Juz'  13

 

(53) mana bari yeelayo naftayda naftu waa farid Badanta Xumaanta Naxariis Eebahay mooyee Eebahayna waa dambi dhaafe naxariista. (54) wuxuu yidhi Xaakimkii ii keena Yuusuf gooni ha ii ahaadee (talinta) markuu La hadlayna wuxuu yidhi adigu maanta agtannada waxaad ku tahay Sharafle aamina. (55) wuxuuna yidhi Yuusuf iga yeel Masuulka Khasnadaha dhulka waxaan ahay aamin cilmi lehe. (56) saasaan u makaninay Yuusuf dhulka (Masar) kagana tasarufi oo degi meejuu doono, waxaan gaadhsiinnaa Naxariistanada ciddaan doonno mana dhuminaynno Ajirka samo falayaasha. (57) Ajirka aakhiraana u khayrroon kuwa rumeeyey (Xaqa) oo ah kuwa dhawrsada. (58) waxaana yimid Yuusuf Walaalihiis wayna u soo galeen wuuna aqoonsaday iyagoon garanayn. (59) markuu darbay rarkoodii u (oofiyey miisiddii) wuxuu ku yidhi ii keena Walaalkiinna Aabbe miyeydaan arkayn inaan oofiyo Kaylka «miiska» ahayna mid dejin fiican. (60) haddaydaan ii keeninna agtayda miisid kama helaysaan hana ii soo dhawaanina. (61) waxay dheheen waannu ka dalbi Aabbihiis waana falaynaa (sidaas). (62) wuxuuna ku yidhi dhallinyaradiisii yeela alaabtooda (Badeecadooda) rarka dhexdiisa si ay u aqoonsadaan markay ku noqdaan Ehelkoodii inay soo noqdaan. (63) Kolkay u noqden Aabahood waxay dhaheen Aabaw waa naloo diiday Beegidda (hadda kadib haduuna walaalkood raacin) ee nala dir Walaalkanno aan miisannee Annaguna waanu Ilaalin isagee. (64) Wuxuuna yidhi Miyaan idinku aamini karaa sidaan idiinku aaminay walaalkiis horay, Eebaa u khayrroon Dhawre waana Naxariis badane. (65) Markay fureen Alaabtoodii waxay ka heleen Badeecadoodii oo loo soo celiyay, Waxayna Dhaheen aabow maxaan rabnaa tani waa badeecadeenii oo laynoo soo celiyay Waxaanu u Shamadsanaynaa Ehelkeenna Waxaan ilaalinaynaa Walaalkanno waxaana korosanaynaa miisid riti Taasina waa beegid sahlan. (66) Wuxuuna yidhi (Yacquub) idinla diri maayo intaad Ballan Eebe iga siisaan inaad iikeenaysaan wiilka in laydin koobo mooyee, markay siiyeen Ballankiina wuxuu yidhi ilaahay waxaynu sheegi waa u WakiilShaahida. (67) Wuxuu yidhi Wiilashaydow ha ka galina (Magaalada) irrid kaliya ee ka gala irido kala Tagsan, Waxna idiinkama tarayo xagga Eebe, Amarka cidaan Eebe ahayn maleh, isagaan talo saartay isaga uun ha talo saarteen kuwa wax talo saaran. (68) Markay ka galeen meeju faray Aabahood ma ahayn wax Eebe xagiisa wax uga tari ee waxay ahayd Dan Nafta (Nabi) Yacquub ku sugnayd oo uu Gutay, isaguna wuxuu ahaa mid cilmi leh oon Barray dadka badankiise ma oga. (69) Markay u galeen Yuusuf wuxuu Dhaweeyay Walaalkiis Wuxuuna ku yidhi Anigu walaalkaabaan ahay ee haka Murugoon Waxay faleen. (70) Markuu darbay Safarkoodii wuxuu yeelay Galaaskii walaalkii Rarkiisa, Markas waxaa Dhawaaqay mid Dhawaaqi Safaryahaw Tuugaad Tihiin. (71) Waxayna dhaheen intay soo Qaabileen maxaad waydeen. (72) Waxayna dhaheen Saacii Xaakimka ciddi keentana wuxuu yeelan rar riti anaana kafiil u ah. (73) waxayna dheheen