuray markii horaba (yaa lagu dhihi) waxaadse sheegateen inaanaan idiin yeelayn ballan «kulama». (49) waxaana la dejin (keeni) Kitaabkii (camalka) waxaadna arkaysaa dambiilayaashii oo ka cabsan waxaa ku sugan oo dhihi halaaganee muxuu leeyahay kitaabkan oosan uga tagayn wax yar iyo wax wayn ee uu koobay wayna heli waxay camal faleen oo jooga, manadulmiyo Eebahaa cidna. (50) (xusuuso) markaan ku nidhi Malaa'igta u sujuuda Aadam, oo ay sujuudeen Ibliis mooyee, wuxuu ka mid yahay Jinniga wuxuuna ka faasiqoobay (baxay) amarka Eebe, miyaad ka yeelanaysaan isaga iyo faraciisa gargaare ani ka sokow iyagoo col idiin ah, waxaa u xun daalimiinta badelkooda (ibliis). (51) maraga ugama dhigin kuwaas abuurka Samooyinka iyo dhulka iyo abuurka Naftooda, mana ihi mid ka yeelan baadiyayaalka kaalmo. (52) (xusuuso) maalinta Eebe dhihi u yeedha kuwaad ila wadaajiseen (Cibaadada) ood sheegteen (adduunka) markaasay u yeedheen mana ajiibin (u jawaabin) waxaana yeellay dhexdooda Meel halaag. (53) waxayna arkaan dambiilayaashu naarta waxayna yaqiinsan inay ku dhici mana helayaan xageeda meelay uga iishaan. (54) dhab ahaan yaan ugu caddaynay quraankan dadka tusaale kasta, waxayna ahaadeen dadkii kuwo muran badan. (55) wax ka reebay dadka inay rumeeyaan markuu u yimid hanuunku oy dambi dhaaf warsadaan Eebahood ma jiro oon ahayn (sugid) inay u timaaddo waddadii kuwii hore, ama ugu yimaaddo cadaab caddaan. (56) mana dirro rasuullada iyagoon bishaaraynneyn oon digayn, waxayna ku murmi kuwii gaaloobay xumaan inay ku buriyaan xaqa, waxayna ka yeesheen aayaadkeygii iyo wixii loogu digay jeesjees. (57) ruuxna kama dulmin badana cid lagu waaniyey aayaadka Eebihiis markaas ka jeedsaday xageeda oo halmaamay waxay hormarsadeen gacmihiisu, waxaan yeellay quluubtooda dabool inayan fahmin quraanka dhagahooda culays haddaad ugu yeedho hanuunkana ma hanuunayaan waligood. (58) Eebahaa waa dambi dhaafe naxariisleh hadduu u qaban dadka waxay kasbadeen (oo xumaan) wuxuu u dadajin cadaabka, waxayse leeyihiin ballan oyna helayn meelay uga iishaan. (59) taasi waa magaalooyinkii oon halaagnay markay dulmi faleen waxaana u yeellay halaagoodii ballan (waqti). (60) (xusuuso) markuu ku yidhi (Nabi) Muuse yarkiisii (ardaygiisii) ma joogayo intaan ka gaadho kulanka labada Badood, amaan socdo muddo. (61) markay gaadheen kulankooda waxay halmaameen kalluunkoodii oo ka dhigtay waddadiisa badda dhexdeeda Godoo kale. (62) markay tallaabeen yuu ku yidhi khaadimkiisii ina sii qadadeenna waxaan kala kulannay safarkeenna daale. (63) wuxuu yidhi (yarkii) ka warran markaan u dumannay dhagixii inaan halmaamay kalluunkii wax i halmaansiiyey oon shaydaan ahayn inaan xusuusto ma jiro, wuxuuna ka dhigtay waddadiisa badda la yaab. (64) wuxuu yidhi (Nabi Muuse) kaasi waa kaan doonaynay, waxayna ku noqdeen raadkoodii iyagoo raaci. (65) waxayna ka heleen addoon ka mid ah addoomadanada oon siinay naxariis agtanada ah ka barneyna agtanada cilmi. (66) wuxuu ku yidhi muuse ma ku raaci karaa inaad i bartid waxa lagu baray oo hanuun ah. (67) wuxuuna ku yidhi (Khadir) adigu ma karaysid la jirkayga samir. (68) seed ugu samri waxaadan koobin cilmi (aqoon). (69) wuxuu yidhi (muuse) waad i heli hadduu Eebe doono mid ku samra oon kuguna caasiyin arrin. (70) wuxuu yidhi haddaad i raacdo hay waydiinin waxba intaan kaaga sheego (warramo). (71) way tageen intay ka koreen markab oo uu rujiyey (loox) markaas uu yidhi ma waxaad u rujisay inaad dadkeeda maansheyso waxaad la timid arrin la kahdo. (72) wuxuu ku yidhi miyaanan ku dhihin adigu ma karaysid la jirkayga samir. (73) wuxuu yidhi (muuse) ha iiqabanin waxaan halmaamay hana igu mashaqayn amarkayga si dhib ah. (74) way tageen intay kala kulmaan wiil (yar) markaasuu dilay, markaasuu yidhi Muuse ma waxaad dishay naf daahir ah oon naf dilin, waxaad la timid shay la kahdo.