Eebaan ku dhaaranaye waad ogtihiin inaanaan u imaanin inaan fasaadinno Dhulka Tuugana aanaan ahayn. (74) waxayna dheheen (Qoomkii Yuusuf) waa maxay Abaalkiisu haddaad Been sheegaysaan. (75) waxay dheheen Abaalkiisu waa ruuxa laga helo rarkiisa saasaana ku abaal marinnaa Daalimiinta. (76) wuxuuna ka billaabay (Fatashihii Yuusuf) Alaabtoodii Walaalkii Alaabtiisa ka hor markaasuu ka soo bixiyey Weelkii Walaalkiis, saasaana u baray kaydkaas yusuuf mana ahayn mid ku waadan kara walaalkiis diinta Boqorka in Eebe doono mooyee, Waxaan kor yeelaa darajada ciddaan doono, Mid kastoo cilmi lehna waxaa ka Sarreeya cilmi badane (Eebe) (77) waxayna dheheen (Yuusuf Walaalihiis) hadduu xaday waxaa xaday mar hore Walaalkiis, markaasuu Yuusuf u Qarsaday Naftiisa oosan u muujin, wuxuuna yidhi idinkaa ka shar badan Eebana waa ogyahay waxaad sheegeeysaan. (78) waxayn dheheen wasiirow wuxuu leeyahay (Wiilku) Aabbo wayn oo oday ah ee qaado midkanno badalkiisa waxaan kugu aragnaa samo falee. (79) wuxuuna yidhi magan Eebe inaan waadanno midkaan ka hellay alaabtannadii agtiisa mooyee, markaas daaliminiinbaan noqonaynaa. (80) markay ka quuesteen yey kaliyoobeen iyagoo faqi wuxuuna yidhi kii u waynaa waad ogtihiin in aabbihiin ballan adag idinka waaday iyo inaad horay ugu xadgudubteen yuusuf anugu dhulkan kama tagayo inta Aabbahay iga idmi ama Eebe i xukumi isagaa Xukun fiicane. (81) wuxuun ku yidhi ku noqda Aabbihiin waxaadna dhahdaan Aabbow Wiilkaagii wuu xaday, mana furaynno waxaan ognaannay mooyee, mana nihin kuwo waxa maqan illaliya (og). (82) waydiina magaaladaan ahayn iyo safarkaan la soo noqonnay annaguna runbaannu sheegi. (83) wuxuuna yidhi saas ma aha ee waxay idiin qurxisay naftiinnu arrin (xaalkayguse) waa samir fiican wuxuu u dhawyahay Eebe inuu ii keeno dhammaan illeen isagaa oge falsan ehe. (84) wuuna iskaga jeedsaday xaggooda wuxuuna yidhi walbahaarkay Yuusufow waxayna la caddadeen indhihiisu Walbahaar wuxuuna noqday mid aad u tiiraanyeysan. (85) waxayna dheheen dhaar allee ma daynaysid sheegidda Yuusuf intaad ka tabar gabtid ama ka halaagsantid. (86) wuxuuna yidhi waxaan uun u sheegan xusnigayga iyo walbaharkayga Eebe, waxaana ka ogyahay xagga Eebe waxydaan ogayn. (87) (Wuxuu yidhi Yacquub) Wilashayow taga oo soo daydaya (Warkii) Yuusuf iyo Walaalkiis hana ka quusanina naxariista Eebe (Farajkiisa) kama quusto farajka Eebe qoom gaala ah mooyee. (88) markay u soo galeen Yuusuf waxay dheheen Wasiiryahow waxaa na taabtay annaga iyo Ehelkanagaba dhib waxaana la nimid badeeco liidata ee noo oofi dhammee Beegidda nuguna sadaqayso ilaahay wuxuu abaal mariyaa kuwa sadaqaystee. (89) wuxuuna ku yidhi ma ogtihiin waxaad ku fasheen Yuusuf iyo Walaalkiis idinkoo Jaahiliina. (90) waxayna dheheen oo adugu ma Yuusuf baa tahay wuxuu yidhi anugu Yuusuf baan ahay kanna waa Walaalkay Eebaa nagu mannaystay (Kulmin) illeen ciddii ka dhawrsata Eebe oo samirta Eebe ma dayaca Ajirka samofalayaashee. (91) waxay dheheen dhaar Eebee waxaa naga kiin doortay Eebe waana gafsanayn. (92) wuxuuna yidhi canaani korkiinna ma aha maanta, Eebe ha idiin dambi dhaafo isagaa Naxariis badane. (93) la taga qamiiskaygan kuna tuura Wajiga Aabbahay ha noqdo mid wax arkee iina keena Ehelkiinna dhammaan. (94) markuu safarkii soo baxay wuxuu yidhi Aabbahood anugu waxaan heli Yuusuf Dabayshiisii «Caraftiisii» haddaydaan i dhaliilayn. (95) waxayna dheheen adugu wali waxaad ku sugantahay gafkii hore, (Jacaylkii Yuusuf). (96) markuu yimid kii bishaaraynayey wuxuu ku tuuray (Qamiiskii) Wajiigiisa wuxuuna noqday mid wax arka, wuxuuna yidhi miyaanan idinku dhihin anugu waxaan ka ogahay xagga Eebe waxaydaan ogayn. (97) waxayna dheheen Aabbow nooga dhaafid warso dambigannaga waan gafsanayne. (98) wuxuuna yidhi waan idiinka dambi dhaaf warsandoonaa Eebahay isagaa dambi dhaafe Naxariista ehe. (99) Markay u galeen Yuusuf wuxuu isu dumay Labadiisii Waalid, Wuxuuna yidhi gala Masar Eebe hadduu Doono idinkoo aamina. (100) Wuxuuna u koryeelay labada waalid Kursigii, Waxayna ula hoobteen Sujuud, «Salaan» wuxuuna yidhi Aabbow waatan Fasirkii Riyadaydii horay, Wuxuu ka yeelay Eebahay Xaq (sugan) wuuna ii Wanaag falay Markuu iga soo Bixiyay Xabbiska idinkana keenay Baadiyaha Kadib intuu Shaydaan fasaadiyay ani iyo Walaalahay Dhexdanada Eebahayna waa u turaha wuxuu Doono waana Oge falsan. (101) Eebow waxaad i siisay Xukun Waxaadna i bartay Fasiraadda riyada, Eebaha abuuray Samooyinka iyo Dhulkow adaa wali (Gargaare) ii ah aduun iyo Aakhiroba ee i oofso anoo Muslim ah ina Haleeshii kuwa suuban. (102) Kaasi waa wararka wax Maqan Annagaana Kuu Waxyoon, Mana aadan ahayn Agtooda Markay kulmayeen Amarkoodii iyagoo Shirqooli, (103) Dadka badankiisna ma Rumaynayaan aad kuba Dadaashide. (104) Wax ujuura ahna kama Warsanaysid (Xaqa) waa uun waanada Caalamka. (105) Badanaa Calaamad samooyinka iyo Dhulka oo ay Marayaan iyagoo ka Jeedsan. (106) Mana rumaynayaan Badankoodu Eebe iyagoo la Wadaajin mooyee. (107) Ma waxay ka Aamin noqdeen inay u timaado MasiiboCadaabka Eebe ama ugu Timaado Saacaddu Kado iyagoo ogayn. (108) Dheh tan waa waddadayda (xaqa ah) Waxaana ugu yeedhi (dadka) Xagga Eebe anoo Ku sugan Xujo cad aniga iyo inta i raacda, Waxaana Nasahay Eebe, kamidna ma ihi Mushrikiinta. (109) Ma ahayn kuwii aan diray hortaa waxaan Rag loo Waxyoodo ahayn o Ehelka Magaalooyinka miyayna soconin Dhulka oo ay Fiiriyaan siday noqotay Cidhibta Kuwii ka horeeyay, Daarta Aakhiro yaana u khayrroon kuwii Dhawrsadayee Miyaydaan kasayn. (110) markay Quusteen Rasuuladii una Maleeyeen in la beeniyay waxaa U yimaadda gargaarkanaga waxaana korinaynaa ciddaan doono lagamana celiyo Ciqaabtannada Qoomka Danbiilayaasha ah. (111) Waxaa ugu sugan Qisadooda waano Kuwa Caqliga leh, mana aha Sheeko la Been abuurtay Waase urumayn wixii ka horeeyay (oo Kutubtii Xaqa ahayda) iyo Caddaynta Wax kasta iyo Hanuunka iyo Naxariista Ciddi Rumayn Xaqa.

 

Ar-Ra'd

Madinan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) Xarfaha hore oo kale waan soo Sheegnay Fasirkooda, Kuwaasna waa Aayaadkii Kitaabka (Quraanka), Waxaa lagaaga soo Dejiyay xagga Eebahaa waana Xaq Dadka Badankiise ma Rumaynin. (2) Eebe waa kan koryeela Samooyinka Tiir La'aan aad Aragtaan Markaas ku istiwooday Carshiga, Sakhirayna Qorraxda iyo Dayaxa Dhammaana waxay ku socdaan Muddo magacaaban, Eebaa maamula amarka Caddeeyana aayaadka Inaad la kulanka Eebihiin yaqiinsataan. (3) Eebe waa kan Fidiyay Dhulka Yeelayna Dhexdiisa buuro, iyo wabiyo Midho kastana ka yeelay Dhexdiisa laba nooc Wuxuuna ku Dadaa Habeenkii Maalinta, Arrintaasna Calaamooyin yaa ugu Sugan ciddii fikiri. (4) Dhulka waxaa ah Goosinno daris ah (isku dhaw) iyo Bustaan Cinaba iyo Beer iyo Timir oo Mataano ah iyo kuwo aan Mataano ahayn, laguna Waraabiyo Biyo kaliya Waxaana ku kala Fadilaynaa (Wanaajinaynaa) qaar qaarka kale Cunnada (Dhadhanka) Arrintaasna Calaamaa ugu Sugan Ciddii Wax kasi. (5) Haddaad yaabtana waxaa Yaaba Hadalkoodii Ahaa ma Markaan noqonno Carro yaa Markaas Abuur Cusub (Nala abuuri) Kuwaasi waa kuwa Luquntooda la Yeelay Katiinado waana kuwo Naarta Ehelkeeda ah Kuna Dhex waari. (6) Waxayna kaa Dedejisan Xumaan wanaag ka hor Iyadooy Tagtay Hortood tusaalayaal (Ciqaabeed) Eebahaana waa u danbi Dhaafaha dadka iyagoo Dulmi ku sugan Eebahaana waa Ciqaab darane. (7) waxay dheheen kuwii gaaloobay maxaa loogu soo Dejin waayey korkiisa Aayad xagga Eebihiis ka timid, adugu waxaad uun tahay Dige cid kastana waxay leedahay Hanuuniye. (8) Eebaa og waxay ku siddo uurka Dhaddig kasta, iyo waxay Ilmo galleennadu Nusqaamin, iyo waxay kordhin (Dhicis iyo Shin) wax kastana Eebe agtiisa Qaddar (Waqti) yuu leeyahay. (9) wuxuuna ogyahay wax maqan iyo waxa jooga waana weyne ka sarreeya (wax kasta). (10) waana isku mid kiinna qarsada hadalka iyo kiinna la qaylya, iyo kii isqariya habeenkii iyo kii Muujiya Maalintii. (11) wuxuuna leeyahay (Ruux kasta) kuwo ku isbedela (Malaa'ig) oo hortiisa iyo Gadaashiisa ah kuna dhawra amarka Eebe, Ilaahayna ma dooriyo wax dad ku suganyahay intay ka dooriyaan waxa naftooda ku sugan, markuu Eebe la doono Dad dhibna wax ka celin ma jiro, mana laha Eebe ka sokow Gargaare. (12) Eebe waa kan idin tusiya Hillaaca cabsi gelin iyo rajo gelin darteed, wuxuuna abuuraa daruurta culus. (13) wuxuuna la tasbiixsadaa onkadku Mahadda Eebe ku dheehan iyo Malaa'igtuna (waxay la tasbiixsan) Cabsida Eebe, wuxuuna diraa Danabyo wuxuuna ku ridaa cidduu doono, iyaguna waxay ku murmi Eebe isagoo ciqaabtiisu darantahay. (14) Eebe waxaa u Sugnaaday Baryo (iyo Cibaado) Xaqa, waxa ka soo hadhayna waxba uma ajiibaan (kuwa baryi) sida mid ku fidiyey Gacmihiisa Xagga Biyaha inay Afkiisa gaadhaan, mana gaadhayaan, Baryada Gaaladuna waxaan baadi ahayn ma aha. (15) waxaa Ilaahay u Sujuuda «u khuduuca» waxa ku sugan Samooyinka iyo Dhulka Ogolaansho iyo Qasab iyo Hooskooda aroor iyo Galbihiiba. (16) waxaad dhahdaa yaa ah Eebaha Samooyinka iyo Dhulka, waxaadna dhahdaa waa Eebe, waxaadna dhahdaa ma yeelanaysaan Eebe ka sokow Awliyo (gargaarayaal) oon u hananayn naftooda Nacfi iyo dhib midna, dheh ma egyihiin Indhoole iyo wax Arke, mase ehyihiin Mugdiyo iyo Nuur mise waxay u yeeleen Eebe Shuruko wax u Abuuray sida Abuurka Eebe oo waxaa isaga ekaaday Abuurkii, waxaad dhahdaa Eebaa wax kasta Abuuray waana kali awood badan. (17) wuxuu ka soo dejiyey Samada Biyo waxaana la durduray waadiyo Awooddood wuxuuna xambaartaa daadku daadxoor sarraysa, waxay dabka ku huriyaanna Doonid isku qurxin, ama alaabo waxaa ah abuur la mida, saasuuna Eebe ugu yeelan tusaale xaqa iyo Baadilka, Xumbaduse way tagi iyadoo ingagan waxa dadka anficise wuxuu ku nagaan dhulka, saasuuna Eebe u yeelaa Tusaalayaasha. (18) kuwa Eebahood ajiibay (Maqlay) waxaa u sugnaaday wanaag (janno) kuwaan ajiibin (maqlinna) hadduu u sugnaado wax dhulka ku sugan dhammaan oo wax la mida la jiro way isku furan lahaayeen kuwaasna waxaa u sugnaaday xisaab xun (daran) Hooygooduna waa Jahannamo iyadaana u xun gogol. (19) cid og in waxa laggaga soo dejiyey xagga Eebahaa uu xaq yahay ma la midbaa mid indho la', waxaa uun waantooma kuwa caqliga leh. (20) ee ah kuwa Oofiya ballanka Eebe oon burininna ballanka adag. (21) ee ah kuwa xidhiidhiya waxa Eebe faray in la xidhiidhiyo kana cabsada Eebahood kana cabsada xisaab xun. (22) ee ah kuwa u samray doonid wajiga Eebahood dartiis, oogayna Salaadda, kana bixiyey waxaan ku arzaaqnay qayb qarsoodi iyo muuqaalba, raacsiiyana wanaagga xumaanta, kuwaas cidhib fiican yaa u sugnaatay. (23) waxaana gali jannada cadnin iyaga iyo cidda suuban oo Aabbayaalkooda, Haweenkooda iyo caruurtooda, Malaa'igtuna waxay uga soo gali irid kasta. (24) iyagoo ku dhihi Nabadgalyo korkiinna ha ahaato samirkiinna dartiis waxaa wanaag badan cidhibta daarta (Janno). (25) kuwa buriya Ballanka Eebe adkayntiisa ka dib gooyana wuxuu faray Eebe in la xidhiidhiyo oo fasaadiyana dhulka kuwaas waxaa u sugnaaday Lacnad iyo Guri xun. (26) Eebaana u fidiya rizqiga cidduu doono kuna cidhiidhya (cidduudoono), waxayna ku farxeen gaaladii Nolosha Adduunyo, mana aha nolosha adduunyo Aakharo agteeda waxaan maalmo lahu raaxaysto ahayn. (27) waxay dhihi kuwii gaaloobay maxaa loogu soo dejin waayey korkiina Aayado Eebihiisa xaggiisa, waxaad dhahdaa Eebe wuu dhumiyaa ciduu doono (oo xaqa diida) wuxuuna u hanuuniyaa xagiisa ciddii u noqota. (28) ee ah kuwa rumeeyey Xaqa kuna xasishay Quluubtoodu xuska Eebe, xuska Eebayna ku xasishaa Quluubtu. (29) ee ah kuwa rumeeyey xaqa falayna camal suuban waxaana u sugnaaday khayr iyo Nicmo iyo Noqosho wanaagsan. (30) saasaan kuugu dirray Ummad ay tageen Ummado hortood inaad ku akhrido kaan kuu waxyoonay iyaguna waxay ka gaaloobi Eebaha Raxmaana, waxaad dhahdaa Eebe mooyee Illah kale ma jiro, isagaana tala saartay xagiisaana u noqon. (31) haddii Quraan dartiis buuro lala kaxayn, ama lala goyn dhulka ama lagula hadli Dadki dhintay (Wuxuu noqon lahaa Quraankan) amarkase Eebaa dhammaantiis iska leh, miyeyanse ogayn kuwa rumeeyey xaqu hadduu Eebe doonoinuu hanuunin lahaa Dadka dhammaan kamana tagaan kuwii gaaloobay (Xumaan) intay kaga dhacdo Musiibo waxay faleen Darteed ama degto meel ku dhaw guryahooda intuu ka yimaaddo Yaboohii Eebe, Illaah Ma baajiyo ballanka. (32) waxaa lagy Jees Jeesay Rasuullo ka horreeyey markaasaan sugay kuwii gaaloobay, ka dibna waan Qabtay ee siday noqotay ciqaabtaydii (Way darrayd). (33) cid ku ilaalin naf kastaa waxay kasbatay (Eebe) ma la midbaa midaan saas ahayn, waxayna u yeeleen Eebe Shurako dheh magacaaba, mise waxaad Eebe uga warramaysaan waxaan Eebe uga warramaysaan waxaan joogin Dhulka, mise hadal muuqaala, saas ma aha ee waxaa loo qurxiyey kuwii gaaloobay dhagartooda waxaana laga leexiyey Jidka, cid Eebe dhumiyeyna ma laha wax hanuunin. (34) waxayna mudan cadaab nolosha adduun, cadaabka aakhiraana daran mana u sugna wax Eebe ka Ilaalin. (35) tusaalaha (Tilmaanta) jannada loo darbay kuwa dhawrsada waa inay dhex socdaan Wabiyaalkii, Cunnadeeduna waa joogto iyo hooskeedu, taasina waa cidhibta kuwa dhawrsada cidhibta gaaladuna waa Naar. (36) kuwaan siinnay Kitaabka waxay ku farxaan waxa lagugu soo dejiyey, xisbiyada waxaa ka mida kuwo diidi Qaarkiis, waxaad dhahdaa waxaa uun lay faray inaan caabudo Eebe una shariig yeelin, xaggiisaan u yeedhi xaggiisaana u noqon. (37) saasaana kuugu soo dejinnay xukun Carabi ah, haddaad raacdo hawadoodana intuu cilmi ku soo gaadhay ka dib, kama helaysid xagga Eebe gargaare iyo dhawre. (38) waxaan dirray hortaa rasuullo waxaana u yeellay Haween iyo caruur, Rasuulna Mucjiso lama imaan karo idimka Eebe La'aantiis, muddo kastana way Qorantahay. (39) eebana wuu tiraa wuxuu doono wuuna sugaa, Agtiisana waxaa ah Looxul maxfuudka. (40) haddaan ku tusinno qaar waxaan u yaboohi (oo dulli ah waa saas) haddaanse ku Qofsanno waxaa uun korkaaga ah Gaadhsiin Anagana waxaa na saaran inaan xisaabinno. (41) miyeyna arkayn inaannu uga imaan dhulka darfaha anagoo nusqaamin furid (ama Abaar) Eebana wuu xukumi, wax burinna ma jiro xukunkiisa, waana midkay deg deg tahay xisaabtiisu. (42) waxaa wax dhagray kuwii ka horreeyey Eebaase abaal maris (Dhagar) iska leh dhammaan, wuxuuna ogyahay waxay kasban naf kasto, waxayna ogaan Gaaladu cidday u ahaato cidhib fiican. (43) waxayna dhihi kuwii Galoobay ma tihid Rasuul, waxaad dhahdaa waxaa marag ugu filan dhexdeenna Eebe iyo cidda agteed ogaanshaha Kitaabku yahay.

 

Ibrahim

Makkan

Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

 

(1) xarfaha hore oo kale waa la soo sheegay macnahooda, kanna waa Kitaab aannu kugu soo dejinnay inaad kaga bixisid dadka mugdiyada xagga Nuur idamka Eebehood iyo jidka Eebaha adkaada ee la Mahadiyo. (2) Ilaaha iska leh waxa Somooyinka iyo Dhulka ku sugan, halaagna waxaa mudan Gaalada cadaab daran xaggiis. (3) oo ah kuwa ka jecel nolosha adduun Aakhiro oo ka leexiya (Dadka) Jidka Eebe lana dooni Qallooc, kuwaasuna waxay ku suganyihiin Baadi fog. (4) Rasuul kuma dirro waxaan Afka Qoomkiisa ahayn si uu ugu caddeeyo, wuuna baadiyeeyaa Eebe cidduu doono inta xaqa loo caddeeyey ka dib, wuuna hanuunin cidduu doono, waana adkaade falsan. (5) waxaan la dirray (Nabi) Muuse Aayaadkannaga bixi Qookaaga Mugdiyada xagga Nuurka, kuna waani «xusuusi» Nicmooyinkii Ilaahay arrintaasna Aayaadbaa (Calaamooyin) ugu sugan samir badane, shugri badan dhammaantiis. (6) iyo markuu Nabi Muuse ku yidhi Qoomkiisa xusuusta Nicmada Eebe korkiinna markuu idinka koriyey Colkii Fircoon iyagoo idin dhadhansiin cadaab (Daran) Xun oo gawrici Wilashiinna oo dayn Gabdhihiinna (Dullaysi) arrintaasna waxaa ku sugnayd Balayo (Intixaam) Eebihiin oo wayn. (7) iyo markuu Eebihiin ogaysiiyey haddaad shugridaan waan idiin kordhin, haddaad gaalowdaanna cadaabkaygu waa daranyahay. (8) wuxuuna yidhi (Nabi) Muuse haddaad Gaalowdaan idinka iyo waxa ku sugan Dhulka dhammaan Eebe waa Hodan mahadsan. (9) miyuuna idin soo gaadhin warkii kuwii idinka horreeyey (oo ah) Qoomkii Nabi Nuux, Caad, Thamuud, iyo kuwii ka dambeeyey, ma oga (Tiradooda) Eebe mooyee, waxayna ula yimaadeen Rasuuladoodii xujooyin waxayna ku celiyeen Gacmahooda Afkooda (Way beeniyeen) waxayna dhaheen anagu waan ka gaalownay waxa laydinku soo diray annguna shakibaan kaga sugannahay waxaad noogu yeedhaysaan xaggiisa oo daran. (10) waxay dheheen Rasuuladoodii ma Eebaa shaki ku jiraa ee abuuray Samooyinka iyo Dhulka idiinkuna yeedhi inuu idinka dhaafo dambiyadiinna dibna idiin dhigo tan iyo muddo magacaaban, waxayna dheheen idinku ma tihiin waxaan bashar (Dad) nala mida ahayn, waxaadna doonaysaan inaad naga leexisaan waxay caabudi jireen Aabbayaalkanno noo keena xujo cad. (11) Rasuulladii waxay dheheen annagu ma nihin waxaan dad idin la mida ahayn, Eebaase ku mannaysta (khayr) cidduu doono oo addoomadiisa ka mida, xujana idiinma keeni karro idinka Eebe mooyee, Eebe uunna ha tala saarteen Mu'miniintu. (12) maxaanaan u talo saaranayn Eebe isagoo nagu hanuuniyey Jidkannaga, waana ku samraynaa waxaad nagu dhibaysaan Eebe uun ha talo saarteen kuwa talosaaran (Cid). (13) waxay ku dheheen kuwii gaaloobay Rasuulladoodii waxayna ku soo noqonaysaan (soo galaysaan) diintannda, wuxuuna u waxyooday Eebahood inuu halaago daalimiinta. (14) dajinna idinka dhulka kuwaas ka dib, arrintaasna waxaa heli ciddii ka cabsata la kulankayga oo ka cabsata gooddigayga. (15) wayna gargaar dalbeen waxaana khasaaray kibir badane madax adag dhammaantiis (xaq diid) (16) waxaana ka horraysa jahannamo waxaana laga waraabin Biyo carow ah (Dhaacaanka Ehelu Naarka). (17) wuuna ku margan mana ka degayo wuuna uga imaan Mawdku (Geeridu) meel kasta, mana dhimanayo, gadaashiisna waxaa ah cadaab adag. (18) kuwa ka gaaloobay Eebahood wuxuu la midyahay camlakoodu dambas ku darraatay «ku dhacday» dabayli maalin dabayl dhabasho daran, kama karaan (helaan) waxay Kasbadeen waxba, kaasina waa baadida fog uun. (19) miyeydaan arkayn in Eebe u abuuray Samooyinka iyo dhulka xaq, hadduu doonana idin tagsiin karo lana imaan karo khalqi cusub. (20) arrintaasina Eebe kuma adka. (21) waxayna dadku u soo bixi Eebe markaasay ku dhihi kuwii «raaciyadda» ahaa kuwii madaxda ahaa anagu idinkaan idin raacaynay ee wax ma nooga taraysaan cadaabka Eebe, waxayna dhahaan hadduu Eebe na hanuuniyo waan idin hanuunin lahayn, waa isugu mid korkeenna haddaan argagaxno ama samirnno (adkaysanno) ma helayno fakasho. (22) wuxuuna dhahaa shaydaankii marka amarka la xukumo, Eebe wuxuu idiin yaboohay yabooh xaq ah anna waan idiin yaboohay waana idinku beeniyey, wax xujo ahna idinkuma lahayn oon ahayn inaan idiin yeedhay ood i maqasheen ee hay dagaalina ee dagaala naftiinna anuguna idiinma gargaari karo idinna iima gargaari kartaan, anugu waan diiday waxaa ila wadaajiseen horay daalimiintuna waxay mudan cadaab daran. (23) waxaana la gelin kuwii rumeeyey xaqa oo camal fiican falay Jannooyin ay socoto dhexdeeda wabiyadii iyagoo ku dhex waari idanka Eebe dartiis soo dhawayskooduna dhexdeeda waa salaan. (24) ma ogtahay sida Eebe ugu yeelay Tusaale kalimada (Erayga) Fiican sida Geed wanaagsan oo laamaheediina samada (kor jiraan). (25) oo siisa (Bixisa) Cunnadeeda Waqti kasta idanka Eebaheed dartiis, wuuna u yeelada Eebe tusaayaal Dadka inay waantoomaan. (26) Kalimada (Erayga) xunna (Gaalnimada iyo xumaanta) waxay la mid tahay geed xun lagana rujiyey dhulka korkiisa oon sugnaan lahayn. (27) wuxuu ku sugaa Eebe kuwa rumeeyey xaqa Erayga sugan (ashaadada iyo xaqa) Nolosha adduun iyo Aakhiraba wuxuuna falaa Eebe wuxuu doono. (28) ma ogtahay kuwa ku badelay Nicmaddii Eebe Gaalnimo, Dejiyeyna qoomkoodii guri halaag. (29) Jahannamayna gali meel lagu sugnaadana iyadaa u xun (Jahannamo). (30) waxayna u yeeleen Eebe shariig inay ka dhumiyaan jidkiisa, waxaad dhahdaa raaxaysta ahaanshihiinnu waa Naare. (31) Ku dheh addoomadayda rumeeyey (Xaqa) ha oogeen salaadda hana ka Nafaqeeyeen waxaan ku arzaaqay qarsoodi iyo muuqba ka hor imaatin Maalin aan gadaho iyo saaxiib jirin (qiyaamada). (32) Eebe waa kan Abuuray samooyinka iyo dhulka kana soo dejiyey samada Biyo kuna soo bixiyey midho rizqigiinna dartiis, idiinna sakhiray doonta inay ku socoto badda amarka Eebe idiinna sakhiray Wabiyada. (33) idiinkuna sakhiray Qorraxda iyo Dayaxa si joogta ah idiinna sakhiray habeenka iyo Maalinta. (34) idinkana siiyey wax kastood warsataan, haddad tirisaanna Nicmada Eebana ma koobi Kartaan, dadse waa dulmi badane gaalnimo badan. (35) zusuusta markuu Nabi Ibraahim yidhi Eebow ka yeel baladkan (Maka) Aamin igana dheeree ani iyo caruurtayda inaan caabudno Sanamyada. (36) Eebow waxay dhumiyeen wax badan oo ciddii raacdana waa iga mid tii i caasidana adaa dambi dhaafe naxariista ah. (37) Eebow waxaan dejiyey caruurtaydii (Qaar) tog aan been lahayna oo ah Baydkaaga sharafta leh agtiisa Eebow inay Oogaan salaadda ee ka yeel Quluubta dadka tii u iilata xaggooda kuna arzaaq midho inay shugriyaan. (38) Eebow adugu waxaad ogtahay waxaannu qarin iyo waxaannu Muujin, kamana Qarsoona Eebe wax ba samada iyo dhulka (midna). (39) mahad Eebaa iska leh ee ah kan i siiyey anoo wayn Ismaaeiil iyo Isxaaq Eebahayna waa maqlaha baryada (ajiibe). (40) Eebow iga yeel mid ooga salaadda aniga iyo caruurtayda Eebow Aqbal baryadayda. (41) Eebow ii dambi dhaaf ani iyo Labadaydii Waalid iyo Mu'miniinta Maalinta ay kici xisaabtu (Qiyaamadu). (42) ha u malayn in Eebe halmaansanyahay waxay fali daalimiintu, wuxuu uun dib ugu dhigi maalin ay taagni dhexdiisa indhuhu. (43) oyna deg degi oo madax kor yeeli oosan soo noqonayn aragoodu (taagmi indhuhu) Quluubtooduna oy madhantahay «cabsi darteed». (44) uga did dadka maalintuu u iman cadaab oy odhan kuwii dulmi falay eebow dib noogu dhig muddo dhaw aan ajiibno yeedhidaadee oon raacno rasuuladee, miyeydaan ahayn kuwii ku dhaartay horay inaydaan tegayn. (45) oo degteen guryihii kuwii dulmiyey naftooda oo idiin caddaaday sidaan ku fallay iyagii oon idiin yeellay tusaalayaal. (46) iyagoo dhagar samayn Eebe agtiisaana Abaalka dhagartoodu yahay, dhagartooduna ma aha mid la suulaan (tagaan) Buuruhu. (47) ee ha u malayn in Eebe baajin u yabooha Rasuulladiisa illeen Ilaahay waa adkaade aarsadee. (48) Maalin Buuna (oofin) lagu bedeli dhulka Dhul kale iyo Samooyinkaba, waxaana loo soo bixi Eebaha kalida ah ee awoodda sara leh. (49) Waxaadna arkaysaa Danbiilayaashii oo Maalintaas lagu xidhiidhiyay (lays kulaxidhay) Biro (Naareed). (50) Dharkooduna (Qamiisyadoodu) waa Daamur (Naara) waxaana dabooli wajigooda naar. (51) inuu ka Abaal mariyo Eebe naf kasta Waxay kasbatay, Eebana way deg degtaa xisaabtiisu. (52) Quraankana waa gaadhsiin Dadka iyo in Loogu Digo iyo inay ogaadaan in Eebe Ilaah Kaliya uun Yahay, iyo inay waantooto Cidda Caqliga leh (Mu'miniinta).